< 에스더 2 >

1 그 후에 아하수에로왕의 노가 그치매 와스디와 그의 행한 일과 그에 대하여 내린 조서를 생각하거늘
Oo waxyaalahaas dabadood markii Boqor Ahashwerus cadho baxay ayuu soo xusuustay Washtii, iyo wixii ay samaysay, iyo wixii iyada ka geesta ahaa oo la amray.
2 왕의 시신이 아뢰되 `왕은 왕을 위하여 아리따운 처녀들을 구하게 하시되
Markaasaa boqorka midiidinnadiisii u adeegi jiray waxay yidhaahdeen, Boqorka ha loo doondoono bikrado qurux badan oo dhallinyaro ah;
3 전국 각 도에 관리를 명령하여 아리따운 처녀를 다 도성 수산으로 모아 후궁으로 들여 궁녀를 주관하는 내시 헤개의 손에 붙여 그 몸을 정결케 하는 물품을 주게 하시고
oo boqorku gobol kasta oo boqortooyadiisa ka mid ah ha ka dhex doorto wakiillo, si ay bikradaha quruxda badan oo dhallinyarada ah oo dhan ugu soo ururiyaan Shuushan oo ah hoyga boqorka, oo iyaga ha keeneen guriga naagaha, oo gacanta ha u geliyeen Heegay oo ah midiidinka boqorka naagaha u dhawra, oo iyaga ha la siiyo alaabtoodii ay isku daahirin lahaayeen.
4 왕의 눈에 아름다운 처녀로 와스디를 대신하여 왕후를 삼으소서' 왕이 그 말을 선히 여겨 그대로 행하니라
Oo gabadhii boqorka la wanaagsanaata, meeshii Washtii boqorad ha ka noqoto. Oo waxaasuna boqorka way ka farxiyeen; kolkaasuu saas yeelay.
5 도성 수산에 한 유다인이 있으니 이름은 모르드개라 저는 베냐민 자손이니 기스의 증손이요, 시므이의 손자요, 야일의 아들이라
Oo Shuushan oo hoygii boqorka ahaa waxaa jiray nin Yuhuud ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Mordekay ina Ya'iir, ina Shim'i, ina Qiish, oo wuxuu ahaa reer Benyaamiin;
6 전에 바벨론 왕 느부갓네살이 예루살렘에서 유다 왕 여고냐와 백성을 사로잡아 갈 때에 모르드개도 함께 사로잡혔더라
oo isaga waxaa mar hore laga soo kaxaystay Yeruusaalem, wuxuuna la socday maxaabiistii lala soo kaxaystay Yekonyaah oo ahaa boqorkii reer Yahuudah, oo uu soo kaxaystay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.
7 저의 삼촌의 딸 하닷사 곧 에스더는 부모가 없고 용모가 곱고 아리따운 처녀라 그 부모가 죽은 후에 모르드개가 자기 딸같이 양육하더라
Oo isagu wuxuu soo koriyey Hadasaah, taasoo ahayd ina-adeertiis Esteer, waayo, iyadu aabbe iyo hooyo toona ma ay lahayn; gabadhuna way suurad wacnayd, wayna qurux badnayd; oo markii aabbeheed iyo hooyadeed dhinteen ayaa Mordekay qaatay oo sidii gabadhiisii ka dhigtay.
8 왕의 조명이 반포되매 처녀들이 도성 수산에 많이 모여 헤개의 수하에 나아갈 때에 에스더도 왕궁으로 이끌려 가서 궁녀를 주관하는 헤개의 수하에 속하니
Markii la maqlay boqorka amarkiisii iyo naadadiisii, kolkii hablo badan lagu soo ururiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka, oo gacanta loo geliyey Heegay, ayaa Esteer la geeyey gurigii boqorka, oo waxaa gacanta loo geliyey Heegay oo ahaa kii naagaha dhawri jiray.
9 헤개가 이 처녀를 기뻐하여 은혜를 베풀어 몸을 정결케 할 물품과 일용품을 곧 주며 또 왕궁에서 의례히 주는 일곱 궁녀를 주고 에스더와 그 궁녀들을 후궁 아름다운 처소로 옮기더라
Oo gabadhii way la wanaagsanaatay isagii, wuuna u roonaaday; oo markiiba wuxuu iyadii siiyey alaabteedii isdaahirinta, iyo intii ay qaybta u lahayd, iyo toddoba gabdhood oo ay waajib u lahayd in laga siiyo guriga boqorka. Markaasuu iyadii iyo gabdhaheediiba geeyey meeshii ugu wanaagsanayd guriga naagaha.
10 에스더가 자기의 민족과 종족을 고하지 아니하니 이는 모르드개가 명하여 고하지 말라 하였음이라
Esteerna ma ay sheegin dadkeedii iyo qoladeedii toona; waayo, waxaa Mordekay ku amray inaanay waxba sheegin.
11 모르드개가 날마다 후궁 뜰 앞으로 왕래하며 에스더의 안부와 어떻게 될 것을 알고자 하더라
Mordekayna wuxuu maalin kasta mari jiray barxadda guriga naagaha horteeda si uu ku ogaado Esteer nabadqabkeeda iyo waxa iyada ku dhici lahaa.
12 처녀마다 차례대로 아하수에로 왕에게 나아가기 전에 여자에 대하여 정한 규례대로 열 두달 동안을 행하되 여섯달은 몰약 기름을 쓰고 여섯달은 향품과 여자에게 쓰는 다른 물품을 써서 몸을 정결케 하는 기한을 마치며
Haddaba markii gabadh walba wakhtigeedii la gaadhay inay u gasho Boqor Ahashwerus, oo iyada loogu sameeyo sida waafaqsan waxa sharcigu dumarka farayo laba iyo toban bilood dabadeed, (waayo, saasaa isdaahirintoodu ku dhammaan jirtay, inay intii lix bilood ah ismariyaan saliidda malmalka, intii lix bilood ahna ismariyaan uunsi udgoon iyo waxyaalaha dumarka lagu daahiriyo)
13 처녀가 왕에게 나아갈 때에는 그 구하는 것을 다 주어 후궁에서 왕궁으로 가지고 가게 하고
ayaa sidaas gabadhii boqorkii ugu timid, oo wax alla wixii ay doonaysay inay guriga naagaha ka qaadato, oo ay la tagto guriga boqorka, dhammaantood waa la siiyey iyada.
14 저녁이면 갔다가 아침에는 둘째 후궁으로 돌아와서 비빈을 주관하는 내시 사아스가스의 수하에 속하고 왕이 저를 기뻐하여 그 이름을 부르지 아니하면 다시 왕에게 나아가지 못하더라
Oo iyadu fiidkii bay tagtay, oo subaxdii ayay ku soo noqotay gurigii labaad oo naagaha, iyo gacanta Shacashgas oo ahaa boqorka midiidinkiisii u dhawri jiray naagaha addoommaha ah. Iyana mar dambe boqorkii uma ay soo gelin, in boqorku ku farxo iyo in magaceeda loogu yeedho mooyaane.
15 모르드개의 삼촌 아비하일의 딸 곧 모르드개가 자기의 딸같이 양육하는 에스더가 차례대로 왕에게 나아갈 때에 궁녀를 주관하는 내시 헤개의 정한 것 외에는 다른 것을 구하지 아니하였으나 모든 보는 자에게 굄을 얻더라
Haddaba Esteer oo ahayd ina Abiixayil, kaasoo adeer u ahaa Mordekay oo iyada qaatay oo ka dhigtay sidii gabadhiisii oo kale, markii wakhtigeedii ay boqorka u geli lahayd la gaadhay, iyadu waxba ma ay dalban wixii Heegay oo ahaa boqorka midiidinkiisii naagaha u dhawri jiray uu u dooray mooyaane. Oo intii Esteer aragtay oo dhammu way u bogeen.
16 아하수에로왕의 칠년 시월 곧 데벳월에 에스더가 이끌려 왕궁에 들어가서 왕의 앞에 나아가니
Haddaba boqorka sannaddiisii toddobaad ee boqornimadiisa, bisheedii tobnaad oo ahayd bisha Tebed ayaa Esteer loogu geeyey Boqor Ahashwerus gurigiisii boqornimada.
17 왕이 모든 여자보다 에스더를 더욱 사랑하므로 저가 모든 처녀보다 왕의 앞에 더욱 은총을 얻은지라 왕이 그 머리에 면류관을 씌우고 와스디를 대신하여 왕후를 삼은 후에
Haddaba boqorkii Esteer buu ka jeclaaday naagihii kale oo dhan, oo iyana waxay isagii ka heshay raxmad iyo roonaan ka sii badan intii ay bikradaha kale heleen oo dhan; oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay.
18 왕이 크게 잔치를 베푸니 이는 에스더를 위한 잔치라 모든 방백과 신복을 향응하고 또 각 도의 세금을 면제하고 왕의 풍부함을 따라 크게 상 주니라
Markaasaa boqorkii martiqaad weyn u sameeyey amiirradiisii iyo addoommadiisii oo dhan, taasuna waxay ahayd martiqaad Esteer loo sameeyey; oo gobolladiina boqorku wuu nasiyey, oo hadiyadona wuxuu u bixiyey sidii deeqsinimadiisii ahayd.
19 처녀들을 다시 모을 때에는 모르드개가 대궐 문에 앉았더라
Oo markii bikradihii mar labaad la soo ururiyey ayaa Mordekay soo fadhiistay boqorka iriddiisii.
20 에스더가 모르드개의 명한대로 그 종족과 민족을 고하지 아니하니 저가 모르드개의 명을 양육받을 때와 같이 좇음이더라
Oo Esteerna weli ma ay sheegin qoladeedii iyo dadkeedii toona, sidii Mordekay ku amray; waayo, Esteer amarkii Mordekay bay u addeeci jirtay sidii markii uu korinayay oo kale.
21 모르드개가 대궐 문에 앉았을 때에 문 지킨 왕의 내시 빅단과 데레스 두 사람이 아하수에로왕을 원한하여 모살하려 하거늘
Oo waagaas mar uu Mordekay boqorka iriddiisa fadhiistay ayaa waxaa aad u cadhooday laba nin oo boqorka midiidinno u ahaa, waxayna ahaayeen Bigtaan iyo Teresh oo ka mid ahaa kuwa iridda dhawra, oo waxay dooneen inay Boqor Ahashwerus dilaan.
22 모르드개가 알고 왕후 에스더에게 고하니 에스더가 모르드개의 이름으로 왕에게 고한지라
Oo xaalkaas waxaa ogaaday Mordekay, kolkaasuu u sheegay Boqorad Esteer; Esteerna waxay u sheegtay boqorkii, iyadoo ku hadlaysa Mordekay magiciisa.
23 사실하여 실정을 얻었으므로 두 사람을 나무에 달고 그 일을 왕의 앞에서 궁중 일기에 기록하니라
Oo markii xaalkaas la baadhay ayaa waxaa la ogaaday inay saas tahay, oo labadoodiiba geed baa laga soo deldelay; oo taasna waxaa lagu qoray buuggii taariikhda boqorka hortiisa.

< 에스더 2 >