< Esdræ 10 >

1 sic ergo orante Ezra et inplorante eo et flente et iacente ante templum Dei collectus est ad eum de Israhel coetus grandis nimis virorum et mulierum puerorumque et flevit populus multo fletu
Haddaba intii Cesraa tukanayay oo uu wax qiranayay isagoo ooyaya oo isku tuuraya guriga Ilaah hortiisa, waxaa isagii reer binu Israa'iil uga soo ururay shir aad u weyn oo rag iyo dumar iyo carruurba leh, waayo, dadkii aad bay u ooyeen.
2 et respondit Sechenia filius Iehihel de filiis Helam et dixit Ezrae nos praevaricati sumus in Deum nostrum et duximus uxores alienigenas de populis terrae et nunc si est paenitentia Israhel super hoc
Oo Shekaanyaah oo ahaa ina Yexii'eel oo ahaa reer Ceelaam wuxuu u jawaabay Cesraa, oo ku yidhi, Annagu waxaannu ku xadgudubnay Ilaahayo, oo naago qalaad ayaannu ka guursannay dadyowgii dalka; laakiinse reer binu Israa'iil weli waxay leeyihiin rajo xaalkan ku saabsan.
3 percutiamus foedus cum Deo nostro ut proiciamus universas uxores et eos qui de his nati sunt iuxta voluntatem Domini et eorum qui timent praeceptum Dei nostri secundum legem fiat
Haddaba sidaas daraaddeed aannu Ilaahayo axdi la dhiganno innaannu iska erinno naagahaas oo dhan, iyo intii ay dhaleenba, sidii ay tahay talada sayidkayga, iyo ta kuwa ka gariira amarka Ilaahayo, oo sidii sharciga waafaqsan ha loo sameeyo.
4 surge tuum est decernere nosque erimus tecum confortare et fac
Haddaba kac, waayo, xaalkan adiguu ku dul saaran yahay, oo annana waannu kula jirnaa; si wanaagsan u dhiirranow, oo samee.
5 surrexit ergo Ezras et adiuravit principes sacerdotum Levitarum et omnem Israhel ut facerent secundum verbum hoc et iuraverunt
Markaasaa Cesraa kacay oo wuxuu wadaaddadii sare iyo reer Laawi iyo reer binu Israa'iil oo dhan ku wada dhaariyey inay sameeyaan sida eraygaasu leeyahay. Oo iyana saasay ku wada dhaarteen.
6 et surrexit Ezras ante domum Dei et abiit ad cubiculum Iohanan filii Eliasib et ingressus est illuc panem non comedit et aquam non bibit lugebat enim in transgressione eorum qui de captivitate venerant
Markaasaa Cesraa ka kacay gurigii Ilaah hortiisa, oo wuxuu galay qolkii Yehooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib, oo markuu halkaas yimid waxba kibis ma uu cunin, biyona ma uu cabbin, waayo, wuxuu u baroortay xadgudubkii ay sameeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday.
7 et missa est vox in Iuda et in Hierusalem omnibus filiis transmigrationis ut congregarentur in Hierusalem
Markaasay ka dhex naadiyeen dalka reer Yahuudah iyo Yeruusaalem oo ogeysiis gaadhsiiyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan inay dhammaantood Yeruusaalem ku soo wada ururaan.
8 et omnis qui non venerit in tribus diebus iuxta consilium principum et seniorum auferetur universa substantia eius et ipse abicietur de coetu transmigrationis
Oo waxay yidhaahdeen, Ku alla kii aan intii saddex maalmood ah iman, sida ay ku taliyeen amiirrada iyo odayaashu, maalkiisa oo dhan waa laga xaaraamayn doonaa, oo isaga qudhiisana gooni baa looga sooci doonaa ururka dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday.
9 convenerunt igitur omnes viri Iuda et Beniamin in Hierusalem tribus diebus ipse est mensis nonus vicesimo die mensis et sedit omnis populus in platea domus Dei trementes pro peccato et pluviis
Markaasaa raggii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhammu intii saddex maalmood ah ku soo wada urureen Yeruusaalem, oo taasu waxay ahayd bishii sagaalaad maalinteedii labaatanaad, kolkaasaa dadkii oo dhammu wuxuu fadhiistay bannaankii guriga Ilaah hortiisa ahaa, iyagoo gariiraya xaalkan aawadiis iyo roobkii weynaa daraaddiis.
10 et surrexit Ezras sacerdos et dixit ad eos vos transgressi estis et duxistis uxores alienigenas ut adderetis super delictum Israhel
Markaasaa waxaa istaagay wadaadkii Cesraa ahaa oo wuxuu dadkii ku yidhi, Idinku waad xadgudubteen oo waxaad guursateen naago qalaad, oo sidaasaad reer binu Israa'iil xujada ugu sii kordhiseen.
11 et nunc date confessionem Domino Deo patrum vestrorum et facite placitum eius et separamini a populis terrae et ab uxoribus alienigenis
Haddaba sidaas daraaddeed dembigiinna u qirta Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo sameeya wax isaga ka farxiya; oo gooni isaga sooca dadyowga dalka deggan, iyo naagaha qalaadba.
12 et respondit universa multitudo dixitque voce magna iuxta verbum tuum ad nos sic fiat
Markaasaa ururkii oo dhammu isku mar jawaabeen oo cod dheer ku yidhaahdeen, Waa inaannu samaynaa sidaad xaalkayaga ka tidhi.
13 verumtamen quia populus multus est et tempus pluviae et non sustinemus stare foris et opus non est diei unius vel duorum vehementer quippe peccavimus in sermone isto
Laakiinse dadku wuu badan yahay, oo wakhtiganna waxaa jira roob badan, oo annana dibadda ma taagnaan karno, tanuna ma aha shuqul lagu qaban karo maalin iyo laba toona, waayo, annagu xaalkan aad baannu ugu xadgudubnay.
14 constituantur principes in universa multitudine et omnes in civitatibus nostris qui duxerunt uxores alienigenas veniant in temporibus statutis et cum his seniores per civitatem et civitatem et iudices eius donec avertatur ira Dei nostri a nobis super peccato hoc
Haddaba amiirradayadu ururka oo dhan ha isu taageen oo kulli inta naagaha qalaad guursatay oo magaalooyinkayaga jooga oo dhammu wakhti la ballamay ha yimaadeen, oo iyaga ha soo raaceen magaalo kasta odayaasheeda iyo xaakinnadeedu, jeeray cadhada kulul oo Ilaahayo ee xaalkan ku saabsan naga rogmato.
15 igitur Ionathan filius Asahel et Iaazia filius Thecuae steterunt super hoc et Mesollam et Sebethai Levites adiuverunt eos
Laakiinse xaalkan waxaa keliyahu hor istaagay Yoonaataan ina Casaaheel iyo Yaxaasyaah ina Tiqwaah; waxaana caawiyey Meshullaam iyo Shabbetay oo ahaa reer Laawi.
16 feceruntque sic filii transmigrationis et abierunt Ezras sacerdos et viri principes familiarum in domum patrum suorum et omnes per nomina sua et sederunt in die primo mensis decimi ut quaererent rem
Oo dadkii maxaabiisnimada ka soo noqdayna saasay yeeleen. Oo waxaa gooni ahaan loo soocay wadaadkii Cesraa ahaa, iyo kuwo madax ah oo ka socda qolooyinkoodii, oo kulligoodna magacyadooda loogu wada yeedhay, oo iyana bishii tobnaad maalinteedii kowaad ayay u fadhiisteen inay xaalkan soo baadhaan.
17 et consummati sunt omnes viri qui duxerant uxores alienigenas usque ad diem primam mensis primi
Oo waxay xaalka ku saabsan raggii naagaha qalaad guursaday oo dhan dhammeeyeen bishii kowaad maalinteedii kowaad.
18 et inventi sunt de filiis sacerdotum qui duxerant uxores alienigenas de filiis Iosue filii Iosedech et fratres eius Maasia et Eliezer et Iarib et Godolia
Oo wiilashii wadaaddada waxaa laga dhex helay kuwo naago qalaad guursaday; waxayna ahaayeen wiilashii Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq iyo walaalihiis oo ahaa Macaseeyaah, iyo Eliiceser, iyo Yaariib iyo Gedalyaah.
19 et dederunt manus suas ut eicerent uxores suas et pro delicto suo arietem de ovibus offerrent
Oo iyana waxay gacantooda ku dhiibeen oo ku ballanqaadeen inay naagahooda eryaan, oo iyagoo xujo leh waxay xujadooda ugu bixiyeen wan idaha laga soo qabtay.
20 et de filiis Emmer Anani et Zebedia
Wiilashii Immeerna waxaa laga helay Xanaanii iyo Sebadyaah.
21 et de filiis Erim Masia et Helia et Semeia et Hiehihel et Ozias
Wiilashii Xaarimna, Macaseeyaah, iyo Eliiyaah, iyo Shemacyaah, iyo Yexii'eel, iyo Cusiyaah.
22 et de filiis Phessur Helioenai Maasia Ismahel Nathanahel Iozabeth et Elasa
Wiilashii Fashxuurna, Eliyooceenay, iyo Macaseeyaah, iyo Ismaaciil, iyo Netaneel, iyo Yoosaabaad, iyo Elcaasaah.
23 et de filiis Levitarum Iozabeth et Semei et Celaia ipse est Calita Phataia Iuda et Eliezer
Oo reer Laawina, Yoosaabaad, iyo Shimcii, iyo Qeelaayaah (kaasu waa Qeliitaa), iyo Fetaxyaah, iyo Yahuudah, iyo Eliiceser.
24 et de cantoribus Eliasub et de ianitoribus Sellum et Telem et Uri
Raggii gabayaaga ahaana waxaa laga helay Eliyaashiib; irid-dhawryadiina waxaa laga helay Shalluum, iyo Telem, iyo Uurii.
25 et ex Israhel de filiis Pharos Remia et Ezia et Melchia et Miamin et Eliezer et Melchia et Banea
Oo reer binu Israa'iilna waxaa laga helay wiilashii Farcosh oo ahaa Ramyaah, iyo Yisyaah, iyo Malkiiyaah, iyo Miyaamin, iyo Elecaasaar, iyo Malkiiyaah, iyo Benaayaah.
26 et de filiis Helam Mathania Zaccharias et Hiehil et Abdi et Irimoth et Helia
Wiilashii Ceelaamna, Matanyaah, iyo Sekaryaah, iyo Yexii'eel, iyo Cabdii, iyo Yereemood, iyo Eliiyaah.
27 et de filiis Zethua Helioenai Eliasib Mathania et Ierimuth et Zabeth et Aziza
Wiilashii Satuuna, Eliyooceenay, iyo Eliyaashiib, iyo Matanyaah, iyo Yereemood, iyo Saabaad, iyo Casiisaa.
28 et de filiis Bebai Iohanan Anania Zabbai Athalai
Wiilashii Beebayna, Yehooxaanaan, iyo Xananyaah, iyo Sabbay, iyo Catlay.
29 et de filiis Bani Mosollam et Melluch et Adaia Iasub et Saal et Ramoth
Wiilashii Baaniina, Meshullaam, iyo Malluug, iyo Cadaayaah, iyo Yaashuub, iyo She'aal, iyo Yereemood.
30 et de filiis Phaethmoab Edna et Chalal Banaias Maasias Mathanias Beselehel et Bennui et Manasse
Wiilashii Faxad Moo'aabna, Cadnaa, iyo Kelaal, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matanyaah, iyo Besaleel, iyo Binnuwii, iyo Manaseh.
31 et de filiis Erem Eliezer Iesue Melchias Semeias Symeon
Wiilashii Haarimna, Eliiceser, iyo Yishiyaah, iyo Malkiiyaah, iyo Shemacyaah, iyo Shimcoon,
32 Beniamin Maloch Samarias
Benyaamiin, iyo Malluug, iyo Shemaryaah.
33 de filiis Asom Matthanai Matthetha Zabed Elipheleth Iermai Manasse Semei
Wiilashii Xaashumna, Matenay, iyo Matataah, iyo Saabaad, iyo Eliifeled, iyo Yereemay, iyo Manaseh, iyo Shimcii.
34 de filiis Bani Maaddi Amram et Huhel
Wiilashii Baaniina, Macaday, iyo Camraam, iyo Uu'eel,
35 Baneas et Badaias Cheiliau
iyo Benaayaah, iyo Beedyaah, iyo Keluux,
36 Vannia Marimuth et Eliasib
iyo Wanyaah, iyo Mereemood, iyo Eliyaashiib,
37 Matthanias Mathanai et Iasi
iyo Matanyaah, iyo Matenay, iyo Yacasay,
38 et Bani et Bennui Semei
iyo Baanii, iyo Binnuwii, iyo Shimcii,
39 et Salmias et Nathan et Adaias
iyo Shelemyaah, iyo Naataan, iyo Cadaayaah,
40 Mechnedabai Sisai Sarai
Maknadbay, iyo Shaashay, iyo Shaaray,
41 Ezrel et Selemau Semeria
iyo Casareel, iyo Shelemyaah, iyo Shemaryaah,
42 Sellum Amaria Ioseph
iyo Shalluum, iyo Amaryaah, iyo Yuusuf.
43 de filiis Nebu Iaihel Matthathias Zabed Zabina Ieddu et Iohel Banaia
Wiilashii Nebona, Yecii'eel, iyo Matityaah, iyo Saabaad, iyo Sebiinaa, iyo Iddo, iyo Yoo'eel, iyo Benaayaah.
44 omnes hii acceperunt uxores alienigenas et fuerunt ex eis mulieres quae pepererant filios
Oo kulli intaasoo dhammu waxay wada guursadeen naago qalaad, oo qaarkood waxay qabeen naago ay carruur ka dhaleen.

< Esdræ 10 >