< Dzieje 14 >

1 I stało się w Ikonii, że także weszli do bóżnicy żydowskiej, a tak mówili, że uwierzyło i Żydów, i Greków wielkie mnóstwo.
Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay.
2 Lecz Żydowie, którzy nie uwierzyli, podburzyli i zajątrzyli serca pogan przeciwko braciom.
Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii.
3 I byli tam przez długi czas, bezpiecznie mówiąc w Panu, który dawał świadectwo słowu łaski swojej i czynił to, że się działy znamiona i cuda przez ręce ich.
Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan.
4 I rozerwało się mnóstwo miejskie, a byli jedni z Żydami a drudzy z Apostołami.
Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii.
5 A gdy się wzburzyli i poganie, i Żydzi z książęty swoimi, aby je zelżyli i ukamionowali:
Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan,
6 Zrozumiawszy to, uciekli do miast Likaońskich, do Listry i do Derby, i do okolicznej krainy,
ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan;
7 A tam kazali Ewangieliję.
meeshaasna ayay injiilka ku wacdiyeen dadka.
8 A mąż niektóry w Listrze chory na nogi siedział, będąc chromy z żywota matki swojej, który nigdy nie chodził.
Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon.
9 Ten słuchał Pawła mówiącego; który nań pilnie patrząc i widząc, iż miał wiarę, żeby mógł być uzdrowiony,
Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay,
10 Rzekł wielkim głosem: Stań prosto na nogi twoje; i wyskoczył i chodził.
wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday.
11 A lud widząc, co Paweł uczynił, podnieśli głos swój, mówiąc po likaońsku: Bogowie stawszy się podobni ludziom, zstąpili do nas.
Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg.
12 I nazwali Barnabasza Jowiszem, a Pawła Merkuryjuszem, ponieważ on prowadził rzecz.
Barnabasna waxay u bixiyeen Yubiter; Bawlosna waxay u bixiyeen Merkuriyos, maxaa yeelay, wuxuu ahaa kii hadalka waday.
13 Tedy kapłan Jowisza, który był przed miastem ich, woły z wieńcami do wrót przywiódłszy, chciał ofiary z ludem sprawować.
Markaasaa wadaadkii Yubiter oo macbudkiisu ku yiil magaalada horteeda, wuxuu irdaha keenay dibiyo, iyo ubaxyo isku taxan, wuxuuna doonayay inuu dadkii badnaa la sadqeeyo.
14 Co gdy usłyszeli Apostołowie Barnabasz i Paweł, rozdarłszy szaty swoje, wpadli między lud, wołając,
Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya
15 I mówiąc: Mężowie! cóż to czynicie? I myśmyć ludzie, tymże biedom jako i wy poddani, którzy wam opowiadamy, abyście się od tych marności nawrócili do Boga żywego, który uczynił niebo i ziemię i morze, i wszystko co w nich jest.
oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
16 Który za przeszłych wieków dopuszczał wszystkim poganom, aby chodzili za drogami swemi.
kaasoo qarniyada tegey quruumaha oo dhan u oggolaaday inay jidadkooda ku socdaan.
17 Aczkolwiek nie zaniechał samego siebie prócz świadectwa, czyniąc dobrze, dawając nam z nieba dżdże i czasy urodzajne, napełniając pokarmem i weselem serca nasze.
Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad.
18 A to mówiąc, zaledwie uspokoili lud, że im nie ofiarował.
Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.
19 A nadeszli z Antyjochyi i z Ikonii Żydowie, którzy namówiwszy lud i ukamionowawszy Pawła, wywlekli za miasto, mniemając żeby umarł.
Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.
20 Lecz gdy go uczniowie obstąpili, wstawszy wszedł do miasta, a nazajutrz odszedł z Barnabaszem do Derby.
Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.
21 A opowiedziawszy Ewangieliję onemu miastu i wiele uczniów pozyskawszy, wrócili się do Listry, do Ikonii, i do Antyjochyi;
Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh,
22 Utwierdzając dusze uczniów i napominając, aby trwali w wierze, i mówiąc: Że przez wiele ucisków musimy wnijść do królestwa Bożego.
iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah.
23 A gdy im przez głosy postanowili starsze w każdym zborze i modlili się z postami, poruczyli je Panu, w którego uwierzyli.
Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.
24 A przeszedłszy Pisydyję, przyszli do Pamfilii.
Markaasay sii dhex mareen Bisidiya oo yimaadeen Bamfuliya.
25 I opowiedziawszy słowo Boże w Pergi, poszli do Atalii.
Oo kolkay ereyga kaga hadleen Berga ayay waxay tageen Ataliya;
26 A stamtąd płynęli do Antyjochyi, skąd byli oddani łasce Bożej ku tej sprawie, którą wykonali.
meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis.
27 A gdy tam przyszli i zgromadzili zbór, oznajmili, co Bóg przez nie uczynił, a iż poganom drzwi wiary otworzył.
Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn.
28 I mieszkali tam czas niemały z uczniami.
Markaasay wakhti aan yarayn xertii la joogeen.

< Dzieje 14 >