< Psalmorum 76 >
1 in finem in laudibus psalmus Asaph canticum ad Assyrium notus in Iudaea Deus in Israhel magnum nomen eius
Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan, Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.
2 et factus est in pace locus eius et habitatio eius in Sion
Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem, Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.
3 ibi confregit potentias arcuum scutum et gladium et bellum diapsalma
Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada, Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba. (Selaah)
4 inluminas tu mirabiliter de montibus aeternis
Adigu waxaad ka ammaan iyo haybad badan tahay buuraha ugaadha leh.
5 turbati sunt omnes insipientes corde dormierunt somnum suum et nihil invenerunt omnes viri divitiarum manibus suis
Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een, Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.
6 ab increpatione tua Deus Iacob dormitaverunt qui ascenderunt equos
Ilaaha Yacquubow, canaantaadii aawadeed Ayaa gaadhifardood iyo fardoba waxay kula dhex dheceen hurdo weyn.
7 tu terribilis es et quis resistet tibi ex tunc ira tua
Adigase waa in lagaa cabsadaa, Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
8 de caelo auditum fecisti iudicium terra timuit et quievit
Waxaad ka dhigtay in xukun samada laga maqlo, Oo dhulkiina waa baqay, oo wuu aamusay,
9 cum exsurgeret in iudicium Deus ut salvos faceret omnes mansuetos terrae diapsalma
Markuu Ilaah xukunka u sara kacay Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan. (Selaah)
10 quoniam cogitatio hominis confitebitur tibi et reliquiae cogitationis diem festum agent tibi
Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa, Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.
11 vovete et reddite Domino Deo vestro omnes qui in circuitu eius adferent munera terribili
Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya, Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.
12 et ei qui aufert spiritus principum terribili apud reges terrae
Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda, Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.