< اول تواریخ 4 >

بني يهودا: فارَص و حَصرُون و کَرمي و حور و شوبال. ۱ 1
Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Feres, iyo Xesroon, iyo Karmii, iyo Xuur, iyo Shoobaal.
و رَآيا ابن شوبال يحَت را آورد و يحَت اَخُوماي و لاهَد را آورد. اينانند قبايل صَرعاتيان. ۲ 2
Oo Re'aayaah oo ahaa ina Shoobaalna wuxuu dhalay Yaaxad, Yaaxadna wuxuu dhalay Axuumay iyo Lahad. Kuwanu waa qolooyinkii reer Sorcaah.
و اينان پسران پدر عيطام اند: يزرَعيل و يشما و يدباش و اسم خواهر ايشان هَصلَلفُوني بود. ۳ 3
Oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii uu dhalay Ceetaam aabbihiis, oo waa Yesreceel, iyo Yishmaa, iyo Yidbaash, oo walaashood magaceedana waxaa la odhan jiray Haselelfoonii,
فَنُوئيل پدر جَدُور و عازَر پدر خُوشَه اينها پسران حور نخست زاده اَفراته پدر بيت لحم بودند. ۴ 4
iyo Fenuu'eel oo ahaa Gedoor aabbihiis, iyo Ceser oo ahaa Xuushaah aabbihiis. Kuwanu waa wiilashii Xuur, kaasoo ahaa curadkii Efraataah, oo ahaa Beytlaxam aabbihiis.
و اَشحُور پدر تَقّوع دو زن داشت: حَلا و نَعرَه. ۵ 5
Oo Ashxuur oo ahaa Teqooca aabbihiisna wuxuu qabay laba naagood, oo waxay ahaayeen Xelaah iyo Nacaraah.
و نَعرَه، اَخُزّام و حافَر و تَيماني و اَخَشطاري را براي او زاييد؛ اينان پسران نَعرَه اند. ۶ 6
Oo Nacaraah waxay isagii u dhashay Axuusaam, iyo Heefer, iyo Teemnii, iyo Haa'axashtaarii. Intaasu waxay ahaayeen Nacaraah wiilasheedii.
و پسران حَلا: صَرَت و صُوحَر و اَتنان. ۷ 7
Xelaah wiilasheediina waxay ahaayeen Sered, iyo Isehaar, iyo Etnaan.
و قُوس عانوب و صُوبِيبَه و قبايل اَخَرحيل بن هارُم را آورد. ۸ 8
Haqoosna wuxuu dhalay Caanuub, iyo Sobeebaah, iyo qolooyinka reer Axarxeel oo ahaa ina Haaruum.
و يعبِيص از برادران خود شريف تر بود و مادرش او را يعبِيص نام نهاد و گفت: « از اين جهت که او را با حُزن زاييدم.» ۹ 9
Yacbeesna wuu ka ciso badnaa walaalihiis oo dhan, oo hooyadiis ayaa isagii ku magacawday Yacbees, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, isaga waxaan ku dhalay tiiraanyo.
و يبِيص از خداي اسرائيل استدعا نموده گفت: « کاش که مرا برکت مي دادي و حدود مرا وسيع ميگردانيدي و دست تو با من مي بود و مرا از بلا نگاه مي داشتي تا محزون نشوم.» و خدا آنچه را که خواست به او بخشيد. ۱۰ 10
Oo Yacbeesna wuxuu baryay Ilaahii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa inaad i barakaysid, oo aad soohdintayda ii ballaadhisid, iyo in gacantaadu ila jirto, oo aad sharka iga dhawrtid, si aanan u tiiraanyoon! Oo Ilaahna wuu siiyey wixii uu weyddiistay.
وکَلوب برادر شُوحَه مَحِير را که پدر اَشتون باشد آورد. ۱۱ 11
Keluub oo ahaa Shuuxah walaalkiisna wuxuu dhalay Mexiir, oo ahaa Eshtoon aabbihiis.
و اَشتون بيت رافا و فاسيح تَحِنّه پدر عِير ناحاش را آورد. اينان اهل ريقَه مي باشد. ۱۲ 12
Eshtoonna wuxuu dhalay Beytraafaa, iyo Faasee'ax, iyo Texinnaah oo ahaa Ciirnaaxaash aabbihiis. Oo kuwanu waa nimankii Reekaah.
و پسران قَناز و عُتنِيئِيل و سَرايا بودند؛ و پسر عُتنيئيل حَتَات. ۱۳ 13
Wiilashii Qenasna waxay ahaayeen, Cotnii'eel, iyo Seraayaah, oo Cotnii'eelna wuxuu dhalay Xatad.
و مَعُونُوتاي عُفرَه را آورد و سَرايا، يوآب پدرجيحَراشيم را آورد، زيرا که صنعتگر بودند. ۱۴ 14
Mecoonotayna wuxuu dhalay Cofraah, oo Seraayaahna wuxuu dhalay Yoo'aab oo ahaa Geharashiim aabbihiis, waayo, iyagu waxay ahaayeen rag saaniciin ah.
و پسران کاليب بن يفُنَّه، عيرُو و اِيلَه و ناعَم بودند؛ و پسر اِيلَه قَناز بود. ۱۵ 15
Kaaleeb ina Yefunneh wiilashiisiina waxay ahaayeen Iiruu, iyo Eelaah, iyo Nacam, ina Eelaahna wuxuu ahaa Qenas.
و پسران يهلَلئيل، زيف و زيفَه و تِيريا و اَسَرئيل. ۱۶ 16
Wiilashii Yehaleleelna waxay ahaayeen Siif iyo Siifaah, iyo Tiiryaa, iyo Asareel.
و پسران عَزرَه يتَر و مَرَد و عافَر و يالون(و زنِ مَرَد) مريم و شَماي و يشبَح پدر اَشتَمُوع را زاييد. ۱۷ 17
Ilmaha Cesraahna waxay ahaayeen Yeter, iyo Mered, iyo Ceefer, iyo Yaaloon, oo iyana waxay dhashay Maryan, iyo Shammay, iyo Yishbax oo ahaa Eshtemooca aabbihiis.
و زن يهوديه او يارَد، پدر جَدُور، و جابَر پدر سُوکُو و يقوتيئيل پدر زانوح را زاييد. اما آنان پسران بِتيه دختر فرعون که مَرَد او را به زني گرفته بود مي باشند. ۱۸ 18
Naagtiisii Yahuudiyadda ahaydna waxay dhashay Yered oo ahaa Gedoor aabbihiis, iyo Xeber oo ahaa Sookoo aabbihiis, iyo Yequutii'eel oo ahaa Saanoo'ax aabbihiis. Oo kuwanuna waa wiilashii Bityaah oo ahayd ina Fircoon oo uu Mered guursaday.
و پسران زن يهوديه او که خواهر نَحَم بود پدر قَعيلَه جَرمي و اَشتَمُوع مَعکاتي بودند. ۱۹ 19
Oo Hoodiyaah naagtiisii oo ahayd Naxam walaashiis wiilasheediina waxay ahaayeen Qeciilaah kii reer Garmii aabbihiis, iyo Eshtemooca oo ahaa reer Macakaad.
وپسران شيمون: اَمنون وَرِنَّه و بِنحانان وتيلون و پسران يشعِي زُنزُوحيت. ۲۰ 20
Wiilashii Shiimoonna waxay ahaayeen Cammoon, iyo Rinnaah, iyo Benxaanaan, iyo Tiiloon. Wiilashii Yishciina waxay ahaayeen Sooxeed iyo Bensooxeed.
و بني شيلَه بن يهودا، عير پدر ليکَه، و لَعدَه پدر مَريشَه و قبايل خاندان عاملان کتان نازک از خانواده اَشبيع بودند. ۲۱ 21
Sheelaah ina Yahuudah wiilashiisiina waxay ahaayeen Ceer oo ahaa Leekaah aabbihiis, iyo Lacadaah oo ahaa Maareeshaah aabbihiis, iyo qolooyinka reerka kuwa dhar wanaagsan samayn jiray oo ka soo farcamay reer Ashbeeca,
و يوقيم و اهل کُوزِيبا و يوآش و ساراف که در موآب مِلک داشتند، و يشُوبي لَحمَ؛ و اين وقايع قديم است. ۲۲ 22
iyo Yooqiim, iyo dadka reer Kosebaa, iyo Yoo'aash, iyo Saaraaf oo u talin jiray Moo'aab, iyo Yaashubilexem. Oo taariikhduna waa wax aad u gaboobay.
و اينان کوزه گر بودند با ساکنان نتاعيم و جَديره که در آنجاها نزد پادشاه به جهت کار او سکونت داشتند. ۲۳ 23
Oo kuwanuna waxay ahaayeen dheryodhoobyadii, oo waxay degganaan jireen Netaa'iim iyo Gedeeraah, oo halkaas ayay la degganaan jireen boqorka si ay shuqulkiisa u sameeyaan.
پسران شَمعون: نمُوئيل و يامين و ياريب و زارَح و شاؤل. ۲۴ 24
Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Nemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Yaariib, iyo Serax, iyo Shaa'uul
و پسرش شَلّوُم و پسرش مِبسام و پسرش مِشماع. ۲۵ 25
oo dhalay Shalluum, oo isna dhalay Mibsam, oo isna dhalay Mishmaac.
و بني مِشماع پسرش حموُئيل و پسرش زَکُّور و پسران شِمعي. ۲۶ 26
Mishmaac farcankiisuna wuxuu ahaa Xamuu'eel oo dhalay Sakuur, oo isna dhalay Shimcii.
و شِمعي را شانزده پسر و شش دختر بود ولکن برادرانش را پسران بسيار نبود و همه قبايل ايشان مثل بني يهودا زياد نشدند. ۲۷ 27
Shimciina wuxuu lahaa lix iyo toban wiil iyo lix gabdhood, laakiinse walaalihiis carruur badan ma ay lahayn, oo qoladooda oo dhammuna uma ay tarmin, sida reer Yahuudah oo kale.
و ايشان در بئرشَبَع و مُولادَه و حَصَر شُوآل، ۲۸ 28
Oo iyagu waxay degganaayeen Bi'ir Shebac, iyo Molaadaah, iyo Xasar Shuucaal,
و در بِلهَه و عاصَم و تولاد، ۲۹ 29
iyo Bilhah, iyo Cesem, iyo Toolad,
و در بَتوئيل و حَرمُه و صِقلَغ ۳۰ 30
iyo Betuu'eel, iyo Xormaah, iyo Siiqlag,
و دربيت مرکَبوت و حَصرسُوسيم و بيت بِرئِي و شَعَرايم ساکن بودند. اينها شهرهاي ايشان تا زمان سلطنت داود بود. ۳۱ 31
iyo Beytmarkabood, iyo Xasar Suusiim, iyo Beytbirii, iyo Shacarayim. Intaasu waxay ahaayeen magaalooyinkoodii ay degganaayeen tan iyo waagii Daa'uud boqortooyada haystay.
و قريه هاي ايشان عيطام عين و رِمُّون و تُوکَن و عاشان، يعني پنج قريه بود، ۳۲ 32
Oo tuulooyinkoodiina waxay ahaayeen Ceetaam, iyo Cayn, iyo Rimmon, iyo Token, iyo Caashaan, oo waxay ahaayeen shan magaalo,
و جميع قريه هاي ايشان که در پيرامون آن شهرها تابَعل بود. پس مسکنهاي ايشان اين است و نسب نامه هاي خود را داشتند. ۳۳ 33
iyo kulli tuulooyinkoodii ku wareegsanaa isla magaalooyinkaas ilaa tan iyo Bacal. Kuwaasu waxay ahaayeen rugahoodii ay degganaayeen, oo iyagu abtirisna way leeyihiin.
و مَشوبات و يمليک و يوشَه بن اَمصيا، ۳۴ 34
Oo Meshoobaab, iyo Yamleeg, iyo Yooshaah oo ahaa ina Amasyaah,
يوئيل و ييهُو ابن يوشِبيا ابن سَرايا ابن عَسِيئيل، ۳۵ 35
iyo Yoo'eel, iyo Yeehuu oo ahaa ina Yooshibyaah ina Seraayaah, ina Casii'eel,
و اَليوعيناي و يعکوبَه و يشوحايا وعَسايا و عِديئيل و يسيميئيل و بنايا، ۳۶ 36
iyo Eliyooceenay, iyo Yacaqobaah, iyo Yeshooxaayaah, iyo Casaayaah, iyo Cadii'eel, iyo Yesiimi'eel, iyo Benaayaah,
و زيزا ابن شِفعِي ابن اِلّوُن بن يدايا ابن شِمري ابن شَمَعيا، ۳۷ 37
iyo Siisaa oo ahaa ina Shifcii ina Alloon oo ahaa reer Yedacyaah oo ka ahaa reer Shimrii oo ka sii ahaa reer Shemacyaah,
ايناني که اسم ايشان مذکور شد، در قبايل خود رؤسا بودند و خانه هاي آباي ايشان بسيار زياد شد. ۳۸ 38
intaas magacyadooda la sheegay waxay ahaayeen amiirradii qolooyinkooda, oo reerahooduna aad bay si weyn ugu kordheen.
و به مدخل جَدُورتا طرف شرقي وادي رفتند تا براي گله هاي خويش چراگاه بجويند. ۳۹ 39
Oo waxay tageen meesha Gedoor laga galo iyo xataa tan iyo dooxadii dhankeeda bari si ay idahooda daaq ugu doondoonaan.
پس برومند نيکو يافتند و آن زمين وسيع و آرام و امين بود، زيرا که آلِ حام در زمان قديم در آنجا ساکن بودند. ۴۰ 40
Oo waxay halkaas ka heleen daaq cosob ah oo wanaagsan, oo dhulkuna wuu ballaadhnaa, wuxuuna ahaa dal xasilloon oo nabdoon, waayo, kuwii halkaas waagii hore degganaan jiray waxay ahaayeen reer Xaam.
و ايناني که اسم ايشان مذکور شد، در ايام حِزقيا پادشاه يهودا آمدند و خيمه هاي ايشان و معونيان را که در آنجا يافت شدند، شکست دادند و ايشان را تا به امروز تباه ساخته، در جاي ايشان ساکن شده اند زيرا که مرتع براي گله هاي ايشان در انجا بود. ۴۱ 41
Oo kuwan magacyadooda la qoray waxay dalka soo galeen waagii boqorkii reer Yahuudah, oo Xisqiyaah ahaa, oo waxay dumiyeen teendhooyinkoodii oo laayeen reer Mecuuniimkii halkaas laga helay, dhammaantoodna way wada baabbi'iyeen, ilaa maantadan la joogo, oo meeshoodii bay degeen, maxaa yeelay, meeshaasu waxay lahayd daaq ay idahoodu daaqaan.
و بعضي از ايشان، يعني پانصد نفر از بني شَمعُون به کوه سَعير رفتند؛ و فَلطِيا و نَعرِيا و رَفايا و عُرِّيئيل پسران يشيع رؤساي ايشان بودند. ۴۲ 42
Oo iyaga qaarkood oo ahaa reer Simecoon oo tiradoodu ahayd shan boqol oo nin waxay tageen Buur Seciir, oo waxaa saraakiil u ahaa Felatyaah, iyo Necaryaah, iyo Refaayaah, iyo Cusii'eel oo wada ahaa wiilashii Yishcii.
و بقيه عَمالَقَه را که فرار کرده بودند، شکست داده، تا امروز در آنجا ساکن شده اند. ۴۳ 43
Oo waxay soo laayeen kuwii reer Camaaleq ka hadhay oo baxsaday, oo halkaasay deggan yihiin ilaa maantadan la joogo.

< اول تواریخ 4 >