< 레위기 23 >

1 여호와께서 모세에게 일러 가라사대
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 이스라엘 자손에게 고하여 이르라 너희가 공포하여 성회를 삼을 여호와의 절기는 이러하니라
Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo aad naadin doontaan inay ahaadaan shirar quduus ah. Xataa kuwanu waa iidahayga la amray.
3 엿새 동안은 일할 것이요 일곱째 날은 쉴 안식일이니 성회라 너희는 무슨 일이든지 하지 말라 이는 너희 거하는 각처에서 지킬 여호와의 안식일이니라
Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba.
4 기한에 미쳐 너희가 공포하여 성회로 삼을 여호와의 절기는 이러하니라
Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ah shirar quduus ah, oo ay tahay inaad naadisaan wakhtigooda la amray.
5 정월 십사일 저녁은 여호와의 유월절이요
Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay, waa Rabbiga iiddiisii Kormaridda.
6 이 달 십오일은 여호와의 무교절이니 칠일 동안 너희는 무교병을 먹을 것이요
Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.
7 그 첫날에는 너희가 성회로 모이고 아무 노동도 하지 말지며
Oo maalinta kowaad waa inaad shir quduus ah yeelataan. Waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.
8 너희는 칠일 동안 여호와께 화제를 드릴 것이요 제 칠일에도 성회로 모이고 아무 노동도 하지 말지니라
Laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta toddobaad waa shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.
9 여호와께서 모세에게 일러 가라사대
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi.
10 이스라엘 자손에게 고하여 이르라 너희는 내가 너희에게 주는 땅에 들어가서 너희의 곡물을 거둘 때에 위선 너희의 곡물의 첫 이삭 한 단을 제사장에게로 가져갈 것이요
Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin siinaya markaad gashaan oo aad midhaha goosataan, markaas waxaad wadaadka u keentaan xidhmo ah beergooyska midhihiisa ugu horreeya.
11 제사장은 너희를 위하여 그 단을 여호와 앞에 열납되도록 흔들되 안식일 이튿날에 흔들 것이며
Oo isna xidhmada waa inuu ku ruxruxaa Rabbiga hortiisa si laydiin aqbalo, oo maalinta sabtida ka dambaysa wadaadku waa inuu ruxruxaa.
12 너희가 그 단을 흔드는 날에 일년 되고 흠 없는 수양을 번제로 여호와께 드리고
Oo maalinta aad xidhmada ruxruxdaan, wan yar oo aan iin lahayn oo gu jira waa inaad Rabbiga ugu bixisaan qurbaan la gubo aawadiis.
13 그 소제로는 기름 섞은 고운 가루 에바 십분 이를 여호와께 드려 화제를 삼아 향기로운 냄새가 되게 하고 전제로는 포도주 힌 사분 일을 쓸 것이며
Oo qurbaankiisa hadhuudhka ahuna waa inuu ahaadaa eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo qurbaankiisa cabniinka ahuna waa inuu ahaadaa khamri, kaasoo ah hiin afar meelood loo dhigay meesheed.
14 너희는 너희 하나님께 예물을 가져오는 그 날까지 떡이든지 볶은 곡식이든지 생 이삭이든지 먹지 말지니 이는 너희가 그 거하는 각처에서 대대로 지킬 영원한 규례니라!
Oo waa inaydaan cunin kibis, ama hadhuudh duban, ama sabuullo cusub ilaa isla maalintaas, jeeraad keentaan qurbaankii Ilaahiinna. Kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.
15 안식일 이튿날 곧 너희가 요제로 단을 가져온 날부터 세어서 칠안식일의 수효를 채우고
Oo maalintii aad keenteen xidhmada qurbaanka la ruxruxo, oo ah maalinta ka dambaysa sabtida, waxaad ka tirsataan toddoba toddobaad oo kaamil ah.
16 제 칠 안식일 이튿날까지 합 오십일을 계수하여 새 소제를 여호와께 드리되
Oo waxaad tirsataan konton maalmood ilaa maalinta ka dambaysa sabtida toddobaad, oo dabadeedna waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan hadhuudh cusub ah.
17 너희 처소에서 에바 십분 이로 만든 떡 두개를 가져다가 흔들지니 이는 고운 가루에 누룩을 넣어서 구운 것이요 이는 첫 요제로 여호와께 드리는 것이며
Oo waa inaad rugihiinna ka keentaan laba kibsood oo ah qurbaan la ruxruxo, oo ah eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood, oo waa inay bur ahaadaan, oo waa in khamiir lagu dubaa oo Rabbiga loogu keenaa qurbaan midhaha ugu horreeya.
18 너희는 또 이 떡과 함께 일년 되고 흠 없는 어린 양 일곱과 젊은 수소 하나와 수양 둘을 드리되 이들을 그 소제와 그 전제와 함께 여호와께 드려서 번제를 삼을지니 이는 화제라 여호와께 향기로운 냄새며
Oo waxaad kibista la keentaan toddoba wan oo yaryar oo aan iin lahayn oo wada gu jira, iyo dibi yar, iyo laba wan oo waaweyn, oo waa inay Rabbiga u ahaadaan qurbaan la gubo, oo waxaad iyaga la keentaan qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahba, kuwaasoo wada ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon.
19 또 수염소 하나로 속죄제를 드리며 일년된 어린 수양 둘을 화목제 희생으로 드릴 것이요
Oo waa inaad bixisaan orgi qurbaan dembi ah iyo laba wan oo yaryar oo gu jira oo ah allabari qurbaanno nabaadiino ah.
20 제사장은 그 첫이삭의 떡과 함께 그 두 어린 양을 여호와 앞에 흔들어 요제를 삼을 것이요 이것들은 여호와께 드리는 성물인즉 제사장에게 돌릴 것이며
Oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa qurbaan la ruxruxo iyaga ugula ruxruxaa kibista midhaha ugu horreeya oo raacda labada wan oo yaryar, oo iyagu quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan wadaadka aawadiis.
21 이 날에 너희는 너희 중에 성회를 공포하고 아무 노동도 하지 말지니 이는 너희가 그 거하는 각처에서 대대로 지킬 영원한 규례니라!
Oo isla maalintaas waa inaad naadisaan inuu shir quduus ah idiin jiri doono, oo waa inaydaan dharaartaas shuqul adag qaban, waayo, kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.
22 너희 땅의 곡물을 벨 때에 밭 모퉁이까지 다 베지 말며 떨어진 진을 줍지 말고 너는 그것을 가난한 자와 객을 위하여 버려 두라 나는 너희 하나님 여호와니라!
Oo markaad beeraha dhulkiinna goosataan waa inaydaan dhammaan wada goosan midhaha ku yaal beertiinna geesaheeda, oo weliba waa inaydaan wada urursan xaaxaabka beergoosadkiinna; waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
23 여호와께서 모세에게 일러 가라사대
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
24 이스라엘 자손에게 고하여 이르라 칠월 곧 그 달 일일로 안식일을 삼을지니 이는 나팔을 불어 기념할 날이요 성회라
Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bisha toddobaad maalinteeda kowaad waxay idiin ahaan doontaa nasasho weyn oo ah buunafuufid xusuus ah, iyo shir quduus ah.
25 아무 노동도 하지 말고 여호와께 화제를 드릴지니라
Oo innaba waa inaydaan shuqul adag qaban, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo.
26 여호와께서 모세에게 일러 가라사대
Markaasa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
27 칠월 십일은 속죄일이니 너희에게 성회라 너희는 스스로 괴롭게하며 여호와께 화제를 드리고
Habase yeeshee bishan toddobaad maalinteeda tobnaad waa maalinta kafaaraggudka. Oo waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan; oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo.
28 이 날에는 아무 일도 하지 말 것은 너희를 위하여 너희 하나님 여호와 앞에 속죄할 속죄일이 됨이니라
Oo isla maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, waayo, taasu waa maalintii kafaaraggudka in kafaaraggud laydiinku sameeyo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.
29 이 날에 스스로 괴롭게 하지 아니하는 자는 그 백성 중에서 끊쳐질 것이라
Oo qof kasta ha ahaadee kii aan maalintaas la dhibin, dadkiisa waa in laga gooyaa.
30 이 날에 누구든지 아무 일이나 하는 자는 내가 백성 중에서 멸절시키리니
Oo qof kasta ha ahaadee kii maalintaas wax shuqul ah qabtaa cayn kastoo uu yahayba, qofkaas ayaan ka dhex baabbi'in doonaa dadkiisa.
31 너희는 아무 일이든지 하지 말라 이는 너희가 그 거하는 각처에서 대대로 지킬 영원한 규례니라!
Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, oo kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.
32 이는 너희의 쉴 안식일이라 너희는 스스로 괴롭게 하고 이 달 구일 저녁 곧 그 저녁부터 이튿날 저녁까지 안식을 지킬지니라!
Oo dharaartaasu waxay idiin ahaan doontaa sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Oo bisha maalinteeda sagaalaad waa inaad dhawrtaan sabtidiinna tan iyo fiid ilaa ka fiid.
33 여호와께서 모세에게 일러 가라사대
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
34 이스라엘 자손에게 고하여 이르라 칠월 십오일은 초막절이니 여호와를 위하여 칠일동안 지킬 것이라
La hadal dadka reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bishan toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa Iiddii Waababka oo waa in toddoba maalmood Rabbiga loo iidaa.
35 첫 날에는 성회가 있을지니 너희는 아무 노동도 하지 말지며
Maalinta kowaad waa inay shir quduus ah ahaataa, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.
36 칠일 동안에 너희는 화제를 여호와께 드릴 것이요 제 팔일에도 너희에게 성회가 될 것이며 화제를 여호와께 드릴지니 이는 거룩한 대회라 너희는 아무 노동도 하지 말지니라!
Oo intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo, dharaartaasu waa shir quduus ah.
37 이것들은 여호와의 절기라 너희는 공포하여 성회를 삼고 번제와 소제와 희생과 전제를 각각 그 날에 여호와께 화제로 드릴지니
Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.
38 이는 여호와의 안식일 외에, 너희의 헌물 외에, 너희의 모든 서원 예물외에, 너희의 모든 낙헌 예물 외에 너희가 여호와께 드리는 것이니라
Oo kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan.
39 너희가 토지 소산 거두기를 마치거든 칠월 십오일부터 칠일 동안 여호와의 절기를 지키되 첫날에도 안식하고 제 팔일에도 안식할 것이요
Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn.
40 첫날에는 너희가 아름다운 나무 실과와, 종려 가지와, 무성한 가지와, 시내 버들을 취하여 너희 하나님 여호와 앞에서 칠일동안 즐거워할 것이라
Oo maalinta kowaad waxaad soo qaadataan midhaha dhirta wanaagsan, iyo laamo cawbaar ah, iyo dhir waaweyn laamaheed, iyo safsaafka durdurka, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku rayraysaan intii toddoba maalmood ah.
41 너희는 매년에 칠일 동안 여호와께 이 절기를 지킬지니 너희 대대로의 영원한 규례라! 너희는 칠월에 이를 지킬지니라!
Oo sannaddiiba toddoba maalmood waa inaad Rabbiga iid u qabataan, oo kaasu waa qaynuun weligiisba idiin jira tan iyo ab ka ab; oo iiddaas waa inaad bisha toddobaad dhawrtaan.
42 너희는 칠일 동안 초막에 거하되 이스라엘에서 난 자는 다 초막에 거할지니
Intii toddoba maalmood ah waa inaad waabab ku hoyataan, oo kulli reer binu Israa'iilka waddaniga ah oo dhammu waa inay waabab ku hoydaan,
43 이는 내가 이스라엘 자손을 애굽 땅에서 인도하여 내던 때에 초막에 거하게 한 줄을 너희 대대로 알게 함이니라 나는 너희 하나님 여호와니라!
si farcankiinna dambe u ogaado inaan reer binu Israa'iil waabab ku hoyiyey markaan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
44 모세가 여호와의 절기를 이스라엘 자손에게 공포하였더라
Oo Muusena wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay iidihii Rabbiga oo la amray.

< 레위기 23 >