< マタイの福音書 15 >

1 ときに、パリサイ人と律法学者たちとが、エルサレムからイエスのもとにきて言った、
Markaas waxaa Yeruusaalem Ciise uga yimid niman Farrisiin iyo culimmo ah, oo waxay ku yidhaahdeen,
2 「あなたの弟子たちは、なぜ昔の人々の言伝えを破るのですか。彼らは食事の時に手を洗っていません」。
Xertaadu maxay xeerka waayeellada uga gudbaan? Waayo, ma faro xashaan goortay kibis cunayaan.
3 イエスは答えて言われた、「なぜ、あなたがたも自分たちの言伝えによって、神のいましめを破っているのか。
Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinkuba maxaad amarkii Ilaah uga gudubtaan xeerkiinna aawadiis?
4 神は言われた、『父と母とを敬え』、また『父または母をののしる者は、必ず死に定められる』と。
Waayo, Ilaah wuxuu amray, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Kan aabbihii ama hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado.
5 それだのに、あなたがたは『だれでも父または母にむかって、あなたにさしあげるはずのこのものは供え物です、と言えば、
Laakiin waxaad leedihiin, Kan aabbihii ama hooyadii ku yidhaahda, Wixii aan idiin tari lahaa, hadiyad baan Ilaah ugu bixiyey,
6 父または母を敬わなくてもよろしい』と言っている。こうしてあなたがたは自分たちの言伝えによって、神の言を無にしている。
aabbihii ama hooyadii maamuusi maayo. Xeerkiinna ayaad erayga Ilaah ku buriseen.
7 偽善者たちよ、イザヤがあなたがたについて、こういう適切な預言をしている、
Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi,
8 『この民は、口さきではわたしを敬うが、その心はわたしから遠く離れている。
Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.
9 人間のいましめを教として教え、無意味にわたしを拝んでいる』」。
Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.
10 それからイエスは群衆を呼び寄せて言われた、「聞いて悟るがよい。
Markaasuu dadkii badnaa u yeedhay oo ku yidhi, Maqla oo garta.
11 口にはいるものは人を汚すことはない。かえって、口から出るものが人を汚すのである」。
Ma aha waxa afka gala waxa ninka nijaaseeyaa, laakiin waxa afka ka soo baxa, kaas ayaa ninka nijaaseeya.
12 そのとき、弟子たちが近寄ってきてイエスに言った、「パリサイ人たちが御言を聞いてつまずいたことを、ご存じですか」。
Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Ma og tahay Farrisiintii inay ka xumaadeen markay hadalkii maqleen?
13 イエスは答えて言われた、「わたしの天の父がお植えにならなかったものは、みな抜き取られるであろう。
Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Geed walba oo aan Aabbahayga jannada ku jiraa abuurin waa la rujin doonaa.
14 彼らをそのままにしておけ。彼らは盲人を手引きする盲人である。もし盲人が盲人を手引きするなら、ふたりとも穴に落ち込むであろう」。
Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la' hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan.
15 ペテロが答えて言った、「その譬を説明してください」。
Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.
16 イエスは言われた、「あなたがたも、まだわからないのか。
Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garashola'aan baad tihiin?
17 口にはいってくるものは、みな腹の中にはいり、そして、外に出て行くことを知らないのか。
Miyaydnaan garanaynin, Wax kasta oo afka galaa calooshay tagaan, oo waxaa lagu tuuraa meesha lagu saxaroodo?
18 しかし、口から出て行くものは、心の中から出てくるのであって、それが人を汚すのである。
Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan; oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa.
19 というのは、悪い思い、すなわち、殺人、姦淫、不品行、盗み、偽証、誹りは、心の中から出てくるのであって、
Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda.
20 これらのものが人を汚すのである。しかし、洗わない手で食事することは、人を汚すのではない」。
Kuwan weeye waxa ninka nijaaseeyaa. Laakiin in lagu cuno faro aan la maydhin, ninka ma nijaasayso.
21 さて、イエスはそこを出て、ツロとシドンとの地方へ行かれた。
Ciise ayaa meeshaas ka baxay, oo dhinacyada Turos iyo Siidoon ayuu u leexday.
22 すると、そこへ、その地方出のカナンの女が出てきて、「主よ、ダビデの子よ、わたしをあわれんでください。娘が悪霊にとりつかれて苦しんでいます」と言って叫びつづけた。
Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya.
23 しかし、イエスはひと言もお答えにならなかった。そこで弟子たちがみもとにきて願って言った、「この女を追い払ってください。叫びながらついてきていますから」。
Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa.
24 するとイエスは答えて言われた、「わたしは、イスラエルの家の失われた羊以外の者には、つかわされていない」。
Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa'iil maahee.
25 しかし、女は近寄りイエスを拝して言った、「主よ、わたしをお助けください」。
Laakiin iyadu way u timid oo sujuudday, oo waxay tidhi, Sayidow, i caawi.
26 イエスは答えて言われた、「子供たちのパンを取って小犬に投げてやるのは、よろしくない」。
Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro.
27 すると女は言った、「主よ、お言葉どおりです。でも、小犬もその主人の食卓から落ちるパンくずは、いただきます」。
Waxay tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyahu waxay cunaan jajabka ka dhaca miiska sayidkooda.
28 そこでイエスは答えて言われた、「女よ、あなたの信仰は見あげたものである。あなたの願いどおりになるように」。その時に、娘はいやされた。
Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.
29 イエスはそこを去って、ガリラヤの海べに行き、それから山に登ってそこにすわられた。
Markaasaa Ciise halkaas ka tegey, oo wuxuu u soo dhowaaday badda Galili, oo buurtuu fuulay oo halkaasuu fadhiistay.
30 すると大ぜいの群衆が、足なえ、不具者、盲人、おし、そのほか多くの人々を連れてきて、イエスの足もとに置いたので、彼らをおいやしになった。
Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.
31 群衆は、おしが物を言い、不具者が直り、足なえが歩き、盲人が見えるようになったのを見て驚き、そしてイスラエルの神をほめたたえた。
Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.
32 イエスは弟子たちを呼び寄せて言われた、「この群衆がかわいそうである。もう三日間もわたしと一緒にいるのに、何も食べるものがない。しかし、彼らを空腹のままで帰らせたくはない。恐らく途中で弱り切ってしまうであろう」。
Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane.
33 弟子たちは言った、「荒野の中で、こんなに大ぜいの群衆にじゅうぶん食べさせるほどたくさんのパンを、どこで手に入れましょうか」。
Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?
34 イエスは弟子たちに「パンはいくつあるか」と尋ねられると、「七つあります。また小さい魚が少しあります」と答えた。
Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo waxoogaa kalluun yaryar ah.
35 そこでイエスは群衆に、地にすわるようにと命じ、
Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan.
36 七つのパンと魚とを取り、感謝してこれをさき、弟子たちにわたされ、弟子たちはこれを群衆にわけた。
Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen.
37 一同の者は食べて満腹した。そして残ったパンくずを集めると、七つのかごにいっぱいになった。
Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.
38 食べた者は、女と子供とを除いて四千人であった。
Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.
39 そこでイエスは群衆を解散させ、舟に乗ってマガダンの地方へ行かれた。
Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.

< マタイの福音書 15 >