< دانیال 8 >

در سال سوم سلطنت بلشصر، خوابی دیگر دیدم. 1
Sannaddii saddexaad oo boqornimadii Boqor Beelshaasar ayaa riyo ii muuqatay anigan Daanyeel ah, taasuna way ka dambaysay tii markii hore ii muuqatay.
در خواب دیدم که در شهر سلطنتی شوش واقع در استان عیلام، در کنار رودخانهٔ اولای ایستاده بودم. 2
Oo wax baan riyadii ku arkay, oo haddaba saas bay ahayd in markaan riyada arkay aan joogay daartii weynayd oo ku tiil Shuushan oo ku jirtay gobolka Ceelaam; oo riyadii baan haddana arkay oo waxaan ag joogay Webi Uulay.
وقتی به اطراف نگاه می‌کردم، یک قوچ دیدم که دو شاخ بلند داشت و کنار رودخانه ایستاده بود. سپس دیدم یکی از این شاخها رشد کرد و از شاخ دیگر بلندتر شد. 3
Markaasaan indhahaygii kor u qaaday, oo waxaan arkay wan laba gees leh oo webiga hortiisa taagan; oo labada geesna way dheerdheeraayeen, laakiinse mid baa ka dheeraa midka kale; oo kii dheeraa baa markii dambe soo baxay.
این قوچ به سوی مغرب، شمال و جنوب شاخ می‌زد و هیچ جانداری نمی‌توانست با او مقابله کند یا از چنگش جان به در برد. او هر طور می‌خواست عمل می‌کرد و بزرگ می‌شد. 4
Oo waxaan arkay wankii oo wax u riixaya xagga galbeed iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureed, oo bahalna ma hor istaagi karin, mana jirin mid gacantiisa wax ka bixin karay; laakiinse siduu doonayay ayuu yeeli jiray, wuuna isweyneeyey.
در حالی که دربارهٔ آنچه دیده بودم فکر می‌کردم، ناگهان یک بز نر از غرب ظاهر شد. او آنقدر سریع می‌دوید که موقع دویدن پاهایش به زمین نمی‌رسید. این بز که یک شاخ بلند در وسط چشمانش داشت 5
Oo intii aan ka fiirsanayay ayaa waxaa galbeed ka yimid orgi, wuxuuna kor maray dhulka dushiisa oo dhan, dhulkana ma uusan taaban: orgiguna wuxuu labada indhood dhexdooda ku lahaa gees weyn.
با تمام قدرت به طرف آن قوچ دو شاخ دوید. 6
Oo wuxuu u yimid wankii labada gees lahaa oo aan arkay, isagoo webiga hortiisa taagan, kolkaasuu ku orday isagoo aad u cadhaysan.
سپس با غضب بر قوچ حمله برد و دو شاخش را شکست و او را که یارای برابری نداشت به زمین کوبید و پایمال کرد، و کسی نبود او را از دستش نجات دهد. 7
Oo waxaan arkay isagoo wankii u soo dhowaaday, aad buuna ugu xanaaqay, oo wankii buu hardiyey, labadiisii geesna wuu ka jebiyey. Wankiina ma lahayn xoog uu iskaga celiyo, laakiinse dhulkuu ku tuuray, wuuna ku tuntay, mana jirin mid wanka orgiga ka samatabbixin karaa.
بز نر بسیار بزرگ شد، ولی در حالی که در اوج قدرت بود ناگهان شاخش شکست و به جای آن چهار شاخ بلند در چهار جهت مختلف درآمد. 8
Markaasaa orgigii aad iyo aad isu weyneeyey, oo markuu aad xoog u yeeshay ayaa geeskii weynaa ka jabay; markaasaa beddelkiisii waxaa u soo baxay afar gees oo waaweyn oo u jeeday samada afarteeda jaho.
از یکی از این شاخها، شاخ کوچکی درآمد و طولی نکشید که رو به جنوب و مشرق و به طرف سرزمین زیبای اسرائیل رشد کرد و 9
Markaasaa midkood waxaa ka soo baxay gees yar oo aad ugu weynaaday xagga koonfureed iyo xagga bari, iyo xagga waddankii quruxda lahaa.
آنقدر قوی شد که بر ضد قوای آسمانی برخاست و بعضی از ستارگان را به زمین ریخت و پایمال کرد. 10
Oo xataa wuu ka xoog weynaaday ciidanka samada, markaasuu ciidankii qaarkiis iyo xiddigihii qaarkood dhulka ku soo tuuray, wuuna ku tuntay.
او حتی بر ضد «فرماندهٔ قوای آسمانی» قیام کرده، مانع تقدیم قربانیهای روزانه به او شد و خانهٔ مقدّس او را ویران ساخت. 11
Oo weliba wuu ka sii xoog weynaaday amiirkii ciidanka, oo wuxuu ka qaaday qurbaankii la gubanayay oo joogtada ahaa, oo meeshiisii quduuska ahaydna hoos baa loo tuuray.
به خاطر گناه قوم به او اجازه داده شد قوی شود و مانع تقدیم قربانیهای روزانه گردد. آن شاخ هر چه خواست انجام داد و حقیقت و عدالت را پایمال کرد. 12
Markaasaa ciidankii iyo qurbaankii joogtada ahaaba isagii la siiyey, waxaana loo siiyey xadgudub, markaasuu runtii dhulka ku soo tuuray, wuxuu sameeyey ayuuna ku barwaaqoobay.
سپس شنیدم که دو فرشتهٔ مقدّس با هم گفتگو می‌کردند. یکی از آنها از دیگری پرسید: «تا به کی این وضع ادامه پیدا خواهد کرد؟ تا به کی قربانیهای روزانه تقدیم نخواهند شد؟ تا به کی عصیان باعث ویرانی خواهد شد؟ تا به کی معبد و قوای آسمانی پایمال خواهند شد؟» 13
Dabadeedna waxaan maqlay mid quduus ah oo hadlaya, markaasaa mid kale oo quduus ahu wuxuu ku yidhi kii hadlay, Ilaa goormay ahaan doontaa riyada ku saabsan qurbaanka joogtada ah, iyo xadgudubka wax baabbi'iya, si meesha quduuska ah iyo ciidankaba loogu tunto?
شنیدم که فرشتهٔ دیگر جواب داد: «هزار و صد و پنجاه روز طول خواهد کشید و در این مدت قربانیهای روزانهٔ صبح و عصر تقدیم نخواهند شد. سپس معبد دوباره احیا خواهد گردید.» 14
Markaasuu igu yidhi, Ilaa laba kun iyo saddex boqol oo fiid iyo subax, dabadeedna meesha quduuska ah waa la nadiifin doonaa.
وقتی سعی می‌کردم معنی این خواب را بفهمم، ناگهان وجودی شبیه انسان در برابر من ایستاد، 15
Oo markaan anigoo Daanyeel ah arkay riyadii ayaan doondoonay inaan garto, oo bal eeg, waxaa i soo hor istaagay wax nin u eg.
و صدایی از آن سوی رودخانهٔ اولای شنیدم که گفت: «ای جبرائیل، معنی این خواب را به دانیال بگو.» 16
Oo nin codkiis ayaan ka dhex maqlay Webi Uulay wuuna dhawaaqay, oo yidhi, Jibriilow, ninkan riyada garansii.
پس جبرائیل به طرف من آمد و من وحشت کردم و رو به زمین افتادم. او به من گفت: «ای انسان خاکی بدان که آنچه دیدی مربوط به زمان آخر است.» 17
Sidaas daraaddeed ayuu u soo dhowaaday meeshii aan taagnaa, oo markuu yimid waan baqay, wejigaanna u dhacay, laakiinse wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, garo, waayo, riyada waxaa leh wakhtiga ugudambaysta.
در حالی که او سخن می‌گفت من بیهوش بر زمین افتادم. ولی او مرا گرفت و بلند کرد 18
Oo intuu ila hadlayay ayaan hurdo aad u weyn la dhacay anigoo wejiga dhulka ku hayo, laakiinse isagii baa i taabtay oo i sara joojiyey.
و گفت: «آمده‌ام تا به تو بگویم در اواخرِغضب خدا چه خواهد شد. آنچه دیدی مربوط به زمان تعیین شده در آخر است. 19
Oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan ku ogeysiinayaa waxa ahaan doona wakhtiga ugu dambaysta ee cadhada, waayo, waxaa leh wakhtiga la ballamay ee ugu dambaysta ah.
«آن قوچ دو شاخ را که دیدی، پادشاهی ماد و پارس است. 20
Wankii aad aragtay oo labada gees lahaa waa labada boqor ee dalka Maaday iyo dalka Faaris.
آن بز نر، پادشاهی یونان است و شاخ بلندی که در وسط دو چشمش بود، اولین پادشاه آن مملکت می‌باشد. 21
Orgigiina waa boqorka dalka Gariigta, oo geeskii weynaa oo labadiisa indhood dhexdooda ku yiilna waa boqorka kowaad.
آن شاخی که دیدی شکست و چهار شاخ دیگر به جایش درآمد، به این مفهوم است که حکومت یونان چهار قسمت خواهد شد و هر قسمت پادشاهی خواهد داشت، ولی هیچ‌کدام به اندازهٔ پادشاه اول بزرگ نخواهند بود. 22
Oo midkii ka jabay meeshii afartu soo istaagtay, quruuntaas waxaa ka soo bixi doonta afar boqortooyo, laakiinse xooggiisa ma yeelan doonaan.
«در پایان سلطنت آنها، وقتی شرارت آنها از حد بگذرد، پادشاه دیگری به قدرت خواهد رسید که بسیار ظالم و مکار خواهد بود. 23
Marka ugu dambaysta boqortooyadooda, ee uu dembilayaasha wakhtigoodu buuxsamo waxaa kici doona boqor wejigiisa laga cabsado, oo garanaya waxyaalaha daahan.
او قدرت زیادی کسب خواهد کرد، ولی نه با توانایی خودش. او عامل تباهی و خرابی خواهد بود و هر طور بخواهد عمل خواهد نمود و دست به کشتار قدرتمندان و قوم مقدّس خدا خواهد زد. 24
Oo xooggiisuna wuu weynaan doonaa, laakiinse ma aha xagga isaga xooggiisa, oo aad buu si yaab leh wax u baabbi'in doonaa, wuuna ku barwaaqoobi doonaa wuxuu sameeyo, oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa xoogga badan iyo dadka quduuska ah.
با مهارت، نقشه‌های حیله‌گرانهٔ خود را عملی خواهد کرد و با یک حملهٔ غافلگیر کننده عدهٔ زیادی را از بین خواهد برد. آنقدر مغرور خواهد شد که بر ضد”سرور سروران“خواهد برخاست، ولی سرانجام نابود خواهد گردید اما نه با قدرت بشری. 25
Oo siyaasaddiisa ayuu khiyaanada gacantiisa kaga guulaysan doonaa; markaasuu xagga qalbiga iska weynayn doonaa, oo kuwo badan oo nabadgelyaysan ayuu baabbi'in doonaa. Wuxuu kaloo is-hor taagi doonaa Amiirka amiirrada; laakiinse waa la jejebin doonaa isagoo aan gacan la saarin.
«خوابی را نیز که دربارهٔ قربانیهای روزانهٔ صبح و عصر دیدی به وقوع خواهد پیوست. ولی تو این خواب را مخفی نگه دار، زیرا در آیندهٔ بسیار دور واقع خواهد شد.» 26
Oo riyadii fiidadka iyo subaxyada ee laguu sheegay waa run, laakiinse adigu riyada xidh, waayo, waxaa iska leh maalmo badan oo iman doona.
آنگاه من چند روزی ضعیف و بیمار شدم. سپس برخاستم و طبق معمول به کارهایی که پادشاه به من سپرده بود، مشغول شدم. ولی رؤیایی که دیده بودم فکر مرا مشغول کرده بود، زیرا درک آن مشکل بود. 27
Markaasaan anigoo Daanyeel ahu suuxay, dhawr maalmoodna waan bukay, dabadeedna waan kacay, oo shuqulkii boqorka qabtay: oo riyadii waan la yaabay, laakiinse ciduna ma garan.

< دانیال 8 >