< Objawienie 16 >
1 I słyszałem głos wielki z kościoła, mówiący siedmiu Aniołom: Idźcie, a wylejcie siedm czasz zapalczywości Bożej na ziemię.
Markaasaan maqlay cod weyn oo macbudkii ka yeedhaya, oo toddobadii malaa'igood ku leh, Taga, oo toddobada fijaan oo cadhada Ilaah ku jirto dhulka ku shuba.
2 I wyszedł pierwszy Anioł, a wylał czaszę swoję na ziemię; i wyrzucił się zły i szkodliwy wrzód na ludzi, którzy mieli piętno bestyi i na tych, którzy się kłaniali obrazowi jej.
Markaasaa waxaa tagtay middii kowaad, oo waxay fijaankeedii ku shubtay dhulka, oo wuxuu dadkii sumaddii bahalka lahaa oo caabuday sanamkiisii u noqday boog xun oo halis ah.
3 I wylał wtóry Anioł czaszę swoję na morze, i stało się jakoby krew umarłego, a każda dusza żywa zdechła w morzu.
Oo tii labaadna fijaankeedii waxay ku shubtay badda; markaasay baddii noqotay sidii nin dhintay dhiiggiis oo kale, oo waxyaalihii ku noolaa oo dhammu way wada dhinteen.
4 I wylał trzeci Anioł czaszę swoję na rzeki i źródła wód, i obróciły się w krew.
Oo tii saddexaadna waxay fijaankeedii ku shubtay webiyaashii iyo ilihii biyaha ahaa; oo waxay noqdeen dhiig.
5 I słyszałem Anioła wód mówiącego: Sprawiedliwyś jest, Panie! któryś jest i któryś był, i święty, żeś to rozsądził.
Kolkaasaan maqlay malaa'igtii biyaha oo leh, kan jira oo jirayow, adigu xaq baad tahay, adiga Quduuska ahow, maxaa yeelay, sidaasaad wax u xukuntay;
6 Ponieważ krew świętych i proroków wylewali, dałeś im też krew pić; bo tego są godni.
waayo, iyagu waxay daadiyeen dhiiggii quduusiintii iyo nebiyadii, oo adiguna waxaad ka waraabisay dhiig; waayo, way istaahilaan.
7 I słyszałem drugiego od ołtarza mówiącego: Zaiste, Panie, Boże wszechmogący! prawdziwe i sprawiedliwe są sądy twoje.
Oo haddana waxaan maqlay meeshii allabariga oo leh, Haah, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, waxaa run iyo xaq ah xukummadaada.
8 Potem czwarty Anioł wylał czaszę swoję na słońce, i dano mu moc trapić ludzi gorącością ognia.
Oo tii afraadna waxay fijaankeedii ku shubtay qorraxda; oo waxaa qorraxdii la siiyey amar ay dadka ku gubto.
9 I byli upaleni ludzie gorącością wielką, i bluźnili imię Boga, który ma moc nad temi plagami; wszakże nie pokutowali, aby mu chwałę dali.
Markaasaa dadkii waxaa lagu gubay kulayl weyn, oo waxay caayeen magicii Ilaaha belaayooyinka u taliya, oo ma ay toobadkeenin inay isaga ammaanaan.
10 Tedy wylał piąty Anioł czaszę swoję na stolicę bestyi; i stało się królestwo jej zaćmione, i żwali języki swoje od boleści.
Oo tii shanaadna waxay fijaankeedii ku shubtay carshigii bahalka; boqortooyadiisiina way madoobaatay, oo iyana xanuun aawadiis ayay carrabkoodii la ruugeen,
11 I bluźnili Boga niebieskiego dla boleści swoich i dla wrzodów swoich; wszakże nie pokutowali z uczynków swoich.
oo xanuunkoodii iyo nabrahoodii aawadood waxay caayeen Ilaaha samada, oo shuqulladoodiina kama ay toobadkeenin.
12 I wylał szósty Anioł czaszę swoję na onę wielką rzekę Eufrates i wyschła woda jej, aby zgotowana była droga królom od wschodu słońca.
Oo tii lixaadna waxay fijaankeedii ku shubtay webiga weyn oo Yufraad; oo biyihiisiina way engegeen, in jidka loo diyaariyo boqorrada ka imanaya qorrax ka soo bax.
13 I widziałem z ust smokowych i z ust bestyi, i z ust fałszywego proroka trzy nieczyste duchy wychodzące, podobne żabom.
Markaasaan arkay saddex jinni oo nijaas ah oo ka soo baxaya masduulaagii afkiisii, iyo bahalka afkiisii, iyo nebigii beenta ahaa afkiisii, oo waxay u ekaayeen rahyo;
14 Albowiem są duchy dyjabelskie, czyniące cuda, które wychodzą do królów ziemi i na wszystek okrąg świata, aby ich zgromadzili na wojnę onego wielkiego dnia Boga wszechmogącego.
waayo, waxay ahaayeen ruuxyo jinniyo oo calaamooyin samaynaya, kuwaas oo u taga boqorrada dunida oo dhan inay u soo ururiyaan dagaalka maalinta weyn oo Ilaaha Qaadirka ah.
15 Oto idę jako złodziej: Błogosławiony, który czuje i strzeże szat swoich, aby nie chodził nago i nie widziano sromoty jego.
(Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)
16 I zgromadził ich na miejsce, które zowią po żydowsku Armagieddon.
Oo iyana waxay boqorradii ku soo ururiyeen meesha afka Cibraaniga lagu yidhaahdo Armageddoon.
17 Tedy wylał siódmy Anioł czaszę swoję na powietrze; i wyszedł głos wielki z kościoła niebieskiego od stolicy, mówiący: Stało się.
Oo tii toddobaadna waxay fijaankeedii ku shubtay hawada; markaasaa macbudkii waxaa ka soo baxay cod weyn oo ka yimid carshiga xaggiisa, wuxuuna lahaa, Way dhammaatay.
18 I stały się głosy i gromy, i błyskawice; i stało się wielkie trzęsienie ziemi, jakiego nigdy nie było, jako są ludzie na ziemi, trzęsienia ziemi tak wielkiego.
Markaasaa waxaa dhacay hillaac iyo codad iyo onkod; oo waxaa dhacay dhulgariir weyn oo aan weligiis isagoo kale la arag intii dad dhulka joogay, oo wuxuu ahaa dhulgariir aad u weyn oo aad u xoog badan.
19 I stało się ono miasto wielkie na trzy części rozerwane, i miasta narodów upadły; i Babilon on wielki przyszedł na pamięć przed obliczem Bożem, aby mu dał kielich wina zapalczywości gniewu swojego.
Oo magaaladii weynaydna waxaa loo kala qaybiyey saddex meelood, oo magaalooyinkii quruumuhuna way wada dumeen; oo Baabuloontii weynaydna waxaa laga xusuustay Ilaah hortiisa in iyada la siiyo koobkii khamriga xanaaqa cadhadiisa.
20 I wszystkie wyspy uciekły, i góry nie są znalezione.
Oo gasiirad kastaaba way carartay, buurihiina lama helin.
21 I wielki grad jako cetnarowy spadł z nieba na ludzi, i bluźnili ludzie Boga dla plagi gradu, iż plaga jego była bardzo wielka.
Oo waxaa samada ka soo daatay oo dadka ku soo dul daatay roob dhagaxyaale, oo dhagax kastaba miisaankiisu le'eg yahay talanti; markaasaa dadkii waxay Ilaah u caayeen belaayadii roob dhagaxyaalaha aawadeed, maxaa yeelay, belaayadiisu aad bay u weynayd.