< I Koryntian 11 >
1 Bądźcie naśladowcami moimi, jakom i ja Chrystusowy;
Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo.
2 A chwalę was, bracia! iż pamiętacie wszystkie moje nauki, a jakom wam podał, podania trzymacie.
Waxaan idinku ammaanayaa inaad wax walba igu xusuusataan oo aad u xagsataan cilmiga sidaan idiinku sheegay.
3 A chcę, abyście wiedzieli, iż każdego męża głową jest Chrystus, a głową niewiasty mąż, a głową Chrystusową Bóg.
Laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan inuu Masiixu yahay madaxa nin kasta, ninkuna inuu yahay madaxa naagta, Ilaahna inuu yahay madaxa Masiixa.
4 Każdy mąż, gdy się modli albo prorokuje z przykrytą głową, szpeci głowę swoję.
Nin kasta oo tukada ama wax sii sheega isagoo madaxa wax u saaran yihiin, madaxiisuu ceebeeyaa.
5 I każda niewiasta, gdy się modli albo prorokuje, nie nakrywszy głowy swojej, szpeci głowę swoję; boć to jedno, a toż samo jest, jakoby ogolona była.
Oo naag kasta oo tukata ama wax sii sheegta iyadoo aan gambaysnayn, madaxeeday ceebaysaa. Waayo, waxay la mid tahay sidii iyadoo madax xiiran.
6 Albowiem jeźli się nie nakrywa niewiasta, niechże się też strzyże; a jeźli szpetna rzecz jest niewieście, strzyc się albo golić, niechże się nakrywa.
Naag haddaanay gambaysnayn, timaha ha loo jaro, laakiin hadday ceeb ku tahay naag in loo jaro ama in loo xiiro, ha gambaysato.
7 Albowiem mąż nie ma nakrywać głowy, gdyż jest wyobrażeniem i chwałą Bożą; ale niewiasta jest chwałą mężową.
Nin waa inuusan madaxa dedan, waayo, ninku wuxuu yahay u-ekaanta iyo ammaanta Ilaah; naagtuna waxay tahay ammaanta ninka.
8 Bo mąż nie jest z niewiasty, ale niewiasta z męża.
Waayo, ninku xagga naagta kama uu iman, laakiin naagtuse xagga ninka ayay ka timid.
9 Albowiem mąż nie jest stworzony dla niewiasty, ale niewiasta dla męża.
Maxaa yeelay, ninka looma abuurin naagta aawadeed, laakiin naagtase ninka aawadiis ayaa loo abuuray.
10 A przetoż niewiasta powinna mieć władzę na głowie dla Aniołów.
Taas aawadeed naagtu waxay leedahay inay madaxeeda ku lahaato astaanta amarka, malaa'igaha aawadood.
11 A wszakże mąż nie jest bez niewiasty, ani niewiasta nie jest bez męża w Panu.
Hase ahaatee, xagga Rabbiga naagtu waxba ma aha ninka la'aantiis, ninkuna waxba ma aha naagta la'aanteed.
12 Albowiem jako niewiasta z męża jest, tak też mąż przez niewiastę; jednak wszystkie rzeczy są z Boga.
Waayo, sida naagtu ninka uga timid ayaa ninkuna naagta uga dhashay, wax kastana xagga Ilaah bay ka yimaadeen.
13 Sami u siebie rozsądźcie, przystoili niewieście bez nakrycia modlić się Bogu?
Idinkuba ka fiirsada. Ma u eg tahay naagta inay Ilaah barido iyadoo aan gambaysnayn?
14 Azaż was i samo przyrodzenie nie uczy, iż mężowi, gdyby włosy zapuszczał, jest mu ku zelżywości?
Dabiicadda qudheedu miyaanay idin barin in ninku hadduu timo dheer leeyahay ay maamuusdarro u yihiin isaga,
15 Ale niewiasta, jeźli zapuszcza włosy, jest jej ku poczciwości, przeto iż jej włosy dane są za przykrycie.
laakiin naagtu hadday timo dheer leedahay, waa u sharaf iyada. Waayo, timaha waxaa iyada loo siiyey hagoog.
16 A jeźliby się kto zdał być swarliwym, my takiego obyczaju nie mamy, ani zbory Boże.
Laakiin haddii nin u eg yahay mid ilaaq jecel, caadadaas oo kale annagu ma lihin, kiniisadaha Ilaahna ma laha.
17 A to opowiadając nie chwalę, że się nie ku lepszemu, ale ku gorszemu schodzicie.
Anigoo tan idin faraya, idin ammaani maayo, waayo, isuguma timaadaan waxa roon, ee waxaad isugu timaadaan waxa daran.
18 Albowiem najprzód, gdy się wy schodzicie we zborze, słyszę, iż rozerwania bywają między wami, i poniekąd wierzę.
Horta haddaba waxaan maqlay inaad iskala qaybisaan markaad kiniisadda isugu timaadaan, badhna waan rumaysanahay.
19 Bo muszą być kacerstwa między wami, aby ci, którzy są doświadczeni, byli jawnymi między wami.
Waayo, dhexdiinna waa inay jiraan waxyaalo idinkala sooco in kuwa loo bogay ay idinka dhex muuqdaan.
20 Gdy się wy tedy wespół schodzicie, nie jest to używać wieczerzy Pańskiej.
Sidaa daraaddeed markaad isu timaadaan, isuguma timaadaan inaad cashada Rabbiga cuntaan.
21 Albowiem każdy wieczerzę swoję pierwej zjada i jeden łaknie, a drugi jest pijany.
Waayo, mid kasta cashadiisuu kan kale ka hor cunaa, mid waa gaajaysan yahay, midna waa sakhraansan yahay.
22 Azaż domów nie macie do jedzenia i do picia? Albo zborem Bożym gardzicie i zawstydzacie tych, którzy nie mają? Cóż wam rzekę? Pochwalęż was? W tem nie chwalę.
Sow ma lihidin guryo aad wax ku cuntaan oo wax ku cabtaan? Mise kiniisadda Ilaah baad fududaysanaysaan, oo aad kuwa aan waxba haysan ceebaynaysaan? Maxaan idinku idhaahdaa? Ma waxanaan idinku ammaanaa? Idinku ammaani maayo!
23 Albowiem jam wziął od Pana, com też wam podał, iż Pan Jezus tej nocy, której był wydan, wziął chleb,
Waayo, Rabbigaan ka helay wixii aan idiin dhiibay, taasoo ah, in Rabbi Ciise habeenkii la gacangeliyey uu kibis qaaday,
24 A podziękowawszy, złamał i rzekł: Bierzcie, jedzcie; to jest ciało moje, które za was bywa łamane; to czyńcie na pamiątkę moję.
oo markuu ku mahadnaqay ayuu jejebiyey oo yidhi, Tanu waa jidhkaygii laydiin jejebiyey, tan u sameeya inaad igu xusuusataan.
25 Także i kielich, gdy było po wieczerzy mówiąc: Ten kielich jest nowy testament we krwi mojej; to czyńcie, ilekroć pić będziecie, na pamiątkę moję
Sidaas oo kalena cashada dabadeed ayuu qaaday koobkii, isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub ee dhiiggayga. Tan u sameeya inaad igu xusuusataan mar alla markaad cabtaan.
26 Albowiem ilekroć byście jedli ten chleb i ten kielich byście pili, śmierć Pańską opowiadajcie, ażby przyszedł.
Waayo, mar alla markaad kibistan cuntaan oo aad koobkan cabtaan, waxaad muujinaysaan dhimashada Rabbiga ilaa uu yimaado.
27 A tak, kto by jadł ten chleb, albo pił ten kielich Pański niegodnie, będzie winien ciała i krwi Pańskiej.
Taas aawadeed ku alla kii kibista u cuna ama koobka Rabbiga u cabba si aan istaahilin, jidhka iyo dhiigga Rabbigu dushiisay noqon doonaan.
28 Niechże tedy człowiek samego siebie doświadczy, a tak niech je z chleba tego i z kielicha tego niechaj pije.
Nin kastaa ha is-imtixaamo, oo sidaas kibista wax ha uga cuno, oo koobka ha uga cabbo.
29 Albowiem kto je i pije niegodnie, sąd sobie samemu je i pije, nie rozsądzając ciała Pańskiego.
Waayo, kii cuna oo cabba, xukun ayuu naftiisa u cunaa oo u cabbaa isagoo aan jidhka garanaynin.
30 Dlatego między wami wiele jest słabych i chorych, i niemało ich zasnęło.
Sababtaas aawadeed ayay badidiinnu u itaal daranyihiin, oo u bukaan, oo qaar aan yaraynu u dhinteen.
31 Bo gdybyśmy się sami rozsądzali, nie bylibyśmy sądzeni.
Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen.
32 Lecz gdy sądzeni bywamy, od Pana bywamy ćwiczeni, abyśmy z światem nie byli potępieni.
Markii layna xukumo, Rabbiga ayaa ina edbiya, inaan laynala xukumin dunida.
33 Ale tak, bracia moi! gdy się schodzicie ku jedzeniu, oczekiwajcie jedni drugich.
Taa aawadeed, walaalahayow, markaad isugu timaadaan inaad wax cuntaan, isa suga.
34 A jeźli kto łaknie, niechże je w domu, abyście się na sąd nie schodzili. A inne rzeczy, gdy przyjdę, postanowię.
Nin uun hadduu gaajoodo, gurigiisa wax ha ka soo cuno, inaydnaan xukun isugu iman. Intii kale waxaan hagaajin doonaa markaan imaado.