< 列王記Ⅰ 4 >
Oo Boqor Sulaymaanna boqor buu u ahaa dadkii Israa'iil oo dhan.
2 彼の高官たちは次のとおりである。ザドクの子アザリヤは祭司。
Oo kuwanuna amiirradiisii bay ahaayeen, Casaryaah oo uu dhalay wadaadkii Saadooq ahaa,
3 シシャの子エリホレフとアヒヤは書記官。アヒルデの子ヨシャバテは史官。
Eliixoref iyo Axiiyaah oo ahaa ilma Shiisha waxay ahaayeen karraaniyo, Yehooshaafaad ina Axiiluudna wuxuu ahaa taariikhdhige;
4 エホヤダの子ベナヤは軍の長。ザドクとアビヤタルは祭司。
Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey ciidanka; oo Saadooq iyo Aabyaataarna waxay ahaayeen wadaaddo;
5 ナタンの子アザリヤは代官の長。ナタンの子ザブデは祭司で、王の友であった。
oo Casaryaah ina Naataanna wuxuu u sarreeyey saraakiisha; oo Saabuud ina Naataanna wuxuu ahaa wadaad, boqorkana saaxiib buu la ahaa;
6 アヒシャルは宮内卿。アブダの子アドニラムは徴募の長であった。
oo Axiishaarna wuxuu u sarreeyey shuqulka guriga; oo Adoniiraam ina Cabdaana wuxuu ahaa gabbaroqaade.
7 ソロモンはまたイスラエルの全地に十二人の代官を置いた。その人々は王とその家のために食物を備えた。すなわちおのおの一年に一月ずつ食物を備えるのであった。
Oo Sulaymaan wuxuu lahaa laba iyo toban wakiil oo dalka Israa'iil oo dhan u sarreeya, oo cunto u keena boqorka iyo reerkiisaba; oo nin kasta sannaddiiba bil buu masruufi jiray reer boqor.
8 その名は次のとおりである。エフライムの山地にはベンホル。
Haddaba waa kuwan magacyadoodii: Benxuur oo wakiil ka ahaa dalka buuraha leh oo Efrayim;
9 マカヅと、シャラビムと、ベテシメシと、エロン・ベテハナンにはベンデケル。
Bendeqer oo wakiil ka ahaa Maqas, iyo Shacalbiim, iyo Beytshemesh iyo Eeloon Beytxaanaan;
10 アルボテにはベンヘセデ、(彼はソコとヘペルの全地を担当した)。
Benxesed oo wakiil ka ahaa Arubood oo lahaa Sokoh iyo dalka Heefer oo dhan;
11 ドルの高地の全部にはベン・アビナダブ、(彼はソロモンの娘タパテを妻とした)。
Benabiinaadaab oo wakiil ka ahaa meelaha dhaadheer ee Door oo dhan, oo wuxuu qabay Taafad oo ahayd ina Sulaymaan,
12 アヒルデの子バアナはタアナクとメギドと、エズレルの下、ザレタンのかたわらにあるベテシャンの全地を担当して、ベテシャンからアベル・メホラに至り、ヨクメアムの向こうにまで及んだ。
iyo Bacanaa ina Axiiluud oo wakiil ka ahaa Tacanaag iyo Megiddoo, iyo Beytshe'aan oo dhan oo ku ag taal Saaretaan, Yesreceel hoosteeda, laga soo bilaabo Beytshe'aan ilaa Aabeel Mehoolaah, iyo tan iyo Yoqmecaam shishadeeda;
13 ラモテ・ギレアデにはベンゲベル、(彼はギレアデにあるマナセの子ヤイルの村々を担当し、またバシャンにあるアルゴブの地方の城壁と青銅の貫の木のある大きな町六十を担当した)。
Bengeber oo wakiil ka ahaa Raamod Gilecaad, oo lahaa magaalooyinka Yaa'iir ina Manaseh oo Gilecaad ku yaal oo dhan; oo isagu xataa wuxuu wakiil ka ahaa gobolka Argob oo ku yaal Baashaan, oo lahaa lixdan magaalo oo waaweyn oo derbi ku wareegsan yahay iyo biro naxaas ah.
Axiinaadaab ina Iddo oo Maxanayim wakiil ka ahaa;
15 ナフタリにはアヒマアズ、(彼もソロモンの娘バスマテを妻にめとった)。
iyo Axiimacas oo wakiil ka ahaa Naftaali oo isna qabay Sulaymaan gabadhiisii Basemad ahayd;
iyo Bacanaa ina Xuushay oo wakiil ka ahaa Aasheer iyo Becaalood;
iyo Yehooshaafaad ina Faaruu'ax oo Isaakaar wakiil ka ahaa;
iyo Shimcii ina Eelaa, oo reer Benyaamiin wakiil ka ahaa:
19 アモリびとの王シホンの地およびバシャンの王オグの地なるギレアデの地にはウリの子ゲベル。彼はその地のただひとりの代官であった。
iyo Geber ina Uurii oo wakiil ka ahaa dalka Gilecaad oo ah waddankii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, iyo waddankii Coog boqorkii Baashaan. Oo dalkaas oo dhan keligii baa wakiil ka ahaa.
20 ユダとイスラエルの人々は多くて、海べの砂のようであったが、彼らは飲み食いして楽しんだ。
Oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna waxay u faro badnaayeen sida cammuudda badda xeebteeda taal, oo wax bay cunayeen, wax bayna cabbayeen, wayna farxayeen.
21 ソロモンはユフラテ川からペリシテびとの地と、エジプトの境に至るまでの諸国を治めたので、皆みつぎ物を携えてきて、ソロモンの一生のあいだ仕えた。
Oo Sulaymaanna wuxuu xukumi jiray boqortooyooyinkii oo dhan tan iyo Webiga iyo ilaa dalka reer Falastiin, iyo tan iyo soohdinta Masar, oo waxay Sulaymaan u keeni jireen hadiyado, wayna u adeegi jireen intuu noolaa oo dhan.
22 さてソロモンの一日の食物は細かい麦粉三十コル、荒い麦粉六十コル、
Oo Sulaymaan maalintiiba wuxuu masruufan jiray soddon kor oo bur ah, iyo lixdan kor oo jidhiidh ah,
23 肥えた牛十頭、牧場の牛二十頭、羊百頭で、そのほかに雄じか、かもしか、こじか、および肥えた鳥があった。
iyo toban dibi oo buurbuuran, iyo labaatan dibi oo daaqa laga soo bixiyey, iyo boqol neef oo ido ah, oo ayan ku jirin deerooyin, cawl, iyo dibtaago, iyo digaag la cayiliyey.
24 これはソロモンがユフラテ川の西の地方をテフサからガザまで、ことごとく治めたからである。すなわち彼はユフラテ川の西の諸王をことごとく治め、周囲至る所に平安を得た。
Waayo, isagaa xukumay Webiga dhankiisan oo dhan, marka laga bilaabo Tifsax iyo ilaa Gaasa, iyo kulli boqorradii webiga dhankiisan joogay oo dhan; oo hareerihiisa oo dhanna nabad buu la ahaa.
25 ソロモンの一生の間、ユダとイスラエルはダンからベエルシバに至るまで、安らかにおのおの自分たちのぶどうの木の下と、いちじくの木の下に住んだ。
Oo wakhtigii Sulaymaan oo dhan dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna ammaan bay ku degganaayeen, oo nin waluba wuxuu hoos fadhiyey geedkiisii canabka ahaa iyo geedkiisii berdaha ahaa marka laga bilaabo Daan iyo xataa ilaa Bi'ir Shebac.
26 ソロモンはまた戦車の馬の、うまや四千と、騎兵一万二千を持っていた。
Oo Sulaymaanna wuxuu gaadhifardoodkiisii u haystay afartan kun oo xero oo fardo ah iyo laba iyo toban kun oo fardooley ah.
27 そしてそれらの代官たちはおのおの当番の月にソロモン王のため、およびすべてソロモン王の食卓に連なる者のために、食物を備えて欠けることのないようにした。
Oo wakiilladaasuna waxay masruuf u keeni jireen Boqor Sulaymaan, iyo intii Boqor Sulaymaan miiskiisii timid oo dhan, wakiil waluba bishiisii, oo ma ay oggolaanin in wax ka dhinmo.
28 また彼らはおのおのその割当にしたがって馬および早馬に食わせる大麦とわらを、その馬のいる所に持ってきた。
Oo meesha wakiilladu joogaan ayay fardaha iyo rakuubbada ugu keeni jireen shaciir iyo caws, nin waluba intii lagu amray.
29 神はソロモンに非常に多くの知恵と悟りを授け、また海べの砂原のように広い心を授けられた。
Oo Ilaahna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad iyo waxgarasho aad iyo aad u badan, iyo qalbi ballaadhan, kuwaasoo badan sida cammuudda badda xeebteeda taal.
30 ソロモンの知恵は東の人々の知恵とエジプトのすべての知恵にまさった。
Oo Sulaymaan xigmaddiisiina waxay ka fiicnaatay xigmaddii dadka bari oo dhan, iyo xigmaddii Masar oo dhan,
31 彼はすべての人よりも賢く、エズラびとエタンよりも、またマホルの子ヘマン、カルコル、ダルダよりも賢く、その名声は周囲のすべての国々に聞えた。
maxaa yeelay, isagu wuu ka xigmad badnaa dadka oo dhan, oo xataa wuu ka xigmad badnaa Eetaankii reer Esraax, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Dardaac, kuwaasoo ahaa ilma Maaxool; oo warkiisiina wuxuu gaadhay quruumihii hareerihiisa ku wareegsanaa oo dhan.
32 彼はまた箴言三千を説いた。またその歌は一千五首あった。
Oo wuxuu ku hadlay saddex kun oo maahmaahood; oo gabayadiisuna waxay ahaayeen kun iyo shan.
33 彼はまた草木のことを論じてレバノンの香柏から石がきにはえるヒソプにまで及んだ。彼はまた獣と鳥と這うものと魚のことを論じた。
Oo wuxuu ka hadlay geedaha, intuu ka bilaabay Kedarka Lubnaan ku yaal, ilaa uu gaadhay husobka derbiga ka soo baxa; oo dugaaggana wuu ka hadlay, iyo haadka, iyo waxyaalaha gurguurta, iyo kalluunka.
34 諸国の人々はソロモンの知恵を聞くためにきた。地の諸王はソロモンの知恵を聞いて人をつかわした。
Oo qaar baa ka yimid dadyowga oo dhan, inay maqlaan xigmadda Sulaymaan kuwaasoo ka yimid boqorradii dunida oo dhan ee xigmaddiisa maqlay.