< دوم پادشاهان 10 >

و هفتاد پسر اخاب در سامره بودند. پس ییهو مکتوبی نوشته، به سامره نزدسروران یزرعیل که مشایخ و مربیان پسران اخاب بودند فرستاده، گفت: ۱ 1
Haddaba Axaab wuxuu Samaariya ku lahaa toddobaatan wiil. Yeehuuna warqaduu qoray oo wuxuu u diray Samaariya iyo taliyayaashii Yesreceel oo ahaa odayaashii, iyo kuwii soo koriyey wiilashii Axaab, oo wuxuu ku yidhi,
«الان چون این مکتوب به شما برسد چونکه پسران آقای شما و ارابه‌ها واسبان و شهر حصاردار و اسلحه با شما است، ۲ 2
Waxaa idinla jooga wiilashii sayidkiinna, oo waxaad haysataan gaadhifardood iyo fardo, oo weliba waxaad ku jirtaan magaalo deyr leh, hubna waad haysataan; haddaba markii warqaddanu idiin timaado,
پس بهترین و نیکوترین پسران آقای خود راانتخاب کرده، او را بر کرسی پدرش بنشانید و به جهت خانه آقای خود جنگ نمایید.» ۳ 3
doorta kan ugu wanaagsan oo ugu wada fiican wiilasha sayidkiinna oo ku fadhiisiya carshigii aabbihiis, oo u dirira sayidkiinna aawadiis.
اما ایشان به شدت ترسان شدند و گفتند: «اینک دو پادشاه نتوانستند با او مقاومت نمایند، پس ما چگونه مقاومت خواهیم کرد؟» ۴ 4
Laakiinse aad iyo aad bay u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Labadii boqorba way hor joogsan waayeene bal innagu sidee baynu u taagnaanaynaa?
پس ناظر خانه و رئیس شهر و مشایخ و مربیان را نزد ییهو فرستاده، گفتند: «ما بندگان تو هستیم و هر‌چه به ما بفرمایی بجا خواهیم آورد، کسی را پادشاه نخواهیم ساخت. آنچه در نظر تو پسند آید، به عمل آور.» ۵ 5
Oo kii reerka u sarreeyey, iyo kii magaalada u sarreeyey, iyo weliba odayaashii, iyo kuwii carruurta soo koriyeyba Yeehuu bay u cid direen, oo ku yidhaahdeen, Annagu addoommadaadii baannu nahay, oo wax alla wixii aad nagu amartana waannu yeelaynaa; oo annagu ninnaba boqor ka dhigan mayno; haddaba wax alla wixii kula wanaagsan samee.
پس مکتوبی دیگر به ایشان نوشت و گفت: «اگرشما با من هستید و سخن مرا خواهید شنید، سرهای پسران آقای خود را بگیرید و فردا مثل این وقت نزد من به یزرعیل بیایید.» و آن پادشاه زادگان که هفتاد نفر بودند، نزد بزرگان شهرکه ایشان را تربیت می‌کردند، می‌بودند. ۶ 6
Oo isna mar labaad buu warqad u qoray isagoo leh, Haddaad ila jirtaan, oo aad codkayga maqlaysaan, berrito hadda oo kale wiilasha sayidkiinna madaxyadooda Yesreceel iigu keena. Haddaba boqorka wiilashiisii oo toddobaatan qof ahaa waxay la joogeen raggii magaalada ugu waaweynaa oo iyaga soo koriyey.
و چون آن مکتوب نزد ایشان رسید، پادشاه زادگان را گرفته، هر هفتاد نفر را کشتند وسرهای ایشان را در سبدها گذاشته، به یزرعیل، نزد وی فرستادند. ۷ 7
Oo markii warqaddii u timid ayay wiilashii boqorka soo kaxeeyeen oo laayeen iyagoo toddobaatan qof ah, oo madaxyadoodii ayay dambiilo ku gureen, oo isagii bay Yesreceel ugu direen.
و قاصدی آمده، او را خبرداد و گفت: «سرهای پسران پادشاه را آوردند.» اوگفت: «آنها را به دو توده نزد دهنه دروازه تا صبح بگذارید.» ۸ 8
Oo waxaa isagii u yimid mid wargeeys ah, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Wiilashii boqorka madaxyadoodii waa la keenay. Oo isna wuxuu ku yidhi, Iridda laga soo galo albaabka laba tuulmo u kala dhiga, oo ilaa berri subax ha yaalleen.
و بامدادان چون بیرون رفت، بایستادو به تمامی قوم گفت: «شما عادل هستید. اینک من بر آقای خود شوریده، او را کشتم. اما کیست که جمیع اینها را کشته است؟ ۹ 9
Oo markii subaxdii la gaadhay ayuu soo baxay oo dibadda istaagay, oo wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Idinku xaq baad tihiin! Bal eega, anigu sayidkaygii baan shirqoolay, oo waan dilay, laakiinse bal yaa kuwan oo dhan laayay?
پس بدانید که ازکلام خداوند که خداوند درباره خاندان اخاب گفته است، حرفی به زمین نخواهد افتاد و خداوندآنچه را که به واسطه بنده خود ایلیا گفته، بجاآورده است.» ۱۰ 10
Haddaba bal ogaada in Eraygii Rabbiga ee uu Rabbigu reer Axaab kaga hadlay aan waxba dhulka kaga dhacayn, maxaa yeelay, Rabbigu waa sameeyey wixii uu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah.
و ییهو جمیع باقی ماندگان خاندان اخاب را که در یزرعیل بودند، کشت، وتمامی بزرگانش و اصدقایش و کاهنانش را تا از برایش کسی باقی نماند. ۱۱ 11
Sidaasuu Yeehuu Yesreceel ugu laayay reerkii Axaab intii ka hadhay oo dhan, iyo raggiisii waaweynaa oo dhan, iyo saaxiibbadiisii oo dhan, iyo wadaaddadiisii, ilaa uusan waxba u reebin.
پس برخاسته، و روانه شده، به سامره آمد وچون در راه به بیت عقد شبانان رسید، ۱۲ 12
Markaasuu kacay oo baxay, oo wuxuu tegey Samaariya. Oo markuu gaadhay gurigii adhijirrada ee jidka ku yiil
ییهو به برادران اخزیا، پادشاه یهودا دچار شده، گفت: «شما کیستید؟» گفتند: «برادران اخزیا هستیم ومی آییم تا پسران پادشاه و پسران ملکه را تحیت گوییم.» ۱۳ 13
ayaa Yeehuu la kulmay boqorkii dalka Yahuudah oo Axasyaah ahaa walaalihiis, oo wuxuu ku yidhi, War yaad tihiin? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Annagu waxaannu nahay Axasyaah walaalihiis, oo waxaannu u soconnaa inaannu soo salaanno carruurtii boqorka iyo carruurtii boqoradda.
او گفت: «اینها را زنده بگیرید.» پس ایشان را زنده گرفتند و ایشان را که چهل و دو نفربودند، نزد چاه بیت عقد کشتند که از ایشان احدی رهایی نیافت. ۱۴ 14
Oo isna wuxuu yidhi, iyagoo nool nool qabqabta. Markaasaa la qabtay iyagoo nool nool, oo waxaa iyagoo ah laba iyo afartan nin lagu ag laayay godkii guriga adhijirrada, oo midkoodna kama uu tegin.
و چون از آنجا روانه شد، به یهوناداب بن رکاب که به استقبال او می‌آمد، برخورد و او راتحیت نموده، گفت که «آیا دل تو راست است، مثل دل من با دل تو؟» یهوناداب جواب داد که «راست است.» گفت: «اگر هست، دست خود را به من بده.» پس دست خود را به او داد و او وی را نزدخود به ارابه برکشید. ۱۵ 15
Oo markuu halkaas ka tegey ayuu la kulmay Yehoonaadaab ina Reekaab oo soo socda inuu ka hor tago, oo intuu salaamay ayuu ku yidhi, War sidaan kuugu qalbi fayoobahay oo kale ma iigu qalbi fayow dahay? Markaasaa Yehoonaadaab ugu jawaabay, Haah, oo waan kuu qalbi fayoobahay. Isna wuxuu yidhi, Hadday saas tahay gacanta ii dhiib. Markaasuu gacanta u dhiibay, oo isna gaadhifaraskiisii ayuu soo saartay.
و گفت: «همراه من بیا، وغیرتی که برای خداوند دارم، ببین.» و او را بر ارابه وی سوار کردند. ۱۶ 16
Markaasuu ku yidhi, Kaalay, i raac, oo fiiri qiirada aan Rabbiga u qabo. Sidaasaa loo fuushiyey gaadhifaraskiisii.
و چون به سامره رسید، تمامی باقی ماندگان اخاب را که در سامره بودند، کشت به حدی که اثر او را نابود ساخت بر‌حسب کلامی که خداوند به ایلیا گفته بود. ۱۷ 17
Oo haddana markuu Samaariya gaadhay ayuu wada laayay intii Axaab Samaariya ugu hadhay oo dhan ilaa uu u baabbi'iyey sidii uu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Eliiyaah.
پس ییهو تمامی قوم را جمع کرده، به ایشان گفت: «اخاب بعل را پرستش قلیل کرد اماییهو او را پرستش کثیر خواهد نمود. ۱۸ 18
Markaasaa Yeehuu soo wada ururiyey dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Axaab in yar buu Bacal u adeegi jiray, laakiinse anoo Yeehuu ah si weyn baan ugu adeegi doonaa.
پس الان جمیع انبیای بعل و جمیع پرستندگانش و جمیع کهنه او را نزد من بخوانید و احدی از ایشان غایب نباشد زیرا قصد ذبح عظیمی برای بعل دارم. هر که حاضر نباشد زنده نخواهد ماند.» اما ییهو این رااز راه حیله کرد تا پرستندگان بعل را هلاک سازد. ۱۹ 19
Haddaba sidaas daraaddeed iigu soo wada yeedha nebiyadii Bacal oo dhan, iyo intii isaga caabudi jirtay oo dhan, iyo wadaaddadiisii oo dhan; oo midna yuusan ka maqnaan, waayo, allabari weyn baan Bacal u bixinayaa; oo ku alla ka maqnaadaa noolaan maayo. Laakiinse Yeehuu saas khiyaanuu u sameeyey, waayo, wuxuu damacsanaa inuu wada baabbi'iyo inta Bacal caabudda oo dhan.
و ییهو گفت: «محفلی مقدس برای بعل تقدیس نمایید.» و آن را اعلان کردند. ۲۰ 20
Yeehuuna wuxuu yidhi, Shir weyn Bacal quduus uga dhiga. Oo taas waa la naadiyey.
و ییهونزد تمامی اسرائیل فرستاد و تمامی پرستندگان بعل آمدند و احدی باقی نماند که نیامد و به خانه بعل داخل شدند و خانه بعل سرتاسر پر شد. ۲۱ 21
Oo Yeehuuna wuxuu u cid diray dalka Israa'iil oo dhan, markaasaa waxaa yimid intii Bacal caabudi jirtay oo dhan, sidaas daraaddeed nin aan iman ma jirin. Oo waxay soo galeen gurigii Bacal; oo gurigii Bacalna waa buuxsamay gees ilaa gees.
وبه ناظر مخزن لباس گفت که «برای جمیع پرستندگان بعل لباس بیرون آور.» و او برای ایشان لباس بیرون آورد. ۲۲ 22
Markaasuu wuxuu ku yidhi kii meeshii dharka u sarreeyey, Inta Bacal caabudda oo dhan dhar u keen. Kolkaasuu dhar u keenay.
و ییهو و یهوناداب بن رکاب به خانه بعل داخل شدند و به پرستندگان بعل گفت: «تفتیش کرده، دریافت کنید که کسی ازبندگان یهوه در اینجا با شما نباشد، مگر بندگان بعل و بس.» ۲۳ 23
Markaasaa Yeehuu iyo Yehoonaadaab ina Reekaab waxay galeen gurigii Bacal, Yeehuuna wuxuu ku yidhi kuwii Bacal caabudayay, Baadha oo iska fiiriya inaan halkan addoommadii Rabbiga waxba idinkala joogin, laakiinse aad tihiin kuwa Bacal caabuda oo keliya.
پس داخل شدند تا ذبایح وقربانی های سوختنی بگذرانند. و ییهو هشتاد نفربرای خود بیرون در گماشته بود و گفت: «اگریکنفر از اینانی که به‌دست شما سپردم رهایی یابد، خون شما به عوض جان او خواهد بود.» ۲۴ 24
Markaasay gudaha u galeen inay allabaryo iyo qurbaanno la gubo bixiyaan. Haddaba Yeehuu wuxuu mar hore soo doortay siddeetan nin inay dibadda joogaan, oo wuxuu ku yidhi, Nimanka aan gacantiinna soo geliyo hadduu midna baxsado, kii sii daaya ayaa naftiisa loo qisaasayaa.
و چون از گذرانیدن قربانی سوختنی فارغ شدند، ییهو به شاطران و سرداران گفت: «داخل شده، ایشان را بکشید و کسی بیرون نیاید.» پس ایشان را به دم شمشیر کشتند و شاطران وسرداران ایشان را بیرون انداختند. پس به شهربیت بعل رفتند. ۲۵ 25
Oo haddiiba markuu dhammeeyey allabarigii gubnaa oo uu bixinayay ayaa Yeehuu ku yidhi askartii iyo saraakiishii, Gala oo wada laaya, oo yaan midna ka soo bixin. Markaasay seef ku laayeen, oo askartii ordi jirtay iyo saraakiishii ayaa iyagii dibadda u soo tuuray oo waxay tageen magaaladii guriga Bacal.
و تماثیل را که در خانه بعل بود، بیرون آورده، آنها را سوزانیدند. ۲۶ 26
Oo waxay soo bixiyeen tiirarkii guriga Bacal ku jiray, wayna gubeen.
و تمثال بعل را شکستند و خانه بعل را منهدم ساخته، آن را تا امروز مزبله ساختند. ۲۷ 27
Wayna jebiyeen tiirkii Bacal, oo dumiyeen gurigii Bacal oo ilaa maantadan waxay ka dhigeen meel lagu saxaroodo.
پس ییهو، اثر بعل رااز اسرائیل نابود ساخت. ۲۸ 28
Oo Yeehuu sidaasuu Bacal uga baabbi'iyey dalka Israa'iil.
اما ییهو از پیروی گناهان یربعام بن نباط که اسرائیل را مرتکب گناه ساخته بود برنگشت، یعنی از گوساله های طلا که در بیت ئیل و دان بود. ۲۹ 29
Habase yeeshee dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad kii dadka Israa'iil dembaajiyey Yeehuu kama hadhin, kuwaasoo ahaa weylihii dahabka ahaa ee dhex yiil Beytel iyo Daan.
و خداوند به ییهو گفت: «چونکه نیکویی کردی و آنچه در نظر من پسندبود، بجا آوردی و موافق هر‌چه در دل من بود باخانه اخاب عمل نمودی، از این جهت پسران توتا پشت چهارم بر کرسی اسرائیل خواهندنشست.» ۳۰ 30
Markaasaa Rabbigu wuxuu Yeehuu ku yidhi, Si wanaagsan baad u yeeshay wax hortayda ku toosan, oo reerkii Axaabna waad ku samaysay wax alla wixii qalbigayga ku jiray oo dhan, haddaba sidaas daraaddeed farcankaaga qarniga afraad ah ayaa ku fadhiisan doona carshiga dalka Israa'iil.
اما ییهو توجه ننمود تا به تمامی دل خود در شریعت یهوه، خدای اسرائیل، سلوک نماید، و از گناهان یربعام که اسرائیل را مرتکب گناه ساخته بود، اجتناب ننمود. ۳۱ 31
Laakiinse Yeehuu iskama uu jirin oo kuma socon sharcigii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, kumana raacin qalbigiisa oo dhan, oo kama tegin dembiyadii Yaaraabcaam uu dadka Israa'iil dembaajiyey.
و در آن ایام، خداوند به منقطع ساختن اسرائیل شروع نمود و حزائیل، ایشان را درتمامی حدود اسرائیل می‌زد، ۳۲ 32
Oo waagaas ayaa Rabbigu bilaabay inuu dalka Israa'iil yareeyo, oo Xasaa'eel ayaa iyaga ku laayay dalka Israa'iil oo dhan,
یعنی از اردن به طرف طلوع آفتاب، تمامی زمین جلعاد و جادیان و روبینیان و منسیان را از عروعیر که بر وادی ارنون است و جلعاد و باشان. ۳۳ 33
oo laga bilaaba Webi Urdun ilaa barigiisa, intaas oo ah dalka Gilecaad oo dhan, iyo reer Gaad, iyo reer Ruubeen, iyo reer Manaseh, iyo tan iyo Carooceerta ku ag taal Webi Arnoon, iyo xataa Gilecaad iyo Baashaan.
و بقیه وقایع ییهوو هر‌چه کرد و تمامی تهور او، آیا در کتاب تواریخ ایام پادشاهان اسرائیل مکتوب نیست؟ ۳۴ 34
Haddaba Yeehuu falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
پس ییهو با پدران خود خوابید و او را در سامره دفن کردند و پسرش یهواخاز به‌جایش پادشاه شد. ۳۵ 35
Markaasaa Yeehuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehoo'aaxaas.
و ایامی که ییهو در سامره بر اسرائیل سلطنت نمود، بیست و هشت سال بود. ۳۶ 36
Oo wakhtigii Yeehuu dalka Israa'iil Samaariya boqorka ugu ahaa wuxuu ahaa siddeed iyo labaatan sannadood.

< دوم پادشاهان 10 >