< 스바냐 2 >

1 수치를 모르는 백성아 모일지어다, 모일지어다
Isa soo urursada, quruuntan aan xishoodka lahaynay, isa soo urursada,
2 명령이 시행되기 전, 광음이 겨 같이 날아 지나가기 전, 여호와의 진노가 너희에게 임하기 전, 여호와의 분노의 날이 너희에게 이르기 전에 그러할지어다
intaan amarku soo bixin, oo aan maalintu u dhaafin sida xaab oo kale, intaan Rabbiga xanaaqiisa kululu idinku soo degin, intaan maalinta cadhada Rabbigu idinku soo degin.
3 여호와의 규례를 지키는 세상의 모든 겸손한 자들아! 너희는 여호와를 찾으며 공의와 겸손을 구하라 너희가 혹시 여호와의 분노의 날에 숨김을 얻으리라
Rabbiga doondoona, dhammaantiin kuwiinna camalka qabow ee dhulkow, oo xukunkiisa yeelayow, xaqnimo doondoona, oo qabownaan doondoona. Waxaa laga yaabaa inaad maalinta cadhada Rabbiga qarsoonaan doontaan.
4 가사가 버리우며 아스글론이 황폐되며 아스돗이 백주에 쫓겨나며 에그론이 뽑히우리라
Waayo, Gaasa waa la dayrin doonaa, oo Ashqeloonna waxay noqon doontaa meel cidla ah, oo dadka Ashdoodna waxaa la eryi doonaa hadh cad, Ceqroonna waa la rujin doonaa.
5 해변 거민 그렛족속에게 화 있을진저! 블레셋 사람의 땅 가나안아 여호와의 말이 너희를 치나니 내가 너를 멸하여 거민이 없게 하리라
Waxaa iska hoogay dadka deggan badda xeebteeda, waana quruunta reer Kereetiim! Kancaan oo ah dalka reer Falastiinow, Rabbiga eraygiisu waa kaa gees. Waan ku baabbi'in doonaa si aan qof keliyuhuna kuu sii degganaan.
6 해변은 초장이 되어 목자의 움과 양떼의 우리가 거기 있을 것이며
Badda xeebteedu waxay noqon doontaa berrimmo daaqsiin ah, oo leh rug adhijirro iyo xeryo adhi.
7 그 지경은 유다 족속의 남은 자에게로 돌아갈찌라 그들이 거기서 양떼를 먹이고 저녁에는 아스글론 집들에 누우리니 이는 그들의 하나님 여호와가 그들을 권고하여 그 사로잡힘을 돌이킬 것임이니라
Oo xeebta waxaa yeelan doona kuwa dadka Yahuudah ka hadhay. Iyana adhyahooda ayay halkaas daaqsan doonaan, oo fiidkiina waxay jiifsan doonaan guryihii reer Ashqeloon, waayo, Ilaaha Rabbigooda ah ayaa iyaga soo booqan doona, oo maxaabiistoodiina wuu soo celin doonaa.
8 내가 모압의 훼방과 암몬 자손의 후욕을 들었나니 그들이 내 백성을 훼방하고 스스로 커서 그 경계를 침범하였느니라
Anigu waan maqlay caydii reer Moo'aab iyo canaantii reer Cammoon oo ay dadkayga ku caayeen, iyo inay iska sii weyneeyeen soohdintooda.
9 그러므로 만군의 여호와 이스라엘의 하나님이 말하노라 내가 나의 삶을 두고 맹세하노니 장차 모압은 소돔 같으며 암몬 자손은 고모라 같을 것이라 찔레가 나며 소금 구덩이가 되어 영원히 황무하리니 나의 끼친 백성이 그들을 노략하며 나의 남은 국민이 그것을 기업으로 얻을 것이라
Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta.
10 그들이 이런 일을 당할 것은 교만하여 스스로 커서 만군의 여호와의 백성을 훼방함이니라
Kibirkoodii aawadiis ayay waxan u heli doonaan, maxaa yeelay, waxay caayeen oo iska weynaysiiyeen dadkii Rabbiga ciidammada.
11 여호와가 그들에게 두렵게 되어서 세상의 모든 신을 쇠진케 하리니 이방의 모든 해변 사람들이 각각 자기 처소에서 여호와께 경배하리라
Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.
12 구스 사람아 너희도 내 칼에 살륙을 당하리라
Oo weliba reer Itoobiyow, idinkana waxaa laydinku layn doonaa seeftayda.
13 여호와가 북방을 향하여 손을 펴서 앗수르를 멸하며 니느웨로 황무케 하여 사막같이 메마르게 하리니
Oo isagu gacantiisuu u fidin doonaa xagga woqooyi, oo dalka Ashuur wuu wada baabbi'in doonaa, oo Ninewehna cidla buu ka dhigi doonaa iyo lamadegaan engegan.
14 각양 짐승이 그 가운데 떼로 누울 것이며 창에서 울 것이며 문턱이 적막하리니 백향목으로 지은 것이 벗겨졌음이라
Oo waxaa dhexdeeda jiifsan doona xoolo iyo xayawaanka quruumaha oo dhan, oo cantalyaaga iyo caanaqubtuba waxay ku dhex hoyan doonaan tiirarkeeda. Cod baa ka gabyi doona daaqadaheeda, oo waxaa marinnada joogi doona abaar, waayo, isagu wuu soo bandhigay shuqulkii qoriga kedarka ah laga qabtay.
15 이는 기쁜 성이라 염려 없이 거하며 심중에 이르기를 오직 나만있고 나 외에는 다른 이가 없다 하더니 어찌 이같이 황무하여 들짐승의 엎드릴 곳이 되었는고 지나가는 자마다 치소하여 손을 흔들리로다
Tanu waa magaaladii faraxa badnayd oo feyigla'aanta ku degganayd, oo qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jirto. Waxay noqotay cidla iyo meel dugaag ku hoydo! Mid kasta oo agteeda soo maraaba wuu ku foodhyi doonaa oo gacanta quudhsasho la ruxi doonaa.

< 스바냐 2 >