< Matendo ya Mitume 1 >
1 Kitabu kya muandi nakilembili, Theofilo nikajobha ghoha kwa yesu ghaabhanji kubhomba ni kumanyisya,
Te'ofilosow, hadalkii hore waxaan ka qoray wax kasta oo Ciise bilaabay inuu sameeyo oo baro
2 mpaka ligono muene apokelibhu kunani. Ej'ha jha jhele baada jha kupisya amri kup'etela Roho Mtakatifu kwa mitume bhabhajhele abhachaguili.
ilaa maalintii sare loo qaaday isaga oo ka dambaysay wakhtiguu Ruuxa Quduuskaa ku amray rasuulladii uu doortay.
3 Baada jha malombosi gha muene, abhonekane kwa bhene ajha hai pia ni fitishu fingi kushuhudibhwa. Kwa magono arobaini akidhihirishi kwa bhene, naa ajobhili kuhusu bhufalme bhwa K'yara.
Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.
4 Bhoibhonana nabhu abhajubhili bhasibhoki Yerusalemu, lakini bhalendayi kwa ndabha jha ahadi jha Dadi, ambajho ajobhili, “Mwaip'eliki kuhomela kwa nene.
Oo intuu iyagii la shiray, ayuu wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi, Yeruusaalem ha ka tegina, laakiinse suga ballankii Aabbaha oo aad iga maqasheen,
5 Kwamba Yohana abatili kwa masi, lakini mbatisibhwa kwa Roho Mtakatatifu mu magono agha madebe.”
waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.
6 Nabho bhabhonene pamonga bhakan'kota “Bwana, ivi obho ndo muda ambabho wibeta kubhakerebhusila Israeli bhufalme?”
Sidaas daraaddeed markay isu yimaadeen, ayay weyddiiyeen isaga oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbow, ma haddeer baad boqortooyada u soo celinaysaa Israa'iil?
7 Muene akabhajobhela, “Sawalepi kwa muenga kumanya bhwakati au majira ambayo Dadi akusudili kwa mamlaka gha muene.”
Markaasuu iyaga ku yidhi, Dantiinna ma aha inaad ogaataan wakhtiyada iyo xilliyada uu Aabbuhu amarkiisa kaga dhigay.
8 Lakini mwibeta kupokela nghofu bhwakati Roho mtakatifu paibeta kuhida kwa mwenga, ni muenga mwibe kujha mashahidi bha nene kuoha Yeresalemu ni Uyahudi jhioha ni Samaria mpaka mwisho ghwa nchi.”
Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog.
9 Bwana Yesu bho amalili kujobha agha, bhakaj'ha bhilanga kunani, muene ajhinulibhu kunani, ni libhengu lyan'gupiki bhasimboni kwa mihu gha bhene.
Oo kolkuu waxyaalahaas yidhi dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay.
10 Bhwakati bhilola kumbinguni ilota, ghafla bhanu bhabhele bhajhemili katikati jha bhene bhafwalili maguanda mabhalafu.
Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba,
11 Bhakajobha, “Enyi bhanu bha Galilaya kwandabha jha kiki mwijhema apa mwilola kumbinguni.” Ojho Yesu jhaakwelili kunani kumbinguni ibeta kukerebhuka kwa namna jhela jhela kama kya mumbwene ilota kumbinguni.
oo waxay ku yidhaahdeen, Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa.
12 Ndipo bhakakerebhuka Yerusalemu, kuhoma kukidonda kya mizeituni ambako okhu karibu ni Yerusalemu, mwendo ghwa ligono lya sabato.
Markaasay Yeruusaalem ku noqdeen iyagoo ka yimid buurtii Saytuun la odhan jiray, oo u dhowayd Yeruusaalem, oo u jirtay maalin sabtiyeed socodkeed.
13 Bho bhafihili bhakalota ghorofani ambako bhatamaghe. Nabhene ndo Petro, Yohana Yakobo, Andrea, Filipo, Thomaso, Bhatholomayo, Mathayo, Yakobo mwana ghwa Alfayo, Simoni Zelote ni Yuda mwana ghwa Yakobo.
Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub.
14 Bhoha bhaungene kama munu mmonga, kwa juhudi bhajhe bhijhendelela ni maombi pamonga ni abhu bhajhela bhadala, Mariamu nyinamunu Yesu nibhakaka yake.
Kuwaas oo dhammu, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay ku sii adkaysteen tukasho, iyaga iyo dumarka, iyo Maryan oo ahayd Ciise hooyadiis, iyo walaalihiis.
15 Katika magono ghala ajhemili katikati jha bhalongomunu, kama bhenu 120, akajobha.
Oo wakhtigaas ayaa Butros walaalaha dhexdooda istaagay (oo waxaa wada jiray dad badan oo qiyaastoodu ahayd boqol iyo labaatan); markaasuu yidhi,
16 Bhalonho bhangu, jhahele lazima maandiku ghatimisibhwayi, ambapo muandi Roho Mtakatifu ajobhili kwa kinywa kya muene Daudi, kuhusiana ni Yuda, ambajhe abha jhekisi bhala bhabharikamuili Yesu.
Walaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.
17 Kwa kujha muene ajhele mmonga bhitu na apokili fungu lya muene lye faida katika huduma ejhe.”
Maxaa yeelay, isaga waa laynagu tirshay, oo shuqulkan ayuu qaybtiisii helay.
18 (Henu, munu ojho, ahemili lieneo kwa khela kya akipokili kwa uovu bhwa muene ni apuabinili kulongolasya mutu, mbhele ghwa kayuiki ni matumbu gha muene ghoha gajhele pabhwaka ghajhitiki.
Haddaba ninkaasu meel ayuu ku iibsaday abaalgudka xaqdarradiis; oo intuu madax madax u dhacay ayuu dhexda ka kala dillaacay, oo mindhicirkiisii oo dhammuna waa ka soo daatay.
19 Bhoha bha bhataniuli Yerusalemu bhabeliki kuhusu e'le, hivyo lieneo e'lu bhakalikuta kwa lihina lya bhene. “Akeldama” e'lu ndo “N'gonda ghwa damu.”)
Kolkaasaa kuwii Yeruusaalem joogay oo dhammu ay wada ogaadeen; sidaas daraaddeed meeshaas waxaa afkooda loogu bixiyey Akeldama, taas oo micneheedu yahay, meeshii dhiigga.
20 “Mukitabu kya Zaburi ile mbibhu, lendayi eneo lya muene lijhelayi hame na asinihusibhu hata mmonga kutani apala, na Ruhusuajhi munu jhongi atolayi nafasi jha muenejha uongozi.
Waayo, waxaa kitaabkii Sabuurrada lagu qoray, Gurigiisu cidla' ha noqdo, Ninnana yuusan meeshaas degin; iyo Wakiilnimadiisa mid kale ha qabto.
21 Ejhu, jha muhimu, henu, mmonga ghwa bhagosi ambabho bhalongosene ni tete bhwakati Bwana Yesu abhokili ni kujhingila kwa tete.
Haddaba nimankii inala socday wakhti kasta intuu Rabbi Ciise ina soo dhex galay, inagana dhex baxay,
22 kubhwanjila ku ubatisu bhwa Yohana mpaka ligono lela bho atwalibhu kunani lazima ajhelayi shahidi bhwa ufufuo pamonga ni tete.
oo ka bilaabmay baabtiiskii Yooxanaa ilaa maalintii sare laynooga qaaday isaga, iyagii midkood waa inuu markhaati ina gala ahaado sarakiciddiisa.
23 Bhakabhabheka palongolo bhagosi bhabhele, Yusufu jhaakutibhweghe Barnaba ambaye pia akutibhu Yusto ni Mathia.
Markaasay laba iska soo saareen, kuwaas oo ahaa Yuusuf oo la odhan jiray Barsabaas ee naanaystiisu ahayd Yuustos, iyo Matiyas.
24 Bhene bhasokili bhajobhili, “Bhebhe Bwana, jhaumanyi mioyo jha bhanu bhoha hivyo bhekayi wazi jholeku kati jha bhabhele abha ambajhe un'chaguili.
Kolkaasay tukadeen oo yidhaahdeen, Rabbow, adigoo garanaya qalbiga dadka oo dhan, na tus labadan kaad dooratay,
25 Kutola nafasi katika huduma jha utume, ambapo Yuda abhombi uovu ni kulota mahali pa muene.”
inuu galo meeshii shuqulkan iyo rasuulnimadan oo Yuudas ka dhacay inuu meeshiisa tago.
26 Bhakapiga kura kwa ajili jha bhene, ni kura jhikanibinila Mathia ambajhe abhalangibhu pamonga ni bhala mitume kumi na moja.
Markaasay u saami riteen; saamigiina wuxuu ku dhacay Matiyas; oo isagana waxaa lagu daray koob-iyo-tobankii rasuul.