< غزل غزلها 4 >

اینک تو زیبا هستی‌ای محبوبه من، اینک تو زیبا هستی و چشمانت از پشت برقع تومثل چشمان کبوتر است و موهایت مثل گله بزهااست که بر جانب کوه جلعاد خوابیده‌اند. ۱ 1
Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale oo indhashareertaada ku qarsoon. Timahaaguna waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.
دندانهایت مثل گله گوسفندان پشم بریده که ازشستن برآمده باشند و همگی آنها توام زاییده ودر آنها یکی هم نازاد نباشد. ۲ 2
Ilkahaaguna waa sida laxo loo xiiray, Oo ka soo baxay meeshii lagu soo maydhay, Oo middood kastaaba mataano dhashay, Oo aan dhexdooda lagu arag mid dhicisay.
لبهایت مثل رشته قرمز و دهانت جمیل است و شقیقه هایت درعقب برقع تو مانند پاره انار است. ۳ 3
Bushimahaagu waa sida dun guduudan, Oo afkaaguna waa qurxoon yahay, Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.
گردنت مثل برج داود است که به جهت سلاح خانه بنا شده است و در آن هزار سپر یعنی همه سپرهای شجاعان آویزان است. ۴ 4
Qoortaaduna waa sida munaaraddii Daa'uud oo loo dhisay inay ahaato meel hubka dagaalka la dhigto, Oo ay sudhan yihiin kun gaashaan, Oo ah gaashaammadii ragga xoogga badan oo dhan.
دو پستانت مثل دو بچه توام آهو می‌باشد که در میان سوسنها می‌چرند، ۵ 5
Oo labadaada naasna waa sida laba gibin oo mataano ah oo cawl dhashay. Oo ubaxshooshannada dhexdooda daaqaya.
تا نسیم روز بوزد و سایه‌ها بگریزد. به کوه مر وبه تل کندر خواهم رفت. ۶ 6
Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o, Waxaan u kici doonaa buurta malmalka, Iyo kurta fooxa.
‌ای محبوبه من، تمامی تو زیبا می‌باشد. در توعیبی نیست. ۷ 7
Taan jeclahayay, adigu waad qurxoon tahay, Oo innaba iin ma lihid.
بیا با من از لبنان‌ای عروس، با من ازلبنان بیا. از قله امانه از قله شنیر و حرمون ازمغاره های شیرها و از کوههای پلنگها بنگر. ۸ 8
Aroosaddaydiiyey, Buur Lubnaan iga soo raac, Oo kaalay, Buur Lubnaan iga soo raac. Buur Amaanaah dhaladeeda wax ka fiiri, Oo Buur Seniir iyo Buur Xermoon dhaladooda wax ka fiiri, Oo wax ka soo fiiri boholaha libaaxyada, Iyo buuraha shabeelladaba.
‌ای خواهر و عروس من دلم را به یکی از چشمانت وبه یکی از گردن بندهای گردنت ربودی. ۹ 9
Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay, Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood Iyo laasimmada qoortaada midkood.
‌ای خواهر و عروس من، محبتهایت چه بسیار لذیذ است. محبتهایت از شراب چه بسیار نیکوتر است و بوی عطرهایت از جمیع عطرها. ۱۰ 10
Walaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa! Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay! Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan.
‌ای عروس من، لبهای تو عسل را می‌چکاند زیر زبان تو عسل و شیر است و بوی لباست مثل بوی لبنان است. ۱۱ 11
Aroosaddaydiiyey, bushimahaaga malab baa ka soo tiftifqaya, Oo carrabkaaga hoostiisana malab iyo caanaa ku jira. Oo dharkaaga caraftiisuna waa sida carafta Buur Lubnaan.
خواهر و عروس من، باغی بسته شده است. چشمه مقفل و منبع مختوم است. ۱۲ 12
Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.
نهالهایت بستان انارها با میوه های نفیسه و بان و سنبل است. ۱۳ 13
Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin,
سنبل و زعفران و نی و دارچینی با انواع درختان کندر، مر و عود با جمیع عطرهای نفیسه. ۱۴ 14
Naaradiin iyo huruud, Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha, Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.
چشمه باغها و برکه آب زنده و نهرهایی که ازلبنان جاری است. ۱۵ 15
Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.
‌ای باد شمال، برخیز و‌ای باد جنوب، بیا. برباغ من بوز تا عطرهایش منتشر شود. محبوب من به باغ خود بیاید و میوه نفیسه خود را بخورد. ۱۶ 16
Dabaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay, Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan, Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.

< غزل غزلها 4 >