< 이사야 63 >

1 에돔에서 오며 홍의를 입고 보스라에서 오는 자가 누구뇨? 그 화려한 의복, 큰 능력으로 걷는 자가 누구뇨 그는 내니 의를 말하는자요 구원하기에 능한 자니라
Yuu yahay kan Edom ka soo socda oo dharka cas Bosraah kala imanaya? Kan dharkiisa ku quruxda badan oo weynaanta xooggiisa ku soo socda waa kuma? Waa anigan xaqnimada ku hadla oo inaan wax badbaadiyo u xoogga badan.
2 어찌하여 네 의복이 붉으며 네 옷이 포도즙 틀을 밟는 자 같으뇨
Bal maxaa dharkaagu u cas yahay, oo lebbiskaagana maxaa loo moodaa sida dharka kan macsarada canabka ku joogjoogsada?
3 만민 중에 나와 함께한 자가 없이 내가 홀로 포도즙 틀을 밟았는데 내가 노함을 인하여 무리를 밟았고 분함을 인하여 짓밟았으므로 그들의 선혈이 내 옷에 뛰어 내 의복을 다 더럽혔음이니
Keligay baan macsarada ku tuntay, oo dadkiina qofna igalama joogin, waxaan iyaga kula tuntay cadhadayda, oo waxaan kula joogjoogsaday xanaaqayga, oo dhiiggooduna lebbiskayguu ku firidhsan yahay, dharkayga oo dhanna waan ku wada wasakheeyey.
4 이는 내 원수 갚는 날이 내 마음에 있고 내 구속할 해가 왔으나
Waayo, maalintii aarsashadu qalbigaygay ku jirtay, oo kuwaygii aan furtay sannaddoodu waa timid.
5 내가 본즉 도와주는 자도 없고 붙들어 주는 자도 없으므로 이상히 여겨 내 팔이 나를 구원하며 내 분이 나를 붙들었음이라
Waan doondoonay, laakiinse mid i caawiya lama arag, oo inaan la arag mid i tiiriya waan ka yaabay, sidaas daraaddeed gacantayda qudheeda ayaa badbaado ii keentay, waxaana i tiirisay cadhadaydii.
6 내가 노함을 인하여 만민을 밟았으며 내가 분함을 인하여 그들을 취케 하고 그들의 선혈로 땅에 쏟아지게 하였느니라
Oo dadyowgaan cadhadayda kula tuntay, xanaaqaygana waan ku sakhraamiyey, oo dhiiggoodana dhulkaan ku soo daadiyey.
7 내가 여호와께서 우리에게 베푸신 모든 자비와 그 찬송을 말하며 그 긍휼을 따라 그 많은 자비를 따라 이스라엘 집에 베푸신 큰 은총을 말하리라
Waxaan soo xusuusanayaa Rabbiga raxmaddiisii iyo Rabbiga ammaantiisii si waafaqsan waxyaalihii Rabbigu na siiyey oo dhan, iyo wanaaggii weynaa oo uu reer binu Israa'iil siiyey, kaasoo uu iyaga u siiyey si waafaqsan naxariistiisa, iyo si waafaqsan raxmaddiisa faraha badan.
8 여호와께서 말씀하시되 그들은 실로 나의 백성이요 거짓을 행치 아니하는 자녀라 하시고 그들의 구원자가 되사
Waayo, wuxuu yidhi, Hubaal iyagu waa dadkayga iyo wiilashayda aan been ku macaamiloon, oo sidaas daraaddeed ayuu Badbaadiye ugu noqday.
9 그들의 모든 환난에 동참하사 자기 앞의 사자로 그들을 구원하시며 그 사랑과 그 긍휼로 그들을 구속하시고 옛적 모든 날에 그들을 드시며 안으셨으나
Dhibaatadoodii oo dhan ayuu isna ku dhibaatooday, oo waxaa iyagii badbaadisay malaa'igta hortiisa joogta, oo wuxuu iyagii ku soo furtay jacaylkiisii iyo naxdintiisii, oo isna wuu soo xambaaray, oo waayihii hore oo dhanna wuu siday.
10 그들이 반역하여 주의 성신을 근심케 하였으므로 그가 돌이켜 그들의 대적이 되사 친히 그들을 치셨더니
Laakiinse way caasiyoobeen, oo Ruuxiisa Quduuska ahna way calool xumeeyeen, oo sidaas daraaddeed ayuu ugu rogmaday inuu cadowgoodii noqdo, wuuna la diriray.
11 백성이 옛적 모세의 날을 추억하여 가로되 백성과 양 무리의 목자를 바다에서 올라오게 하신 자가 이제 어디 계시뇨 그들 중에 성신을 두신 자가 이제 어디 계시뇨
Markaas dadkiisii waxay soo xusuusteen waayihii hore ee Muuse, oo waxay yidhaahdeen, Meeh kii badda ka soo gudbiyey iyagii iyo adhijirkii idihiisa? Meeh kii Ruuxiisa Quduuska ah dhexdooda dhigay,
12 그 영광의 팔을 모세의 오른손과 함께 하시며 그 이름을 영영케 하려 하사 그들 앞에서 물로 갈라지게 하시고
kii dhudhunkiisa ammaanta badan gacanta midigta ee Muuse raacsiiyey, oo biyaha hortooda ku kala qaybiyey, inuu magac weligiis ah samaysto?
13 그들을 깊음으로 인도하시되 말이 광야에 행함과 같이 넘어지지 않게 하신 자가 이제 어디 계시뇨
Meeh kii moolka dhexdiisa ku soo hor kacay sidii faras cidlada dhex maraya si ayan u turunturoon?
14 여호와의 신이 그들로 골짜기로 내려가는 가축 같이 편히 쉬게 하셨도다 주께서 이같이 주의 백성을 인도하사 이름을 영화롭게 하셨나이다 하였느니라
Sidii lo' dooxada hoos ugu dhaadhacaysa ayaa Ruuxa Rabbigu iyaga u nasiyey. Oo sidaas oo kalaad dadkaagii u hoggaamisay inaad magac ammaan badan samaysatid.
15 주여, 하늘에서 굽어 살피시며 주의 거룩하시고 영화로운 처소에서 보옵소서! 주의 열성과 주의 능하신 행동이 이제 어디 있나이까? 주의 베푸시던 간곡한 자비와 긍휼이 내게 그쳤나이다
Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.
16 주는 우리 아버지시라 아브라함은 우리를 모르고 이스라엘은 우리를 인정치 아니할지라도 여호와여, 주는 우리의 아버지시라 상고부터 주의 이름을 우리의 구속자라 하셨거늘
In kastoo Ibraahim aanu na garan oo reer binu Israa'iilna ayan na aqoonsan adigu waxaad tahay aabbahayaga. Rabbiyow, waxaad tahay aabbahayaga, oo magacaaguna weligiisba waa Bixiyahayaga.
17 여호와여, 어찌하여 우리로 주의 길에서 떠나게 하시며 우리의 마음을 강퍅케 하사 주를 경외하지 않게 하시나이까? 원컨대 주의 종들 곧 주의 산업인 지파들을 위하사 돌아오시옵소서
Rabbiyow, bal maxaad nooga dhigtay inaannu jidkaaga ka qaldanno, maxaadse qalbigayaga u qallafisay si aannan kaaga cabsan? U soo noqo addoommadaada aawadood iyo qabiilooyinkii dhaxalkaaga aawadood?
18 주의 거룩한 백성이 땅을 차지한지 오래지 아니하여서 우리의 대적이 주의 성소를 유린하였사오니
Wakhti yar keliya ayaa dadkaagii quduusanaa dalkii hanti ahaan u haysteen. Cadaawayaashayadii ayaa meeshaadii quduuska ahayd ku tuntay.
19 우리는 주의 다스림을 받지 못하는 자 같으며 주의 이름으로 칭함을 받지 못하는 자 같이 되었나이다
Oo annana waxaannu kula mid noqonnay sidii kuwa aadan weligaa u talin, iyo sidii kuwa aan magacaaga loogu yeedhin.

< 이사야 63 >