< 사무엘상 7 >
1 기럇여아림 사람들이 와서 여호와의 궤를 옮겨 산에 사는 아비나답의 집에 들여 놓고 그 아들 엘리아살을 거룩히 구별하여 여호와의 궤를 지키게 하였더니
Markaasaa waxaa yimid dadkii reer Qiryad Yecaariim, oo waxay qaateen sanduuqii Rabbiga, oo waxay soo geliyeen gurigii Abiinaadaab ee buurta ku yiil, oo waxay quduus ka dhigeen wiilkiisii Elecaasaar inuu hayo sanduuqii Rabbiga.
2 궤가 기럇여아림에 들어간 날부터 이십 년 동안을 오래 있은지라 이스라엘 온 족속이 여호와를 사모하니라
Oo ilaa maalintii sanduuqu yiil Qiryad Yecaariim wakhtigu waa dheeraa, maxaa yeelay, waxay ahayd labaatan sannadood, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga ayay ka daba barooran jireen.
3 사무엘이 이스라엘 온 족속에게 일러 가로되 너희가 전심으로 여호와께 돌아오려거든 이방 신들과 아스다롯을 너희 중에서 제하고 너희 마음을 여호와께로 향하여 그만 섬기라 너희를 블레셋 사람의 손에서 건져내시리라
Markaasaa Samuu'eel wuxuu la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigiinna oo dhan Rabbiga ugu soo noqotaan, de haddaba dhexdiinna ka fogeeya ilaahyada qalaad iyo Cashtarod, oo qalbiyadiinna u diyaariya Rabbiga oo keligiis u adeega; oo isna wuu idinka samatabbixin doonaa gacanta reer Falastiin.
4 이에 이스라엘 자손이 바알들과 아스다롯을 제하고 여호와만 섬기니라
Markaasaa reer binu Israa'iil iska fogeeyeen Bacaliim iyo Cashtarod, oo waxay u adeegeen Rabbiga keliya.
5 사무엘이 가로되 온 이스라엘은 미스바로 모이라 내가 너희를 위하여 여호와께 기도하리라 하매
Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil oo dhan Misfaah ku soo wada ururiya, oo anna Rabbigaan idiin baryayaa.
6 그들이 미스바에 모여 물을 길어 여호와 앞에 붓고 그 날에 금식하고 거기서 가로되 우리가 여호와께 범죄하였나이다 하니라 사무엘이 미스바에서 이스라엘 자손을 다스리니라
Markaasay dhammaantood Misfaah ku soo wada urureen, oo intay biyo soo dhaamiyeen ayay Rabbiga hortiisa ku shubeen, oo maalintaasna way soomeen, oo waxay halkaas ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku dembaabnay Rabbiga. Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil ku xukumi jiray Misfaah.
7 이스라엘 자손이 미스바에 모였다 함을 블레셋 사람이 듣고 그 방백들이 이스라엘을 치러 올라온지라 이스라엘 자손이 듣고 블레셋 사람을 두려워하여
Oo reer Falastiinna markay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah ku urursan yihiin ayaa madaxdii reer Falastiin u kaceen inay ku soo duulaan reer binu Israa'iil. Oo reer binu Israa'iilna markay taas maqleen ayay aad uga cabsadeen reer Falastiin.
8 사무엘에게 이르되 당신은 우리를 위하여 우리 하나님 여호와께 쉬지 말고 부르짖어 우리를 블레셋 사람의 손에서 구원하시게 하소서
Oo reer binu Israa'iilna waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Ha joojin inaad noo baridid Rabbiga Ilaaheenna ahu inuu naga badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
9 사무엘이 젖 먹는 어린 양을 취하여 온전한 번제를 여호와께 드리고 이스라엘을 위하여 여호와께 부르짖으매 여호와께서 응답하셨더라
Markaasaa Samuu'eel soo kaxaystay wan yar oo caanonuug ah oo wuxuu Rabbiga ugu bixiyey allabari la gubo dhammaantiis; markaasaa Samuu'eel Rabbiga u baryay reer binu Israa'iil aawadood; oo Rabbiguna wuu ka aqbalay Samuu'eel.
10 사무엘이 번제를 드릴 때에 블레셋 사람이 이스라엘과 싸우려고 가까이 오매 그 날에 여호와께서 블레셋 사람에게 큰 우뢰를 발하여 그들을 어지럽게 하시니 그들이 이스라엘 앞에 패한지라
Oo intii Samuu'eel allabariga la gubo bixinayay ayaa reer Falastiin soo dhowaadeen inay la diriraan reer binu Israa'iil; laakiinse Rabbigu maalintaas wuxuu reer Falastiin ku soo daayay onkod weyn, wuuna baabbi'iyey, oo reer binu Israa'iil hortooday ku jabeen.
11 이스라엘 사람들이 미스바에서 나가서 블레셋 사람을 따라 벧갈 아래에 이르기까지 쳤더라
Kolkaasay raggii reer binu Israa'iil intay Misfaah ka soo baxeen reer Falastiin eryadeen, wayna laynayeen ilaa ay Beytkaar hoosteeda yimaadeen.
12 사무엘이 돌을 취하여 미스바와 센 사이에 세워 가로되 여호와께서 여기까지 우리를 도우셨다 하고 그이름을 에벤에셀이라 하니라
Markaasaa Samuu'eel dhagax qaaday oo qotomiyey Misfaah iyo Sheen dhexdooda, oo wuxuu magiciisiina u bixiyey Ebenceser, oo yidhi, Ilaa haatan Rabbigu waa ina caawiyey.
13 이에 블레셋 사람이 굴복하여 다시는 이스라엘 경내에 들어오지 못하였으며 여호와의 손이 사무엘의 사는 날 동안에 블레셋 사람을 막으시매
Sidaas daraaddeed reer Falastiin waa la hoosaysiiyey, oo mar dambena sooma ay gelin xuduudkii reer binu Israa'iil; oo intii Samuu'eel noolaa oo dhan gacanta Rabbigu gees bay ka ahayd reer Falastiin.
14 블레셋 사람이 이스라엘에게서 빼앗았던 성읍이 에그론부터 가드까지 이스라엘에게 회복되니 이스라엘이 그 사방 지경을 블레셋 사람의 손에서 도로 찾았고 또 이스라엘과 아모리 사람 사이에 평화가 있었더라
Oo magaalooyinkii reer Falastiin ay ka qabsadeen reer binu Israa'iil waa loo soo celiyey reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen Ceqroon iyo xataa tan iyo Gad; oo xuduudkeedii reer binu Israa'iil waa kala soo baxeen gacantii reer Falastiin. Oo reer binu Israa'iil iyo reer Amorna nabad baa u dhexaysay.
15 사무엘이 사는 날 동안에 이스라엘을 다스렸으되
Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray intuu noolaa oo dhan.
16 해마다 벧엘과 길갈과 미스바로 순회하여 그 모든 곳에서 이스라엘을 다스렸고
Oo sannad kastaba wuxuu ku soo wareegi jiray Beytel, iyo Gilgaal, iyo Misfaah, oo meelahaas oo dhanna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray.
17 라마로 돌아왔으니 이는 거기 자기 집이 있음이라 거기서도 이스라엘을 다스렸으며 또 거기 여호와를 위하여 단을 쌓았더라
Oo wuxuu ku noqon jiray Raamaah, waayo, halkaasuu gurigiisu ahaa, oo halkaasna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray; oo halkaasna wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari.