< حزقیال 42 >
و مرا به صحن بیرونی از راه سمت شمالی بیرون برد و مرا به حجرهای که مقابل مکان منفصل و روبروی بنیان بطرف شمال بود آورد. | ۱ 1 |
Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii dibadda dhankeeda woqooyi, oo wuxuu i geliyey qolladdii meesha goonida ah ka soo hor jeedday oo dhismaha xagga woqooyi ka soo hor jeedday.
جلو طول صد ذراعی درشمالی بود و عرضش پنجاه ذراع بود. | ۲ 2 |
Oo dhinaca dheer oo dhererkiisu boqol dhudhun ahaa ayaa albaabka woqooyi ku hor yiil, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa konton dhudhun.
مقابل بیست ذراع که از آن صحن اندرونی بود و مقابل سنگفرشی که از صحن بیرونی بود دهلیزی روبروی دهلیزی در سه طبقه بود. | ۳ 3 |
Barxadda gudaha oo dhererkeedu labaatanka dhudhun ahaa horteeda iyo meesha sallaxa ah barxadda dibadda horteeda waxaa ku yiil balbalo balbalo kale ka soo hor jeedda oo saddex dabaqadood ah.
و پیش روی حجرهها بطرف اندرون خرندی به عرض ده ذراع بود و راهی یک ذراع و درهای آنها بطرف شمال بود. | ۴ 4 |
Oo qolladaha hortoodana waxaa ku yiil jid ballaadhkiisu toban dhudhun yahay, dhererkiisuna boqol dhudhun yahay, oo albaabbadooduna waxay u sii jeedeen xagga woqooyi.
و حجره های فوقانی کوتاه بود زیرا که دهلیزها از آنها میگرفتند بیشتر از آنچه آنها ازحجره های تحتانی و وسطی بنیان میگرفتند. | ۵ 5 |
Haddaba qolladaha sare way ka cidhiidhsanaayeen kuwa hoose iyo kuwa dhexe ee dhismaha, waayo, balbalooyinku meeshay yareeyeen.
چونکه سه طبقه بود و ستونها مثل ستونهای صحنها نداشت و از این سبب، طبقه فوقانی ازطبقات تحتانی و وسطی از زمین تنگتر میشد. | ۶ 6 |
Waayo, iyagu waxay ahaayeen saddex dabaqadood, laakiinse tiirar kuwa barxadaha la mid ah ma ay lahayn, sidaas daraaddeed kuwa sare way ka cidhiidhsanaayeen qolladaha hoose iyo kuwa dhexeba.
وطول دیواری که بطرف بیرون مقابل حجره هابسوی صحن بیرونی روبروی حجرهها بود پنجاه ذراع بود. | ۷ 7 |
Oo derbigii dibadda oo ku ag yiil qolladihii xagga barxadda dibadda u sii jeeday oo xagga hore oo qolladaha ku yiil dhererkiisu wuxuu ahaa konton dhudhun.
زیرا طول حجره هایی که در صحن بیرونی بود پنجاه ذراع بود و اینک جلو هیکل صدذراع بود. | ۸ 8 |
Waayo, qolladihii barxadda dibadda ku yiil dhererkoodu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo bal eeg, macbudka hortiisu waxay ahayd boqol dhudhun.
و زیر این حجرهها از طرف شرقی مدخلی بود که از آن به آنها از صحن بیرونی داخل میشدند. | ۹ 9 |
Oo qolladahaas hoostooda waxaa ku yiil iriddii dhinaca bari laga geli jiray, meeshii iyaga xagga barxadda looga soo galo.
و در حجم دیوار صحن که بطرف مشرق بود پیش روی مکان منفصل و مقابل بنیان حجرهها بود. | ۱۰ 10 |
Oo qollado baa ku yiil derbigii barxadda xagga bari oo ka soo hor jeeda xagga meesha goonida ah iyo xagga dhismaha.
و راه مقابل آنها مثل نمایش راه حجره های سمت شمال بود، عرض آنها مطابق طول آنها بود و تمامی مخرج های اینها مثل رسم آنها و درهای آنها. | ۱۱ 11 |
Oo jidkii hortooda ku yiil wuxuu u ekaa sidii kii qolladaha xagga woqooyi ku yiil oo kale. Sidooda oo kaluu u dheeraa oo sidoodoo kaluu u ballaadhnaa, oo meelahooda laga baxo oo dhammuna waxay ahaayeen sida qaabkoodoo kale iyo sida albaabbadooda oo kale.
و مثل درهای حجره های سمت جنوب دری بر سر راه بود یعنی بر راهی که راست پیش روی دیوار مشرقی بود جایی که به آنها داخل میشدند. | ۱۲ 12 |
Oo qolladihii xagga koonfureed u sii jeeday albaabbadoodiina waxay lahaayeen albaab jidka madaxiisa ku yiil, kaasoo ah jidkii derbiga xagga bari ka soo hor jeeday, markii iyaga la soo galo.
و مرا گفت: «حجره های شمالی وحجره های جنوبی که پیش روی مکان منفصل است، حجره های مقدس میباشد که کاهنانی که به خداوند نزدیک میآیند قدس اقداس را درآنها میخورند و قدس اقداس و هدایای آردی وقربانی های گناه و قربانی های جرم را در آنهامی گذارند زیرا که این مکان مقدس است. | ۱۳ 13 |
Oo markaasuu igu yidhi, Qolladaha woqooyi iyo qolladaha koonfureed oo meesha goonida ah ka soo hor jeeda waa qolladaha quduuska ah oo wadaaddada Rabbiga u soo dhowaadaa ay waxyaalaha quduuska ah ku cunaan, oo waxay halkaas dhigi doonaan waxyaalaha aad u quduuska ah, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, waayo, meeshaasu waa quduus.
وچون کاهنان داخل آنها میشوند دیگر از قدس به صحن بیرونی بیرون نمی آیند بلکه لباسهای خودرا که در آنها خدمت میکنند در آنها میگذارندزیرا که آنها مقدس میباشد و لباس دیگرپوشیده، به آنچه به قوم تعلق دارد نزدیک میآیند.» | ۱۴ 14 |
Oo markii ay wadaaddadu soo galaan waa inaanay meesha quduuska ah ka bixin inay barxadda dibadda tagaan, laakiinse waa inay meeshaas dhigtaan dharkooda markay adeegayaan ay xidhaan, waayo, iyagu waa quduus, oo waa inay dhar kale xidhaan markay u soo dhowaadaan waxyaalaha dadka.
و چون پیمایشهای خانه اندرونی را به اتمام رسانید، مرا بسوی دروازهای که رویش به سمت مشرق بود بیرون آورد و آن را از هر طرف پیمود. | ۱۵ 15 |
Haddaba markuu qiyaasiddii daarta gudaha dhammaystiray ayuu iriddii xagga bari u sii jeedday iga bixiyey, oo wuxuu qiyaasay hareereheedii oo dhan.
جانب شرقی آن را به نی پیمایش، پانصد نی پیمود یعنی به نی پیمایش آن را از هرطرف (پیمود). | ۱۶ 16 |
Dhankii bari ayuu cawsduurkii qiyaasta ku qiyaasay, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur, oo cawsduurkii qiyaasta ayuu ku soo wada wareejiyey.
و جانب شمالی را به نی پیمایش از هر طرف پانصد نی پیمود. | ۱۷ 17 |
Dhankii woqooyi cawsduurkii qiyaasta ayuu ku qiyaasay, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur.
و جانب جنوبی را به نی پیمایش، پانصد نی پیمود. | ۱۸ 18 |
Oo dhankii koonfureedna wuu ku qiyaasay cawsduurkii qiyaasta, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur.
پس به سوی جانب غربی برگشته، آن را به نی پیمایش پانصد نی پیمود. | ۱۹ 19 |
Oo markaasuu dhankii galbeed u leexday, oo shan boqol oo cawsduur ayuu cawsduurkii qiyaasta ku qiyaasay.
هرچهار جانب آن را پیمود وآن را دیواری بود که طولش پانصد و عرضش پانصد (نی ) بود تا در میان مقدس و غیرمقدس فرق گذارد. | ۲۰ 20 |
Oo afartii dhinacba wuu ka qiyaasay, oo waxay lahayd derbi ku wareegsan oo dhererkiisu yahay shan boqol oo cawsduur, oo ballaadhkiisuna yahay shan boqol oo cawsduur, wuxuuna u kala dhexeeyey meesha quduuska ah iyo meesha aan quduuska ahayn.