< Isaiæ 41 >

1 Taceant ad me insulae, et Gentes mutent fortitudinem: accedant, et tunc loquantur, simul ad iudicium propinquemus.
Gasiiradahow, hortayda ku aamusa, oo dadkuna xooggooda ha cusboonaysiisteen, ha soo dhowaadeen, oo ha hadleen. Aynu dhammaanteen garsoorid u soo wada dhowaanno.
2 Quis suscitavit ab Oriente iustum, vocavit eum ut sequeretur se? dabit in conspectu eius Gentes, et reges obtinebit: dabit quasi pulverem gladio eius, sicut stipulam vento raptam arcui eius.
Waa kuma kan mid xagga bari ka soo kiciyey, oo isaga xaqnimo ugu yeedhay inuu raaco? Quruumaha hortiisuu ku siiyaa, oo isaga ka dhigaa inuu boqorro u taliyo. Iyaga wuxuu seeftiisa kaga dhigaa sida boodh oo kale, oo qaansadiisana wuxuu kaga dhigaa sida xaab bidaya oo kale.
3 Persequetur eos, transibit in pace, semita in pedibus eius non apparebit.
Isagu wuu eryadaa iyaga, oo ammaan buu ku dhaafaa jid uusan mar hore marin.
4 Quis haec operatus est, et fecit, vocans generationes ab exordio? Ego Dominus, primus et novissimus ego sum.
Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay.
5 Viderunt insulae, et timuerunt, extrema terrae obstupuerunt, appropinquaverunt, et accesserunt.
Gasiiradahu way arkeen, wayna cabsadeen, oo dhulka darafyadiisuna way gariireen, wayna soo dhowaadeen oo yimaadeen.
6 Unusquisque proximo suo auxiliabitur, et fratri suo dicet: Confortare.
Midkood waluba wuxuu caawiyey deriskiisii, oo midkood waluba wuxuu walaalkiis ku yidhi, Dhiirranow.
7 Confortavit faber aerarius percutiens malleo eum, qui cudebat tunc temporis, dicens: Glutino bonum est: et confortavit eum clavis, ut non moveretur.
Markaasuu nijaarkii dahabtumihii dhiirrigeliyey, oo kii dubbaha wax ku simi jirayna birtumihii buu dhiirrigeliyey, isagoo leh, Laxaamaddu way wanaagsan tahay. Markaasuu masaamiir ku sii adkeeyey si ayan u dhaqdhaqaaqin.
8 Et tu Israel serve meus, Iacob quem elegi, semen Abraham amici mei:
Laakiinse reer binu Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda, reer Yacquubkii aan doortayow, farcankii saaxiibkay Ibraahimow,
9 In quo apprehendi te ab extremis terrae, et a longinquis eius vocavi te, et dixi tibi: Servus meus es tu, elegi te, et non abieci te.
waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin.
10 Ne timeas, quia ego tecum sum: ne declines, quia ego Deus tuus: confortavi te, et auxiliatus sum tibi, et suscepit te dextera iusti mei.
Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah.
11 Ecce confundentur et erubescent omnes, qui pugnant adversum te: erunt quasi non sint, et peribunt viri, qui contradicunt tibi.
Bal eega, kuwa idinku cadhaysan oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, wayna sharafjabi doonaan, oo kuwa idinla dirirayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin, wayna wada halligmi doonaan.
12 Quaeres eos, et non invenies, viros rebelles tuos: erunt quasi non sint: et veluti consumptio homines bellantes adversum te.
Waad doondooni doontaan, mana aad heli doontaan, xataa kuwa idinla diriraya, kuwa idinla dagaallamayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin oo kale, iyo sida wax baabbah ah.
13 Quia ego Dominus Deus tuus apprehendens manum tuam, dicensque tibi: Ne timeas, ego adiuvi te.
Waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta midig idinku qaban doona anoo idinku leh, Ha cabsanina, anigaa idin caawin doone.
14 Noli timere vermis Iacob, qui mortui estis ex Israel: ego auxiliatus sum tibi, dicit Dominus: et redemptor tuus sanctus Israel.
Dixiriga reer Yacquub ahow, ha cabsan, dadkiinnan reer binu Israa'iilow, waan idin caawin doonaa, ayuu leeyahay Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
15 Ego posui te quasi plaustrum triturans novum, habens rostra serrantia: triturabis montes, et comminues: et colles quasi pulverem pones.
Bal eega, waxaan idinka dhigi doonaa alaab cusub oo af badan oo ilka leh oo wax lagu tumo, oo waxaad tumi doontaan buuraha, waanad daqiijin doontaan, oo kurahana waxaad ka dhigi doontaa sida buunshe oo kale.
16 Ventilabis eos, et ventus tollet, et turbo disperget eos: et tu exultabis in Domino, in sancto Israel laetaberis.
Waad haadin doontaan, oo dabayshaa kaxaysan doonta, cirwareentuna way kala firdhin doontaa, oo waxaad ku rayrayn doontaan Rabbiga, waanad ku faani doontaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
17 Egeni, et pauperes quaerunt aquas, et non sunt: lingua eorum siti aruit. Ego Dominus exaudiam eos, Deus Israel non derelinquam eos.
Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono.
18 Aperiam in excelsis collibus flumina, et in medio camporum fontes: ponam desertum in stagna aquarum, et terram inviam in rivos aquarum.
Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah.
19 Dabo in solitudinem cedrum, et spinam, et myrtum, et lignum olivae: ponam in deserto abietem, ulmum, et buxum simul:
Waxaan cidlada ku soo beeri doonaa geedaha la yidhaahdo kedar, iyo qudhac, iyo hadaas, iyo geedsaliid, oo lamadegaankana waxaan ka soo bixin doonaa geedaha ah beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuur,
20 Ut videant, et sciant, et recogitent, et intelligant pariter quia manus Domini fecit hoc, et sanctus Israel creavit illud.
in la arko, oo la ogaado, oo laga fiirsado, oo dhammaan la wada garto in gacanta Rabbigu ay waxaas samaysay, iyo in kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil uu waxaas uumay.
21 Prope facite iudicium vestrum, dicit Dominus: afferte, siquid forte habetis, dicit rex Iacob.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Dacwadiinna keena. Boqorka reer Yacquub wuxuu leeyahay, Sababihiinna adag soo saara.
22 Accedant, et nuncient nobis quaecumque ventura sunt: priora quae fuerunt nunciate: et ponemus cor nostrum, et sciemus novissima eorum, et quae ventura sunt indicate nobis.
Iyagu ha soo saareen, oo waxa dhici doona ha noo sheegeen. Waxyaalihii jiri jiray iyo waxay yihiin noo sheega, si aannu uga fiirsanno, oo aannu u ogaanno waxay ugudambaystoodu noqon doonto, amase waxyaalaha iman doona na tusa.
23 Annunciate quae ventura sunt in futurum, et sciemus quia dii estis vos. bene quoque aut male, si potestis, facite: et loquamur, et videamus simul.
Waxyaalaha hadda dabadeed iman doona noo sheega si aannu u ogaanno inaad idinku ilaahyo tihiin. Bal wanaag ama shar sameeya, si aannu u naxno, oo aannu dhammaantayo u wada fiirinno.
24 Ecce, vos estis ex nihilo, et opus vestrum ex eo, quod non est: abominatio est qui elegit vos.
Bal eega, idinku waxaad tihiin sida waxaan jirin oo kale, oo shuqulkiinnuna waa baabba', oo kii idin doortaana waa karaahiyo.
25 Suscitavi ab Aquilone, et veniet ab Ortu solis: vocabit nomen meum, et adducet magistratus quasi lutum, et velut plastes conculcans humum.
Mid baan xagga woqooyi ka soo kiciyey, wuuna yimid, kaasoo tan iyo marka qorraxdu soo baxdo magacayga ku baryootama, oo wuxuu amiirro ugu dul tuman doonaa sida dhoobada malaasta ah loogu tunto oo kale, iyo sida dheryasameeyuhu dhoobada ugu tunto oo kale.
26 Quis annunciavit ab exordio ut sciamus: et a principio ut dicamus: Iustus es? non est neque annuncians, neque praedicens, neque audiens sermones vestros.
Kumaase waa hore sii sheegay, si aannu u nidhaahno, Waa runtiis? Hubaal mid wax sheega ma jiro, oo mid wax tusa ma jiro, oo mid erayadiinna maqla ma jiro.
27 Primus ad Sion dicet: Ecce adsum, et Ierusalem evangelistam dabo.
Anaa ah Kan ugu horreeya oo Siyoon ku yidhi, Bal eega, bal eega iyaga, oo waxaan Yeruusaalem siin doonaa mid war wanaagsan u keena.
28 Et vidi, et non erat neque ex istis quisquam qui iniret consilium, et interrogatus responderet verbum.
Oo markaan eego, ninna ma jiro, oo markaan wax weyddiiyana taliye eray iigu jawaabi kara dhexdooda laguma arag.
29 Ecce omnes iniusti, et vana opera eorum: ventus et inane simulachra eorum.
Bal eega, kulligood shuqulladoodu waa wax aan waxba ahayn, waana baabba' oo sanamyadooda la shubayna waa dabayl iyo wax aan micne lahayn.

< Isaiæ 41 >