< 에스겔 16 >

1 여호와의 말씀이 또 내게 임하여 가라사대
Oo haddana mar kale Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2 인자야 예루살렘으로 그 가증한 일을 알게 하여
Wiilka Aadamow, Yeruusaalem waxyaalaheeda karaahiyada ah ogeysii,
3 이르기를 주 여호와께서 예루살렘에 대하여 말씀하시되 네 근본과 난 땅은 가나안이요 네 아비는 아모리 사람이요 네 어미는 헷 사람이라
oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu Yeruusaalem ku leeyahay, Jinsiyadaada iyo dhalashadaaduba waa dalka reer Kancaan. Aabbahaa wuxuu ahaa reer Amor, oo hooyadaana waxay ahayd reer Xeed.
4 너의 난 것을 말하건대 네가 날 때에 네 배꼽줄을 자르지 아니하였고 너를 물로 씻어 정결케 하지 아니하였고 네게 소금을 뿌리지 아니하였고 너를 강보에 싸지도 아니하였나니
Oo dhalashadaadii iyo maalintii aad dhalatay xudduntaadii lama gooyn, oo biyana laguguma maydhin si aad nadiif u noqotid. Innaba laguma cusbayn, oo innaba waxba laguguma duudduubin.
5 너를 돌아 보아 이 중에 한 가지라도 네게 행하여 너를 긍휼히 여긴 자가 없었으므로 네가 나던 날에 네 몸이 꺼린바 되어 네가 들에 버리웠었느니라
Iluna kuuma ay nixin inay waxyaalahaas kuu samayso, ama inay kuu roonaato, laakiinse maalintii aad dhalatay ayaa berrinka bannaan lagugu xooray, waayo, qofnimadaadu waxay ahayd wax la quudhsado.
6 내가 네 곁으로 지나 갈 때에 네가 피투성이가 되어 발짓하는 것을 보고 네게 이르기를 너는 피투성이라도 살라 다시 이르기를 너는 피투성이라도 살라 하고
Oo markaan ku soo ag maray oo aan arkay adigoo dhiiggaagii ku nijaasoobay ayaan kugu idhi, Adigoo dhiiggaagii ku dhex jira, noolow. Adigoo dhiiggaagii ku dhex jira ayaan waxaan kugu idhi, Noolow!
7 내가 너로 들의 풀 같이 많게 하였더니 네가 크게 자라고 심히 아름다우며 유방이 뚜렷하고 네 머리털이 자랐으나 네가 오히려 벌거벗은 적신이더라
Oo waxaan kaa dhigay inaad sida biqilka duurka oo kale u badatid, waanad korodhay oo sii weynaatay, oo waxaad noqotay wax qurux badan, waanad naaso keentay, oo timahaagiina way bexeen, in kastoo aad qaawanayd oo aanad dednayn.
8 내가 네 곁으로 지나며 보니 네 때가 사랑스러운 때라 내 옷으로 너를 덮어 벌거벗은 것을 가리우고 네게 맹세하고 언약하여 너로 내게 속하게 하였었느니라 나 주 여호와의 말이니라
Haddaba markaan ku soo ag maray, oo aan ku fiiriyey, wakhtigaagu wuxuu ahaa wakhtigii caashaqa, oo waxaan kugu deday macawistaydii, oo cawradaadiina waan daboolay, oo weliba waan kuu dhaartay oo axdi kula dhigtay, oo taydii baad noqotay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
9 내가 물로 너를 씻겨서 네 피를 없이 하며 네게 기름을 바르고
Oo markaasaan biyo kugu maydhay, oo dhiiggaagiina waan kaa wada dhaqay, oo saliid baan kugu subkay.
10 수 놓은 옷을 입히고 물돼지 가죽신을 신기고 가는 베로 띠우고 명주로 덧입히고
Oo weliba dhar daabac leh ayaan kuu xidhay, oo waxaan kuu geliyey kabo adhidibadeed hargahood laga sameeyey, oo dhexdana maro wanaagsan baan kuugu xidhay, oo xariir baan kuu hagoojiyey.
11 패물을 채우고 팔고리를 손목에 끼우고 사슬을 목에 드리우고
Oo weliba wax baan kugu sharraxay, oo gacmahana jijimmo baan kuu geliyey, oo qoortana silsilad baan kuu sudhay.
12 코고리를 코에 달고 귀고리를 귀에 달고 화려한 면류관을 머리에 씌웠나니
Oo sangelis baan kuu sudhay, oo dhegahaagana hilqado baan ka lulay, oo madaxana taaj qurux badan baan kuu saaray.
13 이와 같이 네가 금 은으로 장식하고 가는 베와 명주와 수놓은 것을 입으며 또 고운 밀가루와 꿀과 기름을 먹음으로 극히 곱고 형통하여 왕후의 지위에 나아갔느니라
Sidaasaa dahab iyo lacag lagugu sharraxay, dharkaaguna wuxuu ahaa dhar wanaagsan, iyo xariir, iyo dhar daabac leh. Oo waxaad cuntay daqiiq wanaagsan, iyo malab iyo saliid. Oo aad iyo aad baad u qurux badnayd, oo boqorad baad noqotay.
14 네 화려함을 인하여 네 명성이 이방인 중에 퍼졌음은 내가 네게 입힌 영화로 네 화려함이 온전함이니라 나 주 여호와의 말이니라
Oo quruxdaada aawadeed ayaa warkaagii quruumaha ku dhex faafay, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay ku dhammaystirantay haybaddaydii aan ku dul saaray.
15 그러나 네가 네 화려함을 믿고 네 명성을 인하여 행음하되 무릇 지나가는 자면 더불어 음란을 많이 행하므로 네 몸이 그들의 것이 되도다
Laakiinse quruxdaadaad isku hallaysay, oo warkaagii faafay aawadiis ayaad u dhillowday, oo dhillanimadaadiina waxaad u badisay mid alla midkii ku soo ag marayba, oo waad isu dhiibtay.
16 네가 네 의복을 취하여 색스러운 산당을 너를 위하여 만들고 거기서 행음하였나니 이런 일은 전무후무하니라
Oo dharkaagiina waad iska furtay, oo meelo sarsare ayaad samaysatay oo waxaad ku sharraxday marooyin midabyo badan, oo halkaasaad ku dhillaysatay. Waxyaalahaas oo kale ma jirin, oo weligood ma ay noqon doonaan.
17 네가 또 나의 준 금, 은 장식품으로 너를 위하여 남자 우상을 만들어 행음하며
Oo weliba waxaad qaadatay waxyaalahaagii quruxdasanaa oo dahabkayga iyo lacagtayda ahaa oo aan ku siiyey, oo waxaad ka samaysatay sanamyo nimeed, oo iyagii baad la dhillowday.
18 또 네 수 놓은 옷으로 그 우상에게 입히고 나의 기름과 향으로 그 앞에 베풀며
Oo dharkaagii daabaca lahaa intaad iska furtay ayaad iyagii huwisay, oo saliiddaydii iyo fooxaygiina iyagaad hor dhigtay.
19 또 내가 네게 주어 먹게 한 내 식물 곧 고운 밀가루와 기름과 꿀을 네가 그 앞에 베풀어 향기를 삼았나니 과연 그렇게 하였느니라 나 주 여호와의 말이니라
Oo cuntadaydii aan ku siiyey, oo ahayd daqiiqda, iyo saliidda iyo malabka, oo aan kugu quudiyeyna iyagaad hor dhigtay oo aad caraf udgoon uga dhigtay, oo sidaasay ahayd, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
20 또 네가 나를 위하여 낳은 네 자녀를 가져 그들에게 드려 제물을 삼아 불살랐느니라 네가 너의 음행을 작은 일로 여겨서
Oo weliba wiilashaadii iyo gabdhahaagii aad ii dhashayna allabari ahaan baad iyaga ugu bixisay in la cuno aawadeed. Dhillanimadaadu ma wax yar bay ahayd
21 나의 자녀들을 죽여 우상에게 붙여 불 가운데로 지나가게 하였느냐?
inaad carruurtayda gowracdid, oo aad iyaga u bixisid in dab loo dhex marsiiyo sanamyadaada aawadood?
22 네 어렸을 때에 벌거벗어 적신이었으며 피투성이가 되어서 발짓하던 것을 기억지 아니하고 네가 모든 가증한 일과 음란을 행하였느니라
Oo weliba intaad ku dhex jirtay waxyaalahaagii karaahiyada iyo dhillanimada ahaa marna sooma aad xusuusan wakhtigii yaraantaada, markaad qaawanayd oo aadan dednayn, oo aad dhiiggaaga ku dhex nijaasnayd.
23 나 주 여호와가 말하노라 너는 화 있을진저 화 있을진저 네가 모든 악을 행한 후에
(Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigaa iska hoogay, oo hoogay.) Oo xumaantaadii oo dhan dabadeed
24 너를 위하여 누를 건축하며 모든 거리에 높은 대를 쌓았도다
waxaad dhisatay meel qudbad ah, oo meel sare oo jid kastaba ku dhex taal ayaad samaysatay.
25 네가 높은 대를 모든 길 머리에 쌓고 네 아름다움을 가증하게 하여 모든 지나가는 자에게 다리를 벌려 심히 행음하고
Meeshaadii sare waxaad ka dhisatay madaxa jid kasta, oo quruxdaadiina waxaad ka dhigtay wax la karhay, oo waxaad lugaha u kala wadhay ku alla kii ku soo ag marayba, oo dhillanimadaadiina waad sii badisay.
26 하체가 큰 네 이웃나라 애굽 사람과도 행음하되 심히 음란히 하여 내 노를 격동하였도다
Oo weliba waxaad ka sinaysatay Masriyiinta derisyadaada ah, oo buurbuuran, oo intaad dhillanimadaadii si badisay ayaad iga cadhaysiisay.
27 그러므로 내가 내 손을 네 위에 펴서 네 일용 양식을 감하고 너를 미워하는 블레셋 여자 곧 네 더러운 행실을 부끄러워하는 자에게 너를 붙여 임의로 하게 하였거늘
Sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo cuntadaadii caadiga ahaydna waan kaa dhimay, oo waxaan gacanta kuu geliyey kuwa ku neceb doonistooda, kuwaasoo ah gabdhaha reer Falastiin oo jidkaaga sharka ah ka ceeboobay.
28 네가 음욕이 차지 아니하여 또 앗수르 사람과 행음하고 그들과 행음하고도 오히려 부족히 여겨
Weliba waxaad ka dhillaysatay kuwa reer Ashuur, maxaa yeelay, waad kacsi beeli weyday, haddana iyaga waad ka dhillaysatay, oo weliba waad ka dhergi weyday.
29 장사하는 땅 갈대아에까지 심히 행음하되 오히려 족한 줄을 알지못하였느니라
Oo weliba dhillanimadaadii waad ku sii badisay dalka reer Kancaan, iyo tan iyo dalka Kalday, oo weliba waxaas waad ka dhergi weyday.
30 나 주 여호와가 말하노라 네가 이 모든 일을 행하니 이는 방자한 음부의 행위라 네 마음이 어찌 그리 약한지
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu taag yaraa markaad samaysid waxyaalahaas oo dhan, waxaas oo ah dhillo caasiyad ah shuqulkeed!
31 네가 누를 모든 길 머리에 건축하며 높은 대를 모든 거리에 쌓고도 값을 싫어하니 창기 같지도 않도다
Oo jid kasta madaxiisa waxaad ka dhisataa qudbad, oo jid kastana waxaad ka samaysataa meel sare, oo weliba ma aadan ahayn sidii dhillo oo kale, waayo, adigu kirada waad quudhsataa.
32 그 지아비 대신에 외인과 사통하여 간음하는 아내로다
Waxaad la mid tahay naag nin leh oo sinaysata oo niman qalaad ninkeeda uga hor marta!
33 사람들은 모든 창기에게 선물을 주거늘 오직 너는 네 모든 정든 자에게 선물을 주며 값을 주어서 사방에서 와서 너와 행음하게 하니 사람들은 모든 창기에게 선물을 주거늘 오직 너는 네 모든 정든 자에게 선물을 주며 값을 주어서 사방에서 와서 너와 행음하게 하니
Iyagu dhillo kasta hadiyad bay siiyaan, laakiinse adigu waxaad hadiyadahaaga siisaa kuwa ku caashaqa oo dhan, oo laaluush baad u siisaa inay dhinac kasta kaaga yimaadaan dhillanimadaada aawadeed.
34 너의 음란함이 다른 여인과 같지 아니함은 행음하려고 너를 따르는 자가 없음이며 또 네가 값을 받지 아니하고 도리어 줌이라 그런즉 다른 여인과 같지 아니하니라
Oo adigu naagaha kale waad ka duwan tahay xagga dhillanimadaada, waayo, laguuma soo raaco in lagaa sinaysto aawadeed, oo kiro baad u siisaa, iyadoo aan ciduna kiro ku siin, oo sidaas daraaddeed waad ka duwan tahay dhillooyinka kale oo dhan.
35 그러므로 너 음부야 여호와의 말을 들을지어다
Haddaba dhillo yahay, bal erayga Rabbiga maqal:
36 나 주 여호와가 말하노라 네가 네 누추한 것을 쏟으며 네 정든 자와 행음함으로 벗은 몸을 드러내며 또 가증한 우상을 위하여 네 자녀의 피를 그 우상에게 드렸은즉
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nijaastaadii way shubantay, oo cawradaadiina daahaa lagaga qaaday dhillanimadaadii aad kuwii ku caashaqay ka dhillaysanaysay, iyo sanamyada waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan, iyo dhiiggii carruurtaada oo aad iyaga siisay.
37 내가 저의 즐거워하는 정든 자와 사랑하던 모든 자와 미워하던 모든 자를 모으되 사방에서 모아 너를 대적하게 할 것이요 또 네 벗은 몸을 그 앞에 드러내어 그들로 그것을 다 보게 할 것이며
Haddaba sidaas daraaddeed waxaan soo wada ururin doonaa kuwii ku caashaqay oo aad la raaxaysatay oo dhan, iyo kuwa aad jeclaatay oo dhan, iyo kuwa aad necbaatay oo dhan. Kulligood dhinac kastaan kaaga soo ururin doonaa, oo cawradaadana iyagaan daaha uga qaadi doonaa, si ay cawradaada oo dhan u arkaan.
38 내가 또 간음하고 사람의 피를 흘리는 여인을 국문함 같이 너를 국문하여 진노의 피와 투기의 피를 네게 돌리고
Oo waxaan kuu xukumi doonaa sida naagaha raggooda ka dhillooba iyo kuwa dhiigga daadiya loo xukumo oo kale; oo waxaan kugu ridi doonaa dhiigga cadhada iyo masayrka.
39 내가 또 너를 그들의 손에 붙이리니 그들이 네 누를 헐며 네 높은 대를 훼파하며 네 의복을 벗기고 네 장식품을 빼앗고 네 몸을 벌거벗겨 버려두며
Oo weliba waxaan kugu ridi doonaa gacantooda, oo iyaguna qudbaddaada way dumin doonaan, oo meelahaaga sarsarena way burburin doonaan, oo weliba dharkay kaa furan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn.
40 무리를 데리고 와서 너를 돌로 치며 칼로 찌르며
Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan.
41 불로 너의 집들을 사르고 여러 여인의 목전에서 너를 벌할지라 내가 너로 곧 음행을 그치게 하리니 네가 다시는 값을 주지 아니하리라
Oo guryahaagana dab bay ku gubi doonaan, oo iyadoo ay naago badanu indhaha kugu hayaan ayay xukummo kugu samayn doonaan, oo aniguna waxaan kaa dhigi doonaa inaad dhillaysiga ka joogsatid, oo mar dambe kiro ma aad bixin doontid.
42 그리한즉 내가 네게 대한 내 분노가 그치며 내 투기가 네게서 떠나고 마음이 평안하여 다시는 노하지 아니하리라
Sidaasaan cadhadayda xaggaaga ku dhammaystiri doonaa, oo masayrkayguna wuu kaa tegi doonaa, oo aniguna waan xasilli doonaa. Oo innaba mar dambe ma aan xanaaqi doono.
43 네가 어렸을 때를 기억지 아니하고 이 모든 일로 나를 격노케 하였은즉 내가 네 행위대로 네 머리에 보응하리니 네가 이 음란과 네 모든 가증한 일을 다시는 행하지 아니하리라 나 주 여호와의 말이니라
Adigu wakhtigii yaraantaada sooma aadan xusuusan, laakiinse waxyaalahaas oo dhan waad igaga xanaajisay, oo sidaas daraaddeed ayaan jidkaaga madaxaaga kaga abaalmarin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, oo sharkaas waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan kuma aad sii dari doontid.
44 무릇 속담하는 자가 네게 대하여 속담하기를 어미가 어떠하면 딸도 그렇다 하리라
Bal ogow, mid kasta oo maahmaahyo ku maahmaahaaba wuxuu kuugu maahmaahi doonaa maahmaahyadan isagoo leh, Sida ay hooyadu tahay ayaa gabadheeduna tahay.
45 너는 그 남편과 자녀를 싫어한 어미의 딸이요 너는 그 남편과 자녀를 싫어한 형의 동생이로다 네 어미는 헷 사람이요 네 아비는 아모리 사람이며
Waxaad tahay gabadhii hooyadaa oo ninkeeda iyo carruurteedaba nacda, oo weliba waxaad tahay walaashii walaalahaa oo nimankoodii iyo carruurtoodiiba nacay. Hooyadaa waxay ahayd reer Xeed, oo aabbahaana wuxuu ahaa reer Amor.
46 네 형은 그 딸들과 함께 네 좌편에 거하는 사마리아요 네 아우는 그 딸들과 함께 네 우편에 거하는 소돔이라
Oo walaashaada kaa weynuna waa Samaariya, ta iyada iyo gabdhaheeduba bidixdaada deggan yihiin, oo walaashaada kaa yaruna waa Sodom ta iyada iyo gabdhaheeduba midigtaada deggan yihiin.
47 네가 그들의 행위대로만 행치 아니하며 그 가증한대로만 행치 아니하고 그것을 적게 여겨서 네 모든 행위가 그보다 더욱 부패하였도다
Jidadkoodii kuma aadan socon oo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo kalena ma aadan samayn, laakiinse taasu wax yar bay kula noqotay, oo iyaga jidadkaagii oo dhan waad kaga sii darnayd.
48 나 주 여호와가 말하노라 내가 나의 삶을 두고 맹세하노니 네 아우 소돔 곧 그와 그 딸들은 너와 네 딸들의 행위 같이 행치 아니하였느니라
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Waxa adiga iyo gabdhahaagu aad samayseen oo kale walaashaa Sodom iyo gabdhaheeduba ma ay samayn.
49 네 아우 소돔의 죄악은 이러하니 그와 그 딸들에게 교만함과 식물의 풍족함과 태평함이 있음이며 또 그가 가난하고 궁핍한 자를 도와주지 아니하며
Bal eeg, walaashaa Sodom dembigeedu sidan buu ahaa. Iyada iyo gabdhaheeduba waxay lahaayeen kibir, iyo cunto faro badan, iyo raaxo barwaaqo ah, laakiinse masaakiinta iyo saboolka baahan gacmahooda ma ay taageeri jirin.
50 거만하여 가증한 일을 내 앞에서 행하였음이라 그러므로 내가 보고 곧 그들을 없이 하였느니라
Oo weliba iyagu way isla madax weynaadeen, oo hortayday karaahiyo ku sameeyeen, sidaas daraaddeed markaan waxaas arkay ayaan fogeeyey.
51 사마리아는 네 죄의 절반도 범치 아니하였느니라 네가 그들보다 가증한 일을 심히 행한고로 너의 가증한 행위로 네 형과 아우를 의롭게 하였느니라
Oo xataa dembigaaga badhkiis Samaariya ma ay samayn, laakiinse waxyaalahaaga karaahiyada ah waad ka sii badisay kuweeda, oo walaalahaana waxaad xaq kaga dhigtay waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo aad samaysay oo dhan.
52 네가 네 형과 아우를 논단하였은즉 너도 네 수치를 담당할찌니라 네가 그들보다 더욱 가증한 죄를 범하므로 그들이 너보다 의롭게 되었나니 네가 네 형과 아우를 의롭게 하였은즉 너는 놀라며 네 수치를 담당할지니라
Bal adigu ceebow, waayo, walaalahaa waad xukuntay, maxaa yeelay, waxaad samaysay wax karaahiyadoodii ka sii daran, oo iyagu way kaa xaq badan yihiin. Haddaba facsharan, oo ceebow, waayo, waxaad xaq ka dhigtay walaalahaa.
53 내가 그들의 사로잡힘 곧 소돔과 그 딸들의 사로잡힘과 사마리아와 그 딸들의 사로잡힘과 그들 중에 너의 사로잡힌 자의 사로잡힘을 돌이켜서
Waxaan dib u soo celin doonaa maxaabiistoodii, kuwaas oo ah maxaabiistii Sodom iyo gabdhaheeda, iyo maxaabiistii Samaariya iyo gabdhaheeda, iyo maxaabiistaada iyaga dhex jooga,
54 너로 네 수욕을 담당하고 너의 행한 모든 일을 인하여 부끄럽게 하리니 이는 네가 그들에게 위로가 됨이라
si aad u ceebowdid, oo aad ugu facsharantid wixii aad samaysay oo dhan, waayo, waxaad iyaga u tahay qalbi qabowjis.
55 네 아우 소돔과 그 딸들이 옛 지위를 회복할 것이요 사마리아와 그 딸들도 그 옛 지위를 회복할 것이며 너와 네 딸들도 너희 옛 지위를 회복할 것이니라
Markaasaa walaalahaa Sodom iyo gabdhaheedu ay sidoodii hore ku soo noqon doonaan, oo Samaariya iyo gabdhaheeduna ay sidoodii hore ku soo noqon doonaan, oo adiga iyo gabdhahaaguna aad sidiinnii hore ku soo noqon doontaan.
56 네가 교만하던 때에 네 아우 소돔을 네 입으로 말하지도 아니하였나니
Waayo, walaashaa Sodom afkaagu kama hadlin waagii aad kibirsanayd,
57 곧 네 악이 드러나기 전에며 아람 딸들이 너를 능욕하기 전에며 너의 사방에 둘러 있는 블레셋 딸들이 너를 멸시하기 전에니라
intaan xumaantaada daaha laga qaadin, sidii markii gabdhaha Suuriya iyo inta hareerahooda ku wareegsan oo dhan, iyo xataa gabdhaha reer Falastiin ay ku caayeen iyagoo dhan kastaba kaa quudhsada.
58 네 음란과 네 가증한 일을 네가 담당하였느니라 나 여호와의 말이니라
Rabbigu wuxuu leeyahay, Adiga sharkaagii iyo waxyaalahaagii karaahiyada ahaaba waa lagugu ciqaabay.
59 나 주 여호와가 말하노라 네가 맹세를 멸시하여 언약을 배반하였은즉 내가 네 행한대로 네게 행하리라
Waayo, wuxuu Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, Waxaan kugu samayn doonaa sidaad samaysay oo kale, waayo, adigu dhaartii waad quudhsatay markaad axdigii jebisay.
60 그러나 내가 너의 어렸을 때에 너와 세운 언약을 기억하고 너와 영원한 언약을 세우리라
Habase ahaatee axdigaygii aan yaraantaadii kula dhigtay waan soo xusuusan doonaa, oo weliba waxaan kula samaysan doonaa axdi weligiis ah.
61 네가 네 형과 아우를 접대할 때에 네 행위를 기억하고 부끄러워할 것이라 내가 그들을 네게 딸로 주려니와 네 언약으로 말미암음이 아니니라
Oo markaasaad jidadkaagii soo xusuusan doontaa, oo waad isku ceeboobi doontaa markaad qaabbishid walaalahaa, ta kaa weyn iyo ta kaa yarba, oo inay gabdho kuu noqdaan baan kuu siin doonaa, laakiinse axdigaaga kugu siin maayo.
62 내가 네게 내 언약을 세워서 너로 나를 여호와인 줄 알게 하리니
Aniguna axdigaygaan kula adkaysan doonaa, oo adiguna waxaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay,
63 이는 내가 네 모든 행한 일을 용서한 후에 너로 기억하고 놀라고 부끄러워서 다시는 입을 열지 못하게 하려 함이니라 나 주 여호와의 말이니라 하셨다 하라
si aad wax u soo xusuusatid, oo aad u facsharantid, oo aadan afkaagana mar dambe u kala qaadin ceebtaada aawadeed, markaan kaa wada cafiyo wixii aad samaysay oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

< 에스겔 16 >