< Liber Numeri 27 >

1 accesserunt autem filiae Salphaad filii Epher filii Galaad filii Machir filii Manasse qui fuit filius Ioseph quarum sunt nomina Maala et Noa et Egla et Melcha et Thersa
Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.
2 steteruntque coram Mosen et Eleazaro sacerdote et cunctis principibus populi ad ostium tabernaculi foederis atque dixerunt
Oo iyana markaasay is-hor taageen Muuse, iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo amiirradii iyo shirka oo dhan, xagga iriddii teendhada shirka, oo waxay yidhaahdeen,
3 pater noster mortuus est in deserto nec fuit in seditione quae concitata est contra Dominum sub Core sed in peccato suo mortuus est hic non habuit mares filios cur tollitur nomen illius de familia sua quia non habet filium date nobis possessionem inter cognatos patris nostri
Aabbahayo wuxuu ku dhintay cidladii, laakiinse isagu kuma uu jirin kooxdii is-urursatay oo Rabbiga geesta ka ahayd, oo kooxdii Qorax ahayd, illowse isagu wuxuu u dhintay dembi uu isagu lahaa, oo isagu wiilalna ma uu lahayn.
4 rettulitque Moses causam earum ad iudicium Domini
In kastoo uusan wiilal lahayn magicii aabbahayo maxaa qabiilkiisa looga dhex baabbi'inayaa? Haddaba aabbahayo walaalihiis dhul dhaxal ah nagu dhex sii.
5 qui dixit ad eum
Markaasaa Muuse arrintoodii keenay Rabbiga hortiisa.
6 iustam rem postulant filiae Salphaad da eis possessionem inter cognatos patris sui et ei in hereditate succedant
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
7 ad filios autem Israhel loqueris haec
Gabdhaha Selaafexaad wax qumman bay ku hadleen. Haddaba hubaal waa inaad dhul dhaxal ah aabbahood walaalihiis ka dhex siisaa, oo waa inaad iyaga aabbahood ka dhaxalsiisaa.
8 homo cum mortuus fuerit absque filio ad filiam eius transibit hereditas
Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa, oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Haddii nin dhinto oo uusan wiil lahayn, markaas waa inaad gabadhiisa dhaxalsiisaan.
9 si filiam non habuerit habebit successores fratres suos
Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis.
10 quod si et fratres non fuerint dabitis hereditatem fratribus patris eius
Oo hadduusan walaalo lahaynna markaas waa inaad adeerradiis dhaxalsiisaan.
11 sin autem nec patruos habuerit dabitur hereditas his qui ei proximi sunt eritque hoc filiis Israhel sanctum lege perpetua sicut praecepit Dominus Mosi
Oo hadduusan aabbihiis walaalo lahaynna markaas waa inaad dhaxalsiisaan mid xigtadiisa ah oo isagu ha lahaado. Oo taasu qaynuun xukun ah bay u ahaan doontaa reer binu Israa'iil, sida Rabbigu Muuse ku amray.
12 dixit quoque Dominus ad Mosen ascende in montem istum Abarim et contemplare inde terram quam daturus sum filiis Israhel
Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Buurtan Cabaariim soo fuul, oo bal fiiri dalka aan reer binu Israa'iil siiyey.
13 cumque videris eam ibis et tu ad populum tuum sicut ivit frater tuus Aaron
Oo markaad aragtid dabadeed dadkaagii dhintay waad ku darman doontaa, sidii walaalkaa Haaruunba ugu darmaday,
14 quia offendistis me in deserto Sin in contradictione multitudinis nec sanctificare me voluistis coram ea super aquas hae sunt aquae Contradictionis in Cades deserti Sin
maxaa yeelay, eraygayga baad kaga caasideen cidladii Sin markay dadka shirku dirireen ee aad aniga quduus igaga dhigi weydeen biyaha agtooda, iyagoo u jeeda. (Kuwaasu waa biyihii Meriibaah oo ku yaal Qaadeesh oo ah cidlada Sin.)
15 cui respondit Moses
Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
16 provideat Dominus Deus spirituum omnis carnis hominem qui sit super multitudinem hanc
Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada binu-aadmiga oo dhan, ha doorto nin u taliya shirka,
17 et possit exire et intrare ante eos et educere illos vel introducere ne sit populus Domini sicut oves absque pastore
oo hortooda dibadda ugu baxa, oo hortooda gudaha soo gala, oo iyaga dibadda u hoggaamiya, oo gudaha soo geliya inaan shirka Rabbigu ahaan sidii ido aan idojir lahayn.
18 dixitque Dominus ad eum tolle Iosue filium Nun virum in quo est spiritus et pone manum tuam super eum
Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad soo waddaa Yashuuca ina Nuun oo ah nin Ruuxu ku jiro, oo gacanta dul saar isaga.
19 qui stabit coram Eleazaro sacerdote et omni multitudine
Oo waxaad isaga soo hor taagtaa wadaadka Elecaasaar ah iyo shirka oo dhan, oo hortooda amar ku sii.
20 et dabis ei praecepta cunctis videntibus et partem gloriae tuae ut audiat eum omnis synagoga filiorum Israhel
Oo waxaad isaga dul saartaa sharaftaadii, si shirka reer binu Israa'iil oo dhammu ay isaga u addeecaan.
21 pro hoc si quid agendum erit Eleazar sacerdos consulet Dominum ad verbum eius egredietur et ingredietur ipse et omnes filii Israhel cum eo et cetera multitudo
Oo isagu waa inuu is-hor taagaa wadaadka Elecaasaar ah oo isaga wax ugu weyddiin doona xukunka Uuriimka Rabbiga hortiisa. Iyagu eraygiisay dibadda ugu bixi doonaan, oo eraygiisay gudaha ku soo geli doonaan, isaga iyo reer binu Israa'iilka isaga la jiraaba, kuwaas oo ah shirka oo dhan.
22 fecit Moses ut praeceperat Dominus cumque tulisset Iosue statuit eum coram Eleazaro sacerdote et omni frequentia populi
Markaasaa Muuse yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu soo waday Yashuuca, kolkaasuu soo hor taagay wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii oo dhan.
23 et inpositis capiti eius manibus cuncta replicavit quae mandaverat Dominus
Oo gacmuhuu dul saaray, oo amar buu siiyey, sidii Rabbigu Muuse kula hadlay.

< Liber Numeri 27 >