< Ezechiela 15 >
1 Wtedy doszło do mnie słowo PANA mówiące:
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2 Synu człowieczy, w czym jest lepsze drzewo winogronowe od wszelkiego [innego] drzewa [albo] od latorośli, która jest wśród drzew leśnych?
Wiilka Aadamow, geedka canabku bal muxuu dhirta kale dheer yahay, amase laanta canabku maxay dhirta kaynta ku taal dheer tahay?
3 Czy weźmie się z niego drewno do zrobienia czegoś? Czy zrobią z niego kołek do zawieszania na nim jakiegoś naczynia?
Ma qoryaa laga goostaa in shuqul lagu samaysto? Miyaase dadku qodob ka goostaa si ay weel u sudhaan?
4 Oto w ogień rzuca się je na spalenie; ogień strawi oba jego końce, a środek jego jest zwęglony. Na co się [jeszcze] przyda?
Bal eeg, xaabo ahaan baa dabka loogu dhex tuuraa, oo dabka ayaa labadiisa madaxba dhammeeya, oo dhexdiisuna way gubataa. Miyuu in shuqul lagu qabsado wax u taraa?
5 Oto póki było całe, nic nie można było [z niego] zrobić. Tym bardziej gdy strawił je ogień i spaliło się, na nic się więcej nie przyda.
Bal eeg, markuu dhamaa shuqulna waxba uma tarayn, haddaba bal intee buu ka sii liitaa haatan oo uu dab dhammeeyey oo uu gubtay?
6 Dlatego tak mówi Pan BÓG: Jak wśród drzew leśnych jest drzewo winogronowe, które wydałem ogniowi na spalenie, tak też wydam mieszkańców Jerozolimy.
Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sidii geedka canabka ah oo ku dhex yaal dhirta kaynta, oo aan xaabo ahaan dabka u siiyey, sidaas oo kale ayaan dadka Yeruusaalem deggan u siin doonaa.
7 Zwrócę bowiem swoją twarz przeciwko nim; z jednego ognia wyjdą, a drugi ogień ich strawi. I poznacie, że ja jestem PANEM, gdy zwrócę swoją twarz przeciwko nim.
Oo wejigaygaan u soo jeedin doonaa. Dabkay ka dhex bixi doonaan laakiinse dabku wuu baabbi'in doonaa; oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga wejigayga u jeediyo.
8 I zamienię ich ziemię w spustoszenie, bo dopuścili się przestępstwa, mówi Pan BÓG.
Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dalkaan cidla ka dhigi doonaa, maxaa yeelay, iyagu way xadgudbeen.