< 士師記 12 >

1 エフライムの人々つどひて北にゆきヱフタにいひけるは汝何故に往きてアンモンの子孫と戰ひながらわれらをまねきて汝とともに行せざりしや我ら火をもて汝の家を汝とともに焚くべしと
Oo raggii reer Efrayimna way is-urursadeen, oo waxay u gudbeen xagga woqooyi, oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Reer Cammoon inaad la dirirto intaad u soo gudubtay, maxaad noogu yeedhi weyday aannu ku raacnee? Gurigaagaannu kugu dul gubi doonnaa.
2 ヱフタ之にいひけるは我とわが民の曾てアンモンの子孫と大に爭ひしときに我汝らをよびしに汝らかれらの手より我を救ふことをせざりき
Yeftaahna wuxuu ku yidhi, Aniga iyo dadkayguba dagaal weyn baannu kula jirnay reer Cammoon, oo markaan idiin yeedhay igama aydnaan badbaadin gacantoodii.
3 我汝らが我を救はざるを見たればわが命をかけてアンモンの子孫の所に攻ゆきしにヱホバかれらを我が手に付したまへり然ば汝らなんぞ今日我が許に上り來りて我とたたかはんとするやと
Oo markaan arkay inaydnaan i badbaadinayn ayaan naftayda biimeeyey, oo waxaan u gudbay reer Cammoon, oo Rabbigu gacantayduu soo geliyey. Haddaba maxaad maanta iigu timaadeen inaad ila dirirtaan?
4 ヱフタここにおいてギレアデの人をことごとくつどへてエフライムとたたかひしがギレアデの人々エフライムを撃破れり是はエフライム汝らギレアデ人はエフライムの逃亡者にしてエフライムとマナセの中にをるなりと言しに由る
Markaasuu Yeftaah soo urursaday raggii reer Gilecaad oo dhan, oo wuxuu la diriray reer Efrayim; oo reer Gilecaadna way laayeen reer Efrayim, maxaa yeelay, waxay yidhaahdeen, Idinku fakad baad tihiin kuwiinnan reer Gilecaad oo ku dhex jira reer Efrayim iyo reer Manaseh.
5 而してギレアデ人エフライムにおもむくところのヨルダンの津をとりきりしがエフライム人の逃れ來る者ありて我を渡らせよといへばギレアデの人之に汝はエフライム人なるかと問ひ彼もし然らずと言ときは
Oo reer Gilecaadna waxay qabsadeen meelihii Webi Urdun laga gudbi jiray oo xagga reer Efrayim ahaa; oo markuu mid reer Efrayim ah oo cararay yidhaahdo, I daaya aan gudbee, waxaa dhici jirtay inay reer Gilecaad ku odhan jireen, Ma reer Efrayim baad tahay? Oo hadduu yidhaahdo, Maya,
6 また之に請ふシボレテといへといふに彼その音を正しくいひ得ずしてセボレテと言ばすなはち之を引捕へてヨルダンの津に屠せりその時にエフライム人のたふれし者四萬二千人なりき
waxay ku odhan jireen, Bal waxaad tidhaahdaa Shibboled, markaasuu odhan jiray, Sibboled, waayo, taas odhaahdeeda qummaati uma uu odhan karin; markaasay intay qabsadaan ku dili jireen meelihii Webi Urdun laga gudbi jiray; oo wakhtigaas waxaa reer Efrayim ka dhintay laba iyo afartan kun.
7 ヱフタ六年のあひだイスラエルを審きたりギレアデ人ヱフタつひに死てギレアデのある邑に葬むらる
Oo Yeftaahna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay lix sannadood. Markaasuu Yeftaah oo ahaa reer Gilecaad dhintay, oo waxaa lagu aasay magaalooyinkii reer Gilecaad middood.
8 彼の後にベテレヘムのイブザン、イスラエルを審きたり
Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Ibsaan oo ahaa reer Beytlaxam.
9 彼に三十人の男子ありまた三十人の女子ありしがこれをば外に嫁がしめてその子息等のために三十人の女を外より娶れり彼七年のあひだイスラエルを審きたり
Oo wuxuu lahaa soddon wiil, oo soddon gabdhoodna wuu bixiyey, soddon gabdhoodna wiilashiisuu dibadda uga keenay. Oo isna reer binu Israa'iil wuxuu xukumayay toddoba sannadood.
10 イブザンつひに死てベテレヘムに葬むらる
Markaasuu Ibsaan dhintay, oo waxaa lagu aasay Beytlaxam.
11 彼の後にゼブルン人エロン、イスラエルを審きたりゼブルン人エロン十年のあひだイスラエルを審きたり
Dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Eeloon oo ahaa reer Sebulun; oo isna wuxuu reer Israa'iil xukumayay toban sannadood.
12 ゼブルン人エロンつひに死てゼブルンの地のアヤロンに葬むらる
Oo Eeloon oo reer Sebulun ahaana wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Ayaaloon oo ku taal dalka reer Sebulun.
13 彼の後にピラトン人ヒレルの子アブドン、イスラエルを審きたり
Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Cabdoon ina Hilleel oo ahaa reer Fircaatoon.
14 彼に四十人の男子および三十人の孫ありて七十の驢馬に乗る彼八年のあひだイスラエルを審けり
Oo isna wuxuu lahaa afartan wiil iyo soddon uu awowe u ahaa, oo fuuli jiray toddobaatan qayl dameer. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay siddeed sannadood.
15 ピラトン人ヒレルの子アブドンつひに死てエフライムの地のピラトンに葬むらる是はアマレク人の山にあり
Oo Cabdoon ina Hilleel oo ahaa reer Fircaatoon wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Fircaatoon oo ku taal dalka reer Efrayim, kaasoo ahaa dalka buuraha leh oo reer Camaaleq.

< 士師記 12 >