< 伝道者の書 1 >

1 ダビデの子 ヱルサレムの王 傅道者の言
Kuwanu waa erayadii wacdiyihii ahaa ina Daa'uud oo Yeruusaalem boqorka ku ahaa.
2 傅道者言く 空の空 空の空なる哉 都て空なり
Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.
3 日の下に人の労して爲ところの諸の動作はその身に何の益かあらん
Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?
4 世は去り世は來る 地は永久に長存なり
Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa.
5 日は出で日は入り またその出し處に喘ぎゆくなり
Oo qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo.
6 風は南に行き又轉りて北にむかひ 旋轉に旋りて行き 風復その旋轉る處にかへる。
Dabayshu waxay tagtaa xagga koonfureed, oo haddana waxay u soo rogmataa xagga woqooyi, oo had iyo goorba way wareegtaa, oo dabayshu waxay ku soo noqotaa wareeggeedii.
7 河はみな海に流れ入る 海は盈ること無し 河はその出きたれる處に復還りゆくなり
Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, oo weli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ay ku socdaan ayay haddana ku sii socdaan.
8 萬の物は労苦す 人これを言つくすことあたはず 目は見に飽ことなく耳は聞に充ること無し
Wax kastaaba waa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishu wax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kama buuxsanto.
9 曩に有りし者はまた後にあるべし 曩に成し事はまた後に成べし 日の下には新しき者あらざるなり
Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko.
10 見よ是は新しき者なりと指て言べき物あるや 其は我等の前にありし世々に既に久しくありたる者なり
Miyey jiraan wax la odhan karo, Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen tan iyo waayihii inaga horreeyey.
11 己前のものの事はこれを記憶ることなし 以後のものの事もまた後に出る者これをおぼゆることあらじ
Waxyaalihii hore lama xusuusto, oo waxyaalaha iman doonana innaba laguma xusuusan doono kuwa dabadeed iman doona.
12 われ傅道者はヱルサレムにありてイスラエルの王たりき
Anigan wacdiyaha ahu boqor baan reer binu Israa'iil ugu ahaa Yeruusaalem.
13 我心を盡し智慧をもちひて天が下に行はるる諸の事を尋ねかつ考覈たり此苦しき事件は神が世の人にさづけて之に身を労せしめたまふ者なり
Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan.
14 我日の下に作ところの諸の行爲を見たり 嗚呼皆空にして風を捕ふるがごとし
Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
15 曲れる者は直からしむるあたはす欠たる者は散をあはするあたはず
Wixii qalloocan lama toosin karo, oo wixii dhimmanna lama tirin karo.
16 我心の中に語りて言ふ 嗚呼我は大なる者となれり 我より先にヱルサレムにをりしすべての者よりも我は多くの智慧を得たり 我心は智慧と知識を多く得たり
Qalbigaygaan la hadlay, oo waxaan ku idhi, Bal eeg, anigu waxaan helay xigmad ka sii badan tii kuwii hortaydii Yeruusaalem u talin jiray oo dhan, oo qalbigaygu aad buu u arkay xigmad badan iyo aqoon dheer.
17 我心を盡して智慧を知んとし狂妄と愚癡を知んとしたりしが 是も亦風を捕ふるがごとくなるを暁れり
Waxaan qalbigayga siiyey inaan xigmad ogaado iyo inaan waalli iyo nacasnimo ogaado, oo waxaan gartay inay taasuna tahay dabagalka dabaysha oo kale.
18 夫智慧多ければ憤激多し 知識を増す者は憂患を増す
Waayo, xigmaddii badan caloolxumo badan baa ku jirta, oo kii aqoon korodhsadaana murug buu sii korodhsadaa.

< 伝道者の書 1 >