< خروج 28 >

«برادر خود هارون و پسرانش ناداب، ابیهو، العازار و ایتامار را از سایر مردم اسرائیل جدا کرده، به مقام کاهنی تعیین کن تا مرا خدمت کنند. 1
Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.
لباسهای مخصوصی برای هارون تهیه کن تا معلوم باشد که او برای خدمت من جدا شده است. لباسهای او زیبا و برازندهٔ کار مقدّس او باشد. 2
Oo walaalkaa Haaruun waa inaad u samaysaa dhar quduus ah, ammaan iyo qurux aawadood.
به کسانی که استعداد و مهارت دوزندگی داده‌ام دستور بده لباسهای هارون را تهیه کنند لباسهایی که با لباسهای سایر مردم فرق داشته باشد و معلوم شود که او در مقام کاهنی به من خدمت می‌کند. 3
Oo waxaad la hadashaa kulli inta qalbigooda xigmadu ku jirto, oo aan ruuxii xigmadda ka buuxiyey, inay Haaruun dharkiisa u sameeyaan oo ay isaga quduus ka dhigaan inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.
لباسهایی که باید دوخته شوند اینها هستند: سینه‌پوش، ایفود، ردا، پیراهن نقشدار، دستار و شال کمر. برای برادرت هارون و پسرانش هم باید از همین لباسها دوخت تا بتوانند در مقام کاهنی به من خدمت کنند. 4
Oo dharka ay u samaynayaanna waxa weeyaan laabgashi, iyo eefod, iyo khamiis, iyo jubbad, iyo duub, iyo dhex-xidh, oo waa inay dhar quduus ah u sameeyaan walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.
پس طلا و نخهای آبی، ارغوانی و قرمز، و نیز کتان ریزبافت به آنها بده. 5
Oo ha qaateen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
«صنعتگران باید ایفود را از کتان ریزبافت تابیده تهیه کرده، آن را ماهرانه با طلا، نخهای آبی، ارغوانی و قرمز گلدوزی کنند. 6
Oo eefodka ha ka sameeyeen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo daabacna ha lagu sameeyo.
«این جلیقهٔ بلند از دو قسمت، جلو و پشت، که روی شانه‌ها با دو بند به هم می‌پیوندند، تشکیل شود. 7
Waa inuu lahaadaa laba garab oo is-haysta oo ku xidhan labadiisa daraf, inuu iswada haysto kulligii.
بند کمر ایفود هم باید متصل به آن و از جنس خودش باشد، یعنی از رشته‌های طلا و کتان تابیده ریز‌بافت و نخهای آبی، ارغوانی و قرمز. 8
Oo dhex-xidhka daabaca leh oo dusha kaga yaal in lagu xidho waa in isku si loo sameeyaa oo uu isku waslad la ahaadaa; oo ha ahaado dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
«دو سنگ جزع تهیه کن و نامهای دوازده قبیلهٔ بنی‌اسرائیل را روی آنها حک کن. 9
Oo waxaad qaadataa laba dhagax oo onika la yidhaahdo, oo waxaad dushooda ku xaradhaa magacyada reer binu Israa'iil;
یعنی روی هر سنگ شش نام به ترتیب سن آنها. 10
magacyadooda lix waa inaad isku dhagax ku dhigtaa, oo lixda magac oo hadhayna waa inaad dhagaxa kale ku dhigtaa, siday u kala hor dhasheen.
مثل یک خاتم‌کار و حکاک ماهر نامها را روی سنگها حک کن و آنها را در قابهای طلا بگذار. 11
Sida shuqulka dhagax-xardhihii waa inaad labada dhagax u xaradhaa xaradh u eg xaradhka shaabadda, oo waana inaad ku dhigtaa magacyadii reer binu Israa'iil; oo waa inaad saldhigyo dahab ah ku dhejisaa.
سپس آنها را روی شانه‌های ایفود نصب کن تا بدین ترتیب هارون نامهای قبایل بنی‌اسرائیل را به حضور من بیاورد و من به یاد آنها باشم. 12
Oo labada dhagax waa inaad ku dhejisaa eefodka garbihiisa inay dhagaxyo xusuus ah u noqdaan reer binu Israa'iil, oo Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa magacyadooda ku qaadaa garbihiisa xusuus ahaan aawadeed.
همچنین قابهای طلایی بساز 13
Oo waa inaad u samaysaa saldhigyo dahab ah,
و دو زنجیر تابیده از طلای خالص درست کن و آنها را به قابهای طلایی که روی شانه‌های ایفود است وصل کن. 14
oo waa inaad u samaysaa laba silsiladood oo ah dahab saafi ah, oo waxaad u samaysaa sida wax xadhko u eg oo tidcan, oo silsiladaha isku tidcan waa inaad ku xidhaa saldhigyada.
«برای کاهن یک سینه‌پوش جهت پی بردن به خواست خداوند درست کن. آن را مانند ایفود از کتان ریز‌بافت تابیده، نخهای آبی، ارغوانی و قرمز و رشته‌های طلا بساز و روی آن را با دقت گلدوزی کن. 15
Oo waa inaad samaysaa laabgashi xukumaadeed, oo daabacna ha lagu sameeyo; oo waa inaad u samaysaa sida samaynta eefodka; waana inaad ka samaysaa dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
این سینه‌پوش باید دولا و مثل یک کیسه چهارگوش به ضلع یک وجب باشد. 16
Waa inuu ahaadaa afargeesood oo isku laalaaban; dhererkiisuna ha ahaado taako, ballaadhkiisuna ha ahaado taako.
چهار ردیف سنگ قیمتی روی آن نصب کن. ردیف اول عقیق سرخ، یاقوت زرد و یاقوت آتشی باشد. 17
Oo waa inaad afar saf oo dhagaxyo ah ku dul dhejisaa; safka kowaad ha ahaado sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya;
ردیف دوم زمرد، یاقوت کبود و الماس. 18
safka labaadna ha ahaado sumurud, iyo safayr, iyo dheemman;
ردیف سوم فیروزه، عقیق یمانی و یاقوت بنفش. 19
safka saddexaadna ha ahaado yakintos, iyo agate, iyo ametustos;
ردیف چهارم زبرجد، جزع و یشم. همهٔ آنها باید قابهای طلا داشته باشند. 20
safka afraadna ha ahaado berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waa in lagu dhejiyo saldhigyo dahab ah.
هر یک از این سنگها علامت یکی از دوازده قبیلهٔ بنی‌اسرائیل خواهد بود و نام آن قبیله روی آن سنگ حک خواهد شد. 21
Oo dhagaxyadu waa inay tiro le'ekaadaan sida magacyada reer binu Israa'iil, ha ahaadeen laba iyo toban sida magacyadooda, oo laba iyo tobanka qabiil waa in mid kasta magiciisa lagu xardho sida xaradhka shaabadda.
«برای وصل کردن سینه‌پوش به ایفود، زنجیرهایی تابیده از طلای خالص درست کن. 22
Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa silsilado xadhko u eg oo laga tidcay dahab saafi ah.
سپس دو حلقۀ طلایی بساز و آنها را بر دو گوشۀ سینه‌پوش بگذار. 23
Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo labada siddo waxaad sudhaa laabgashiga labadiisa darfood.
دو زنجیر را در حلقه‌های دو گوشۀ سینه‌پوش بگذار، 24
Oo labada silsiladood oo tidcan oo dahabka ah waxaad ku xidhaa labada siddo oo ku yaal laabgashiga labadiisa darfood.
و دو سر دیگر زنجیرها را از جلو به قابهای طلای روی شانه‌ها وصل کن. 25
Oo labada silsiladood oo tidcan labadooda madax oo kale waxaad ku xidhaa labada saldhig, oo waxaad ku xidhaa eefodka garbihiisa xaggooda hore.
دو حلقهٔ طلای دیگر نیز درست کن و آنها را به دو گوشهٔ پایینی سینه‌پوش، روی لایهٔ زیرین، ببند. 26
Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad soo sudhaa laabgashiga labadiisa darfood oo gudaha oo eefodka xiga.
دو حلقهٔ طلای دیگر هم درست کن و آنها را در قسمت جلوی ایفود و کمی بالاتر از بند کمر نصب کن. 27
Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad ku xidhaa eefodka labadiisa garab xaggooda hoose oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay isku xidhmaan, oo ka sarreeya eefodka dhex-xidhkiisa oo daabaca ah.
بعد حلقه‌های سینه‌پوش را با نوار آبی رنگ به حلقه‌های ایفود که بالاتر از بند کمر قرار دارد ببند تا سینه‌پوش از ایفود جدا نشود. 28
Oo laabgashiga waa inay siddooyinkiisa ku xidhaan siddooyinkii eefodka oo ha kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka furnaan eefodka.
«به این ترتیب وقتی هارون به قدس وارد می‌شود، نامهای تمام قبایل بنی‌اسرائیل را که روی سینه‌پوش کنده شده، با خود حمل خواهد کرد تا به این وسیله قوم همیشه در نظر خداوند باشند. 29
Oo magacyada reer binu Israa'iil waa in Haaruun ku qaadaa laabgashiga xukumaadda oo qalbigiisa saaran markuu galo meesha quduuska ah, inay xusuus noqdaan Rabbiga hortiisa had iyo goor.
اوریم و تُمّیم را داخل سینه‌پوش بگذار تا وقتی هارون به حضور من می‌آید آنها همیشه روی قلب او باشند و او بتواند خواست مرا در مورد قوم اسرائیل دریابد. 30
Oo laabgashiga xukumaadda waa inaad gelisaa Uuriimka iyo Tummiimka, oo waa inay Haaruun qalbigiisa saarnaadaan markuu Rabbiga hortiisa tago; oo Haaruun waa inuu qalbigiisa ku qaadaa xukumaadda reer binu Israa'iil had iyo goorba.
«ردایی که زیر ایفود است باید از پارچهٔ آبی باشد. 31
Oo khamiiska eefodka kulligiis waa inaad ka dhigtaa buluug.
شکافی برای سر، در آن باشد. حاشیهٔ این شکاف باید با دست بافته شود تا پاره نگردد. 32
Oo waa inuu meel daloosha oo madaxu maro ku lahaadaa; oo waa inuu ahaado sida dhar leh tolmo wanaagsan oo daloolkiisa ku wareegsan inuusan dillaacin aawadeed.
با نخهای آبی، ارغوانی و قرمز، منگوله‌هایی به شکل انار درست کن و دور تا دور لبهٔ دامن ردا بیاویز و زنگوله‌هایی از طلا بین آنها قرار بده. 33
Oo khamiiska daraftiisa hoose waxaad u yeeshaa rummaanno oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo ku wada wareeji daraftiisa hareeraheeda oo dhan; oo dawanno dahab ahna dhexdooda geli oo ku wareeji.
زنگوله‌های طلا و انارها باید یکی در میان، دور تا دور لبۀ دامن ردا باشند. 34
Dawan dahab ah iyo rummaan, haddana dawan dahab ah iyo rummaan, waa inaad ku wareejisaa khamiiska daraftiisa.
هارون در موقع خدمت خداوند باید ردا را بپوشد تا وقتی که به حضور من به قدس وارد می‌شود یا از آن بیرون می‌رود، صدای زنگوله‌ها شنیده شود، مبادا بمیرد. 35
Oo Haaruun waa inuu gashado inuu ku adeego; oo sanqadhiisana waa la maqli doonaa markuu tago Rabbiga hortiisa oo uu galo meesha quduuska ah, iyo markii uu ka soo baxaba, inuusan dhiman aawadeed.
«یک نیم تاج از طلای خالص بساز و این کلمات را مانند مُهر، روی آن حک کن:”مقدّس برای خداوند“. 36
Oo waa inaad samaysaa waslad khafiifa oo dahab saafiya ah, waxaad ku xaradhaa xaradhka u eg xaradhka shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA.
این نیم تاج را با یک نوار آبی رنگ به دستارِ هارون ببند به‌طوری که در جلوی دستار قرار گیرد. 37
Oo waa inaad ku xidhaa shalash buluug ah, oo ku dhejisaa duubka, oo duubka intiisa hore ha ku taallo.
این نیم تاج باید بر پیشانی هارون باشد تا او بار هر خطایی را که ممکن است بنی‌اسرائیل در حین تقدیم قربانیهای مقدّس انجام دهند، بر خود حمل کند. هارون باید همیشه این نیم تاج را روی پیشانی خود داشته باشد تا آن قربانیها مقبول خداوند واقع شوند. 38
Oo ha ku taallo Haaruun fooddiisa, Oo Haaruun baa qaadi doona dembiga alaabta quduuska ah, oo ay reer binu Israa'iil quduus kaga dhigi doonaan hadiyadahooda quduuska ah; oo mar kasta waxay ku oolli doontaa fooddiisa, in iyaga laga aqbalo Rabbiga hortiisa.
«پیراهن هارون را از کتان ریزبافت بباف؛ همچنین دستار را. شال کمر گلدوزی شده نیز برای او درست کن. 39
Oo jubbadda marada wanaagsan laga sameeyey waa inaad daabacdaa oo waa inaad duub ka samaysaa maro wanaagsan, oo dhex-xidh waa inaad ka samaysaa daabac.
«برای پسران هارون نیز پیراهن، شال کمر و کلاه تهیه کن. این لباسها باید زیبا و برازنده کار مقدّس ایشان باشند. 40
Oo wiilasha Haaruunna waa inaad u samaysaa jubbado iyo dhex-xidho, iyo duubab, iyagu ha u ahaadeen ammaan iyo qurux.
این لباسها را به هارون و پسرانش بپوشان. با روغن زیتون آنها را مسح کن و ایشان را برای خدمت کاهنی تعیین و تقدیس نما. 41
Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.
برای پوشاندن برهنگی لگن تا ران ایشان، لباس زیر از جنس کتان بدوز که اندازهٔ آن از کمر تا بالای زانو باشد. 42
Oo waa inaad iyaga u samaysaa sirwaallo maro wanaagsan ah oo gaadha dhexdooda ilaa bowdyahooda, oo ay ku qariyaan cawradooda;
هارون و پسرانش، وقتی به خیمۀ ملاقات داخل می‌شوند، یا نزدیک مذبح می‌آیند تا در قدس خدمت کنند، باید این لباسها را بپوشند، مبادا متحمل گناه شده، بمیرند. این آیین برای هارون و نسل او یک قانون جاودانی خواهد بود. 43
Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gashadaan markay galaan taambuugga shirka ama markay meesha allabariga u dhowaadaan inay ka dhex adeegaan meesha quduuska ah inaanay dembi qaadin oo dhiman. Waxay isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ku noqon doontaa qaynuun weligiis ah.

< خروج 28 >