< Iosue 18 >

1 Congregatique sunt omnes filii Israel in Silo, ibique fixerunt tabernaculum testimonii, et fuit eis Terra subiecta.
Oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu Shiiloh bay dhammaantood isugu soo urureen, oo waxay halkaas ka dhiseen teendhadii shirka; oo dadkii waddankana waa laga adkaaday.
2 Remanserunt autem filiorum Israel septem tribus, quae necdum acceperant possessiones suas.
Oo reer binu Israa'iil dhexdooda waxaa ku hadhay toddoba qabiil oo aan weli helin qaybtii ay dhaxalka u lahaayeen.
3 Ad quos Iosue ait: Usquequo marcetis ignavia, et non intratis ad possidendam Terram, quam Dominus Deus patrum vestrorum dedit vobis?
Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Dalkii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin idin siiyey ilaa goormaad ka raagaysaan inaad gashaan si aad dalka u hantidaan?
4 Eligite de singulis tribubus ternos viros, ut mittam eos, et pergant atque circumeant Terram, et describant eam iuxta numerum uniuscuiusque multitudinis: referantque ad me quod descripserint.
Haddaba qabiil walba saddex nin kala soo baxa; oo anigu iyaga waan diri doonaa, markaas waa inay kacaan, oo dalka dhex maraan, oo soo kala tilmaamaan siday u kala dhaxlayaan, oo markaas waa inay ii yimaadaan.
5 Dividite vobis Terram in septem partes: Iudas sit in terminis suis ab australi plaga, et domus Ioseph ab Aquilone.
Oo waa inay dalka u kala qaybiyaan toddoba meelood. Reer Yahuudah waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga koonfureed, oo reer Yuusufna waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga woqooyi.
6 mediam inter hos Terram in septem partes describite: et huc venietis ad me, ut coram Domino Deo vestro mittam vobis hic sortem:
Oo waa inaad dalka u soo kala tilmaantaan toddoba meelood, oo aad tilmaanta ii keentaan, oo markaasaan halkan idiinku saami ridi doonaa Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa.
7 quia non est inter vos pars Levitarum, sed sacerdotium Domini est eorum hereditas. Gad autem et Ruben, et dimidia tribus Manasse iam acceperant possessiones suas trans Iordanem ad Orientalem plagam: quas dedit eis Moyses famulus Domini.
Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.
8 Cumque surrexissent viri, ut pergerent ad describendam terram, praecepit eis Iosue, dicens: Circuite Terram, et describite eam, ac revertimini ad me: ut hic coram Domino, in Silo, mittam vobis sortem.
Markaasaa raggii kaceen oo tageen; oo kuwii tegey inay dalka soo tilmaamaan Yashuuca ayaa ku amray, oo ku yidhi, Taga oo dalka dhex mara, oo soo tilmaama, oo haddana aniga ii kaalaya, oo markaasaan halkan Shiiloh ah idiinku saami ridi doonaa Rabbiga hortiisa.
9 Itaque perrexerunt: et lustrantes eam, in septem partes diviserunt, scribentes in volumine. Reversique sunt ad Iosue in castra Silo.
Markaasay raggii tageen oo dalkii soo dhex mareen, oo waxay soo kala tilmaameen magaalooyinkii oo toddoba meelood u kala qaybsan, oo waxayna ku soo qoreen buug, oo markaasay u yimaadeen Yashuuca oo joogay xerada Shiiloh ku taal.
10 Qui misit sortes coram Domino in Silo, divisitque Terram filiis Israel in septem partes.
Markaasaa Yashuuca Shiiloh ugu saami riday iyagii Rabbiga hortiisa; oo halkaasaa Yashuuca reer binu Israa'iil ugu qaybshay dalkii sidii ay u kala qaybsanaayeen.
11 Et ascendit sors prima filiorum Beniamin per familias suas, ut possiderent Terram inter filios Iuda et filios Ioseph.
Oo qabiilkii reer Benyaamiin saamigoodii ay u heleen sidii ay reerahoodii kala ahaayeen ayaa u soo hor baxay; oo soohdintoodii ay saamiga u heleen waxay kala dhex mari jirtay reer Yahuudah iyo reer Yuusuf.
12 Fuitque terminus eorum contra Aquilonem a Iordane: pergens iuxta latus Iericho septentrionalis plagae, et inde contra Occidentem ad montana conscendens, et perveniens ad solitudinem Bethaven,
Oo soohdintoodu xagga waaxda woqooyi waxay ka bilaabatay Webi Urdun; oo soohdintu waxay u baxday Yerixoo dhinaceeda woqooyi, oo waxay dhex martay dalka buuraha leh xaggiisa galbeed; oo dhammaadkeedii wuxuu u baxay cidladii Beytaawen.
13 atque pertransiens iuxta Luzam ad Meridiem, ipsa est Bethel: descenditque in Ataroth addar in montem, qui est ad Meridiem Beth horon inferioris:
Oo soohdintu waxay halkaas uga gudubtay Luus (taasoo ah Beytel), iyo ilaa dhinaceeda koonfureed, oo soohdintu waxay ku dhaadhacday Cataarood Addaar, taasoo u dhow buurta ku taal Beytxooroonta hoose xaggeeda koonfureed.
14 Et inclinatur circuiens contra mare ad Meridiem montis qui respicit Beth horon contra Africum: suntque exitus eius in Cariath baal, quae vocatur et Cariathiarim, urbem filiorum Iuda. haec est plaga contra mare, ad Occidentem.
Oo soohdintu waxay u baxday oo ka laabatay waaxda galbeed xaggeeda koonfureed, iyo xagga buurta ku hor taal Beytxooroon xaggeeda koonfureed; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu u baxay Qiryad Bacal taasoo ah Qiryad Yecaariim ee ahayd magaalo ay reer Yahuudah leeyihiin, intaasu waxay ahayd waaxdii galbeed.
15 A Meridie autem ex parte Cariathiarim egreditur terminus contra mare, et pervenit usque ad fontem aquarum Nephtoa.
Oo waaxdii koonfureedna waxay ka bilaabatay meesha ugu fog Qiryad Yecaariim, oo soohdintu waxay martay xagga galbeed, oo waxay u baxday ishii biyaha ahayd oo Neftoo'ax;
16 Descenditque in partem montis, qui respicit Vallem filiorum Ennom: et est contra septentrionalem plagam in extrema parte Vallis Raphaim. Descenditque in Geennom (id est, Vallem Ennom) iuxta latus Iebusaei ad Austrum: et pervenit ad Fontem rogel,
oo soohdintu waxay ku dhaadhacday meesha ugu fog buurta ku hor taal dooxadii ina Xinnom, taasoo ku taal xagga woqooyi oo dooxada reer Rafaa, oo waxay ku dhaadhacday ilaa dooxadii Xinnom, iyo ilaa dhinaca reer Yebuus xaggooda koonfureed, oo waxay kaloo sii martay Ceyn Rogeel,
17 transiens ad Aquilonem, et egrediens ad Ensemes, id est fontem solis:
oo waxay u leexatay xagga woqooyi, oo waxay martay Ceyn Shemesh agteeda; oo waxay u baxday Geliilood, taasoo ka soo hor jeedda jiirta Adummiim; oo haddana waxay u baxday dhagaxii Bohan ina Ruubeen;
18 et pertransit usque ad tumulos, qui sunt e regione Ascensus Adommim: descenditque ad Abenboen, id est, lapidem Boen filii Ruben: et pertransit ex latere Aquilonis ad campestria: descenditque in planitiem,
oo waxay sii martay dhinaca ka soo hor jeeda Caraabaah xaggeeda woqooyi, oo waxay ku dhaadhacday Caraabaah;
19 et praetergreditur contra Aquilonem Beth hagla: suntque exitus eius contra linguam maris salsissimi ab Aquilone in fine Iordanis ad australem plagam:
oo soohdintu waxay sii martay Beytxoglaah dhinaceeda woqooyi; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga gacanka woqooyi oo Badda Cusbada leh, ee ku yaal Webi Urdun dhammaadkiisa koonfureed meesha uu ku dhammaado; intaasu waa soohdintii koonfureed.
20 qui est terminus illius ab Oriente. haec est possessio filiorum Beniamin per terminos suos in circuitu, et familias suas.
Waaxda bari soohdinteeduna waxay ahayd Webi Urdun. Intaasu waxay ahayd dhaxalkii reer Benyaamiin iyo soohdimihii ku wareegsanaa, ee ay u heleen sidii reerahoodu ahaayeen.
21 Fueruntque civitates eius, Iericho et Beth hagla et Vallis Casis,
Haddaba magaalooyinkii reer Benyaamiin siday reerahoodu ahaayeen waxay ahaayeen Yerixoo, iyo Beytxoglaah, iyo Dooxadii Qesiis,
22 Beth Araba et Samaraim et Bethel
iyo Beytcaraabaah, iyo Semaarayim, iyo Beytel,
23 et Avim et Aphara et Ophera,
iyo Cawiim, iyo Faaraah, iyo Cofraah,
24 villa Emona et Ophni et Gabee: civitates duodecim, et villae earum.
iyo Kefar reer Cammoon, iyo Cofnii, iyo Gebac, oo intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,
25 Gabaon et Rama et Beroth,
iyo Gibecoon, iyo Raamaah, iyo Bi'irod,
26 et Mesphe et Caphara, et Amosa
iyo Misfaah, iyo Kefiiraah, iyo Mosaah,
27 et Recem, Iarephel et Tharela,
iyo Reqem, iyo Yirfe'eel, iyo Taralaah,
28 et Sela, Eleph, et Iebus, quae est Ierusalem, Gabaath et Cariath: civitates quattuordecim, et villae earum. Haec est possessio filiorum Beniamin iuxta familias suas.
iyo Seelac, iyo Elef, iyo Yebuus (taasoo ah Yeruusaalem), iyo Gibecaad, iyo Qiryad, oo intaasu waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. Intaasu waa dhaxalkii reer Benyaamiin siday reerahoodii ahaayeen.

< Iosue 18 >