< 에스겔 11 >

1 때에 주의 신이 나를 들어 데리고 여호와의 전 동문 곧 동향한 문에 이르시기로 본즉 그 문에 이십 오인이 있는데 내가 그 중에서 앗술의 아들 야아사냐와 브나야의 아들 블라댜를 보았으니 그들은 백성의 방백이라
Oo weliba ruuxii baa kor ii qaaday oo wuxuu i geeyey iriddii bari ee guriga Rabbiga oo xagga bari u sii jeedday, oo iridda albaabkeedii waxaan ku arkay shan iyo labaatan nin, oo waxaan dhexdooda ku arkay Ya'asanyaah ina Casuur iyo Felatyaah ina Benaayaah, oo labaduba waxay ahaayeen dadka amiirradoodii.
2 그가 내게 이르시되 인자야! 이 사람들은 불의를 품고 이 성중에서 악한 꾀를 베푸는 자니라
Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, kuwaasu waa nimanka xumaanta hindisa, oo magaaladan dhexdeeda talo shar ah kaga taliya.
3 그들의 말이 집 건축할 때가 가깝지 아니한즉 이 성읍은 가마가 되고 우리는 고기가 된다 하나니
Oo waxay yidhaahdaan, Wakhtiga guryo la dhiso ma dhowa. Magaaladanu waa dheri weyn oo innaguna waxaynu nahay hilibkii.
4 그러므로 인자야 너는 그들을 쳐서 예언하고 예언할지니라
Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.
5 여호와의 신이 내게 임하여 가라사대 너는 말하기를 여호와의 말씀에 이스라엘 족속아 너희가 이렇게 말하였도다 너희 마음에서 일어나는 것을 내가 다 아노라
Markaasaa Ruuxii Rabbigu igu soo degay, oo wuxuu igu yidhi, Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sidaasaad istidhaahdeen, waayo, waxyaalaha maankiinna soo gala waan ogahay.
6 너희가 이 성읍에서 많이 살륙하여 그 시체로 거리에 채웠도다
Magaaladan dhexdeeda waxaad ku badiseen kuwiinnii la laayay, oo jidadkeedana kuwii la laayay waad ka buuxiseen.
7 그러므로 나 주 여호와가 말하노라 이 성읍 중에서 너희가 살륙한 시체는 그 고기요 이 성읍은 그 가마려니와 너희는 그 가운데서 끌려 나오리라
Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Meydadkiinna aad dhexdeeda dhigteen ayaa hilibka ah oo magaaladanuna waa dheriga weyn, laakiinse dhexdeedaa laydinka soo bixin doonaa.
8 나 주 여호와가 말하노라 너희가 칼을 두려워하니 내가 칼로 너희에게 임하게 하고
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku seef baad ka cabsateen, oo seef baan idinku soo dayn doonaa.
9 너희를 그 성읍 가운데서 끌어내어 타국인의 손에 붙여 너희에게 벌을 내리리니
Oo dhexdeedaan idinka soo bixin doonaa, oo waxaan idinku ridi doonaa shisheeyayaal gacmahooda, oo dhexdiinnana xukummo baan ku samayn doonaa.
10 너희가 칼에 엎드러질 것이라 내가 이스라엘 변경에서 너희를 국문하리니 너희가 나를 여호와인 줄 알리라
Seef baad ku le'an doontaan, oo soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
11 이 성읍은 너희 가마가 되지 아니하고 너희는 그 가운데 고기가 되지 아니할지라 내가 너희를 이스라엘 변경에서 국문하리니
Magaaladanu dherigiinna ma ay ahaan doonto, oo idinkuna hilibka ku dhex jira ma aad ahaan doontaan, laakiinse soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa.
12 너희가 나를 여호와인 줄 알리라 너희가 내 율례를 행치 아니하며 규례를 지키지 아니하고 너희 사면에 있는 이방인의 규례대로 행하였느니라 하셨다 하라
Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, waayo, qaynuunnadaydii kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan samayn, laakiinse waxaad samayseen sidii xukummadii quruumaha oo idinku wareegsanu ay samayn jireen.
13 이에 내가 예언할 때에 브나야의 아들 블라댜가 죽기로 내가 엎드리어 큰 소리로 부르짖어 가로되 오호라! 주 여호와여! 이스라엘의 남은 자를 다 멸절하고자 하시나이까? 하니라
Oo intaan wax sii sheegayay ayaa Felatyaah ina Benaayaah dhintay. Markaasaan wejiga u dhacay oo cod dheer baan ku qayliyey, oo idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad inta reer binu Israa'iil ka hadhay wada baabbi'iso?
14 여호와의 말씀이 내게 임하여 가라사대
Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
15 인자야! 예루살렘 거민이 너의 형제 곧 너의 형제와 친속과 이스라엘 온 족속을 향하여 이르기를 너희는 여호와에게서 멀리 떠나라 이 땅은 우리에게 주어 기업이 되게 하신 것이라 하였나니
Wiilka Aadamow, walaalahaa oo ah walaalahaaga runta ah, iyo dadka xigaalkaaga ah, iyo kulli reer binu Israa'iil oo dhammu waa kuwii dadka Yeruusaalem degganu ay ku yidhaahdeen, Idinku Rabbiga ka fogaada. Dalkan annagaa dhaxal naloo siiyey.
16 그런즉 너는 말하기를 주 여호와의 말씀에 내가 비록 그들을 멀리 이방인 가운데로 쫓고 열방에 흩었으나 그들이 이른 열방에서 내가 잠간 그들에게 성소가 되리라 하셨다 하고
Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.
17 너는 또 말하기를 주 여호와의 말씀에 내가 너희를 만민 가운데 모으며 너희를 흩은 열방 가운데서 모아 내고 이스라엘 땅으로 너희에게 주리라 하셨다 하라
Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.
18 그들이 그리로 가서 그 가운데 모든 미운 물건과 가증한 것을 제하여 버릴지라
Oo iyagu halkaasay iman doonaan, oo waxay halkaas ka fogayn doonaan waxyaalaha la naco oo dhan iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dhanba.
19 내가 그들에게 일치한 마음을 주고 그 속에 새 신을 주며 그 몸에서 굳은 마음을 제하고 부드러운 마음을 주어서
Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi keliya, oo waxaan gelin doonaa ruux cusub, oo qalbigii dhagaxa ahaana jidhkooda waan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan siin doonaa qalbi jiidh ah,
20 내 율례를 좇으며 내 규례를 지켜 행하게 하리니 그들은 내 백성이 되고 나는 그들의 하나님이 되리라
si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.
21 그러나 미운 것과 가증한 것을 마음으로 좇는 자는 내가 그 행위대로 그 머리에 갚으리라 나 주 여호와의 말이니라
Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.
22 때에 그룹들이 날개를 드는데 바퀴도 그 곁에 있고 이스라엘 하나님의 영광도 그 위에 덮였더니
Markaasaa keruubiimtii baalashooda kor u qaadeen, oo giraangirihiina way dhinac yiilleen, oo ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iilna iyagay ka korraysay.
23 여호와의 영광이 성읍 중에서부터 올라가서 성읍 동편 산에 머물고
Markaasaa ammaantii Rabbigu magaalada dhexdeedii ka kacday, oo waxay kor istaagtay buurta magaalada dhankeeda bari ku taal.
24 주의 신이 나를 들어 하나님의 신의 이상 중에 데리고 갈대아에 있는 사로잡힌 자중에 이르시더니 내가 보는 이상이 나를 떠난지라
Oo markaasaa Ruuxii kor ii qaaday, oo Ruuxii Ilaah wuxuu wixii lay tusay igu keenay dalkii Kalday iyo maxaabiistii meeshaas joogtay. Oo markaasaa wixii lay tusay oo aan arkay kor iiga bexeen.
25 내가 사로잡힌 자들에게 여호와께서 내게 보이신 모든 일로 고하니라
Markaasaan kuwii maxaabiista ahaa u sheegay waxyaalihii uu Rabbigu i tusay oo dhan.

< 에스겔 11 >