< マルコの福音書 15 >

1 夜が明けるとすぐ、祭司長たちは長老、律法学者たち、および全議会と協議をこらした末、イエスを縛って引き出し、ピラトに渡した。
Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.
2 ピラトはイエスに尋ねた、「あなたがユダヤ人の王であるか」。イエスは、「そのとおりである」とお答えになった。
Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.
3 そこで祭司長たちは、イエスのことをいろいろと訴えた。
Markaasaa wadaaddadii sare wax badan ku ashtakeeyeen.
4 ピラトはもう一度イエスに尋ねた、「何も答えないのか。見よ、あなたに対してあんなにまで次々に訴えているではないか」。
Bilaatos baa kol dambe wax weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Bal eeg intii ay kugu ashtakaynayaan.
5 しかし、イエスはピラトが不思議に思うほどに、もう何もお答えにならなかった。
Laakiin Ciise weli waxba ugama jawaabin, sidaa darteed Bilaatos waa la yaabay.
6 さて、祭のたびごとに、ピラトは人々が願い出る囚人ひとりを、ゆるしてやることにしていた。
Iiddaas wuxuu iyaga u sii dayn jiray maxbuuskay doonayeen.
7 ここに、暴動を起し人殺しをしてつながれていた暴徒の中に、バラバという者がいた。
Markaasaa waxaa jiray nin Baraabbas la odhan jiray oo ahaa mid lala xidhay kuwii kula kacay oo wax dilay markii fidmaddu dhacday.
8 群衆が押しかけてきて、いつものとおりにしてほしいと要求しはじめたので、
Dadkii badnaa ayaa Bilaatos u kacay oo bilaabay inay doonaan inuu u sameeyo siduu u samayn jiray.
9 ピラトは彼らにむかって、「おまえたちはユダヤ人の王をゆるしてもらいたいのか」と言った。
Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorka Yuhuudda?
10 それは、祭司長たちがイエスを引きわたしたのは、ねたみのためであることが、ピラトにわかっていたからである。
Waayo, wuxuu ogaa wadaaddadii sare inay hinaaso ugu soo dhiibeen.
11 しかし祭司長たちは、バラバの方をゆるしてもらうように、群衆を煽動した。
Laakiin wadaaddadii sare ayaa dadka kiciyey, oo waxay yidhaahdeen inay u roon tahay inuu Baraabbas u sii daayo iyaga.
12 そこでピラトはまた彼らに言った、「それでは、おまえたちがユダヤ人の王と呼んでいるあの人は、どうしたらよいか」。
Bilaatos baa mar kale u jawaabay oo ku yidhi, Haddaba maxaad doonaysaan inaan ku sameeyo kan aad ugu yeedhaan Boqorka Yuhuudda?
13 彼らは、また叫んだ、「十字架につけよ」。
Iyaguna mar kale ayay ku qayliyeen, Iskutallaabta ku qodob.
14 ピラトは言った、「あの人は、いったい、どんな悪事をしたのか」。すると、彼らは一そう激しく叫んで、「十字架につけよ」と言った。
Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ku qodob.
15 それで、ピラトは群衆を満足させようと思って、バラバをゆるしてやり、イエスをむち打ったのち、十字架につけるために引きわたした。
Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sidaa darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
16 兵士たちはイエスを、邸宅、すなわち総督官邸の内に連れて行き、全部隊を呼び集めた。
Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan.
17 そしてイエスに紫の衣を着せ、いばらの冠を編んでかぶらせ、
Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen.
18 「ユダヤ人の王、ばんざい」と言って敬礼をしはじめた。
Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.
19 また、葦の棒でその頭をたたき、つばきをかけ、ひざまずいて拝んだりした。
Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen.
20 こうして、イエスを嘲弄したあげく、紫の衣をはぎとり、元の上着を着せた。それから、彼らはイエスを十字架につけるために引き出した。
Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.
21 そこへ、アレキサンデルとルポスとの父シモンというクレネ人が、郊外からきて通りかかったので、人々はイエスの十字架を無理に負わせた。
Waxaa ag marayay nin beeraha ka yimid, oo reer Kuranaya ah, oo Simoon la odhan jiray, oo ahaa aabbihii Aleksanderos iyo Rufus, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado.
22 そしてイエスをゴルゴタ、その意味は、されこうべ、という所に連れて行った。
Oo waxay u soo wadeen meel Golgota la odhan jiray, taasoo micneheedu yahay meeshii dhakada.
23 そしてイエスに、没薬をまぜたぶどう酒をさし出したが、お受けにならなかった。
Waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, laakiin ma uu qaadan.
24 それから、イエスを十字架につけた。そしてくじを引いて、だれが何を取るかを定めたうえ、イエスの着物を分けた。
Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami ku riteen mid kasta wuxuu qaadan lahaa.
25 イエスを十字架につけたのは、朝の九時ごろであった。
Waxayna ahayd saacaddii saddexaad oo iskutallaabta ay ku qodbeen.
26 イエスの罪状書きには「ユダヤ人の王」と、しるしてあった。
Waxaa lagu qoray meel ka korraysa isaga qorniinkii ashtakadiisii oo leh, BOQORKA YUHUUDDA.
27 また、イエスと共にふたりの強盗を、ひとりを右に、ひとりを左に、十字架につけた。〔
Markaasaa waxaa iskutallaabo lagula qodbay laba tuug, mid midigtiisa, midna bidixdiisa.
28 こうして「彼は罪人たちのひとりに数えられた」と書いてある言葉が成就したのである。〕
Oo waxaa rumoobay Qorniinkii yidhi, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha.
29 そこを通りかかった者たちは、頭を振りながら、イエスをののしって言った、「ああ、神殿を打ちこわして三日のうちに建てる者よ、
Oo kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow,
30 十字架からおりてきて自分を救え」。
isbadbaadi oo iskutallaabta ka soo deg.
31 祭司長たちも同じように、律法学者たちと一緒になって、かわるがわる嘲弄して言った、「他人を救ったが、自分自身を救うことができない。
Sidaas oo kalena ayaa wadaaddada sare dhexdooda ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmadaba, oo waxay yidhaahdeen, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo.
32 イスラエルの王キリスト、いま十字架からおりてみるがよい。それを見たら信じよう」。また、一緒に十字架につけられた者たちも、イエスをののしった。
Masiixa oo ah Boqorka Israa'iil haddeer iskutallaabta ha ka soo dego si aannu u aragno oo u rumaysanno. Kuwii iskutallaabaha lagula qodbayna ayaa caayay.
33 昼の十二時になると、全地は暗くなって、三時に及んだ。
Goortii saacaddii lixaad la gaadhay, dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa ilaa saacaddii sagaalaad.
34 そして三時に、イエスは大声で、「エロイ、エロイ、ラマ、サバクタニ」と叫ばれた。それは「わが神、わが神、どうしてわたしをお見捨てになったのですか」という意味である。
Saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani? taasoo micneheedu yahay, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
35 すると、そばに立っていたある人々が、これを聞いて言った、「そら、エリヤを呼んでいる」。
Kuwa ag taagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen yidhi, Eeg, wuxuu u yeedhayaa Eliyaas.
36 ひとりの人が走って行き、海綿に酢いぶどう酒を含ませて葦の棒につけ、イエスに飲ませようとして言った、「待て、エリヤが彼をおろしに来るかどうか、見ていよう」。
Mid baa orday, oo geed isbonji la yidhaahdo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo, wuxuuna yidhi, Daaya aannu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo soo dejiyo.
37 イエスは声高く叫んで、ついに息をひきとられた。
Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo ruuxii bixiyey.
38 そのとき、神殿の幕が上から下まで真二つに裂けた。
Markaasaa daahii macbudka kor ilaa hoos laba u kala dillaacay.
39 イエスにむかって立っていた百卒長は、このようにして息をひきとられたのを見て言った、「まことに、この人は神の子であった」。
Kolkaasaa boqol-u-taliyihii oo meel ku toosan taagnaa markuu arkay inuu sidaas ruuxiisii u baxshay, wuxuu yidhi, Runtii, ninkanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.
40 また、遠くの方から見ている女たちもいた。その中には、マグダラのマリヤ、小ヤコブとヨセとの母マリヤ、またサロメがいた。
Waxaana joogay dumar meel fog ka eegayay, oo waxaa ku dhex jirtay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub Yare iyo Yoosee hooyadood, iyo Saloome,
41 彼らはイエスがガリラヤにおられたとき、そのあとに従って仕えた女たちであった。なおそのほか、イエスと共にエルサレムに上ってきた多くの女たちもいた。
oo ah kuwa xataa intuu Galili joogay raaci jiray oo u adeegi jiray, iyo qaar kale oo badan oo Yeruusaalem u sii raacay.
42 さて、すでに夕がたになったが、その日は準備の日、すなわち安息日の前日であったので、
Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, taas oo ah maalinta sabtida ka horraysa, oo markii makhribkii la gaadhay,
43 アリマタヤのヨセフが大胆にもピラトの所へ行き、イエスのからだの引取りかたを願った。彼は地位の高い議員であって、彼自身、神の国を待ち望んでいる人であった。
waxaa yimid Yuusuf kii reer Arimataya oo ahaa taliye murwad leh, oo isna boqortooyadii Ilaah ayuu sugayay. Isagu wuxuu dhiranaan ugu galay Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii.
44 ピラトは、イエスがもはや死んでしまったのかと不審に思い、百卒長を呼んで、もう死んだのかと尋ねた。
Bilaatos waa yaabay inuu hadda dhintay. Markaasuu wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyihii oo weyddiiyey, Durba miyuu dhintay?
45 そして、百卒長から確かめた上、死体をヨセフに渡した。
Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey.
46 そこで、ヨセフは亜麻布を買い求め、イエスをとりおろして、その亜麻布に包み、岩を掘って造った墓に納め、墓の入口に石をころがしておいた。
Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.
47 マグダラのマリヤとヨセの母マリヤとは、イエスが納められた場所を見とどけた。
Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.

< マルコの福音書 15 >