< Ii Samuelis 9 >
1 et dixit David putasne est aliquis qui remanserit de domo Saul ut faciam cum eo misericordiam propter Ionathan
Markaasaa Daa'uud yidhi, War reerkii Saa'uul wax ka hadhay ma jiraan, aan Yoonaataan aawadiis ugu roonaadee?
2 erat autem de domo Saul servus nomine Siba quem cum vocasset rex ad se dixit ei tune es Siba et ille respondit ego sum servus tuus
Reerkii Saa'uulna waxaa halkaas ka joogay addoon magiciisa la yidhaahdo Siibaa, oo isagii bay Daa'uud ugu yeedheen. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Ma Siibaad baad tahay? Oo isna ku yidhi, Haah, waan ahay anoo addoonkaaga ah.
3 et ait rex num superest aliquis de domo Saul ut faciam cum eo misericordiam Dei dixitque Siba regi superest filius Ionathan debilis pedibus
Markaasaa boqorkii yidhi, Miyaan reerkii Saa'uul wax ka hadhin aan Ilaah aawadiis ugu roonaadee? Siibaana wuxuu boqorkii ku yidhi, Waxaa ka hadhay wiil Yoonaataan dhalay, oo curyaan ah.
4 ubi inquit est et Siba ad regem ecce ait in domo est Machir filii Amihel in Lodabar
Kolkaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Xaggee buu joogaa? Siibaana wuxuu boqorkii ku yidhi, Wuxuu joogaa guriga Maakiir oo ah ina Cammii'eel ee deggan Loo Debaar.
5 misit ergo rex David et tulit eum de domo Machir filii Amihel de Lodabar
Markaasaa Boqor Daa'uud u cid diray, oo ka soo kexeeyey gurigii Maakiir oo ahaa ina Cammii'eel, oo ku yiil Loo Debaar.
6 cum autem venisset Mifiboseth filius Ionathan filii Saul ad David corruit in faciem suam et adoravit dixitque David Mifiboseth qui respondit adsum servus tuus
Dabadeedna waxaa Daa'uud u yimid Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan, ina Saa'uul, oo intuu wejiga u dhacay ayuu u sujuuday. Kolkaasaa Daa'uud yidhi, War Mefiiboshedow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Way kan anoo addoonkaaga ah.
7 et ait ei David ne timeas quia faciens faciam in te misericordiam propter Ionathan patrem tuum et restituam tibi omnes agros Saul patris tui et tu comedes panem in mensa mea semper
Markaasaa Daa'uud isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, xaqiiqa waxaan kuugu roonaan doonaa aabbahaa Yoonaataan aawadiis, oo weliba waxaan kuu celin doonaa dhulkii awowgaa Saa'uul oo dhan; oo miiskaygana had iyo goor wax baad ka cuni doontaa.
8 qui adorans eum dixit quis ego sum servus tuus quoniam respexisti super canem mortuum similem mei
Oo isna intuu u sujuuday ayuu ku yidhi, Bal maxaad igu aragtay anigoo u eg eey dhintay, anoo addoonkaaga ahna maxaan ahay?
9 vocavit itaque rex Sibam puerum Saul et dixit ei omnia quaecumque fuerunt Saul et universam domum eius dedi filio domini tui
Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Siibaa, oo ahaa Saa'uul midiidinkiisii, oo wuxuu ku yidhi, Kulli wixii Saa'uul lahaa iyo wax alla wixii reerkiisu lahaa oo dhan waxaan siiyey wiilkii sayidkaaga.
10 operare igitur ei terram tu et filii tui et servi tui et inferes filio domini tui cibos ut alatur Mifiboseth autem filius domini tui comedet semper panem super mensam meam erant autem Sibae quindecim filii et viginti servi
Haddaba waa inaad dhulka u fashaan isaga, adiga iyo wiilashaada iyo addoommadaaduba, oo midhahana waa inaad gudaha soo gelisaa si uu sayidkaaga wiilkiisu u helo wax uu cuno, laakiinse sayidkaaga wiilkiisa Mefiiboshed ahu mar kasta wax buu ka cuni doonaa miiskayga. Haddaba Siibaa wuxuu lahaa shan iyo toban wiil iyo labaatan addoon.
11 dixitque Siba ad regem sicut iussisti domine mi rex servo tuo sic faciet servus tuus et Mifiboseth comedet super mensam tuam quasi unus de filiis regis
Markaasaa Siibaa wuxuu boqorkii ku yidhi, Wax alla wixii adoo ah boqorka sayidkayga aad igu amarto anoo addoonkaaga ah, ayaan u yeelayaa. Oo boqorkiina wuxuu yidhi, Mefiiboshed wuxuu wax ka cuni doonaa miiskayga sidii mid boqorka wiilashiisa ka mid ah.
12 habebat autem Mifiboseth filium parvulum nomine Micha omnis vero cognatio domus Siba serviebat Mifiboseth
Oo Mefiiboshedna wuxuu lahaa wiil yar, oo magiciisuna wuxuu ahaa Miikaa. Intii Siibaa gurigiisa joogtay oo dhammu addoommay Mefiiboshed u ahaayeen.
13 porro Mifiboseth habitabat in Hierusalem quia de mensa regis iugiter vescebatur et erat claudus utroque pede
Mefiiboshedna wuxuu degganaa Yeruusaalem, waayo, wuxuu had iyo goor wax ka cuni jiray miiskii boqorka, oo labada cagoodna curyaan buu ka ahaa.