< Ezras 5 >
1 Un pravieši Hagaja un Zaharija, Idus dēls, sludināja tiem Jūdiem, kas Jūdā un Jeruzālemē dzīvoja, - Israēla Dieva vārdā tie uz viņiem runāja.
Haddaba nebiyadii ahaa Nebi Xaggay, iyo Sekaryaah ina Iddo ayaa wax u sii sheegay Yuhuuddii degganayd Yahuudah iyo Yeruusaalem, oo magaca Ilaaha reer binu Israa'iil ayay wax ugu sii sheegeen.
2 Tad Zerubabels, Šealtiēļa dēls, un Ješuūs, Jocadaka dēls, cēlās un sāka uzcelt Dieva namu Jeruzālemē, un līdz ar tiem tie Dieva pravieši, kas tos iedrošināja.
Markaasaa waxaa kacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, oo waxay bilaabeen inay dhisaan gurigii Ilaah oo ku yaal Yeruusaalem; oo waxaa iyaga la jiray oo caawinayay nebiyadii Ilaah.
3 Tanī laikā pie tiem atnāca Tatnajs, zemes valdītājs viņpus upes, un ŠetarBoznajs ar saviem biedriem, un uz tiem tā sacīja: kas jums atvēlējis, šo namu uztaisīt un šo mūri uzcelt?
Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?
4 Tad mēs viņiem sacījām to vīru vārdus, kas šo darbu taisīja.
Markaasaannu sidan kula hadalnay, oo ku nidhi, Nimanka dhismahan dhisaya magacyadooda maxaa la yidhaahdaa?
5 Bet viņu Dieva acs bija pār Jūdu vecajiem, ka tie viņus neaizkavēja, kamēr šī lieta Dārijam nāca zināma un tie grāmatu par to dabūja atpakaļ.
Laakiinse duqowdii Yuhuudda waxaa isha ku hayay Ilaahooda, oo iyana shuqulkii ma ay joojin ilaa xaalku soo gaadho Daariyus, oo warqad jawaab ah ee taas ku saabsan loo soo celiyo.
6 Šis ir tās grāmatas raksts, ko Tatnajs, zemes valdītājs viņpus upes, ar ŠetarBoznaju un viņa biedriem, Avarzaķiešiem, kas viņpus upes dzīvoja, rakstīja ķēniņam Dārijam.
Tanu waa naqilkii warqaddii Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadiis oo ahaa reer Afarsekaayee oo webiga shishadiisa joogay ay u soo direen boqorkii Daariyus.
7 Tie sūtīja viņam grāmatu un tanī tā bija rakstīts: viss miers lai ir ķēniņam Dārijam.
Warqad bay u direen, oo waxaa ku qornaa wax sidan ah: Boqor Daariyusow, nabadi korkaaga ha ahaato.
8 Ķēniņam lai ir zināms, ka mēs esam nogājuši Jūda zemē tā lielā Dieva namā, kas top uzcelts no cirstiem akmeņiem, un baļķi top ielikti sienās, un darbs top tikuši(rūpīgi) darīts un izdodas labi caur viņu rokām.
Boqorow, bal ogow inaannu tagnay gobolka Yahuudah, oo soo aragnay gurigii Ilaaha weyn, oo dhagaxyo waaweyn lagu dhisay, oo derbiyadiisana alwaax la dhex geliyey, oo shuqulkaasuna dadaal buu ku socdaa oo gacmahooduu ku liibaanaa.
9 Mēs tad esam vaicājuši tos vecajus un uz viņiem sacījuši: kas jums atvēlējis, šo namu uzcelt un šo mūri uztaisīt?
Oo waxaannu duqowdaas weyddiinnay oo ku nidhi, Yaa idin siiyey amar aad gurigan ku dhistaan, oo aad derbigan ku dhammaysaan?
10 Mēs arī viņu vārdus esam izprasījuši no tiem, tev dot ziņu un rakstīt to vīru vārdus, kas viņu virsnieki.
Oo haddana waxaannu kaloo weyddiinnay magacyadoodii, si aan kuu ogeysiinno, iyo si aan kuugu soo qorno nimanka madaxdooda ah magacyadooda.
11 Bet tie mums atdeva tādu atbildi un sacīja: mēs esam debesu un zemes Dieva kalpi un uzceļam to namu, kas jau sen priekšgados bijis uzcelts, jo liels Israēla ķēniņš to uzcēlis un pabeidzis.
Oo iyana sidanay jawaab noogu soo celiyeen oo yidhaahdeen, Waxaannu nahay addoommadii Ilaaha samada iyo dhulka, oo waxaannu dhisaynaa gurigan oo sannado badan oo hore la dhisay, oo boqor weyn oo reer binu Israa'iil ahu uu dhisay oo dhammeeyey.
12 Tādēļ vien ka mūsu tēvi bija apkaitinājuši to debesu Dievu, viņš tos nodevis Kaldeja NebukadNecara, Bābeles ķēniņa, rokā, un tas šo namu nopostījis un tos ļaudis aizvedis cietumā uz Bābeli.
Laakiinse awowayaashayadii waxay ka xanaajiyeen Ilaaha samada, oo taas daraaddeed ayuu ugu riday gacantii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kii reer Kaldayiin oo gurigan dumiyey oo dadkiina Baabuloon u kaxaystay.
13 Bet Bābeles ķēniņa Kirus pirmā gadā ķēniņš Kirus pavēlējis, šo Dieva namu uzcelt.
Laakiinse Kuuros oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddiisii kowaad ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar lagu dhiso gurigan Ilaah.
14 Un arī Dieva nama zelta un sudraba traukus, ko NebukadNecars izvedis no Dieva nama Jeruzālemē un tos novedis sava dieva namā uz Bābeli, tos ķēniņš Kirus ir ņēmis no Bābeles dieva nama, un tie ir atdoti vienam ar vārdu Šešbacars, ko viņš bija iecēlis par zemes valdītāju.
Oo weliba weelashii dahabka iyo lacagta ahaa ee gurigii Ilaah oo uu Nebukadnesar ka qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil oo uu geeyey macbudkii Baabuloon, kuwaas boqor Kuuros wuu ka soo bixiyey macbudkii Baabuloon, oo waxaa loo soo dhiibay mid magiciisa la odhan jiray Sheeshbasar, oo uu isagu taliye ka dhigay;
15 Un viņš uz to sacīja: ņem šos traukus, ej un noved tos uz to Dieva namu, kas Jeruzālemē, un lai tas Dieva nams top uzcelts savā vietā.
oo wuxuu isagii ku yidhi, Tag oo weelashan qaad, oo waxaad gelisaa macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo gurigii Ilaahna ha laga dhiso meeshiisii.
16 Tad šis Šešbacars nāca un lika pamatu Dieva namam Jeruzālemē, un tā no tā laika līdz šim ir strādāts, bet ne pabeigts.
Markaasaa Sheeshbasarkii yimid, oo wuxuu dhigay aasaaskii guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo tan iyo waagaas waa la dhisayay, laakiinse weli lama dhammaystirin.
17 Ja nu ķēniņam patīk, tad lai meklē ķēniņa mantu namā, kas Bābelē, vai tā ir, ka no ķēniņa Kirus pavēlēts, uzcelt Dieva namu Jeruzālemē, un lai ķēniņa pavēle par to mums top sūtīta.
Haddaba sidaas daraaddeed, haddii ay kula wanaagsan tahay, boqorow, bal ha la baadho gurigaaga khasnadda ah oo Baabuloon ku yaal, bal inay saas tahay in Boqor Kuuros amar ku bixiyey in la dhiso gurigan Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo noo soo dir wixii aad xaalkan ka damacsan tahay.