< Liber Numeri 7 >

1 factum est autem in die qua conplevit Moses tabernaculum et erexit illud unxitque et sanctificavit cum omnibus vasis suis altare similiter et vasa eius
Maalintii Muuse dhammeeyey dhisiddii taambuugga, oo uu subkay oo quduus ka dhigay isagii iyo alaabtiisii oo dhan iyo meeshii allabariga iyo weelasheedii oo dhan, oo uu subkay oo quduus ka dhigay iyagii,
2 obtulerunt principes Israhel et capita familiarum qui erant per singulas tribus praefecti eorum qui numerati fuerant
ayay amiirradii reer binu Israa'iil oo madaxda u ahaa reerahood wax bixiyeen. Kuwanu waxay ahaayeen amiirradii qabiilooyinka, oo iyagu waa kuwii ka sarreeyey kuwii la tiriyey.
3 munera coram Domino sex plaustra tecta cum duodecim bubus unum plaustrum obtulere duo duces et unum bovem singuli obtuleruntque ea in conspectu tabernaculi
Oo waxay Rabbiga hortiisa keeneen qurbaankoodii oo ah lix gaadhi oo dedan, iyo laba iyo toban dibi. Labadii amiirba waxay keeneen gaadhi, amiir kastaana dibi, oo waxay geeyeen taambuugga hortiisii.
4 ait autem Dominus ad Mosen
Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi,
5 suscipe ab eis ut serviant in ministerio tabernaculi et tradas ea Levitis iuxta ordinem ministerii sui
Ka qaad iyaga inay u ahaadaan wax hawsha teendhada shirka lagu sameeyo, oo waxaad siisaa reer Laawi, nin walba sidii hawshiisu tahay.
6 itaque cum suscepisset Moses plaustra et boves tradidit eos Levitis
Markaasaa Muuse gaadhiyaashii iyo dibidii qaaday oo reer Laawi siiyey.
7 duo plaustra et quattuor boves dedit filiis Gerson iuxta id quod habebant necessarium
Laba gaadhi iyo afar dibi wuxuu siiyey reer Gershoon, sidii hawshoodu ahayd.
8 quattuor alia plaustra et octo boves dedit filiis Merari secundum officia et cultum suum sub manu Ithamar filii Aaron sacerdotis
Oo afar gaadhi iyo siddeed dibina wuxuu siiyey reer Meraarii, sidii hawshoodu ahayd, oo wuxuu ugu dhiibay gacantii wadaadkii Haaruun ahaa wiilkiisii Iitaamaar.
9 filiis autem Caath non dedit plaustra et boves quia in sanctuario serviunt et onera propriis portant umeris
Laakiinse reer Qohaad waxba kama uu siin, maxaa yeelay, iyagaa lahaa hawshii meesha quduuska ah, oo waxay ku qaadi jireen garbahooda.
10 igitur obtulerunt duces in dedicationem altaris die qua unctum est oblationem suam ante altare
Oo maalintii meesha allabariga la subkay ayay amiirradii bixiyeen qurbaankii daahirinta, oo waxay qurbaankoodii ku bixiyeen meesha allabariga horteeda.
11 dixitque Dominus ad Mosen singuli duces per singulos dies offerant munera in dedicationem altaris
Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Iyagu qurbaankooda waa inay u bixiyaan meesha allabariga daahirinteeda, oo amiir kastaaba maalintiisa ha bixiyo.
12 primo die obtulit oblationem suam Naasson filius Aminadab de tribu Iuda
Oo kii maalintii kowaad qurbaankiisii bixiyey wuxuu ahaa Naxshoon oo ahaa ina Cammiinaadaab oo reer Yahuudah ah.
13 fueruntque in ea acetabulum argenteum pondo centum triginta siclorum fiala argentea habens septuaginta siclos iuxta pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisuna wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
14 mortariolum ex decem siclis aureis plenum incenso
iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
15 bovem et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
16 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
17 et in sacrificio pacificorum boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec est oblatio Naasson filii Aminadab
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Naxshoon ina Cammiinaadaab.
18 secundo die obtulit Nathanahel filius Suar dux de tribu Isachar
Oo maalintii labaadna waxaa bixiyey Netaneel ina Suucaar oo amiir u ahaa reer Isaakaar.
19 acetabulum argenteum adpendens centum triginta siclos fialam argenteam habentem septuaginta siclos iuxta pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
20 mortariolum aureum habens decem siclos plenum incenso
iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
21 bovem de armento et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
22 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
23 et in sacrificio pacificorum boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec fuit oblatio Nathanahel filii Suar
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Netaneel ina Suucaar.
24 tertio die princeps filiorum Zabulon Heliab filius Helon
Oo maalintii saddexaadna waxaa bixiyey Elii'aab ina Xeelon, oo amiir u ahaa reer Sebulun.
25 obtulit acetabulum argenteum adpendens centum triginta siclos fialam argenteam habentem septuaginta siclos ad pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
26 mortariolum aureum adpendens decem siclos plenum incenso
iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
27 bovem de armento et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
28 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
29 et in sacrificio pacificorum boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec est oblatio Heliab filii Helon
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Elii'aab ina Xeelon.
30 die quarto princeps filiorum Ruben Helisur filius Sedeur
Oo maalintii afraadna waxaa bixiyey Eliisuur ina Shedeeyuur oo amiir u ahaa reer Ruubeen.
31 obtulit acetabulum argenteum adpendens centum triginta siclos fialam argenteam habentem septuaginta siclos ad pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
32 mortariolum aureum adpendens decem siclos plenum incenso
iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel oo foox ka buuxo.
33 bovem de armento et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
34 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
35 et in hostias pacificorum boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec fuit oblatio Helisur filii Sedeur
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliisuur ina Shedeeyuur.
36 die quinto princeps filiorum Symeon Salamihel filius Surisaddai
Oo maalintii shanaad waxaa bixiyey Shelumii'eel ina Suuriishadday, oo amiir u ahaa reer Simecoon.
37 obtulit acetabulum argenteum adpendens centum triginta siclos fialam argenteam habentem septuaginta siclos ad pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
38 mortariolum aureum adpendens decem siclos plenum incenso
iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
39 bovem de armento et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
40 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
41 et in hostias pacificorum boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec fuit oblatio Salamihel filii Surisaddai
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Shelumii'eel ina Suuriishadday.
42 die sexto princeps filiorum Gad Heliasaph filius Duhel
Oo maalintii lixaadna waxaa bixiyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel, oo amiir u ahaa reer Gaad.
43 obtulit acetabulum argenteum adpendens centum triginta siclos fialam argenteam habentem septuaginta siclos ad pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaankii hadhuudhka aawadiis,
44 mortariolum aureum adpendens siclos decem plenum incenso
iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
45 bovem de armento et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
46 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
47 et in hostias pacificorum boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec fuit oblatio Heliasaph filii Duhel
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliyaasaaf ina Decuu'eel.
48 die septimo princeps filiorum Ephraim Helisama filius Ammiud
Oo maalintii toddobaadna waxaa bixiyey Eliishaamaac ina Cammiihuud oo amiir u ahaa reer Efrayim.
49 obtulit acetabulum argenteum adpendens centum triginta siclos fialam argenteam habentem septuaginta siclos ad pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
50 mortariolum aureum adpendens decem siclos plenum incenso
iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
51 bovem de armento et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
52 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
53 et in hostias pacificas boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec fuit oblatio Helisama filii Ammiud
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliishaamaac ina Cammiihuud.
54 die octavo princeps filiorum Manasse Gamalihel filius Phadassur
Oo maalintii siddeedaadna waxaa bixiyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur oo amiir u ahaa reer Manaseh.
55 obtulit acetabulum argenteum adpendens centum triginta siclos fialam argenteam habentem septuaginta siclos ad pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
56 mortariolum aureum adpendens decem siclos plenum incenso
iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
57 bovem de armento et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
58 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
59 et in hostias pacificorum boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec fuit oblatio Gamalihel filii Phadassur
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Gamalii'eel ina Fedaahsuur.
60 die nono princeps filiorum Beniamin Abidan filius Gedeonis
Oo maalintii sagaalaadna waxaa bixiyey Abiidaan ina Gidconii, oo amiir u ahaa reer Benyaamiin.
61 obtulit acetabulum argenteum adpendens centum triginta siclos fialam argenteam habentem septuaginta siclos ad pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
62 mortariolum aureum adpendens decem siclos plenum incenso
iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
63 bovem de armento et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
64 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
65 et in hostias pacificorum boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec fuit oblatio Abidan filii Gedeonis
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Abiidaan ina Gidconii.
66 die decimo princeps filiorum Dan Ahiezer filius Amisaddai
Oo maalintii tobnaadna waxaa bixiyey Axiiceser ina Cammiishadday oo amiir u ahaa reer Daan.
67 obtulit acetabulum argenteum adpendens centum triginta siclos fialam argenteam habentem septuaginta siclos ad pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
68 mortariolum aureum adpendens decem siclos plenum incenso
iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
69 bovem de armento et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
70 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
71 et in hostias pacificorum boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec fuit oblatio Ahiezer filii Amisaddai
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiiceser ina Cammiishadday.
72 die undecimo princeps filiorum Aser Phagaihel filius Ochran
Oo maalintii kow iyo tobnaadna waxaa bixiyey Fagcii'eel ina Cokraan oo amiir u ahaa reer Aasheer.
73 obtulit acetabulum argenteum adpendens centum triginta siclos fialam argenteam habentem septuaginta siclos ad pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
74 mortariolum aureum adpendens decem siclos plenum incenso
iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
75 bovem de armento et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
76 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
77 et in hostias pacificorum boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec fuit oblatio Phagaihel filii Ochran
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Fagcii'eel ina Cokraan.
78 die duodecimo princeps filiorum Nepthalim Achira filius Henan
Oo maalintii laba iyo tobnaadna waxaa bixiyey Axiirac ina Ceynaan oo amiir u ahaa reer Naftaali.
79 obtulit acetabulum argenteum adpendens centum triginta siclos fialam argenteam habentem septuaginta siclos ad pondus sanctuarii utrumque plenum simila conspersa oleo in sacrificium
Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
80 mortariolum aureum adpendens decem siclos plenum incenso
iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
81 bovem de armento et arietem et agnum anniculum in holocaustum
Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
82 hircumque pro peccato
oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
83 et in hostias pacificorum boves duos arietes quinque hircos quinque agnos anniculos quinque haec fuit oblatio Achira filii Henan
Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiirac ina Ceynaan.
84 haec in dedicatione altaris oblata sunt a principibus Israhel in die qua consecratum est acetabula argentea duodecim fialae argenteae duodecim mortariola aurea duodecim
Intaasu waxay ahayd wixii amiirradii reer binu Israa'iil ay maalintii meesha allabariga la subkay daahirinteeda u bixiyeen, waxayna ahaayeen laba iyo toban saxan oo waaweyn oo lacag ah, iyo laba iyo toban maddiibadood oo lacag ah, iyo laba iyo toban malqacadood oo dahab ah.
85 ita ut centum triginta argenti siclos haberet unum acetabulum et septuaginta siclos una fiala id est in commune vasorum omnium ex argento sicli duo milia quadringenti pondere sanctuarii
Oo miisaanka saxan kastaa oo lacag ah wuxuu ahaa boqol iyo soddon sheqel, oo kan maddiibad kastaana wuxuu ahaa toddobaatan sheqel, oo weelasha oo dhan lacagtoodu waxay ahayd laba kun iyo afar boqol oo sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
86 mortariola aurea duodecim plena incenso denos siclos adpendentia pondere sanctuarii id est simul auri sicli centum viginti
Oo laba iyo tobanka malqacadood oo dahabka ahna waxaa ka wada buuxay foox, oo mid kastaaba waxay ahayd toban sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo malqacadaha oo dhan dahabkoodu wuxuu ahaa boqol iyo labaatan sheqel.
87 boves de armento in holocaustum duodecim arietes duodecim agni anniculi duodecim et libamenta eorum hirci duodecim pro peccato
Oo dibidii qurbaanka la gubo loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen laba iyo toban dibi, wanankuna waxay ahaayeen laba iyo toban wan oo waaweyn, iyo laba iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, waxaana la keenay qurbaankoodii hadhuudhka ahaa. Oo qurbaankii dembigana orgidii loo bixiyey waxay ahaayeen laba iyo toban,
88 hostiae pacificorum boves viginti quattuor arietes sexaginta hirci sexaginta agni anniculi sexaginta haec oblata sunt in dedicatione altaris quando unctum est
oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinada dibidii loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen afar iyo labaatan, wananka waaweynuna waxay ahaayeen lixdan, orgiduna waxay ahaayeen lixdan, wananka yaryar oo wada gu jirka ahuna waxay ahaayeen lixdan. Intaasu waa wixii daahirinta meesha allabariga loo bixiyey markii la subkay dabadeed.
89 cumque ingrederetur Moses tabernaculum foederis ut consuleret oraculum audiebat vocem loquentis ad se de propitiatorio quod erat super arcam testimonii inter duos cherubin unde et loquebatur ei
Oo markii Muuse u galay teendhadii shirka inuu Rabbiga la hadlo, wuxuu maqlay Codka isaga la hadlaya oo ka yeedhaya daboolkii saarnaa sanduuqii maragga iyo labadii keruub dhexdooda, oo isaguna wuu la hadlay isagii.

< Liber Numeri 7 >