< I Regum 16 >
1 factus est autem sermo Domini ad Hieu filium Anani contra Baasa dicens
Markaas waxaa Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa, oo leh,
2 pro eo quod exaltavi te de pulvere et posui ducem super populum meum Israhel tu autem ambulasti in via Hieroboam et peccare fecisti populum meum Israhel ut me inritares in peccatis eorum
Ciiddaan kaa sara mariyey, oo waxaan kaa dhigay amiir u taliya dadkayga Israa'iil, oo adna waxaad ku socotay jidkii Yaaraabcaam, oo dadkaygii Israa'iilna waad dembaajisay, oo waxaad ka dhigtay inay dembiyadoodii igaga xanaajiyaan,
3 ecce ego demetam posteriora Baasa et posteriora domus eius et faciam domum tuam sicut domum Hieroboam filii Nabath
sidaas daraaddeed bal eeg, Bacshaa iyo reerkiisa oo dhanba waan wada baabbi'inayaa, oo reerkaagana waxaan ka dhigayaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo kale.
4 qui mortuus fuerit de Baasa in civitate comedent eum canes et qui mortuus fuerit ex eo in regione comedent eum volucres caeli
Oo dadka Bacshaa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha, oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.
5 reliqua autem sermonum Baasa et quaecumque fecit et proelia eius nonne haec scripta sunt in libro verborum dierum regum Israhel
Haddaba Bacshaa falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey, iyo xooggiisii oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
6 dormivit ergo Baasa cum patribus suis sepultusque est in Thersa et regnavit Hela filius eius pro eo
Markaasaa Bacshaa dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Tirsaah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eelaah.
7 cum autem in manu Hieu filii Anani prophetae verbum Domini factum esset contra Baasa et contra domum eius et contra omne malum quod fecerat coram Domino ad inritandum eum in operibus manuum suarum ut fieret sicut domus Hieroboam ob hanc causam occidit eum
Haddana waxaa Nebi Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa iyo reerkiisaba, sababtuna waxay ahayd sharkii uu Rabbiga hortiisa ku sameeyey oo dhan ee uu Rabbiga kaga xanaajiyey shuqulkii gacmihiisa, markuu la mid noqday reer Yaaraabcaam, iyo diliddii uu dilay aawadeed.
8 anno vicesimo sexto Asa regis Iuda regnavit Hela filius Baasa super Israhel in Thersa duobus annis
Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii lix iyo labaatanaad ayaa Eelaah oo ahaa ina Bacshaa dalka Israa'iil boqor ugu noqday Tirsaah, oo wuxuu boqor ahaa laba sannadood.
9 et rebellavit contra eum servus suus Zamri dux mediae partis equitum erat autem Hela in Thersa bibens et temulentus in domo Arsa praefecti Thersa
Oo addoonkiisii Simrii oo sirkaal u ahaa gaadhifardoodkiisa badhkood ayaa isaga shirqoolay. Haddaba wuxuu joogay Tirsaah isagoo khamri ku cabbaya guriga Arsaa oo madax u ahaa reerkiisii Tirsaah ku yiil;
10 inruens ergo Zamri percussit et occidit eum anno vicesimo septimo Asa regis Iuda et regnavit pro eo
oo waxaa u soo galay Simrii, markaasuu wax ku dhuftay, oo dilay isagii, waxayna ahayd Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad, oo meeshiisiina isagaa boqor ka noqday.
11 cumque regnasset et sedisset super solium eius percussit omnem domum Baasa et non dereliquit ex eo mingentem ad parietem et propinquos et amicos eius
Isla markuu boqor noqday ee uu carshigiisii ku fadhiistay wuxuu wada laayay reerkii Bacshaa oo dhan; oo ugama uu reebin dadkii qaraabadiisa ahaa ama saaxiibbadiis toona xataa wiil yar oo keliya.
12 delevitque Zamri omnem domum Baasa iuxta verbum Domini quod locutus fuerat ad Baasa in manu Hieu prophetae
Oo Simrii saasuu u baabbi'iyey reerkii Bacshaa oo dhan, oo waxay noqotay sidii Eraygii Rabbiga ee Bacshaa ka geesta ahaa ee Nebi Yeehuu ku hadlay,
13 propter universa peccata Baasa et peccata Hela filii eius qui peccaverunt et peccare fecerunt Israhel provocantes Dominum Deum Israhel in vanitatibus suis
sababtuna waxay ahayd dembiyadii Bacshaa iyo dembiyadii wiilkiisii Eelaah oo dhan ee ay dembaabeen ee ay dadkii Israa'iilna dembaajiyeen ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.
14 reliqua autem sermonum Hela et omnia quae fecit nonne haec scripta sunt in libro verborum dierum regum Israhel
Haddaba Eelaah falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
15 anno vicesimo et septimo Asa regis Iuda regnavit Zamri septem diebus in Thersa porro exercitus obsidebat Gebbethon urbem Philisthinorum
Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Simrii intii toddoba maalmood ah boqor ku ahaa Tirsaah. Haddaba dadkii waxay iyagoo ka gees ah ag degeen Gibbetoon oo ay reer Falastiin lahaayeen.
16 cumque audisset rebellasse Zamri et occidisse regem fecit sibi regem omnis Israhel Amri qui erat princeps militiae super Israhel in die illa in castris
Oo dadkii magaalada ag degay waxay maqleen oo lagu yidhi, Simrii shirqool buu sameeyey oo boqorkiina wuu dilay. Sidaas daraaddeed dadkii dalka Israa'iil oo dhammu waxay maalintaas xerada dhexdeeda dalka Israa'iil boqor uga dhigeen Coomrii oo ahaa sirkaalkii ciidanka.
17 ascendit ergo Amri et omnis Israhel cum eo de Gebbethon et obsidebant Thersa
Oo Coomrii wuxuu ka kacay Gibbetoon isagoo ay dadkii Israa'iil oo dhammu la socdaan, markaasay Tirsaah hareereeyeen.
18 videns autem Zamri quod expugnanda esset civitas ingressus est palatium et succendit secum domum regiam et mortuus est
Markii Simrii arkay in magaaladii la qabsaday ayuu galay qalcaddii gurigii boqorka, kolkaasuu gurigii boqorka isku gubay, wuuna u dhintay
19 in peccatis suis quae peccaverat faciens malum coram Domino et ambulans in via Hieroboam et in peccato eius quo fecit peccare Israhel
dembiyadiisii uu dembaabay markuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo uu ku socday jidkii Yaaraabcaam, iyo dembigii uu sameeyey ee uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey.
20 reliqua autem sermonum Zamri et insidiarum eius et tyrannidis nonne haec scripta sunt in libro verborum dierum regum Israhel
Haddaba Simrii falimihiisii kale iyo fallaagowgiisii uu sameeyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
21 tunc divisus est populus Israhel in duas partes media pars populi sequebatur Thebni filium Gineth ut constitueret eum regem et media pars Amri
Markaasaa dadkii dalka Israa'iil laba meelood u kala qaybsamay; dadkii badhkiis wuxuu raacay Tibnii oo ahaa ina Giinad, oo boqor bay ka dhigteen; badhkii kalena wuxuu raacay Coomrii.
22 praevaluit autem populus qui erat cum Amri populo qui sequebatur Thebni filium Gineth mortuusque est Thebni et regnavit Amri
Laakiinse dadkii Coomrii raacay waxay ka adkaadeen dadkii raacay Tibnii ina Giinad. Markaasaa Tibnii dhintay, Coomriina boqor buu noqday.
23 anno tricesimo primo Asa regis Iuda regnavit Amri super Israhel duodecim annis in Thersa regnavit sex annis
Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kow iyo soddonaad ayaa Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba iyo toban sannadood oo Tirsaah wuxuu boqor ka ahaa lix sannadood.
24 emitque montem Samariae a Somer duobus talentis argenti et aedificavit eam et vocavit nomen civitatis quam extruxerat nomine Somer domini montis Samariae
Oo Shemer ayuu buurtii Samaariya kaga iibsaday laba talanti oo lacag ah; markaasuu buurta dusheedii magaalo ka dhisay, oo magaaladii uu dhisay magaceediina wuxuu u bixiyey Samaariya, oo wuxuu ku magacaabay ninkii Shemer ahaa ee buurta lahaa.
25 fecit autem Amri malum in conspectu Domini et operatus est nequiter super omnes qui fuerant ante eum
Oo Coomriina wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku kacay shar ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.
26 ambulavitque in omni via Hieroboam filii Nabath et in peccatis eius quibus peccare fecerat Israhel ut inritaret Dominum Deum Israhel in vanitatibus suis
Oo wuxuu ku socday jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan, iyo dembiyadii uu dadkii Israa'iil dembaajiyey ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.
27 reliqua autem sermonum Amri et proelia eius quae gessit nonne haec scripta sunt in libro verborum dierum regum Israhel
Haddaba Coomrii falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii uu muujiyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
28 et dormivit Amri cum patribus suis et sepultus est in Samaria regnavitque Ahab filius eius pro eo
Markaasaa Coomrii dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo wiilkiisii Axaab ayaa meeshiisii boqor ka noqday.
29 Ahab vero filius Amri regnavit super Israhel anno tricesimo octavo Asa regis Iuda et regnavit Ahab filius Amri super Israhel in Samaria viginti et duobus annis
Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Axaab oo ahaa ina Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa laba iyo labaatan sannadood.
30 et fecit Ahab filius Amri malum in conspectu Domini super omnes qui fuerunt ante eum
Oo Axaab oo ahaa ina Coomrii wuxuu sameeyey wixii shar ku ahaa Rabbiga hortiisa oo ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.
31 nec suffecit ei ut ambularet in peccatis Hieroboam filii Nabath insuper duxit uxorem Hiezabel filiam Ethbaal regis Sidoniorum et abiit et servivit Baal et adoravit eum
Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.
32 et posuit aram Baal in templo Baal quod aedificaverat in Samaria
Oo Bacal aawadiis wuxuu meel allabari uga dhisay gurigii Bacal ee uu hore uga dhex dhisay Samaariya.
33 et plantavit lucum et addidit Ahab in opere suo inritans Dominum Deum Israhel super omnes reges Israhel qui fuerant ante eum
Oo haddana Axaab wuxuu sameeyey geed Asheeraah, oo Axaab haddana wuu ka sii xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil si ka sii daran boqorradii dalka Israa'iil ee isaga ka horreeyey oo dhan.
34 in diebus eius aedificavit Ahiel de Bethel Hiericho in Abiram primitivo suo fundavit eam et in Segub novissimo suo posuit portas eius iuxta verbum Domini quod locutus fuerat in manu Iosue filii Nun
Oo wakhtigiisii Yerixoo waxaa dhisay nin reer Beytel ah oo magiciisa la odhan jiray Xii'eel; oo markuu aasaaskeedii dhigay waxaa ka dhintay wiilkiisii curadka ahaa oo Abiiraam ahaa, markuu irdaheedii taagayna waxaa ka dhintay wiilkiisii yaraa oo Seguub ahaa, oo waxay noqotay sidii eraygii Rabbigu kula hadlay Yashuuca ina Nuun.