< Rzymian 15 >
1 A tak powinniśmy znosić, my, którzyśmy mocni, mdłości słabych, a nie podobać się samym sobie.
Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin.
2 Przetoż każdy z nas niech się bliźniemu podoba ku dobremu dla zbudowania;
Midkeen kastaaba deriskiisa ha ka farxiyo inuu ku wanaagsanaado oo ku dhismo.
3 Ponieważ i Chrystus nie podobał się samemu sobie, ale jako napisano: Urągania urągających tobie przypadły na mię.
Waayo, Masiixiiba naftiisii kama uu farxin, laakiinse sida qoran, Caydii kuwii adiga ku caayay ayaa igu kor dhacday.
4 Bo cokolwiek przedtem napisano, ku naszej nauce napisano, abyśmy przez cierpliwość i przez pociechę Pism nadzieję mieli.
Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna, inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno.
5 A Bóg cierpliwości i pociechy niech wam da, abyście byli jednomyślni między sobą według Chrystusa Jezusa.
Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix,
6 Abyście jednomyślnie jednemi usty wysławiali Boga, Ojca Pana naszego Jezusa Chrystusa.
inaad isku qalbi iyo isku af ku ammaantaan Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix.
7 Przetoż przyjmujcie jedni drugich, jako i Chrystus przyjął nas do chwały Bożej.
Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano.
8 Bo powiadam, iż Jezus Chrystus był sługą obrzezki dla prawdy Bożej, aby potwierdził obietnice ojcom uczynione,
Waayo, waxaan idinku leeyahay, Masiixu wuxuu noqday kuwa gudan midiidinkooda, runta Ilaah aawadeed, inuu u xaqiijiyo ballamadii awowayaashii hore la siiyey,
9 A poganie żeby za miłosierdzie chwalili Boga, jako napisano: Dlatego będę cię wysławiał między pogany i imieniowi twemu śpiewać będę.
iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran, Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.
10 I zasię mówi: Weselcie się poganie z ludem jego.
Oo haddana wuxuu leeyahay, Quruumahow, la reyreeya dadkiisa.
11 I zasię: Chwalcie Pana wszyscy poganie, a wysławiajcie go wszyscy ludzie.
Oo haddana, Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow, Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga.
12 I zasię Izajasz mówi: Będzie korzeń Jessego, a który powstanie, aby panował nad pogany, w nim poganie nadzieję pokładać będą.
Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay, Waxaa jiri doona xididkii Yesay, Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha, Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan.
13 A Bóg nadziei niech was napełni wszelką radością i pokojem w wierze, abyście obfitowali w nadziei przez moc Ducha Świętego.
Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa.
14 A pewienem, bracia moi! i ja sam o was, że jesteście i wy sami pełni dobroci, napełnieni wszelką znajomością, i możecie jedni drugich napominać.
Oo aniga qudhayduna waxaan idiin hubaa, walaalahayow, inuu wanaag idinka buuxo, oo laydinka buuxiyey aqoon oo dhan, oo aad kartaan inaad iswaanisaan.
15 A pisałem do was, bracia! poniekąd śmielej, jakoby was napominając przez łaskę, która mi jest dana od Boga.
Laakiinse siyaalaha qaarkood dhiirranaan badan baan idiinku soo qoray inaan idin xusuusiyo, nimcadii xagga Ilaah layga siiyey aawadeed,
16 Na to, abym był sługą Jezusa Chrystusa między pogany, świętobliwie pracując w Ewangielii Bożej, aby ofiara pogan stała się przyjemna, poświęcona przez Ducha Świętego.
inaan dadka aan Yuhuudda ahayn u noqdo midiidinkii Ciise Masiix, anigoo shuqulka wadaadnimada u qabanaya injiilka Ilaah, in sadaqada dadka aan Yuhuudda ahayn la aqbalo, iyadoo quduus lagaga dhigay Ruuxa Quduuskaa.
17 Mam się tedy czem chlubić w Chrystusie Jezusie, w rzeczach Bożych.
Haddaba xagga Ciise Masiix waxaan leeyahay wax aan ku faano, waana wax ku saabsan Ilaah.
18 Albowiem nie śmiałbym mówić tego, czego by nie sprawował Chrystus przez mię w przywodzeniu ku posłuszeństwu pogan, przez słowo i przez uczynek,
Waayo, kuma dhici doono inaan waxba ka hadlo wixii Masiixii iga dhex shaqeeyey mooyaane, dadka aan Yuhuudda ahayn addeeciddooda aawadeed, oo uu igaga dhex shaqeeyey hadal iyo camal,
19 Przez moc znamion i cudów, przez moc Ducha Bożego, tak iżem od Jeruzalemu i okolicznych krain aż do Iliryku napełnił Ewangieliją Chrystusową;
oo uu ku sameeyey xoogga calaamooyinka iyo yaababka, iyo xoogga Ruuxa Quduuskaa, oo sidaasaan injiilka Masiixa ugu wada wacdiyey Yeruusaalem iyo hareeraheeda iyo ilaa Illurikon.
20 A to tak usiłując kazać Ewangieliję, gdzie i mianowany nie był Chrystus, abym na cudzym fundamencie nie budował.
Sidaasaan u hawaystay inaan injiilka ku wacdiyo meel aan Masiixa awil lagu magacaabin, si aanan ugu dul dhisin aasaaska nin kale dhigay.
21 Ale jako napisano: Którym nie powiadano o nim, oglądają; a którzy o nim nie słyszeli, zrozumieją.
Laakiinse, sida qoran, Waxaa arki doona kuwo aan warkiisu u iman, Kuwii aan maqlinuna waa garan doonaan.
22 Dlaczegom też często miewał przeszkody, żem do was przyjść nie mógł.
Sidaas daraaddeed marar badan baa layga hor joogsaday imaatinkii aan idiin iman lahaa;
23 Lecz teraz nie mam więcej miejsca w tych samych krainach, a mając chęć przyjść do was od wielu lat.
laakiinse haatan anigoo aan meelahakan meel dambe ku lahayn, oo idin boholyoobayay sannado badan inaan idiin imaado,
24 Kiedykolwiek pójdę do Hiszpanii, przyjdę do was: bo się spodziewam, że tamtędy idąc ujrzę was, a że wy mię tam poprowadzicie, kiedy się pierwej z wami troszeczkę ucieszę.
markaan Isbaanya tago waxaan rajaynayaa inaan sodcaalkayga idinku arko oo idinna aad halkaas iga ambabbixisaan, markaan cabbaar idinku raaxaysto dabadeed,
25 A teraz idę do Jeruzalemu, usługując świętym.
laakiinse haatan waxaan aadayaa Yeruusaalem inaan u adeego quduusiinta.
26 Albowiem się upodobało Macedonii i Achai, nieco spólnie złożyć na ubogich świętych, którzy są w Jeruzalemie.
Waayo, dadka Makedoniya iyo Akhaya waxay aad u jeclaysteen inay wax u ururiyaan masaakiinta ka midka ah quduusiinta Yeruusaalem joogta.
27 Owa podobało się im i są ich dłużnikami; bo ponieważ dóbr ich duchownych poganie się uczestnikami stali, powinni im też są cielesnemi usługiwać.
Way jeclaysteen, waana ku waajib inay sameeyaan. Waayo, dadka aan Yuhuudda ahayn hadday noqdeen kuwo ka qayb galay waxyaalahooda ruuxa, de markaas waxaa ku waajib ah iyaga inay ugu adeegaan waxyaalaha jidhka.
28 Przetoż gdy to wykonam, a onym jako zapieczętowany ten pożytek oddam, pójdę przez was do Hiszpanii;
Sidaas daraaddeed markaan tan dhammeeyo oo aan iyaga midhahan ku hubsado, idinkaan idin soo mari doonaa, anoo Isbaanya u socda.
29 A wiem, iż gdy przyjdę do was, z hojnem błogosławieństwem Ewangielii Chrystusowej przyjdę.
Oo waxaan ogahay markaan idiin imaado inaan ku iman doono buuxnaanta barakada Masiixa.
30 A proszę was, bracia! przez Pana naszego Jezusa Chrystusa i przez miłość Ducha, abyście wespół ze mną pracowali w modlitwach za mię do Boga,
Walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Rabbigeenna Ciise Masiix iyo jacaylka Ruuxa, inaad igula dadaashaan tukashooyinkiinna markaad Ilaah ii baridaan,
31 Abym był wybawiony od tych, którzy są niewiernymi w ziemi Judzkiej, a iżby usługa moja, którą wykonywam przeciw Jeruzalemowi, przyjemna była świętym;
in layga samatabbixiyo kuwa caasiyiinta ah oo Yahuudiya jooga, iyo in hawshayda aan Yeruusaalem u qabanayo ay noqoto mid ay quduusiintu aqbalaan;
32 Abym z radością przyszedł do was za wolą Bożą i z wami się wespół ucieszył.
inaan farxad idiinku imaado haddii Ilaah doonayo, oo aan idinla nasto.
33 A Bóg pokoju niech będzie z wami wszystkimi. Amen.
Ilaaha nabaddu ha idinla jiro kulligiin. Aamiin.