< UMathewu 2 >

1 UJesu esezelwe eBhethilehema laseJudiya ngesikhathi sokubusa kwenkosi uHerodi, kwafika eJerusalema iZazi zivela empumalanga,
Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh,
2 zabuza zathi, “Ungaphi lowo ozalelwe ukuba yinkosi yamaJuda na? Sibone inkanyezi yakhe empumalanga ngakho size ukuzamkhonza.”
Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno.
3 Kwathi inkosi uHerodi isikuzwile lokhu yakhathazeka, kanye leJerusalema lonke.
Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan.
4 Kwathi esebizele ndawonye abaphristi abakhulu bonke labafundisi bomthetho, wababuza ukuthi uKhristu wayezazalelwa ngaphi.
Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa.
5 Baphendula bathi, “EBhethilehema laseJudiya, ngoba lokhu yikho okwalotshwa ngumphrofethi ukuthi:
Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray,
6 ‘Kodwa wena Bhethilehema, elizweni lakoJuda, kawumncinyane kulabo bonke ababusi bakoJuda; ngoba kuzavela umbusi kuwe, ozakuba ngumelusi wabantu bami bako-Israyeli.’”
Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.
7 UHerodi wasezibiza iZazi ngasese wadingisisa kuzo isikhathi inkanyezi eyaphuma ngaso ngqe.
Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay.
8 Wabathuma eBhethilehema wathi, “Hambani liyemdinga umntwana. Lingamfumana lingazise masinyane ukuze lami ngihambe ngiyemkhonza.”
Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo.
9 Sezizwile okwatshiwo yinkosi, zasuka zahamba, inkanyezi leyo ezaziyibonile empumalanga yahamba phambi kwazo yaze yayakuma lapho umntwana ayekhona.
Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay,
10 Zathi ziyibona inkanyezi zagcwala intokozo.
oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen.
11 Zangena endlini zambona umntwana lonina uMariya, zakhothama zamkhonza. Zasezivula impahla zazo eziligugu zamkhunga ngezipho zegolide lempepha lemure.
Markaasay gurigii galeen oo waxay arkeen ilmihii iyo Maryan hooyadiis, wayna dhaceen oo caabudeen isaga, oo intay khasnadahoodii fureen waxay isaga u dhiibeen hadiyado dahab iyo beeyo iyo malmal ah.
12 Kwathi ngoba zixwayisiwe ephutsheni ukuthi zingabuyeli kuHerodi, zaqonda elizweni lakibo ngenye indlela.
Markaasaa riyo loogu digay inaanay Herodos ku noqon, oo dhulkoodii ayay jid kale u mareen.
13 Kwathi sezihambile, ingilosi yeNkosi yabonakala kuJosefa ngephupho. Yathi, “Vuka uthathe umntwana lonina libalekele eGibhithe. Lihlale khonale ngize ngilitshele ngoba uHerodi uzamdinga umntwana efuna ukumbulala.”
Goortay ka tageen, malaa'igtii Rabbiga ayaa Yuusuf riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo Masar u carar oo halkaas joog ilaa aan kuu soo sheego, waayo, Herodos ayaa ilmaha dooni doona inuu dilo.
14 Ngakho wavuka wathatha umntwana lonina ebusuku waya eGibhithe
Wakhti habeen ah ayuu kacay, oo ilmihii iyo hooyadiis kaxeeyey, oo Masar tegey,
15 lapho abahlala khona uHerodi waze wafa. Ngakho kwagcwaliseka lokho iNkosi eyayikutshilo ngomphrofethi ukuthi, “Indodana yami ngayikhupha eGibhithe.”
oo halkaasuu joogay ilaa dhimashadii Herodos, inay noqoto wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Wiilkayga ayaan Masar uga yeedhay.
16 Kwathi ukuba uHerodi ananzelele ukuthi iZazi zazimphicile wazonda kakhulu, wasekhupha umlayo wokuthi kubulawe bonke abantwana abangabafana eBhethilehema lasemangweni wonke oseduze, bonke ababeleminyaka emibili kusehla, kuhambelana lesikhathi leso ayesitshelwe yiZazi.
Goortuu Herodos arkay inay nimankii xigmadda lahaa ku cayaareen isagii, ayuu aad u cadhooday, oo cid buu u diray oo laayay wiilashii yaryaraa oo dhan, kuwii laba sannadood jiray iyo kuwii ka yaraa oo joogay Beytlaxam iyo meelaha u dhow oo dhan, sida wakhtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka hubsaday.
17 Ngakho lokho okwakutshiwo ngumphrofethi uJeremiya kwagcwaliseka ukuthi:
Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga dhex hadlay, isagoo leh,
18 “Ilizwi lizwakala eRama, ukukhala lesililo esikhulu, uRasheli ekhalela abantwana bakhe njalo wala ukududuzwa, ngoba kabasekho.”
Cod baa Raamaah laga maqlay, Oohin iyo baroor weyn, Raaxeel oo u ooyaysa carruurteeda, Oo aan doonaynin in la qalbi qabowjiyo, waayo, ma ay joogin.
19 UHerodi esefile, ingilosi yeNkosi yabonakala ngephupho kuJosefa eseGibhithe
Laakiin goortuu Herodos dhintay, malaa'igtii Rabbiga ayaa riyo ugu muuqatay Yuusuf oo Masar jooga, iyadoo leh,
20 yathi, “Sukuma uthathe umntwana lonina liye elizweni lako-Israyeli ngoba labo ababefuna ukubulala umntwana sebefile.”
Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo dhulka Israa'iil tag, waayo, kuwii ilmaha naftiisa doonayay waa dhinteen.
21 Ngakho wasukuma wathatha umntwana lonina waya elizweni lako-Israyeli.
Markaasuu kacay oo kaxeeyey ilmihii iyo hooyadiis, oo dalkii Israa'iil tegey.
22 Kodwa wathi ngokuzwa ukuthi u-Akhelasi wayebusa eJudiya esikhundleni sikayise uHerodi wesaba ukuya khona. Kwathi esexwayisiwe ephutsheni wahamba wayahlala eGalile,
Laakiin goortuu maqlay in Arkhela'os meeshii aabbihiis Herodos Yahuudiya xukumayo, wuu ka baqay inuu halkaas tago. Markaase Ilaah baa riyo ugu digay, oo uu dhinacyada Galili ku leexday.
23 edolobheni elalithiwa yiNazaretha. Ngalokho kwagcwaliseka okwatshiwo ngabaphrofethi ukuthi: Uzabizwa ngokuthi ngoweNazaretha.
Wuxuuna yimid oo degay magaalada Naasared la odhan jiray si ay u noqoto wixii nebiyada lagaga hadlay, Waxaa loogu yeedhayaa Naasaraani.

< UMathewu 2 >