< 歴代誌Ⅰ 23 >

1 ダビデは老い、その日が満ちたので、その子ソロモンをイスラエルの王とした。
Haddaba Daa'uud wuu gaboobay, wuuna da' weynaa, markaasuu reer binu Israa'iil boqor uga dhigay wiilkiisii Sulaymaan.
2 ダビデはイスラエルのすべてのつかさおよび祭司とレビびとを集めた。
Oo wuxuu soo wada ururiyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba.
3 レビびとの三十歳以上のものを数えると、その男の数が三万八千人あった。
Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin.
4 ダビデは言った、「そのうち二万四千人は主の家の仕事をつかさどり、六千人はつかさびと、およびさばきびととなり、
Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno,
5 四千人は門を守る者となり、また四千人はさんびのためにわたしの造った楽器で主をたたえよ」。
oo afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi.
6 そしてダビデは彼らをレビの子らにしたがってゲルション、コハテ、メラリの組に分けた。
Oo Daa'uud wuxuu iyagii u kala qaybiyey koox koox sidii ay ahaayeen wiilashii Laawi, kuwaas oo ahaa: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.
7 ゲルションの子らはラダンとシメイ。
Reer Gershoon waxaa ahaa Lacdaan iyo Shimcii.
8 ラダンの子らは、かしらのエヒエルとゼタムとヨエルの三人。
Wiilashii Lacdaan waxay ahaayeen saddex, waana Yexii'eel oo madax ahaa, iyo Seetaam, iyo Yoo'eel.
9 シメイの子らはシロミテ、ハジエル、ハランの三人。これらはラダンの氏族の長であった。
Wiilashii Shimciina waxay ahaayeen saddex, waana Shelomood, iyo Xasii'eel, iyo Xaaraan, kuwaasu waxay ahaayeen madaxdii qolooyinkii reer Lacdaan.
10 シメイの子らはヤハテ、ジナ、エウシ、ベリアの四人。皆シメイの子で、
Oo waxaa wiilashii Shimcii ahaa Yaaxad, iyo Siinaa, iyo Yecuush, iyo Beriicaah. Afartaasuba waxay ahaayeen wiilashii Shimcii.
11 ヤハテはかしら、ジザはその次、エウシとベリアは子が多くなかったので、ともに数えられて一つの氏族となった。
Oo waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer.
12 コハテの子らはアムラム、イヅハル、ヘブロン、ウジエルの四人。
Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen afar, waana Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon iyo Cusii'eel.
13 アムラムの子らはアロンとモーセである。アロンはその子らとともに、ながくいと聖なるものを聖別するために分かたれて、主の前に香をたき、主に仕え、常に主の名をもって祝福することをなした。
Wiilashii Camraamna waxay ahaayeen Haaruun iyo Muuse, oo Haaruun waxaa gooni looga dhigay inay isagii iyo wiilashiisuba weligood quduus ka dhigaan waxyaalaha ugu wada quduusan iyo inay Rabbiga hortiisa foox ku shidaan, oo ay u adeegaan oo ay weligoodba magiciisa ku duceeyaan.
14 神の人モーセの子らはレビの部族のうちに数えられた。
Laakiinse Muuse oo ahaa nin Ilaah wiilashiisii waxaa lagu tiriyey qabiilka reer Laawi.
15 モーセの子らはゲルションとエリエゼル。
Wiilashii Muusena waxay ahaayeen Gershoom iyo Eliiceser.
16 ゲルションの子らは、かしらはシブエル。
Ina Gershoomna wuxuu ahaa Shebuu'eel oo madax ahaa.
17 エリエゼルの子らは、かしらはレハビヤ。エリエゼルにはこのほかに子がなかった。しかしレハビヤの子らは非常に多かった。
Ina Eliiceserna wuxuu ahaa Rexabyaah oo madax ahaa. Oo Eliiceser innaba wiilal kale ma lahayn, laakiinse Rexabyaah wiilashiisu aad bay u badnaayeen.
18 イヅハルの子らは、かしらはシロミテ。
Ina Isehaarna wuxuu ahaa Shelomiid oo madax ahaa.
19 ヘブロンの子らは長子はエリヤ、次はアマリヤ、第三はヤハジエル、第四はエカメアム。
Wiilashii Xebroonna waxay ahaayeen Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.
20 ウジエルの子らは、かしらはミカ、次はイシアである。
Wiilashii Cusii'eelna waxay ahaayeen Miikaah oo madax ahaa, iyo Yishiyaah oo ahaa kii labaad.
21 メラリの子らはマヘリとムシ。マヘリの子らはエレアザルとキシ。
Wiilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Wiilashii Maxliina waxay ahaayeen Elecaasaar iyo Qiish.
22 エレアザルは男の子がなくて死に、ただ娘たちだけであったが、キシの子であるその身内の男たちが彼女たちをめとった。
Oo Elecaasaarna wuxuu dhintay isagoo gabdho keliya mooyaane aan wiilal lahayn, oo waxaa gabdhihiisii guursaday reer Qiish oo ahaa ilma-adeerradood.
23 ムシの子らはマヘリ、エデル、エレモテの三人である。
Wiilashii Mushiina waxay ahaayeen saddex, waana Maxlii iyo Ceeder iyo Yereemood.
24 これらはその氏族によるレビの子孫であって、その人数が数えられ、その名がしるされて、主の家の務をなした二十歳以上の者で、氏族の長であった。
Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.
25 ダビデは言った、「イスラエルの神、主はその民に平安を与え、ながくエルサレムに住まわれる。
Waayo, Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil dadkiisuu nasiyey, oo weligiis wuxuu deggan yahay Yeruusaalem.
26 レビびとは重ねて幕屋およびその勤めの器物をかつぐことはない。
Weliba reer Laawina mar dambe uma baahan doonaan inay qaadaan taambuugga iyo weelashiisa lagaga adeego oo dhan.
27 ダビデの最後の言葉によって、レビびとは二十歳以上の者が数えられた
Oo Daa'uud dardaarankiisii ayaa reer Laawi lagu tiriyey, intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.
28 彼らの務はアロンの子孫を助けて主の家の働きをし、庭とへやの仕事およびすべての聖なるものを清めること、そのほか、すべて神の家の働きをすることである。
Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga.
29 また供えのパン、素祭の麦粉、種入れぬ菓子、焼いた供え物、油をまぜた供え物をつかさどり、またすべて分量および大きさを量ることをつかさどり、
Oo weliba waxay kala hagaajin jireen kibistii tusniinta iyo burkii laga dhigi jiray qurbaan jidhiidh ah, hadduu ahaa kibis aan khamiir lahayn ama tii digsiga lagu dubi jiray, amase tii la qoyn jiray, iyo cayn kasta oo ah qiyaas iyo miisaan,
30 また朝ごとに立って主に感謝し、さんびし、夕にもまたそのようにし、
iyo inay subax kasta u istaagaan inay Rabbiga ku mahadnaqaan oo ammaanaan, oo haddana habeenkiina saasoo kalay yeeli jireen.
31 また安息日と新月と祭日に、主にもろもろの燔祭をささげるときは、絶えず主の前にその命じられた数にしたがってささげなければならない。
Oo haddana waxay had iyo goor Rabbiga hortiisa ku bixin jireen qurbaanno la gubo oo dhan, waxayna bixin jireen sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha, waxayna u bixin jireen si waafaqsan tiradoodii qaynuunka ku qornayd,
32 このようにして彼らは会見の幕屋と聖所の務を守り、主の家の働きのためにその兄弟であるアロンの子らに仕えなければならない」。
wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.

< 歴代誌Ⅰ 23 >