< 2 Peters 2 >
1 Men det stod og falske profetar fram hjå folket, liksom det og hjå dykk skal koma falske lærarar, som skal lura inn ranglæror som fører til fortaping, med di dei jamvel neittar den Herre som kjøpte deim, og fører yver seg sjølve ei brå fortaping.
Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah.
2 Og mange skal fylgja deim i deira used, og for deira skuld skal sanningsvegen verta spotta,
Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah.
3 og av havesykja skal dei med uppdikta ord nytta dykk ut til vinning. Men domen er frå gamall tid ikkje yrkjelaus mot deim, og deira fortaping søv ikkje.
Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.
4 For so visst som Gud ikkje sparde englar då dei synda, men støytte deim ned i avgrunnen og gav deim yver til myrke holor i varetekt til dom, (Tartaroō )
Maxaa yeelay, Ilaah uma tudhin malaa'igihii dembaabay, laakiinse wuxuu iyagii ku tuuray cadaabta, oo wuxuu ku riday godad gudcur ah iyagoo xukun aawadiis loo hayo. (Tartaroō )
5 og ikkje sparde den gamle verdi, men heldt uppe rettferds-forkynnaren Noah sjølv-åttande, då han førde storflodi yver ei verd av ugudlege,
Oo dunidii horena uma u tudhin, laakiinse wuxuu badbaadshay Nuux, oo ahaa mid xaqnimada wax ku wacdiya, iyo toddoba qof oo kale, markuu daadkii ku soo daayay dunidii cibaadalaawayaasha.
6 og lagde byarne Sodoma og Gomorra i oska og fordømde deim til undergang og dermed sette deim til fyredøme på dei ugudlege i framtidi,
Oo magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa,
7 og fria ut den rettferdige Lot, som leid under den skamlause åtferdi av dei ugudlege
oo wuxuu ka samatabbixiyey Luud kii xaqa ahaa oo aad loogu saxariiriyey sharcilaawayaashii dabiicaddoodii nijaasta ahayd.
8 - for den rettferdige som budde imillom deim, leid dagstødt pinsla i si rettferdige sjæl ved dei lovlause gjerningar som han såg og høyrde -
Waayo, ninkaas xaqa ahaa iyaguu dhex degganaa, oo waxaa naftiisii xaqa ahayd maalin ka maalin silciyey camaladoodii sharciga ka geesta ahaa markuu arkay oo maqlay.
9 so veit Herren å fria dei gudlege ut or freisting, men halda dei urettferdige i varetekt med refsing til domedag,
Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,
10 mest deim som fer etter kjøtet i urein lyst og vanvyrder herredøme. Dei sjølvgode vågehalsar! Dei skjelv ikkje ved å spotta høge magter,
khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan.
11 medan då englar, som er større i styrke og magt, ikkje ber fram for Herren nokon spottande dom imot deim.
Malaa'iguhuna in kastoo ay iyaga itaal iyo xoogba ka badan yihiin, iyaga dacwo cay ah Rabbiga hortiisa kagama dacweeyaan.
12 Men desse, liksom vitlause dyr, av naturi fødde til fanging og undergang, dei skal, av di dei spottar det dei ikkje kjenner, gagna under ved si eigi uferd
Laakiinse kuwanu waa sida xayawaan aan caqli lahayn oo u dhashay in la qabsado oo la dilo, oo waxay caayaan wax aanay garanayn. Hubaal iyagu halligaaddooda ayay ku halligmi doonaan.
13 og få urettferds løn. Dei set si lyst i å bruka dagen til kjæla; dei utskjemmor og skamflekkjer; dei kræser seg ved sitt svik når dei held gilde med dykk.
Xaqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda.
14 Augo hev dei som er fyllte av skjøkja og umetteleg i synd; dei forlokkar ustøde sjæler; dei hev eit hjarta som er upptamt i havesykja, dei forbanningsborn!
Waxay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed.
15 Dei hev vike av frå den beine vegen og fare vilt, med di dei hev fylgt Bileam Beorssons veg, han som elska urettferds løn
Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada.
16 og fekk refsing for sitt eige brot: eit umælande klyvdyr tala med mannemæle til honom og hindra profeten i hans uvitingskap.
Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga.
17 Desse er vatslause kjeldor, skodda som vert drivi av stormvind; til deim er kolmyrket ferdigt. ()
Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka.
18 For med di dei talar skrøytande, tome ord, forlokkar dei i kjøtslyster ved ukjurskap deim som nett hev flytt ifrå deim som fer i villa,
Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta;
19 med di dei lovar deim fridom, dei som sjølve er trælar under tjon; for det som ein ligg under for, det hev han og vorte træl for.
oo waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada.
20 For um dei hev flytt ifrå ureinskapen i verdi med di dei hev lært å kjenna vår Herre og frelsar Jesus Kristus, og so atter vert innfløkte i henne og ligg under, då hev det siste vorte verre med deim enn det fyrste.
Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.
21 For det var betre for deim at dei ikkje hadde kjent rettferds veg, enn at dei kjende honom og so vende seg burt att frå det heilage bodet som var yvergjeve deim.
Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas.
22 Det hev gjenge deim etter det sanne ordtøket: «Ein hund vendar atter til si eigi spya, » og: «Ei lauga su velter seg i søyla.»
Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.