< 전도서 6 >

1 내가 해 아래서 한가지 폐단 있는 것을 보았나니 이는 사람에게 중한 것이라
Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, taasuna waa wax dadka ku culus,
2 어떤 사람은 그 심령의 모든 소원에 부족함이 없어 재물과 부요와 존귀를 하나님께 받았으나 능히 누리게 하심을 얻지 못하였으므로 다른 사람이 누리나니 이것도 헛되어 악한 병이로다
waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun.
3 사람이 비록 일백 자녀를 낳고 또 장수하여 사는 날이 많을지라도 그 심령에 낙이 족하지 못하고 또 그 몸이 매장되지 못하면 나는 이르기를 낙태된 자가 저보다 낫다 하노니
Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis.
4 낙태된 자는 헛되이 왔다가 어두운 중에 가매 그 이름이 어두움에 덮이니
Waayo, dhicisku wax aan waxba tarayn ayuu u yimaadaa, gudcur buuna ku tagaa, oo magiciisana gudcur baa daboola.
5 햇빛을 보지 못하고 알지 못하나 이가 저보다 평안함이라
Oo weliba qorraxda ma uu arag, mana garan, oo kaasu waa ka sii nasasho badan yahay kii kale.
6 저가 비록 천 년의 갑절을 산다 할지라도 낙을 누리지 못하면 마침내 다 한 곳으로 돌아가는 것뿐이 아니냐
In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago?
7 사람의 수고는 다 그 입을 위함이나 그 식욕은 차지 아니하느니라
Nin hawshiisa oo dhan waa u afkiisaa, laakiinse kama hamuun beelo.
8 지혜자가 우매자보다 나은 것이 무엇이뇨 인생 앞에서 행할 줄 아는 가난한 자는 무엇이 유익한고
Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?
9 눈으로 보는 것이 심령의 공상보다 나으나 이것도 헛되어 바람을 잡으려는 것이로다
Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
10 이미 있는 무엇이든지 오래 전부터 그 이름이 칭한 바 되었으며 사람이 무엇인지도 이미 안 바 되었나니 자기보다 강한 자와 능히 다툴 수 없느니라
Nin waluba wuxuu yahayba waa horaa loo magacaabay, oo waa la garanayaa inuu binu-aadmi yahay, oo lamana uu diriri karo kan isaga ka xoog badan.
11 헛된 것을 더하게 하는 많은 일이 있나니 사람에게 무엇이 유익하랴
Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?
12 헛된 생명의 모든 날을 그림자같이 보내는 일평생에 사람에게 무엇이 낙인지 누가 알며 그 신후에 해 아래서 무슨 일이 있을 것을 누가 능히 그에게 고하리요
Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?

< 전도서 6 >