< Ecclesiastes 12 >

1 memento creatoris tui in diebus iuventutis tuae antequam veniat tempus adflictionis et adpropinquent anni de quibus dicas non mihi placent
Haddaba wakhtiga dhallinyaranimadaada Abuurahaaga xusuuso intaan maalmaha xumu kuu iman, ama ayan kuu soo dhowaan sannadaha aad odhan doonto, Sannadahan kuma istareexo,
2 antequam tenebrescat sol et lumen et luna et stellae et revertantur nubes post pluviam
iyo intaan qorraxda, iyo iftiinka, iyo dayaxa, iyo xiddiguhuba ay wada madoobaan, ama intaan daruuruhu roobka ka daba noqon,
3 quando commovebuntur custodes domus et nutabuntur viri fortissimi et otiosae erunt molentes inminuto numero et tenebrescent videntes per foramina
iyo inta kuwa guriga dhawraa ay gariiraan, oo nimanka xoogga badanuna ay soo gotaan, oo kuwa wax shiidaana ay tiradooda yar aawadeed shuqulka u joojiyaan, oo kuwa daaqadaha wax ka fiiriyaana ay madoobaadaan,
4 et claudent ostia in platea in humilitate vocis molentis et consurgent ad vocem volucris et obsurdescent omnes filiae carminis
iyo inta albaabbada jidadka lagu xidho, iyo inta sanqadha shiididdu ay gaaban tahay, oo shimbirta cideeda lagu tooso, oo gabdhaha muusikaduna ay wada taag darnaadaan.
5 excelsa quoque timebunt et formidabunt in via florebit amigdalum inpinguabitur lucusta et dissipabitur capparis quoniam ibit homo in domum aeternitatis suae et circumibunt in platea plangentes
Waxa sarreeya ayay ka baqi doonaan, oo jidadka dhexdoodana waxyaalo cabsi ah ayaa jiri doona, oo geedka yicibtu waa ubxin doonaa, oo koronkorraduna way isculaysin doonaan, oo damacuna wuu baabbi'i doonaa, maxaa yeelay, binu-aadmigu wuxuu tagaa hoygiisa daa'imka ah, oo kuwa baroortaana jidadkay warwareegaan.
6 antequam rumpatur funis argenteus et recurrat vitta aurea et conteratur hydria super fontem et confringatur rota super cisternam
Abuurahaaga xusuuso intaan xadhigga lacagta ahu kala go'in, ama aan maddiibadda dahabka ahu kala jabin, ama aan jalxaddu isha biyeed agteeda ku burburin, ama aan giraangirta ceelku jabin,
7 et revertatur pulvis in terram suam unde erat et spiritus redeat ad Deum qui dedit illum
iyo intaan ciiddu dhulka ku noqon siday horeba ahayd, oo ruuxuna ku noqon Ilaahii horeba siiyey.
8 vanitas vanitatum dixit Ecclesiastes omnia vanitas
Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.
9 cumque esset sapientissimus Ecclesiastes docuit populum et enarravit quae fecerit et investigans conposuit parabolas multas
Oo haddana wacdiyuhu xigmad buu lahaa, oo weliba dadkuu aqoon baray. Wuxuu aad uga fikiray, oo baadhay, oo isku hagaajiyey maahmaahyo badan.
10 quaesivit verba utilia et conscripsit sermones rectissimos ac veritate plenos
Wacdiyuhu wuxuu doonay inuu soo helo erayo la aqbalo iyo wixii si qumman loo qoray oo ahaa hadal run ah.
11 verba sapientium sicut stimuli et quasi clavi in altum defixi quae per magistrorum concilium data sunt a pastore uno
Erayada kuwa xigmadda lahu waa sida wax wax muda oo kale, oo maahmaahyada la soo ururshayna waa sida musmaarro la adkeeyey; adhijir qudha ayaa bixiyey.
12 his amplius fili mi ne requiras faciendi plures libros nullus est finis frequensque meditatio carnis adflictio est
Oo weliba, wiilkaygiiyow, waxyaalahan ku waano qaado. Buugag badan samayntoodu innaba dhammaad ma leh, oo waxbarashada badanuna jidhkay daalisaa.
13 finem loquendi omnes pariter audiamus Deum time et mandata eius observa hoc est enim omnis homo
Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wada maqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo, taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon.
14 et cuncta quae fiunt adducet Deus in iudicium pro omni errato sive bonum sive malum sit
Waayo, Ilaah wuu xukumi doonaa shuqul kasta, iyo wax kasta oo qarsoon, ha fiicnaadeen ama ha xumaadeene.

< Ecclesiastes 12 >