< دوم پادشاهان 13 >
در سال بیست و سوم سلطنت یوآش، پادشاه یهودا، یهواخاز پسر ییهو، پادشاه اسرائیل شد و هفده سال در سامره سلطنت کرد. | 1 |
Yoo'aash ina Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii saddex iyo labaatanaad ayaa Yehoo'aaxaas ina Yeehuu dalka Israa'iil boqor ugu noqday Samaariya, oo wuxuuna boqor ahaa toddoba iyo toban sannadood.
او نیز مانند یرُبعام پسر نِباط نسبت به خداوند گناه ورزید و اسرائیل را به گناه کشاند و از کارهای زشت خود دست برنداشت. | 2 |
Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, wuuna raacay dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kamana uu tegin.
از این رو خداوند بر اسرائیل خشمگین شد و به حزائیل، پادشاه سوریه و بنهدد، پسر حزائیل اجازه داد آنها را سرکوب کنند. | 3 |
Oo Rabbiga cadhadiisiina aad bay ugu kululaatay dadkii Israa'iil, oo wuxuu had iyo goorba gacanta u gelin jiray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya, iyo Benhadad ina Xasaa'eel.
ولی یهواخاز نزد خداوند دعا کرده، کمک طلبید و خداوند دعای او را مستجاب فرمود، زیرا دید که پادشاه سوریه اسرائیل را به ستوه آورده است. | 4 |
Oo Yehoo'aaxaas ayaa Rabbiga baryay, Rabbiguna wuu maqlay, waayo, wuxuu arkay dulmigii uu boqorkii Suuriya dadka Israa'iil ku hayay.
پس خداوند برای قوم اسرائیل رهبری فرستاد تا آنها را از ظلم و ستم سوریها نجات دهد. در نتیجه قوم اسرائیل مثل گذشته از آسایش برخوردار شدند. | 5 |
(Markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil siiyey badbaadiye, wayna ka hoos baxeen gacantii reer Suuriya; kolkaasay dadkii Israa'iil teendhooyinkoodii iska degeen sidii hore.
اما باز از گناهانی که یربعام بنیاسرائیل را به آنها آلوده کرده بود، دست برنداشتند و بت اشیره را در سامره عبادت کردند. | 6 |
Habase yeeshee kama ay tegin dembiyadii reerkii Yaaraabcaam uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, laakiinse way ku socdeen, oo Samaariyana waxaa ku hadhay geedihii Asheeraah.)
برای یهواخاز، از تمام سپاهش، فقط پنجاه سرباز سواره، ده ارابهٔ جنگی و ده هزار سرباز پیاده ماند؛ زیرا پادشاه سوریه بقیه را به کلی در هم کوبیده، از بین برده بود. | 7 |
Waayo, Rabbigu waxba dadkii ugama uu reebin Yehoo'aaxaas konton nin oo fardooley ah, iyo toban gaadhifaras, iyo toban kun oo nin oo lug ah mooyaane; waayo, boqorkii Suuriya wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu ka dhigay sida boodhka lagu tunto oo kale.
شرح بقیهٔ رویدادهای دوران سلطنت یهواخاز، کارها و فتوحات او در کتاب «تاریخ پادشاهان اسرائیل» ثبت گردیده است. | 8 |
Haddaba Yehoo'aaxaas falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisiiba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
یهواخاز مرد و در سامره دفن شد و پسرش یهوآش به جای او پادشاه شد. | 9 |
Markaasaa Yehoo'aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yoo'aash.
در سی و هفتمین سال سلطنت یوآش، پادشاه یهودا، یِهوآش، پسر یِهواخاز پادشاه اسرائیل شد و شانزده سال در سامره سلطنت کرد. | 10 |
Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo soddonaad ayaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa lix iyo toban sannadood.
او نیز مانند یربعام پسر نِباط نسبت به خداوند گناه ورزیده، اسرائیل را به گناه کشاند و از کارهای زشت خود دست برنداشت. | 11 |
Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan kuwaasoo uu dadkii Israa'iil dembaajiyey; laakiinse wuu ku socday.
شرح بقیهٔ رویدادهای دوران سلطنت یهوآش، جنگهای او با اَمَصیا، پادشاه یهودا، کارها و فتوحات او در کتاب «تاریخ پادشاهان اسرائیل» نوشته شده است. | 12 |
Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii uu kula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
یهوآش مرد و در آرامگاه سلطنتی سامره دفن شد و یربعام دوم به سلطنت رسید. | 13 |
Markaasaa Yoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo carshigiisiina waxaa ku fadhiistay Yaaraabcaam; Yoo'aashna waxaa Samaariya lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil.
الیشع نبی بیمار شد و در بستر افتاد. وقتی آخرین روزهای عمر خود را میگذرانید، یهوآش پادشاه به عیادتش رفت و با گریه به او گفت: «ای پدرم! ای پدرم! ارابهها و سواران اسرائیل را میبینم!» | 14 |
Haddaba Eliishaa wuxuu la bukooday cudurkii uu u dhintay, oo waxaa isagii u yimid Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo intuu ku dul ooyay ayuu ku yidhi, Aabbow, aabbow, bal eeg, gaadhifardoodkii dalka Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa!
الیشع به او گفت: «یک کمان و چند تیر به اینجا بیاور.» او تیرها و کمان را آورد. | 15 |
Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Bal qaado qaanso iyo fallaadho, kolkaasuu qaanso iyo fallaadho soo qaatay.
الیشع گفت: «آن پنجره را که به سمت سوریه است، باز کن.» پادشاه پنجره را باز کرد. آنگاه الیشع به پادشاه گفت: «کمان را به دست بگیر.» وقتی پادشاه کمان را گرفت، الیشع دست خود را روی دست پادشاه گذاشت و دستور داد که تیر را بیندازد. پادشاه تیر را رها کرد. سپس الیشع به پادشاه گفت: «این تیر خداوند است که بر سوریه پیروز میشود، چون تو سپاه سوریه را در افیق شکست خواهی داد. | 16 |
Oo isna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal qaansada gacanta kor saar, markaasuu gacantii kor saaray. Kolkaasaa Eliishaa gacmihiisii kor saaray gacmihii boqorka.
Oo wuxuu ku yidhi, Bal daaqadda xagga bari fur; oo isna wuu furay. Kolkaasaa Eliishaa ku yidhi, Fallaadha gan, oo isna wuu ganay. Oo wuxuu yidhi, Tanu waa fallaadhii Rabbiga ee badbaadada, oo waxa weeye fallaadha badbaadada laga heli doona reer Suuriya; waayo, waa inaad reer Suuriya Afeeq ku laysaa ilaa aad wada baabbi'iso.
حال تیرهای دیگر را بگیر و آنها را بر زمین بزن.» پادشاه تیرها را برداشت و سه بار بر زمین زد. | 18 |
Markaasuu yidhi, War fallaadhaha qaado, oo isna wuu qaatay. Markaasuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal dhulka ku dhufo; kolkaasuu saddex jeer dhulka ku dhuftay, oo joogsaday.
اما نبی خشمگین شد و گفت: «تو میبایست پنج یا شش بار بر زمین میزدی، چون در آن صورت میتوانستی سوریه را به کلی نابود کنی، ولی حالا فقط سه بار بر آنها پیروز خواهی شد.» | 19 |
Markaasaa ninkii Ilaah dhirfay oo wuxuu ku yidhi, War waxaa ku ekayd inaad ku dhufatid shan ama lix jeer; oo markaas reer Suuriya waad wada layn lahayd ilaa aad wada baabbi'iso; laakiinse haatan reer Suuriya waxaad laynaysaa saddex jeer oo keliya.
الیشع مرد و او را دفن کردند. در آن روزگار، مهاجمین موآبی بهار هر سال به اسرائیل هجوم میبردند. | 20 |
Markaasaa Eliishaa dhintay, waana la aasay. Oo sannad kasta bilowgeeda waxaa dalka dhici jiray guutooyinkii reer Moo'aab.
یک روز در حین تشییع جنازهای، مردم سوگوار با این مهاجمین روبرو شده، از ترس جنازه را به داخل قبر الیشع انداختند و پا به فرار گذاشتند. شخص مرده به محض اینکه به استخوانهای الیشع برخورد، زنده شد و سر پا ایستاد. | 21 |
Markii nin la aasayay ayay kuwii aasayay u jeedeen guuto soo socota; markaasay waxay ninkii ku dhex tuureen qabrigii Eliishaa; oo haddiiba ninkii markuu taabtay Eliishaa lafihiisii ayuu soo noolaaday, oo sara joogsaday.
در دورهٔ سلطنت یهواخاز، حزائیل (پادشاه سوریه) اسرائیل را سخت مورد تاخت و تاز قرار میداد، | 22 |
Oo Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya ayaa dadkii Israa'iil dulmi jiray wakhtigii Yehoo'aaxaas oo dhan.
ولی خداوند به خاطر عهدی که با ابراهیم و اسحاق و یعقوب بسته بود نسبت به قوم اسرائیل بسیار بخشنده و رحیم بود و اجازه نمیداد آنها از بین بروند. او تا به امروز نیز به خاطر آن عهد به ایشان رحم میکند. | 23 |
Laakiinse Rabbigu iyaga wuu u roonaaday, oo u naxariistay, wuxuuna ugu jeestay iyaga axdigii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub aawadiis, oo mana uu doonayn inuu baabbi'iyo oo weli hortiisa kama uu tuurin.
پس از آنکه حزائیل پادشاه سوریه مرد، پسرش بنهدد به جایش به سلطنت رسید. | 24 |
Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya dhintay, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Benhadad.
یهوآش، پادشاه اسرائیل (پسر یهواخاز) سه بار بنهدد را شکست داد و شهرهایی را که در زمان پدرش به دست حزائیل افتاده بود، پس گرفت. | 25 |
Markaasaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas ayaa Benhadad ina Xasaa'eel mar kale ka qaatay magaalooyinkii uu dagaalka kaga qaatay aabbihiis Yehoo'aaxaas. Oo Yoo'aash saddex jeer buu isagii dagaal ku dhuftay oo ka soo dhacsaday magaalooyinkii dalka Israa'iil.