< خروج 37 >

بِصَلئیل، صندوق عهد را از چوب اقاقیا که درازای آن یک متر و ۲۵ سانتی متر و پهنا و بلندی آن هر کدام هفتاد و پنج سانتی متر بود، ساخت. 1
Oo Besaleel wuxuu sanduuqii ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.
بیرون و درون آن را با طلای خالص پوشانید و نواری از طلا دور لبهٔ آن کشید. 2
Markaasuu gudaha iyo dibaddaba kaga dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.
برای صندوق چهار حلقه از طلا آماده کرد و آنها را در چهار گوشهٔ قسمت پایین آن متصل نمود، یعنی در هر طرف دو حلقه. 3
Kolkaasuu wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah oo afartiisa rukun ee hoose ku yaal; oo laba siddoba dhinac buu kaga dhejiyey, dhinaca kalena laba siddo buu kaga dhejiyey.
سپس دو چوب بلند از درخت اقاقیا ساخت و آنها را با طلا پوشاند. 4
Wuxuuna ulo ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.
برای برداشتن و حمل صندوق، چوبها را در داخل حلقه‌های دو طرف صندوق گذاشت. 5
Markaasuu ulihii wuxuu geliyey siddooyinkii sanduuqa dhinacyadiisa ku yiil, si sanduuqa loogu qaado.
سرپوش صندوق یعنی تخت رحمت را به درازای یک متر و ده سانتیمتر و پهنای هفتاد سانتیمتر، از طلای خالص درست کرد. 6
Markaasuu wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey dabool, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.
سپس دو مجسمهٔ کروبی از طلا بر دو سر تخت رحمت ساخت. 7
Markaasuu laba keruub ka sameeyey dahab la tumay, oo daboolkii labadiisa madax ayuu ka taagay.
کروبی‌ها را بر دو سر تخت رحمت طوری قرار داد که با آن یکپارچه شد. 8
Keruub wuxuu ka sameeyey madax, keruubkii kalena wuxuu ka sameeyey madaxa kale; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolkii wuxuu ka wada sameeyey isku waslad.
مجسمهٔ کروبی‌ها، روبروی هم و نگاهشان به طرف تخت و بالهایشان بر بالای آن گسترده بود. 9
Oo keruubiimtuna meel sare ayay baalashooda ka soo kala bixiyeen, oo daboolkay baalashooda ku qariyeen, wejiyadooduna way iska soo hor jeedeen; oo keruubiimta wejiyadoodu waxay ku soo jeedeen daboolka.
آنگاه بِصَلئیل، میز نان حضور را از چوب اقاقیا به درازای یک متر و پهنای نیم متر و بلندی ۷۵ سانتی متر ساخت. 10
Miiskana qori qudhac ah ayuu ka sameeyey, oo dhererkiisu wuxuu ahaa laba dhudhun, ballaadhkiisuna dhudhun, sarajooggiisuna dhudhun iyo badh,
آن را با روکشی از طلای خالص پوشانید و قابی از طلا بر دور تا دور لبهٔ آن نصب کرد. 11
oo wuxuu ku dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuuna u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.
حاشیهٔ دور لبهٔ میز را به پهنای چهار انگشت درست کرد و دور حاشیه را با قاب طلا پوشانید. 12
Oo wuxuu u yeelay qar le'eg calaacal ballaadhkeed oo ku wareegsan, oo qarkiina wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wada wareegsan.
همچنین چهار حلقه از طلا برای میز ساخت و حلقه‌ها را به چهار گوشهٔ بالای پایه‌های میز نصب کرد. 13
Oo wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah, oo wuxuu siddooyinkii ku dhejiyey afarta gees oo afarta rukun oo hoose kaga yiil.
این حلقه‌ها برای چوبهایی بود که به هنگام برداشتن و جابه‌جا کردن میز می‌بایست در آنها قرار گیرد. 14
Oo siddooyinku waxay ku dhowaayeen qarka, iyagoo ah meelaha laga geliyo ulaha miiska lagu qaado.
این چوبها را از درخت اقاقیا با روکش طلا ساخت. 15
Oo wuxuu ulihii ka sameeyey qori qudhac ah oo ku dahaadhay dahab, si miiska loogu qaado.
همچنین بشقابها، کاسه‌ها، جامها و پیاله‌هایی از طلای خالص برای ریختن هدایای نوشیدنی درست کرد تا آنها را روی میز بگذارند. 16
Oo wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey alaabtii miiska saarnayd oo dhan oo ahayd suxuuntiisii, iyo malqacadihiisii, iyo maddiibadihiisii, iyo kidhliyadiisii wax laga shubo.
چراغدان را نیز از طلای خالص درست کرد. پایه و بدنهٔ آن را یکپارچه و از طلای خالص ساخت و نقش گلهای روی آن را نیز که شامل کاسبرگ و غنچه بود از طلا درست کرد. 17
Oo wuxuu laambadda ka sameeyey dahab saafi ah, oo laambaddii waxay ahayd mid tuman, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda iyo ubaxeeduba isku waslad bay la wada ahaayeen.
بر بدنهٔ چراغدان شش شاخه قرار داشت، یعنی در هر طرف سه شاخه. 18
Oo dhinacyadeeda waxaa ka baxayay lix laamood, oo saddex laamood dhinac bay kaga yiilleen, saddex laamoodna dhinaca kale ayay kaga yiilleen.
روی هر شش شاخه که از چراغدان بیرون می‌آمد، گلهای بادام با جوانه‌ها وغنچه‌های مربوط به آن قرار داشت. 19
Oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax baa isku laan ku yiil, laanta kalena waxaa ku yiil saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax, oo lixdii laamood oo ka baxday laambaddii sidaasay wada ahaayeen.
خود بدنه چراغدان با چهار گل بادامی شکل با جوانه‌ها و غنچه‌هایش تزیین شده بود. 20
Oo laambaddii waxaa ku yiil afar koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo burooyinkoodii iyo ubaxoodii,
یک جوانه زیر هر جفت شاخه بود جایی که شش شاخه از بدنۀ چراغدان بیرون می‌آمد و همه یکپارچه بود. 21
oo buro waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, buro kalena waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, burona waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, oo lixda laamoodba sidaasay wada ahaayeen.
تمام این نقشها و شاخه‌ها و بدنه از یک تکه طلای خالص بود. 22
Oo burooyinkooda iyo laamahooduba isku waslad bay la ahaayeen: oo kulligeedna waxay ahayd isku waslad dahab la tumay oo saafi ah.
هفت چراغ آن و انبرها و سینی‌هایش را از طلای خالص ساخت. 23
Oo dahab saafi ah wuxuu ka sameeyey toddobadeedii laambadood, iyo birqaabyadeedii iyo alaabteedii lagu safayn jirayba.
برای ساختن این چراغدان و لوازمش سی و چهار کیلو طلا به کار رفت. 24
Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba wuxuu ka sameeyey talanti dahab saafi ah.
مذبح بخور را به شکل مربع به ضلع نیم متر و بلندی یک متر از چوب اقاقیا درست کرد. آن را طوری ساخت که در چهار گوشهٔ آن چهار برجستگی به شکل شاخ بود. 25
Oo meeshii allabariga ee fooxana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, oo afar geesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa laba dhudhun, oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen.
روکش مذبح و شاخهای آن از طلای خالص بود. قابی دور تا دور آن از طلا درست کرد. 26
Oo wuxuu dahab ku dahaadhay dusheedii iyo dhinacyadeedii ku wareegsanaa, iyo geesaheedii, oo wuxuu u sameeyey wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.
در دو طرف مذبح، زیر قاب طلایی، دو حلقه از طلا برای قرار گرفتن چوبها ساخت تا با آنها مذبح را حمل کنند. 27
Oo qarka hoostiisa laba siddo oo dahab ah ayuu ugu yeelay labadeeda rukun inay labadeeda dhinac ugu ahaadaan meelaha ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.
این چوبها از درخت اقاقیا تهیه شده بود و روکش طلا داشت. 28
Oo ulihii wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.
سپس روغن مسح مقدّس و بخور خالص معطر را با مهارت عطّاران تهیه کرد. 29
Oo saliiddii quduuska ahayd oo lagu subkado iyo fooxii saafiga ahaa ee uunsiga udgoon wuxuu u sameeyey sidii shuqulka cadarsameeyaha oo kale.

< خروج 37 >