< Ezechiela 26 >
1 W jedenastym roku, pierwszego [dnia] miesiąca, doszło do mnie słowo PANA mówiące:
Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisha maalinteedii kowaad Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2 Synu człowieczy, ponieważ Tyr mówił o Jerozolimie: Ha! Zniszczona została brama ludu, obróciła się do mnie. [Teraz] będę napełniony, [gdyż] ona jest spustoszona.
Wiilka Aadamow, Reer Turos wuxuu Yeruusaalem ku yidhi, Ahaa, tii dadyowgii iriddiisa ahaan jirtay way jabtay, oo anigay ii soo jeedday, oo haddana waan buuxsanaan doonaa, waayo, iyadu haatan waa cidla.
3 Dlatego tak mówi Pan BÓG: Oto [wystąpię] przeciwko tobie, Tyrze, i sprowadzę na ciebie wiele narodów, jak morze podnosi swoje fale.
Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Turosow, bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waxaan ka dhigi doonaa inay quruumo badanu kuugu soo kacaan siday baddu hirarkeeda u soo kiciso oo kale.
4 Zburzą mury Tyru i wywrócą jego wieże. Wymiotę z niego jego proch i uczynię go wierzchołkiem gładkiej skały.
Oo iyagu derbiyada Turos way baabbi'in doonaan, oo munaaradaheedana way dumin doonaan, oo ciiddeedana waan ka xoqi doonaa, oo dhagax diiran oo kale baan ka dhigi doonaa.
5 Stanie się miejscem suszenia sieci pośród morza, bo ja [to] powiedziałem, mówi Pan BÓG. Stanie się łupem narodów.
Oo waxay noqon doontaa meel shabagyo lagu wadho oo badda dhexdeeda ku taal, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay, oo booli bay quruumaha u noqon doontaa.
6 A jego córki, które [będą] na polu, zostaną zabite mieczem; i poznają, że ja jestem PANEM.
Oo gabdhaheeda berrinka joogana seef baa lagu wada layn doonaa; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
7 Tak bowiem mówi Pan BÓG: Oto sprowadzę z północy przeciwko Tyrowi Nabuchodonozora, króla Babilonu, króla królów, z końmi, rydwanami, jeźdźcami, oddziałami i z wielkim ludem.
Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan Turos ku soo kicin doonaa boqorka Baabuloon oo ah Nebukadresar boqorkii boqorrada, oo xagga woqooyi buu ka iman doonaa isagoo wata fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo rag fardooley ah, iyo guuto ciidan ah, iyo dad faro badan.
8 Twoje córki na polu zabije mieczem, zbuduje przeciwko tobie baszty, usypie przeciwko tobie wał i podniesie przeciwko tobie tarczę.
Oo isagu gabdhahaaga berrinka jooga seef buu ku wada layn doonaa, oo qalcado buu kuu samaysan doonaa, oo tuulmo buu kuu tuulan doonaa, oo gaashaan weyn ayuu kor kuugu qaadan doonaa.
9 Skieruje tarany przeciwko twoim murom i zburzy twoje wieże swymi młotami [wojennymi].
Wuxuu derbiyadaada ku tumi doonaa wax lagu jejebiyo, oo munaaradahaagana wuxuu ku dumin doonaa faasaskiisa.
10 Z powodu mnóstwa jego koni okryje cię ich kurz; od grzmotu jeźdźców, wozów i rydwanów zadrżą twoje mury, gdy wjedzie w twoje bramy, jak [wtedy, gdy] wjeżdża się do zburzonego miasta.
Oo fardihiisa badan aawadood ayaa boodhkoodu ku qarin doonaa, oo derbiyadaaduna waxay la gariiri doonaan ragga fardooleyda buuqooda, iyo giraangiraha iyo gaadhifardoodyada gurdankooda, markuu irdahaaga u soo galo sida rag u soo galo magaalo dhinac laga faruuray oo kale.
11 Kopytami swoich koni zdepcze wszystkie twoje ulice, twój lud zabije mieczem i twoje potężne słupy runą na ziemię.
Oo qoobabka fardihiisa ayuu jidadkaaga oo dhan kula tuman doonaa, oo dadkaagana seef buu ku wada layn doonaa, oo tiirarkaaga adadaguna dhulkay ku soo dhici doonaan.
12 Złupią twoje bogactwo i zrabują twoje towary, zburzą twoje mury i zniszczą twoje wspaniałe domy, a twoje kamienie, drewno i proch wrzucą do wody.
Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.
13 I sprawię, że ustanie głos twoich pieśni, a dźwięku twoich harf nie będzie już słychać.
Oo waxaan joojin doonaa qaylada heesahaaga, oo kataaradahaaga sanqadhoodana mar dambe lama maqli doono.
14 I uczynię cię wierzchołkiem gładkiej skały, staniesz się [miejscem] suszenia sieci i nie będziesz już odbudowany, bo ja, PAN, [to] powiedziałem, mówi Pan BÓG.
Waxaanan kaa dhigi doonaa sida dhagax diiran oo kale, oo waxaad noqon doontaa meel shabagyada lagu dul wadho, oo mar dambena dib laguuma dhisi doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga Ilaaha ah ayaa saas ku hadlay.
15 Tak mówi Pan BÓG do Tyru: Czy nie zadrżą wyspy na huk twego upadku, gdy ranni będą wołać, gdy będzie okrutna rzeź pośród ciebie?
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu reer Turos ku leeyahay, Markii kuwa dhaawaca ahu cabaadaan oo dad badan dhexdaada lagu laayo, sow jasiiraduhu sanqadha dhiciddaada kama gariiri doonaan?
16 Wtedy wszyscy książęta morscy zejdą ze swoich tronów, złożą z siebie swoje płaszcze i zdejmą swoje haftowane szaty. Przyobleką się w strach, usiądą na ziemi, będą drżeć nieustannie i zdumiewać się nad tobą.
Oo markaasay amiirrada badda oo dhammu carshiyadooda ka soo degi doonaan, oo waxay iska bixin doonaan khamiisyadooda, oo dharkooda daabaca lehna way iska saari doonaan, oo intay gariir xidhaan ayay dhulka fadhiisan doonaan, oo daqiiqad kastana way iska gariiri doonaan, wayna kula yaabi doonaan.
17 I podniosą lament nad tobą, i będą mówić do ciebie: Jakżeś zginęło, [miasto] zamieszkane z powodu [swej bliskości] do morza, miasto sławne, które było potężne na morzu, ono i jego mieszkańcy, którzy budzili grozę u wszystkich mieszkańców na morzu!
Oo baroor ayay kor kuugu qaylin doonaan, oo waxay kugu odhan doonaan, Magaaladii caanka ahayd, oo dadka badaha maraa ay degganaayeen, oo badaha ku xoog badnayd iyada iyo dadkeeda degganuba, oo kuwa ku hareeraysan oo dhan ka cabsiin jirtayay, sidee baad u ba'day!
18 Wtedy zadrżą wyspy w dniu twego upadku; tak, wyspy morskie zatrwożą się z powodu twego zginięcia.
Haddaba maalinta dhiciddaada gasiiraduhu way wada gariiri doonaan, hubaal gasiiradaha badda ku dhex yaallaa bixitinkaaga aawadiis ayay la argaggixi doonaan.
19 Tak bowiem mówi Pan BÓG: Gdy uczynię cię miastem spustoszonym jak miasta, w których nikt nie mieszka, [gdy] sprowadzę na ciebie głębinę, tak że przykryją cię wielkie fale;
Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan magaalo cidla ah kaa dhigo sida magaalooyinka aan ciduna degganayn oo kale iyo markaan moolka korkaaga ku soo daayo, oo ay biyo badanu ku daboolaan,
20 Gdy strącę cię do tych, którzy zstępują do dołu, do ludu dawnego, i umieszczę cię w najniższych stronach ziemi – w dawnych miejscach opustoszałych – z tymi, co zstępują do dołu, abyś nie było zamieszkane, [wtedy] pokażę sławę w ziemi żyjących.
markaasaan kula dejin doonaa kuwa yamayska ku dhaadhaca, kuwaasoo ah dadkii waayihii hore jiri jiray, oo waxaan dhulka meesha ugu hoosaysa, oo ah meelo waa hore cidloobay, kula fadhiisin doonaa kuwa yamayska ku dhaadhaca, si aan ciduna kuu degin, oo dalka kuwa noolna waxaan dhex dhigi doonaa sharaf.
21 Uczynię z ciebie postrach i przestaniesz istnieć; a choć będą cię szukać, nigdy cię nie znajdą, mówi Pan BÓG.
Waxaan kaa dhigi doonaa cabsi, oo innaba mar dambe siima aad jiri doontid. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo lagu doondoono kol dambe laguma heli doono.