< Galacjan 4 >
1 Mówię tedy: (bracia!) Pokąd dziedzic jest dziecięciem, nic nie jest różny od sługi, panem będąc wszystkiego;
Laakiin waxaan leeyahay, Inta midka dhaxalka lahu ilmo yar yahay, waxba kama duwana addoon in kastuu yahay sayidka wax walba,
2 Ale jest pod opiekunami i dozorcami aż do czasu zamierzenia ojcowskiego.
laakiinse wuxuu ka hooseeyaa kuwa ilaaliya iyo wakiillo ilaa maalintii aabbihiis ka ballamay.
3 Także i my, gdyśmy byli dziećmi, pod żywioły świata byliśmy zniewoleni.
Sidaas oo kale innagu markaynu carruur ahayn, waxaa ina addoonsan jiray waxyaalaha aasaaska ah ee dunida;
4 Lecz gdy przyszło wypełnienie czasu, posłał Bóg onego Syna swego, który się urodził z niewiasty, który się stał pod zakonem,
laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay,
5 Aby tych, którzy pod zakonem byli, wykupił, żebyśmy prawa przysposobienia za synów dostąpili.
inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo.
6 A iżeście synowie, przetoż posłał Bóg Ducha Syna swego w serca wasze, wołającego Abba, to jest Ojcze.
Oo wiilashiisa aad tihiin daraaddeed ayaa Ilaah u soo diray Ruuxa Wiilkiisa qalbiyadeenna dhexdooda, isagoo dhawaaqaya oo leh, Aabbow.
7 A tak już więcej nie jesteś niewolnikiem, ale synem; a ponieważ synem, tedy i dziedzicem Bożym przez Chrystusa.
Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.
8 Aleć naonczas nie znając Boga, służyliście tym, którzy z przyrodzenia nie są bogowie.
Laakiinse markii aydnaan Ilaah garanayn, waxaad addoommo u ahaydeen kuwo aan ilaahyo ahayn xagga dabiicadda.
9 A teraz poznawszy Boga, owszem i poznani będąc od Boga, jakoż się zaś nazad wracacie ku żywiołom mdłym i mizernym, którym zasię znowu służyć chcecie?
Laakiin haatan idinkoo Ilaah gartay ama Ilaah idin gartay, sidee baad mar kale ugu noqotaan waxyaalaha aasaaska oo miskiinnimada ah, tabartana daran, kuwa aad jeceshihiin inaad mar kale addoommo u noqotaan?
10 Przestrzegacie dni i miesiące, i czasy, i lata.
Waxaad dhawrtaan maalmo, iyo bilo, iyo xilliyo, iyo sannado.
11 Boję się o was, bym snać darmo nie pracował około was.
Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.
12 Bądźcie jako ja, gdyżem i ja jest jako wy, bracia! proszę was. W niczemeście mnie nie ukrzywdzili.
Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn.
13 Bo wiecie, żem w słabości ciała wam z przodku Ewangieliję opowiadał.
Laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey.
14 A pokuszenia mego, które było w ciele mojem, sobie nie lekceważyliście, aniście niem gardzili, aleście mię jako Anioła Bożego przyjęli i jako Chrystusa Jezusa.
Waxa ku saabsan jidhkayga oo idin jirrabay ma aydnaan quudhsan, mana aydnaan nicin, laakiin waxaad ii aqbasheen sidii malaa'ig Ilaah, xataa sidii Ciise Masiix.
15 Jakież tedy było błogosławieństwo wasze? albowiem wam daję świadectwo, iż, by była rzecz można, dalibyście mi byli wyłupiwszy oczy wasze.
Haddaba meeday farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd.
16 Takżem się stał nieprzyjacielem waszym, prawdę wam mówiąc?
Haddaba cadowgiinnii miyaan noqday runta aan idiin sheego aawadeed?
17 Pałają ku wam miłością nie dobrze, owszem chcą was odstrychnąć, abyście ich miłowali.
Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan.
18 A dobrać rzecz, pałać miłością w dobrem zawsze, a nie tylko, gdym jest obecnym u was.
Waa wanaagsan tahay in aad loo doondoono wixii wanaagsan had iyo goorba, oo ayan ahayn markaan idinla joogo oo keliya.
19 Dziatki moje! (które znowu z boleścią rodzę, ażby Chrystus był wykształtowany w was),
Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo.
20 Chciałbym teraz być u was i odmienić głos mój, ponieważ wątpię o was.
Waxaan jeclaan lahaa inaan haatan idinla joogo oo aan codkayga beddelo, waayo, waan idinka shakiyayaa.
21 Powiedzcie mi, którzy pod zakonem chcecie być, nie słuchacież zakonu?
Kuwiinna doonaya inay sharciga ka hooseeyaanow, ii sheega. Sharciga miyeydnaan maqlin?
22 Albowiem napisane, iż Abraham miał dwóch synów, jednego z niewolnicy, a drugiego z wolnej.
Waayo, waxaa qoran in Ibraahim laba wiil lahaa, kii uu addoonta ka dhalay iyo kii uu naagta xorta ah ka dhalay.
23 Lecz ten, który był z niewolnicy, według ciała się urodził, a który z wolnej, według obietnicy.
Laakiin kii addoontu xagga jidhkuu ka dhashay, naagta xorta ah keediise ballan buu ku dhashay.
24 Przez co znaczą się insze rzeczy; albowiem te są one dwa testamenty; jeden z góry Synajskiej, który rodzi w niewolę; a ten jest jako Agar.
Waxyaalahanu waa masaal, waayo, dumarkanu waxay ka dhigan yihiin laba axdi, mid Buur Siinay buu ka yimid isagoo u dhalaya addoonnimo, taasu waa Haagaar.
25 Albowiem Agar jest góra Synaj w Arabii, a stosuje się do niej teraźniejsze Jeruzalem; bo jest w niewoli z dziatkami swojemi.
Haagaartanu waa Buur Siinay oo Carabiya ku taal, oo waxay ka dhigan tahay Yeruusaalemta haatan joogta; waayo, waa la addoonsaday iyada iyo carruurteedaba.
26 Lecz ono górne Jeruzalem wolne jest, które jest matką wszystkich nas.
Laakiinse Yeruusaalemta sare waa xor, waana hooyadeen.
27 Albowiem napisano: Rozwesel się niepłodna, która nie rodzisz; porwij się, a zawołaj, która nie pracujesz w porodzeniu; bo ta opuszczona wiele ma dziatek, więcej niż ta, która ma męża.
Waayo, waxaa qoran, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay; Kala bax oo mashxarad, taada aan foolanay; Waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh kuweeda.
28 My tedy, bracia! tak jako Izaak, jesteśmy dziatkami obietnicy.
Innaguna, walaalayaalow, waxaynu nahay carruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale.
29 Ale jako na on czas ten, który się był urodził według ciała, prześladował tego, który się był urodził według ducha, tak się dzieje i teraz.
Laakiin markaas kii jidhka ka dhashay wuxuu silciyey kii Ruuxa ka dhashay, haatanna waa sidaas oo kale.
30 Ale co mówi Pismo? Wyrzuć niewolnicę i syna jej; albowiem nie będzie dziedziczył syn niewolnicy z synem wolnej,
Laakiin maxaa Qorniinku leeyahay? Addoonta iyo wiilkeedaba eri, waayo, wiilka addoontu dhaxal la wadaagi maayo wiilka naagta xorta ah.
31 A tak, bracia! nie jesteśmy dziećmi niewolnicy, ale wolnej.
Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, innagu ma nihin addoon carruurteed, laakiinse waxaynu nahay naagta xorta ah carruurteed.