< 民数記 32 >
1 ルベンの子孫とガドの子孫とは非常に多くの家畜の群れを持っていた。彼らがヤゼルの地と、ギレアデの地とを見ると、そこは家畜を飼うのに適していたので、
Haddaba reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay lahaayeen xoolo faro badan, oo markay arkeen dalkii Yacser iyo dalkii Gilecaad inay meeshaasu xoolo u wanaagsan tahay,
2 ガドの子孫とルベンの子孫とがきて、モーセと、祭司エレアザルと、会衆のつかさたちとに言った、
ayay reer Gaad iyo reer Ruubeen u yimaadeen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo amiirradii shirka, oo waxay ku yidhaahdeen,
3 「アタロテ、デボン、ヤゼル、ニムラ、ヘシボン、エレアレ、シバム、ネボ、ベオン、
Cataarood, iyo Diboon, iyo Yacser, iyo Nimraah, iyo Xeshboon, iyo Elecaaleeh, iyo Sebaam, iyo Neboo, iyo Becon,
4 すなわち主がイスラエルの会衆の前に撃ち滅ぼされた国は、家畜を飼うのに適した地ですが、しもべらは家畜を持っています」。
oo ah dalkii Rabbigu wax kaga dhuftay reer binu Israa'iil hortooda waa dal xoolo u wanaagsan, oo annagoo addoommadaada ahuna xoolo baannu leennahay.
5 彼らはまた言った、「それでもし、あなたの恵みを得られますなら、どうぞこの地をしもべらの領地にして、われわれにヨルダンを渡らせないでください」。
Oo weliba waxay yidhaahdeen, Haddaad raalli naga tihiin, annagoo addoommadaada ah dalkan inaannu hantinno noo sii, oo Webi Urdun ha naga gudbin.
6 モーセはガドの子孫とルベンの子孫とに言った、「あなたがたは兄弟が戦いに行くのに、ここにすわっていようというのか。
Markaasaa Muuse wuxuu reer Gaad iyo reer Ruubeen ku yidhi, War, walaalihiin ma dagaalkay galayaan oo idinku aad iska fadhiisanaysaan?
7 どうしてあなたがたはイスラエルの人々の心をくじいて、主が彼らに与えられる地に渡ることができないようにするのか。
Oo maxaad reer binu Israa'iil uga qalbi jebinaysaan inay u gudbaan oo galaan dalkii Rabbigu iyaga siiyey?
8 あなたがたの先祖も、わたしがカデシ・バルネアから、その地を見るためにつかわした時に、同じようなことをした。
Aabbayaashiinna sidaasay yeeleen markaan iyaga ka diray Qaadeesh Barneeca inay dalka soo arkaan aawadeed.
9 すなわち彼らはエシコルの谷に行って、その地を見たとき、イスラエルの人々の心をくじいて、主が与えられる地に行くことができないようにした。
Waayo, markay tageen dooxadii Eshkol oo ay dalkii arkeen ayay reer binu Israa'iil qalbi jebiyeen si ayan u gelin dalkii Rabbigu iyaga siiyey.
10 そこでその時、主は怒りを発し、誓って言われた、
Maalintaas Rabbigu aad buu u cadhooday, oo intuu dhaartay ayuu yidhi,
11 『エジプトから出てきた人々で二十歳以上の者はひとりもわたしがアブラハム、イサク、ヤコブに誓った地を見ることはできない。彼らはわたしに従わなかったからである。
Hubaal dadkii Masar ka soo baxay intii labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn, midkoodna ma arki doono dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, maxaa yeelay, qalbiga igama ay wada raacin,
12 ただケニズびとエフンネの子カレブとヌンの子ヨシュアとはそうではない。このふたりは全く主に従ったからである』。
Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane; maxaa yeelay, iyagu qalbigay Rabbiga ka wada raaceen.
13 主はこのようにイスラエルにむかって怒りを発し、彼らを四十年のあいだ荒野にさまよわされたので、主の前に悪を行ったその世代の人々は、ついにみな滅びた。
Markaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil u cadhooday, oo wuxuu iyagii ka dhigay inay intii afartan sannadood ah cidlada hor iyo dib ugu warwareegaan, ilamaa qarnigii Rabbiga hortiisa xumaanta ku sameeyey oo dhan la wada baabbi'iyey.
14 あなたがたはその父に代って立った罪びとのやからであって、主のイスラエルに対する激しい怒りをさらに増そうとしている。
Haddaba bal eega, idinku meeshii aabbayaashiin baad ka kacdeen, oo waxaad tihiin niman dembi miidhan ah oo soo kordhay inaad Rabbiga kaga sii cadhaysiisaan reer binu Israa'iil.
15 あなたがたがもしそむいて主に従わないならば、主はまたこの民を荒野にすておかれるであろう。そうすればあなたがたはこの民をことごとく滅ぼすに至るであろう」。
Waayo, haddaad Rabbiga ka noqotaan, cidlada dhexdeeda ayuu haddana iyaga kaga tegi doonaa, oo dadkan oo dhan waad wada baabbi'in doontaan.
16 彼らはモーセのところへ進み寄って言った、「われわれはこの所に、群れのために羊のおりを建て、また子供たちのために町々を建てようと思います。
Markaasay isagii u soo dhowaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu halkanaannu xoolahayaga xeryo uga oodaynaa, dhallaankayagana magaalooyin waannu uga dhisaynaa,
17 しかし、われわれは武装してイスラエルの人々の前に進み、彼らをその所へ導いて行きましょう。ただわれわれの子供たちは、この地の住民の害をのがれるため、堅固な町々に住ませておかなければなりません。
laakiinse annaga qudhayadu diyaar baannu ahaanaynaa annagoo hub leh, oo reer binu Israa'iil baannu hor kacaynaa ilamaa aannu iyaga geeyno meeshoodii, oo kuwa dhulka deggan aawadood dhallaankayagu waxay deganaanayaan magaalooyinka deyrarka leh.
18 われわれはイスラエルの人々が、おのおのその嗣業を受けるまでは、家に帰りません。
Oo annagu guryahayaga ku soo noqon mayno ilamaa reer binu Israa'iil nin waluba dhaxalkiisa dhaxlo.
19 またわれわれはヨルダンのかなたで彼らとともには嗣業を受けません。われわれはヨルダンのこなた、すなわち東の方で嗣業を受けるからです」。
Waayo, annagu iyaga la dhaxli mayno Webi Urdun dhankiisa kale iyo xaggaas hore toona, maxaa yeelay, dhaxalkayagii wuxuu noogu dhacay Webi Urdun dhankiisan bari.
20 モーセは彼らに言った、「もし、あなたがたがそのようにし、みな武装して主の前に行って戦い、
Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad waxan samaynaysaan, oo aad Rabbiga hortiisa hub ugu qaadanaysaan dagaalka,
21 みな武装して主の前に行ってヨルダン川を渡り、主がその敵を自分の前から追い払われて、
oo aad raggiinna hubka leh oo dhammu Webi Urdun ku dhaafaysaan Rabbiga hortiisa ilamaa uu isagu cadaawayaashiisa ka wada eryo hortiisa,
22 この国が主の前に征服されて後、帰ってくるならば、あなたがたは主の前にも、イスラエルの前にも、とがめはないであろう。そしてこの地は主の前にあなたがたの所有となるであろう。
oo dalkana Rabbiga hortiisa lagaga adkaado, markaas dabadeed idinku waad soo noqonaysaan, oo xagga Rabbiga iyo reer binu Israa'iilba waad ka eedla'aanaysaan, oo dalkanuna Rabbiga hortiisa hanti buu idiinku ahaan doonaa.
23 しかし、そうしないならば、あなたがたは主にむかって罪を犯した者となり、その罪は必ず身に及ぶことを知らなければならない。
Laakiinse haddaydnan sidaas yeelin, bal eega, Rabbigaad ku dembaabteen, oo bal ogaada, dembigiinnuna wuu idinku soo bixi doonaa.
24 あなたがたは子供たちのために町々を建て、羊のために、おりを建てなさい。しかし、あなたがたは約束したことは行わなければならない」。
Haddaba dhallaankiinna magaalooyin u dhista, idihiinnana xeryo u oota, oo sameeya wixii afkiinna ka soo baxay.
25 ガドの子孫とルベンの子孫とは、モーセに言った、「しもべらはあなたの命じられたとおりにいたします。
Markaasaa reer Gaad iyo reer Ruubeen la hadleen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waannu samaynaynaa wixii aad nagu amartay, sayidkayagiiyow.
26 われわれの子供たちと妻と羊と、すべての家畜とは、このギレアデの町々に残します。
Haddaba dhallaankayaga, iyo afooyinkayaga, iyo idahayaga, iyo xoolahayaga oo dhammu halkaasay wada joogi doonaan xagga magaalooyinka Gilecaad;
27 しかし、しもべらはみな武装して、あなたの言われるとおり、主の前に渡って行って戦います」。
laakiinse annagoo addoommadaada ah kulli intayada dagaalka hub u leh oo dhammu Webi Urdun waannu gudbaynaa, oo Rabbiga hortiisa ayaannu ku dagaal galaynaa sidaad tidhi, sayidkayagiiyow.
28 モーセは彼らのことについて、祭司エレアザルと、ヌンの子ヨシュアと、イスラエルの人々の部族のうちの氏族のかしらたちとに命じた。
Sidaas daraaddeed ayaa Muuse amar iyaga ku saabsan siiyey wadaadkii Elecaasaar iyo Yashuuca ina Nuun iyo madaxdii reeraha qabiilooyinka reer binu Israa'iil.
29 そしてモーセは彼らに言った、「ガドの子孫と、ルベンの子孫とが、おのおの武装してあなたがたと一緒にヨルダンを渡り、主の前に戦って、その地をあなたがたが征服するならば、あなたがたは彼らにギレアデの地を領地として与えなければならない。
Oo Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddii reer Gaad iyo reer Ruubeen Webi Urdun idinla gudbaan, intooda Rabbiga hortiisa dagaalka hub u leh oo dhammu, oo dalka lagaga adkaado hortiinna, markaas waa inaad iyaga hanti u siisaan dalka Gilecaad.
30 しかし、もし彼らが武装してあなたがたと一緒に渡って行かないならば、彼らはカナンの地であなたがたのうちに領地を獲なければならない」。
Laakiinse haddayan idinla gudbin iyagoo hub leh, waxay hanti ku yeelan doonaan dhexdiinna dalka reer Kancaan.
31 ガドの子孫と、ルベンの子孫とは答えて言った、「しもべらは主が言われたとおりにいたします。
Markaasaa reer Gaad iyo reer Ruubeen u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sidii Rabbigu nagu yidhi, annagoo addoommadaada ah, ayaannu yeelaynaa.
32 われわれは武装して、主の前にカナンの地へ渡って行きますが、ヨルダンのこなたで、われわれの嗣業をもつことにします」。
Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan.
33 そこでモーセはガドの子孫と、ルベンの子孫と、ヨセフの子マナセの部族の半ばとに、アモリびとの王シホンの国と、バシャンの王オグの国とを与えた。すなわち、その国およびその領内の町々とその町々の周囲の地とを与えた。
Markaasaa Muuse reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh oo ahaa wiilkii Yuusuf badhkood wuxuu siiyey boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon boqortooyadiisii, iyo boqorkii Baashaan oo ahaa Coog boqortooyadiisii, oo wuxuu waddankii ugu qaybshay sidii ay ahaayeen magaalooyinka iyo soohdintoodii, xataa magaalooyinkii dalka iyaga ku wareegsan oo dhan.
34 こうしてガドの子孫は、デボン、アタロテ、アロエル、
Markaasaa reer Gaad waxay dhisteen Diboon, iyo Cataarood, iyo Carooceer,
iyo Catrood Shoofaan, iyo Yacser, iyo Yaagbehaah,
36 ベテニムラ、ベテハランなどの堅固な町々を建て、羊のおりを建てた。
iyo Beytnimraah, iyo Beyd Haaraan, kuwaasoo ah magaalooyin deyrar leh, iyo xeryo idaad.
37 またルベンの子孫は、ヘシボン、エレアレ、キリヤタイム、
Oo reer Ruubeenna waxay dhisteen Xeshboon, iyo Elecaaleeh, iyo Qiryaatayim,
38 および後に名を改めたネボと、バアル・メオンの町を建て、またシブマの町を建てた。彼らは建てた町々に新しい名を与えた。
iyo Neboo, iyo Bacal Mecoon, (kuwaasoo magacyadoodii la beddelay, ) iyo Sibmaah; oo magacyo kalay u bixiyeen magaalooyinkii ay dhisteen.
39 またマナセの子マキルの子孫はギレアデに行って、そこを取り、その住民アモリびとを追い払ったので、
Oo reer Maakiir oo ahaa Manaseh wiilkiisiina waxay tageen dalkii Gilecaad, oo way qabsadeen, oo dadkii reer Amor oo halkaas degganaa ayay hanti tireen.
40 モーセはギレアデをマナセの子マキルに与えてそこに住まわせた。
Oo Muuse wuxuu Gilecaad siiyey reer Maakiir oo ahaa wiilkii Manaseh, oo iyana halkaasay degeen.
41 またマナセの子ヤイルは行って村々を取り、それをハオテヤイルと名づけた。
Oo reer Yaa'iir ina Manasehna wuu tegey Gilecaad, oo magaalooyinkeedii qabsaday, oo wuxuu magacyadoodii u bixiyey Hawood Yaa'iir.
42 またノバは行ってケナテとその村々を取り、自分の名にしたがって、それをノバと名づけた。
Oo Nobaxna wuu tegey oo wuxuu qabsaday Qenaad iyo tuulooyinkeediiba, markaasuu u bixiyey magiciisa Nobax.