< テサロニケ人への手紙第一 5 >

1 兄弟たちよ。その時期と場合とについては、書きおくる必要はない。
Walaalayaalow, uma baahnidin in laydiin soo qoro wax ku saabsan wakhtiyada iyo xilliyada.
2 あなたがた自身がよく知っているとおり、主の日は盗人が夜くるように来る。
Waayo, idinka qudhiinnuba qummaati baad u garanaysaan inay maalinta Rabbigu u imanayso sida tuug habeen u yimaado.
3 人々が平和だ無事だと言っているその矢先に、ちょうど妊婦に産みの苦しみが臨むように、突如として滅びが彼らをおそって来る。そして、それからのがれることは決してできない。
Markay leeyihiin, Waa nabad iyo salaamad, kolkaasaa filashola'aan halaaggu u qaban doonaa sida fooshu naag uur leh u qabato; iyaguna sinaba ugama baxsan doonaan.
4 しかし兄弟たちよ。あなたがたは暗やみの中にいないのだから、その日が、盗人のようにあなたがたを不意に襲うことはないであろう。
Laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato.
5 あなたがたはみな光の子であり、昼の子なのである。わたしたちは、夜の者でもやみの者でもない。
Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka;
6 だから、ほかの人々のように眠っていないで、目をさまして慎んでいよう。
sidaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno.
7 眠る者は夜眠り、酔う者は夜酔うのである。
Waayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan.
8 しかし、わたしたちは昼の者なのだから、信仰と愛との胸当を身につけ、救の望みのかぶとをかぶって、慎んでいよう。
Laakiin innagoo kuwa maalinta ah aan feeyignaanno, oo gashanno hubka laabta oo rumaysadka iyo jacaylka ah iyo koofiyadda rajada badbaadada ah.
9 神は、わたしたちを怒りにあわせるように定められたのではなく、わたしたちの主イエス・キリストによって救を得るように定められたのである。
Waayo, Ilaah inooma uu dooran cadhada, laakiinse wuxuu inoo doortay inaynu ku badbaadno Rabbigeenna Ciise Masiix,
10 キリストがわたしたちのために死なれたのは、さめていても眠っていても、わたしたちが主と共に生きるためである。
kan inoo dhintay, inaynu la wada noolaanno isaga, haddaynu nool nahay iyo haddaynu dhimannoba.
11 だから、あなたがたは、今しているように、互に慰め合い、相互の徳を高めなさい。
Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.
12 兄弟たちよ。わたしたちはお願いする。どうか、あなたがたの間で労し、主にあってあなたがたを指導し、かつ訓戒している人々を重んじ、
Laakiinse waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow, inaad maamuustaan kuwa idinku dhex hawshooda, oo xagga Rabbiga idinkaga sarreeya oo idinla taliya;
13 彼らの働きを思って、特に愛し敬いなさい。互に平和に過ごしなさい。
oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.
14 兄弟たちよ。あなたがたにお勧めする。怠惰な者を戒め、小心な者を励まし、弱い者を助け、すべての人に対して寛容でありなさい。
Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.
15 だれも悪をもって悪に報いないように心がけ、お互に、またみんなに対して、いつも善を追い求めなさい。
Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.
16 いつも喜んでいなさい。
Had iyo goorba farxa.
17 絶えず祈りなさい。
Joogsila'aanna tukada.
18 すべての事について、感謝しなさい。これが、キリスト・イエスにあって、神があなたがたに求めておられることである。
Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.
19 御霊を消してはいけない。
Ruuxa ha deminina.
20 預言を軽んじてはならない。
Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.
21 すべてのものを識別して、良いものを守り、
Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.
22 あらゆる種類の悪から遠ざかりなさい。
Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.
23 どうか、平和の神ご自身が、あなたがたを全くきよめて下さるように。また、あなたがたの霊と心とからだとを完全に守って、わたしたちの主イエス・キリストの来臨のときに、責められるところのない者にして下さるように。
Ilaaha nabadda qudhiisu quduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.
24 あなたがたを召されたかたは真実であられるから、このことをして下さるであろう。
Kan idiin yeedhaa waa aamin, wuuna samayn doonaa.
25 兄弟たちよ。わたしたちのためにも、祈ってほしい。
Walaalayaalow, noo soo duceeya.
26 すべての兄弟たちに、きよい接吻をもって、よろしく伝えてほしい。
Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.
27 わたしは主によって命じる。この手紙を、みんなの兄弟に読み聞かせなさい。
Rabbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.
28 わたしたちの主イエス・キリストの恵みが、あなたがたと共にあるように。
Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

< テサロニケ人への手紙第一 5 >