< Objawienie 8 >
1 A gdy otworzył siódmą pieczęć, stało się milczenie na niebie, jakoby przez pół godziny.
Oo haddana markuu furay shaabaddii toddobaad, intii nus saac ah waxaa samada ka dhacday aamusnaan.
2 I widziałem siedm onych Aniołów, którzy stoją przed obliczem Bożem, a dano im siedm trąb.
Markaasaan waxaan arkay toddobadii malaa'igood oo Ilaah hortiisa taagan, oo waxaa la siiyey toddoba buun.
3 A inszy Anioł przyszedł i stanął przed ołtarzem, mając kadzielnicę złotą; i dano mu wiele kadzenia, aby je ofiarował z modlitwami wszystkich świętych na ołtarzu złotym, który jest przed stolicą.
Oo haddana waxaa timid malaa'ig kale, oo waxay is-ag taagtay meeshii allabariga, iyadoo haysata idan dahab ah, oo waxaa la siiyey foox badan si ay ugu darto baryadii quduusiinta oo dhan oo ay ugu shiddo meeshii allabariga oo dahabka ahayd oo carshiga hortiisa tiil.
4 I wstąpił dym kadzenia z modlitwami świętych z ręki Anioła przed obliczność Bożą.
Oo qiiqii fooxa oo ay baryadii quduusiintu la socoto ayaa wuxuu ka baxay gacantii malaa'igta oo wuxuu kor u aaday Ilaah hortiis.
5 I wziął Anioł kadzielnicę i napełnił ją ogniem z ołtarza, i zrzucił ją na ziemię, i stały się głosy i gromy, i błyskawice, i trzęsienie ziemi.
Markaasaa malaa'igtii waxay qaadatay idankii, oo waxay ka buuxisay dabkii meesha allabariga, kolkaasay waxay ku tuurtay dhulka; markaasaa waxaa dhacay onkod, iyo codad, iyo hillaac, iyo dhulgariir.
6 A onych siedm Aniołów, którzy mieli siedm trąb, nagotowało się, aby trąbili.
Markaasaa toddobadii malaa'igood oo toddobada buun haystay waxay isu diyaariyeen inay ka dhawaajiyaan.
7 I zatrąbił pierwszy Anioł i stał się grad i ogień zmieszany ze krwią; i zrzucono to na ziemię, a trzecia część drzew zgorzała i wszelka trawa zielona spalona jest.
Malaa'igtii kowaad ayaa ka dhawaajisay, markaasaa waxaa soo dhacay roob dhagaxyaale iyo dab dhiig ku dhex qasan yahay, oo waxaa lagu tuuray dhulka; markaasaa dunida saddex meelood oo meeli gubatay, oo dhirtana saddex meelood oo meel baa gubatay, oo cawskii qoyanaa oo dhammuna waa gubtay.
8 Potem zatrąbił wtóry Anioł, a jakoby góra wielka ogniem pałająca wrzucona jest w morze i obrócona jest w krew trzecia część morza.
Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii labaad, markaasaa waxaa badda lagu tuuray wax le'eg buur weyn oo dab ka ololayo; markaasaa baddii saddex meelood oo meel baa dhiig noqotay;
9 I pozdychała w morzu trzecia część rzeczy stworzonych, które miały duszę i trzecia część okrętów zginęła.
oo waxaa halkaas ku dhintay uunkii badda ku jiray oo nafta lahaa saddex meelood oo meel, oo doonniyihiina saddex meelood oo meel baa la baabbi'iyey.
10 I zatrąbił trzeci Anioł i spadła z nieba gwiazda wielka, gorejąca jako pochodnia, i upadła na trzecią część rzek i na źródła wód.
Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii saddexaad, markaasaa waxaa samada ka soo dhacday xiddig weyn oo sidii laambadeed u ololaysa, oo waxay ku dul dhacday webiyaasha saddex meelood oo meel, iyo ilihii biyaha ahaa;
11 A imię onej gwiazdy zowią piołunem; i obróciła się trzecia część wód w piołun, a wiele ludzi pomarło od onych wód, bo się stały gorzkie.
oo xiddigta magaceedana waxaa la yidhaahdaa Qadhaadh; oo biyihiina saddex meelood oo meel baa qadhaadh noqotay; dad badanuna wuxuu ku dhintay biyihii, maxaa yeelay, qadhaadh baa laga dhigay.
12 Potem zatrąbił czwarty Anioł, a uderzona jest trzecia część słońca i trzecia część księżyca, i trzecia część gwiazd, tak iż się trzecia część ich zaćmiła, i trzecia część dnia nie świeciła, także i nocy.
Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.
13 I widziałem, i słyszałem jednego Anioła lecącego przez pośrodek nieba, mówiącego głosem wielkim: Biada, biada, biada mieszkającym na ziemi dla innych głosów trąby trzech Aniołów, którzy zatrąbić mają!
Haddana waxaan arkay oon maqlay gorgor dhex duulaya samada isagoo cod weyn ku leh, Waxaa hoogay oo hoogay oo hoogay kuwa dhulka deggan, sababtuna waa buunanka dhawaaqooda hadhay oo saddexda malaa'igood ay dhowaan ka dhawaajin doonaan.