< ヨハネの福音書 3 >
1 パリサイ人のひとりで、その名をニコデモというユダヤ人の指導者があった。
Waxaa jiray nin ka mid ahaa Farrisiinta oo la odhan jiray Nikodemos oo Yuhuudda taliye u ahaa.
2 この人が夜イエスのもとにきて言った、「先生、わたしたちはあなたが神からこられた教師であることを知っています。神がご一緒でないなら、あなたがなさっておられるようなしるしは、だれにもできはしません」。
Isagu habeenkuu u yimid Ciise, wuxuuna ku yidhi, Macallimow, waannu og nahay inaad tahay macallin ka yimid Ilaah, waayo, ninna ma samayn karo calaamooyinkan aad samayso haddaan Ilaah la jirin.
3 イエスは答えて言われた、「よくよくあなたに言っておく。だれでも新しく生れなければ、神の国を見ることはできない」。
Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu mar kale dhalan, boqortooyadii Ilaah arki kari maayo.
4 ニコデモは言った、「人は年をとってから生れることが、どうしてできますか。もう一度、母の胎にはいって生れることができましょうか」。
Nikodemos wuxuu ku yidhi, Sidee baa nin mar kale u dhalan karaa isagoo duq ah? Miyuu mar kale uurkii hooyadiis geli karaa oo ka dhalan karaa?
5 イエスは答えられた、「よくよくあなたに言っておく。だれでも、水と霊とから生れなければ、神の国にはいることはできない。
Ciise baa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu ka dhalan biyo iyo Ruuxa, boqortooyadii Ilaah geli kari maayo.
6 肉から生れる者は肉であり、霊から生れる者は霊である。
Waxa jidhka ka dhashaa waa jidh, waxa Ruuxa ka dhashaana waa ruux.
7 あなたがたは新しく生れなければならないと、わたしが言ったからとて、不思議に思うには及ばない。
Ha la yaabin haddaan ku leeyahay, Waa inaad mar kale dhalataan.
8 風は思いのままに吹く。あなたはその音を聞くが、それがどこからきて、どこへ行くかは知らない。霊から生れる者もみな、それと同じである」。
Dabayshu way u dhacdaa meeshay doonto, waxaadna maqashaa xiinkeeda, laakiin ma ogid meeshay ka timaado iyo meeshay u kacdo; waa sidaas oo kale qof kasta oo Ruuxa ka dhasha.
9 ニコデモはイエスに答えて言った、「どうして、そんなことがあり得ましょうか」。
Nikodemos ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sidee baa waxyaalahaas u noqon karaan?
10 イエスは彼に答えて言われた、「あなたはイスラエルの教師でありながら、これぐらいのことがわからないのか。
Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad tahay macallinka Israa'iil, oo aadan weliba waxyaalahaasna garanayn?
11 よくよく言っておく。わたしたちは自分の知っていることを語り、また自分の見たことをあかししているのに、あなたがたはわたしたちのあかしを受けいれない。
Runtii, runtii, waxaan ku leeyahay, Waxaannu naqaan ayaannu ka hadalnaa, oo waxaannu aragnay ayaannu ka marag furnaa, idinkuna maraggayaga ma aqbashaan.
12 わたしが地上のことを語っているのに、あなたがたが信じないならば、天上のことを語った場合、どうしてそれを信じるだろうか。
Haddaan wixii dunida idiin sheegay oo aad rumaysan weydeen, sidee baad u rumaysanaysaan haddaan waxa jannada idiin sheego?
13 天から下ってきた者、すなわち人の子のほかには、だれも天に上った者はない。
Ninna jannada kor uma tegin, kii jannada ka soo degay maahee, waana Wiilka Aadanaha oo jannada jooga.
14 そして、ちょうどモーセが荒野でへびを上げたように、人の子もまた上げられなければならない。
Sidii Muuse abeesadii kor ugu qaaday cidlada, sidaasoo kale Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado,
15 それは彼を信じる者が、すべて永遠の命を得るためである」。 (aiōnios )
in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah. (aiōnios )
16 神はそのひとり子を賜わったほどに、この世を愛して下さった。それは御子を信じる者がひとりも滅びないで、永遠の命を得るためである。 (aiōnios )
Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah. (aiōnios )
17 神が御子を世につかわされたのは、世をさばくためではなく、御子によって、この世が救われるためである。
Ilaah Wiilka uguma soo dirin dunida inuu xukumo dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunidu ku badbaaddo isaga.
18 彼を信じる者は、さばかれない。信じない者は、すでにさばかれている。神のひとり子の名を信じることをしないからである。
Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay.
19 そのさばきというのは、光がこの世にきたのに、人々はそのおこないが悪いために、光よりもやみの方を愛したことである。
Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen.
20 悪を行っている者はみな光を憎む。そして、そのおこないが明るみに出されるのを恐れて、光にこようとはしない。
Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan.
21 しかし、真理を行っている者は光に来る。その人のおこないの、神にあってなされたということが、明らかにされるためである。
Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.
22 こののち、イエスは弟子たちとユダヤの地に行き、彼らと一緒にそこに滞在して、バプテスマを授けておられた。
Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.
23 ヨハネもサリムに近いアイノンで、バプテスマを授けていた。そこには水がたくさんあったからである。人々がぞくぞくとやってきてバプテスマを受けていた。
Yooxanaana wuxuu dad ku baabtiisayay Caynoon oo ku dhow Saalim, waayo, meeshaasu waxay lahayd biyo badan, iyaguna way yimaadeen, waana la baabtiisay.
24 そのとき、ヨハネはまだ獄に入れられてはいなかった。
Waayo, Yooxanaa weli xabsiga laguma tuurin.
25 ところが、ヨハネの弟子たちとひとりのユダヤ人との間に、きよめのことで争論が起った。
Sidaa aawadeed waxaa ka dhex kacay Yooxanaa xertiisii iyo nin Yuhuudi ahaa weyddiis oo daahirinta ku saabsan.
26 そこで彼らはヨハネのところにきて言った、「先生、ごらん下さい。ヨルダンの向こうであなたと一緒にいたことがあり、そして、あなたがあかしをしておられたあのかたが、バプテスマを授けており、皆の者が、そのかたのところへ出かけています」。
Markaasay u yimaadeen Yooxanaa oo ku yidhaahdeen, Macallimow, kii kula jiray Webi Urdun shishadiisa oo aad marag u furtay ayaa dad baabtiisaya, oo dadka oo dhan way u imanayaan.
27 ヨハネは答えて言った、「人は天から与えられなければ、何ものも受けることはできない。
Yooxanaa waa u jawaabay oo ku yidhi, Ninna waxba ma heli karo haddaan jannada laga siin.
28 『わたしはキリストではなく、そのかたよりも先につかわされた者である』と言ったことをあかししてくれるのは、あなたがた自身である。
Idinka qudhiinnu markhaatiyaal baad tihiin inaan idhi, Anigu ma ihi Masiixa, laakiin hortiisa ayaa lay soo diray.
29 花嫁をもつ者は花婿である。花婿の友人は立って彼の声を聞き、その声を聞いて大いに喜ぶ。こうして、この喜びはわたしに満ち足りている。
Kii aroosadda qabaa waa arooska, laakiin saaxiibka arooska oo ag taagan oo maqla isaga, aad buu ugu farxaa codkii arooska daraaddiis. Sidaa aawadeed farxaddaydu waa dhan tahay.
Isagu waa inuu kordho, aniguse waa inaan yaraado.
31 上から来る者は、すべてのものの上にある。地から出る者は、地に属する者であって、地のことを語る。天から来る者は、すべてのものの上にある。
Kii xagga sare ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa; kii dunida ka yimaadaana waa kii dunida, oo wuxuu ka hadlaa dunida. Kii jannada ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa.
32 彼はその見たところ、聞いたところをあかししているが、だれもそのあかしを受けいれない。
Wuxuu arkay oo maqlay waxaas ayuu ka marag furaa, ninnana maraggiisa ma aqbalo.
33 しかし、そのあかしを受けいれる者は、神がまことであることを、たしかに認めたのである。
Kii maraggiisa aqbalay wuxuu xaqiijiyey in Ilaah run yahay.
34 神がおつかわしになったかたは、神の言葉を語る。神は聖霊を限りなく賜うからである。
Waayo, kii Ilaah soo diray ayaa ereygii Ilaah ku hadla, maxaa yeelay, isagu qiyaas kuma siiyo Ruuxa.
35 父は御子を愛して、万物をその手にお与えになった。
Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey.
36 御子を信じる者は永遠の命をもつ。御子に従わない者は、命にあずかることがないばかりか、神の怒りがその上にとどまるのである」。 (aiōnios )
Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga. (aiōnios )