< ヨシュア記 17 >
1 マナセの部族が、くじによって獲た地は、次のとおりである。マナセはヨセフの長子であった。マナセの長子で、ギレアデの父であるマキルは、軍人であったので、ギレアデとバシャンを獲た。
Oo intanuna waxay ahayd qaybtii qabiilka reer Manaseh, waayo, isagu wuxuu ahaa curadkii Yuusuf. Maakiir oo ahaa curadkii Manaseh oo aabbe u ahaa Gilecaad, wuxuu helay Gilecaad iyo Baashaan, maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa dagaalyahan.
2 マナセの部族の他のものにも、その家族にしたがって、地を与えたが、それは、アビエゼル、ヘレク、アスリエル、シケム、ヘペル、セミダで、これらはヨセフの子マナセの男の子孫であって、その家族にしたがって、あげたものである。
Oo reer Manaseh iyo reerahoodii intii hadhay iyana qayb bay heleen; kuwaas oo ahaa reer Abiiceser, iyo reer Xeeleq, iyo reer Asrii'eel, iyo reer Shekem, iyo reer Heefer, iyo reer Shemiidaac; intaasu waxay ahaayeen ilmihii labka ahaa ee Manaseh ina Yuusuf sidii reerahoodii ahaayeen.
3 しかし、マナセの子マキル、その子ギレアデ、その子ヘペル、その子であったゼロペハデには、女の子だけで、男の子がなかった。女の子たちの名は、マヘラ、ノア、ホグラ、ミルカ、テルザといった。
Laakiinse Seloofexaad ina Heefer, ina Gilecaad, ina Maakiir, ina Manaseh wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane, oo magacyadii gabdhihiisu waa kuwan: Maxlaah, Nocaah, Xoglaah, Milkaah, iyo Tirsaah.
4 彼女たちは、祭司エレアザル、ヌンの子ヨシュアおよび、つかさたちの前に進み出て、「わたしたちの兄弟と同じように、わたしたちにも、嗣業を与えよと、主はモーセに命じおきになりました」と言ったので、ヨシュアは主の命にしたがって、彼らの父の兄弟たちと同じように、彼女たちにも嗣業を与えた。
Oo waxay u dhowaadeen wadaadkii la odhan jiray Elecaasaar, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo amiirradii, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu Muuse ku amray inuu walaalahayo dhexdooda dhaxal naga siiyo. Oo sidaas daraaddeed amarkii Rabbiga aawadiis ayuu Yashuuca dhaxal ku siiyey walaalihii aabbahood dhexdooda.
5 こうしてマナセはヨルダンの向こう側で、ギレアデとバシャンの地のほかに、なお十の部分を獲た。
Oo reer Manaseh waxaa ku soo hagaagay toban meelood oo aan ahayn dalkii Gilecaad iyo Baashaan oo Webi Urdun ka shishaysa;
6 マナセの娘たちが、男の子らと共に、嗣業を獲たからである。ギレアデの地は、そのほかのマナセの子孫に分け与えられた。
maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.
7 マナセの獲た地の境は、アセルからシケムの東のミクメタテに及び、その境は南に延びて、エンタップアの住民に達する。
Oo soohdintii reer Manasehna waxay ahayd ilaa Aasheer iyo tan iyo Mikmetaah, taasoo ku hor taal Shekem, oo soohdintu waxay ka baxday xagga midigta, iyo ilaa dadkii degganaa Ceyn Tafuu'ax.
8 タップアの地はマナセに属していたが、マナセの境にあるタップアの町は、エフライムの子孫に属していた。
Oo dalkii Tafuu'axna waxaa iska lahaa reer Manaseh; laakiinse Tafuu'ax tii ku tiil soohdinta waxaa iska lahaa reer Efrayim.
9 またその境はカナの川に下って、川の南に至る。そこの町々はマナセの町々の中にあって、エフライムに属した。マナセの境は、川の北に沿って進み、海に達して尽きる。
Oo soohdintu waxay u baxday durdurkii Qaanaah, oo durdurka xagga koonfureed ka ahaa. Magaalooyinkaas ku dhex yiil magaalooyinkii reer Manaseh waxaa lahaa reer Efrayim. Soohdintii Efrayimna waxay ahayd durdurka xaggiisa woqooyi, oo waxaa soohdintii dhammaadkeedu ahaa badda.
10 その川の南の地は、エフライムに属し、北はマナセに属する。海がその境となる。マナセは北はアセルに接し、東はイッサカルに接する。
Dhanka koonfureed waxaa lahaa reer Efrayim, dhanka woqooyina waxaa lahaa reer Manaseh, oo badduna waxay ahayd soohdintiisa, oo waxay gaadheen ilaa reer Aasheer oo woqooyi jira, iyo tan iyo reer Isaakaar oo ku yaal xagga bari.
11 マナセはまたイッサカルとアセルの中に、ベテシャンとその村々、イブレアムとその村々、ドルの住民とその村々、エンドルの住民とその村々、タアナクの住民とその村々、メギドの住民とその村々を獲た。このうち第三のものは高地である。
Oo reer Manaseh waxay reer Isaakaar iyo reer Aasheer ku dhex lahaayeen Beytshe'aan, iyo magaalooyinkeedii oo dhan, iyo Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Ceyn Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Tacanaag, iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo xataa saddexdii meelood ee dhaadheerayd.
12 しかし、マナセの子孫は、これらの町々を取ることができなかったので、カナンびとは長くこの地に住み続けようとした。
Laakiin reer Manaseh ma ay eryi karin dadkii degganaa magaalooyinkaas; reer Kancaanse waxay doonayeen inay dalkaas sii degganaadaan.
13 しかし、イスラエルの人々が強くなるにしたがって、カナンびとを使役するようになり、ことごとく追い払うことはしなかった。
Oo markii reer binu Israa'iil aad u xoogaysteen ayay hawl saareen reer Kancaan, oo ma ay wada eryin.
14 ヨセフの子孫はヨシュアに言った、「主が今まで、わたしを祝福されたので、わたしは数の多い民となったのに、あなたはなぜ、わたしの嗣業として、ただ一つのくじ、一つの分だけを、くださったのですか」。
Oo reerkii Yuusuf Yashuuca bay la hadleen, oo ku yidhaahdeen, Maxaad qayb keliya dhaxal noogu siisay? Maxaa yeelay, annagu waxaannu nahay dad badan, oo Rabbigu waa na barakeeyey ilaa haatan.
15 ヨシュアは彼らに言った、「もしあなたが数の多い民ならば、林に上っていって、そこで、ペリジびとやレパイムびとの地を自分で切り開くがよい。エフライムの山地が、あなたがたには狭いのだから」。
Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad dad badan tihiin, haddaba kaca oo duudda taga, oo waxaad soo goosataan dalka reer Feris iyo kan reer Rafaa; maxaa yeelay, dalka buuraha leh oo reer Efrayim waa idinku cidhiidhi.
16 ヨセフの子孫は答えた、「山地はわたしどもに十分ではありません。かつまた平地におるカナンびとは、ベテシャンとその村々におるものも、エズレルの谷におるものも、みな鉄の戦車を持っています」。
Markaasaa reerkii Yuusuf waxay yidhaahdeen, Dalka buuraha lahu naguma filna; oo reer Kancaanka deggan dalka dooxada leh oo dhammu waxay leeyihiin gaadhifardood bir ah, kuwooda deggan Beytshe'aan iyo magaalooyinkeeda, iyo kuwooda deggan dooxadii Yesreceelba.
17 ヨシュアはまたヨセフの家、すなわちエフライムとマナセに言った、「あなたは数の多い民で、大きな力をもっています。それでただ一つのくじでは足りません。
Markaasaa Yashuuca wuxuu la hadlay reer Yuusuf, kuwaasoo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin dad badan, oo waxaad leedihiin xoog badan; haddaba qayb keliya heli maysaan;
18 山地をもあなたのものとしなければなりません。それは林ではあるが、切り開いて、向こうの端まで、自分のものとしなければなりません。カナンびとは鉄の戦車があって、強くはあるが、あなたはそれを追い払うことができます」。
laakiinse dalka buuraha leh idinkaa yeelan doona; waayo, in kastoo uu duud yahay, waad jari doontaan, oo meelaha laga baxona idinkaa yeelan doona, maxaa yeelay, waxaad eryi doontaan reer Kancaan in kastay leeyihiin gaadhifardood bir ah, oo ay xoog badan yihiin.