< Lukas 5 >
1 Men det skjedde da folket trengte sig inn på ham og hørte Guds ord, og han stod ved Gennesaret-sjøen,
Intii dadkii oo dhan isku soo cidhiidhiyeen inay ereygii Ilaah maqlaan, ayuu is-ag taagay badda Gennesared;
2 da så han to båter ligge ved sjøen; men fiskerne var gått ut av dem og skyllet garnene.
oo wuxuu arkay laba doonniyood oo badda ag taal; laakiin kalluumaystayaashii waa ka degeen, oo shabagyadoodii ayay maydhayeen.
3 Han gikk da ut i en av båtene, som tilhørte Simon, og bad ham legge litt ut fra land; og han satte sig i båten og lærte folket.
Markaasuu fuulay doonniyihii middood oo Simoon lahaa, wuxuuna ka baryay inuu in yar dhulka ka durkiyo. Markaasuu fadhiistay oo dadkii wax ka dhex baray doonnidii.
4 Men da han holdt op å tale, sa han til Simon: Legg ut på dypet, og kast eders garn ut til en drett!
Goortuu hadalkii dhammeeyey ayuu Simoon ku yidhi, Meesha biyaha u dheer gee, oo shabagyadiinna ku dejiya si aad kalluun u heshaan.
5 Og Simon svarte ham: Mester! vi har strevet hele natten og ikke fått noget; men på ditt ord vil jeg kaste ut garnene.
Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, xalay oo dhan ayaannu hawshoonnay, waxbana ma aannu qaban, laakiin hadalkaaga dartii shabagyada waan dejinayaa.
6 Og de gjorde så, og fanget en stor mengde fisk; og deres garn revnet.
Goortay waxaas yeeleen waxay ku qabteen kalluun tiro badan, shabagyadooduna way kala dillaaci gaadheen.
7 Og de vinket til sine lagsbrødre i den andre båt, at de skulde komme og ta i med dem; og de kom, og de fylte begge båtene, så de holdt på å synke.
Markaasay u gacan haadiyeen wehelladoodii doonnida kale ku jiray inay yimaadaan oo caawiyaan. Wayna yimaadeen, oo waxay buuxiyeen labadii doonniyood, sidaa darteed ayay u dhowaadeen inay degaan.
8 Men da Simon Peter så det, falt han ned for Jesu knær og sa: Herre, gå fra mig! for jeg er en syndig mann.
Laakiin Simoon Butros goortuu waxaas arkay, ayuu Ciise jilbihiisa isku tuuray, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaan ahay nin dembi leh, ee iga tag.
9 For redsel kom over ham og alle dem som var med ham, for den fiskedrett som de hadde fått;
Maxaa yeelay, isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen.
10 likeså Jakob og Johannes, Sebedeus' sønner, som var i lag med Simon. Og Jesus sa til Simon: Frykt ikke! fra nu av skal du fange mennesker.
Sidoo kalena waxaa la yaabay Yacquub iyo Yooxanaa oo wiilashii Sebedi ahaa, kuwii wehello Simoon la ahaa. Ciisena wuxuu Simoon ku yidhi, Ha baqin, hadda iyo hadhowba dad baad jillaabi doontaa.
11 Da rodde de båtene i land og forlot alt og fulgte ham.
Markay doonniyahoodii dhulkii geeyeen, ayay wax walba ka tageen, markaasay raaceen isaga.
12 Og det skjedde da han var i en av byene, se, da var det en mann som var full av spedalskhet; og da han så Jesus, falt han ned på sitt ansikt, bad ham og sa: Herre! om du vil, kan du rense mig.
Goortuu magaalooyinka middood ku jiray, waxaa la arkay nin baras miidhan ah. Isaguna markuu Ciise arkay, wejigiisuu dhulka dhigay oo ka baryay isagoo leh, Sayidow, haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.
13 Og Jesus rakte hånden ut, rørte ved ham og sa: Jeg vil; bli ren! Og straks forlot spedalskheten ham.
Oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Oo kolkiiba baraskii waa ka baxay.
14 Og han bød ham at han ikke skulde si det til nogen; men gå og te dig for presten og ofre for din renselse, således som Moses har påbudt, til et vidnesbyrd for dem!
Markaasuu ku amray, Ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga mar oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.
15 Men ordet om ham kom ennu mere ut, og meget folk kom sammen for å høre og for å bli helbredet for sine sykdommer;
Laakiin weliba warkii isaga ku saabsanaa ayaa sii fiday; o dad aad u badan ayaa u yimid inay maqlaan, iyo in bukaankooda laga bogsiiyo.
16 men han drog sig tilbake til øde steder og var der i bønn.
Markaasuu, intuu ku noqday meelo cidla ah, ku tukaday.
17 Og det skjedde en av dagene mens han lærte, og der satt fariseere og lovlærere som var kommet fra hver by i Galilea og Judea og fra Jerusalem, og Herrens kraft var hos ham til å helbrede:
Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimiintii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka.
18 se, da kom nogen menn som bar en mann på en seng, han var verkbrudden; og de søkte å få ham inn og legge ham ned foran ham.
Markaasaa niman waxay sariir ku soo qaadeen nin curyaan ah, waxayna doonayeen inay gudaha geliyaan oo hortiisa dhigaan.
19 Og da de for folketrengselen ikke fant nogen vei til å få ham inn, steg de op på taket og firte ham med sengen ned mellem takstenene midt foran Jesus.
Markay heli waayeen meel ay ka geliyaan dadkii badnaa aawadiis, ayay guriga dushiisa fuuleen, oo saqafka ayay ka dusiyeen isaga iyo sariirtiisii, oo ay dhex dhigeen Ciise hortiisa.
20 Og da han så deres tro, sa han: Menneske! dine synder er dig forlatt.
Goortuu rumaysadkoodii arkay ayuu ku yidhi, Nin yahow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin.
21 Da begynte de skriftlærde og fariseerne å tenke så: Hvem er denne mann, som taler bespottelser? Hvem kan forlate synder uten Gud alene?
Markaasaa culimmadii iyo Farrisiintii waxay bilaabeen inay fikiraan iyagoo leh, Ayuu yahay kan caytamayaa? Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?
22 Men da Jesus merket deres tanker, svarte han og sa til dem: Hvad er det I tenker i eders hjerter?
Laakiin Ciise goortuu fikirradoodii gartay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad qalbiyadiinna uga fikiraysaan?
23 Hvad er lettest, enten å si: Dine synder er dig forlatt, eller å si: Stå op og gå?
Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco?
24 Men forat I skal vite at Menneskesønnen har makt på jorden til å forlate synder - så sa han til den verkbrudne: Jeg sier dig: Stå op og ta din seng og gå hjem til ditt hus!
Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi), Waxaan kugu leeyahay, Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.
25 Og straks stod han op for deres øine og tok det han lå på, og gikk hjem til sitt hus og priste Gud.
Kolkiiba hortood ayuu kacay, oo qaatay wixii uu ku jiifay, oo gurigiisa tegey, isagoo Ilaah ammaanaya.
26 Da kom det forferdelse over dem alle, og de priste Gud, og de blev fulle av frykt og sa: Idag har vi sett utrolige ting!
Markaasay wada yaabeen oo Ilaah ammaaneen, aad bayna u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaannu aragnay waxyaalo yaab leh.
27 Derefter gikk han ut, og han så en tolder ved navn Levi sitte på tollboden; og han sa til ham: Følg mig!
Waxyaalahaas dabadood ayuu baxay, oo wuxuu arkay cashuurqaade Laawi la odhan jiray oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac.
28 Og han forlot alt og stod op og fulgte ham.
Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay.
29 Og Levi gjorde et stort gjestebud for ham i sitt hus, og der var en stor mengde toldere og andre som satt til bords med dem.
Laawi wuxuu gurigiisa ugu sameeyey diyaafad weyn. Waxaana joogay qaar badan oo cashuurqaadayaal ah iyo qaar kale oo cunto ula fadhiya iyaga.
30 Og fariseerne og deres skriftlærde knurret mot hans disipler og sa: Hvorfor eter og drikker I med toldere og syndere?
Markaasaa Farrisiintii iyo culimmadoodii, intay xertiisii ka gunuunaceen, waxay ku yidhaahdeen, Maxaad cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha wax ula cuntaan oo ula cabtaan?
31 Og Jesus svarte og sa til dem: De friske trenger ikke til læge, men de som har ondt;
Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan.
32 jeg er ikke kommet for å kalle rettferdige, men syndere til omvendelse.
Anigu uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaashase toobadda ugu yeedho ayaan u imid.
33 De sa til ham: Johannes' disipler holder jevnlig faste og bønn, og fariseernes disipler likeså; men dine eter og drikker.
Waxay ku yidhaahdeen, Xerta Yooxanaa marar badan bay soomaan oo tukadaan, kuwa Farrisiintuna sidaas oo kale ayay yeelaan, laakiin kuwaagu wax bay cunaan oo cabbaan.
34 Men Jesus sa til dem: Kan I vel få brudesvennene til å faste så lenge brudgommen er hos dem?
Ciise wuxuu ku yidhi, Ma ku dirqi karaysaan saaxiibbadii arooska inay soomaan kolkuu aroosku la joogo?
35 Men de dager skal komme da brudgommen blir tatt fra dem; da skal de faste, i de dager.
Laakiin maalmaha ayaa iman doona; oo kolkii arooska laga qaadi doono, kolkaasay maalmahaas soomi doonaan.
36 Han sa også en lignelse til dem: Ingen river en lapp av et nytt klædebon og setter den på et gammelt; ellers river han det nye i sønder, og lappen av det nye passer ikke til det gamle.
Weliba wuxuu kula hadlay masaal isagoo leh, Ninna karriin kama jeexo dhar cusub inuu dhar duug ah ku tolo, haddii kale tan cusub ayuu jeexayaa, oo karriintii laga soo gooyay dharkii cusbaa la heshiin mayso kan duugga ah.
37 Og ingen fyller ny vin i gamle skinnsekker; ellers vil den nye vin sprenge sekkene, og den selv spilles og sekkene ødelegges;
Ninna khamri cusub kuma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, oo waa daadanayaa; qarbeddaduna waa hallaabayaan.
38 men ny vin skal fylles i nye skinnsekker.
Laakiin khamri cusub waa in lagu shubaa qarbeddo cuscusub.
39 Og ingen som har drukket gammel vin, har lyst på ny; han sier: den gamle er god.
Ma jiro nin, hadduu khamri duug ah cabbay, doonaya kan cusub, waayo, wuxuu leeyahay, Kan duugga ah ayaa wanaagsan.