< Jeremiasza 45 >

1 Słowo, które mówił Jeremijasz prorok do Barucha, syna Neryjaszowego, gdy pisał te słowa w księgi z ust Jeremijaszowych roku czwartego za Joakima, syna Jozyjasza, króla Judzkiego, mówiąc:
Kanu waa eraygii uu Nebi Yeremyaah kula hadlay Baaruug ina Neeriiyaah markuu erayadan kitaab kaga qoray afkii Yeremyaah, taasoo ahayd sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Baaruugow,
2 Tak mówi Pan, Bóg Izraelski, o tobie, Baruchu!
Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu kugu leeyahay,
3 Rzekłeś: Biada mnie teraz! bo Pan przyczynia żałości do bolaści mojej; upracowałem się w wzdychaniu mojem, a odpoczynku nie znajduję.
Adigu waxaad tidhi, Anigaa iska hoogay haatan, waayo, Rabbigu xanuunkaygii murug buu iigu sii daray. Taahiddaydii, waan la daalay, oo innaba nasasho ma aan helin.
4 Tak rzeczesz do niego: Tak mówi Pan: Oto com zbudował, Ja rozwalam, a com wszczepił, Ja wyrywam, i tę wszystkę ziemię.
Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.
5 A ty sobie szukasz rzeczy wielkich? Nie szukaj. Bo oto Ja przywiodę złe na wszelkie ciało, mówi Pan: ale tobie dam duszę twoję w korzyści na wszelkich miejscach, dokądkolwiek pójdziesz.
Ma nafsaddaadaad waxyaalo waaweyn u doondoonaysaa? Ha doondoonin, waayo, bal ogow, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu masiibaan binu-aadmiga oo dhan ku soo dejin doonaa, laakiinse meel alla meeshii aad tagtidba naftaadaan booli ahaan kuu siin doonaa.

< Jeremiasza 45 >