< 민수기 25 >

1 이스라엘이 싯딤에 머물러 있더니 그 백성이 모압 여자들과 음행하기를 시작하니라
Oo reer binu Israa'iilna waxay iska degeen Shitiim, markaasay dadkii bilaabeen inay ka dhillaystaan gabdhihii reer Moo'aab,
2 그 여자들이 그 신들에게 제사할 때에 백성을 청하매 백성이 먹고 그들의 신들에게 절하므로
waayo, dadkii bay ugu yeedheen allabaryadii ilaahyadooda, markaasay dadkii wax cuneen, oo waxay u sujuudeen ilaahyadoodii.
3 이스라엘이 바알브올에게 부속된지라 여호와께서 이스라엘에게 진노하시니라
Oo reer binu Israa'iil waxay isku dareen Bacal Fecoor. Markaasaa Rabbiga cadhadiisii aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil.
4 여호와께서 모세에게 이르시되 백성의 두령들을 잡아 태양을 향하여 여호와 앞에 목매어 달라 그리하면 여호와의 진노가 이스라엘을 떠나리라
Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Dadka madaxdiisa oo dhan soo wado oo maalin cad ku deldel Rabbiga hortiisa in cadhadii kululayd oo Rabbigu ay ka soo noqoto reer binu Israa'iil.
5 모세가 이스라엘 사사들에게 이르되 너희는 각기 관할하는 자 중에 바알브올에게 부속한 사람들을 죽이라 하니라
Kolkaasaa Muuse wuxuu xaakinnadii reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinka mid waluba ha dilo nimankiisii Bacal Fecoor isku daray.
6 이스라엘 자손의 온 회중이 회막 문에서 울 때에 한 사람이 모세와 온 회중의 목전에 미디안의 한 여인을 데리고 그 형제에게로 온지라
Oo bal eeg, mid reer binu Israa'iil ah ayaa walaalihiis ula yimid naag reer Midyaan ah Muuse hortiisa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo ku ooyaya iriddii teendhadii shirka horteeda.
7 제사장 아론의 손자 엘르아살의 아들 비느하스가 보고 회중의 가운데서 일어나 손에 창을 들고
Oo Fiinexaas ina Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii markuu taas arkay ayuu shirka dhexdiisii ka kacay oo wuxuu gacanta ku qaatay waran.
8 그 이스라엘 남자를 따라 그의 막에 들어가서 이스라엘 남자와 그 여인의 배를 꿰뚫어서 두 사람을 죽이니 염병이 이스라엘 자손에게서 그쳤더라
Oo teendhadii ayuu uga daba galay ninkii reer binu Israa'iil, oo ninkii reer binu Israa'iil iyo naagtii labadiiba calooshuu ka wareemay. Markaasaa belaayadii laga joojiyey reer binu Israa'iil.
9 그 염병으로 죽은 자가 이만 사천명이었더라
Oo intii belaayadii u dhimatay waxay ahaayeen afar iyo labaatan kun.
10 여호와께서 모세에게 일러 가라사대
Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
11 제사장 아론의 손자 엘르아살의 아들 비느하스가 나의 질투심으로 질투하여 이스라엘 자손 중에서 나의 노를 돌이켜서 나의 질투심으로 그들을 진멸하지 않게 하였도다
Waxaa cadhadaydii reer binu Israa'iil ka celiyey Fiinexaas ina Elecaasaar oo ah wiilkii wadaadka Haaruun ah, waayo, dhexdooda ayuu iiga qiirooday, oo sidaas daraaddeed anigu qiiradaydii kuma aan baabbi'in reer binu Israa'iil.
12 그러므로 말하라 내가 그에게 나의 평화의 언약을 주리니
Haddaba sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Bal eeg, anigu waxaan isaga la dhiganayaa axdigaygii nabadda.
13 그와 그 후손에게 영원한 제사장 직분의 언약이라 그가 그 하나님을 위하여 질투하여 이스라엘 자손을 속죄하였음이니라
Oo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba buu u ahaan doonaa axdiga wadaadnimo weligeed ah, maxaa yeelay, Ilaahiis buu qiiro u qabay, oo reer binu Israa'iil ayuu u kafaaro guday.
14 죽임을 당한 이스라엘 남자 곧 미디안 여인과 함께 죽임을 당한 자의 이름은 시므리니 살루의 아들이요 시므온인의 종족 중 한 족장이며
Haddaba ninkii reer binu Israa'iil oo la dilay, oo naagtii reer Midyaan lala dilay, magiciisu wuxuu ahaa Simrii ina Saaluu oo amiir u ahaa qoladiisa reer Simecoon.
15 죽임을 당한 미디안 여인의 이름은 고스비니 수르의 딸이라 수르는 미디안 백성 한 종족의 두령이었더라
Oo naagtii reer Midyaan oo la dilay magaceedu wuxuu ahaa Kaasbii ina Suur, oo aabbeheed wuxuu madax u ahaa qolo ka mid ah reer Midyaan.
16 여호와께서 모세에게 일러 가라사대
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
17 미디안인들을 박해하며 그들을 치라
Reer Midyaan dhib oo laa iyaga,
18 이는 그들이 궤계로 너희를 박해하되 브올의 일과 미디안 족장의 딸 곧 브올의 일로 염병이 일어난 날에 죽임을 당한 그들의 자매 고스비의 사건으로 너희를 유혹하였음이니라
waayo, waxay idinku dhibeen khiyaanadooda ay idinku khiyaaneeyeen xagga xaalkii Fecoor iyo xaalkii Kaasbii oo ahayd gabadhii amiirka reer Midyaan oo walaashood ahayd, taasoo maalintii belaayada la dilay xaalkii Fecoor aawadiis.

< 민수기 25 >